Wednesday, 31 May 2017

Qoraalkan waxaa laga soo tarjumay kitaabka la yiraahdo Park’s textbook of preventive and social medicine. Waa kitaab uu qoray K. Park, oo ka hadlaya cilmiga ka hortagga “preventive”, iyo caafimaadka bulshada. Waa kitaabka number 1 ee qaybtan reference ahaan loo isticmaalo, marka waxaan rajaynaynaa inaad ka heshaan.
 1.Maxay tahay Cholera ama shuban biyood?
Waa cudur ay sababto bakteeriyada ama jeermiska loo yaqaan vibrio cholera, oo sababa shuban biyood bulshada ku dhex faafa. Badanaa waxaa la dareemaa mushkilada koolerada markuu safmar dhoco, oo dad badan ay u dhintaan.
Qofka markuu qaado jeermiska, wuxuu huurinayaa dhowr saacadood illaa maalin wakhti la eg, oo markaa ka dib ay soo baxayso calaamadihii cudurka haddii la helo shuruudo dhowr ah.
Shuban biyood ba'an oo qofku illaa 40 jeer uu galayo suuliga, oo uu xigo matag, fuuq-bax, muruq xanuun iyo kaadi yaraan baa ugu muhimsan calaamadaha laga arkayo bukaanka. Haddii bukaanka markaa si dagdag ah aanan loogu celin biyihii ka lumay waxaa dhacda inuu u dhinto fuuqbax 40%.
   2.Safmarka koolerada:
Cudurkani siyaabo badan buu ku dhacaa markii laga hadlayo deegaanka uu asiibayo. Saf-mar "epidemic or outbreak" waxaa looga dan leeyahay in mar quran iyadoon digniin aanay jirin uu cudurku dillaaco isagoo abuuraya mushkilo baaxad wayn oo keenta jirro iyo geeri badan oo ku dhacda dadka deegaankaas uu ka dhacay daggan. Laba arrimood baa xaddidaya dhibaatada waynankeeda; midi waxay ku xirantahay jeermiska masuulka ka ah awooddiisa adkaysi "virulence and resistence" iyo tirada jeermiska loo baahanyahay si cudur xun u dhoco. Tan kale waa deegaanka iyo siday diyaar ugu yihiin dadka daggan deegaankaasi, sida nadaafadda iyo aqoonta ay leeyihiin. Si kastaba ha ahaatee, inkastoo aan la joojin Karin koolera hadday deegaan gasho laakin, laakin ma sababi karto dhibaato badan haddii la helo nadaafad guud iyo mid gaar ahaaneed oo fiican.
Safmarku wuxuu ku fiicanyahay in si dhakhso ah uu ku gaaro meeshiisa ugu sarraysa "peak" uuna durbo hoos u soo dhoco, sababtoo ah qayb badan oo bulshada ka mid ah baa noqonaysa waxa loo yaqaan "subclinical cases" oo jirkoodu iska difaacayaa cudurka. Sidaa awgeed cudurka koolerada waa cudur isaga iskiis iskaga dhamaada. Badanaana waxaa ka hor tagga la billaabaa mar uu gaaray meeshii ugu sarraysay.
Waxaa sidoo kale dhacda in kooleradu ay degaan iska dagto "endemic" oo ay markaa xilliyo gaar ah soo baxdo "seasonal fluctuation".
   3.Cawaamisha ka qayb qaata faafitaanka cudurka:
A) Jeermiska "agent": waxay soo saartaa sun loo yaqaan "endotoxin" oo ay ku sii dayso xiidmaha iyadoo sababaysa shuban. Cimilooyinka way u adkaysan ogtahay kooleradu laakin dhowr daqiiqo haddii la karkariyo ayaa ku filan inay dhimato. Kaydka ay ku jirto bakteeriyadu, oo ah dadka uu shubanku ku dhacay "cases" iyo dadka xambaarsan "carriers" oo aanay ka soo muuqan calaamadaha cudurka, ayaa iyagu u fududeeya inay si sahal ah ugu sii gudubto dadka kale.
B) Qofka ama bukaanka "host": dadkoo dhan oo da' kasta leh iyo jinsi kasta way ku dhici kartaa koleradu. Meelaha dad badani isugu yimaadaan sida xajka iyo ciidaha ayay aad ugu fiddaa bakteriyadani. Waxay badanaa ku dhacdaa dadka saboolka ah, kuwa nadaafadda aanan ku dadaalin iyo kuwa aqoonta yar leh. Difaaca jirka iyo caafimaadka guudna qayb libaax bay ka cayaaraan ka dhicidda kooleradu.
C) Degaanka "environment": Ceelasha, waraha, iyo biyo galeennada kala duwan waxay gudbiyaan bakteeriyada, siiba haddii saxaro ay ku dhex walaaqanto isla markaana la cabbo ama loo isticmaalo howlaha guriga. Fatahaadaha sidoo kale qayb bay ka qaataan dillaaca cudurka.
   4.Sidee loo kala qaadaa?
A) Saxarada dadka qaba cudurka haddii ay gaarto ceelasha, webiyada, harooyinka iyo laasaska waxay u gudbaysaa dadkii cabba ama isticmaala.
B) Cunnada iyo cabitaanka iyadoo raacda: gacmo aan la iska dhaqin markii la saxaroodo iyo cunnada ka hor, iyo dad qaba cudurka oo ka shaqeeya cunnada sida makhaayadaha oo kale ayaa ka mid ah siyaabaha ay ku gudubto kooleradu.
C) Xiriir toos ah: dadka la tacaamula qashinsaarka, matagga, dharka, iyo guriga dadka bukaanka ah ama dariskoodaba, haddii aysan iska ilaalin waxaa dhacda inay ka qaadaan cudurka.
   5.Calaamadaha Koolerada:
Dhibaatada ay sababayso kooleradu waxay ku xirantahay dhakhsada ama dagdagga uu qofku ku waayo biyaha jirkiisa ku jira. 90% xaaladaha kooleradu waa fududyihiin oo ma sababaan dhibaato badan, lagamana garan karo shubannada kale. Waxay ku billaabanaysaa faaruqin "evacuation" lagu samaynayo dareerihii jirka ku jiray, shuban ba'an oo uu xigo matag ayaa dhacaya. Fuuq-baxa ka dhasha arrintani "collapse" waxaa lagu gartaa qofka bukaanka indhihiisa oo god gala, sidoo kale daamankiisa iyo calooshiisa, qallayl daran, kaadi yari, neeftoo sariic noqota, iyo jirkoo is baddal uu ku dhoco. Bukaanku markaa nervous buu noqonayaa, harraad daran baa qabanaya, xanuun murqaha lugaha iyo caloosha ah ayaa qabanaya. Halkaa waxaa suura gal ah oo dhacda inuu u dhinto bukaanku fuuqbaxaasi, haddii aanan si dagdag ah loogu celin biyihii ka lumay. Haddii aanu dhimanna, wuxuu ku soo noqonayaa sidiisii hore oo wuu soo kabsanayaa "recovery".
   6.Sidee looga hor tagi karaa koolerada?
A.In la hubsado inay tahay kolera "verification of diagnosis"
B.In la ogaysiiyo dadka ay khusayso sida masuuliyiinta, WHO, iwm. "notification"
C.In la dabagalo bukaanka meelaha ay joogaan oo wakhti hore la daweeyo, isla markaana laga hor tago inay dad kale u sii gudbiyaan.
D.In la furo xarumo caafimaad oo lagu dawaynayo dadka jirran, haddii isbitaal aan la helin in iskool ama garoon laga dhigo xarun. Xaaladaha daranna in isbitaal loo wareejiyo.
E.Soo celinta biyaha ka lumay bukaanka "Rehydration therapy":
1) ORS "oral rehydration solution": Waa biyo lagu daray sonkor iyo cusbo oo la cabbayo. Waxaa ORS'ta lagu qasayaa hal liter oo biyo ah oo aanan la karkarin. Haddii la waayo ORS waxaa la isku darayaa hal liter oo biyo ah iyo sonkor "20gm" iyo cusbo "5gm" oo sidaa lagu cabbayaa. Harraadku inta uu jiro in la cabbo weeye biyahaasi iyo illaa ay ka qarsoomayso calaamadaha fuuqbuxu. Carruurta: caruurta ka yar 2 sano waxaa la siinayaa 1 qaaddo daqiiqaddiiba, kuwa intaa ka waynna waa inay cabbaan intay doonayaan. Haddii cunuggu uu matago 10 daqiiqo ka dib baa lagu billaabayaa si tartiib ah. Haddii calaamadihii fuuqbuxu qarsoomaan intii loogu tala galay buu dhamaysanayaa cunuggu.
2) Faleembada: WHO waxay u qorshaysay in haddii qofku uu ka sii daro ama ay anfici waydo ORS-tu, in laga siiyo biyaha xididka, waxaa la siinayaa Ringer's Lactate ama DTS "diarrhoeal treatment solution". Haddii labadaasba la waayo Normal Saline baa la siinayaa bukaanka, walaw aysan wax tar badan lahayn. Carruurta sanadka ka yar waxaa la siinayaa saacadda u horraysa 30ml/Kg, shanta saacadood ee xigtana 70ml/Kg. Dadka kale waa in la siiyo 30ml/Kg nuska saac ee ugu horreeya, laba saac iyo bar ku xigtana waa in la siiyo 70ml/Kg. Waa in halkii ama labadii saacba la qiimeeyaa in bukaanku uu soo roonaanayo iyo in kale, haddii uusan soo roonaanayn waa in la boobsiiyo I.V. drips-ka, haddii indhuhu bararaanna "puffiness" waa in la joojiyo faleembada.
3) Joogtaynta "maintenance therapy": markii la soxo khatarta jidha, waxaa la siinayaa bukaanka biyo badan inta uu oonku ka hayo, waxaana biya-siintaasi loo barbardhigayaa inta saxarada lagu waayo.
F. dawooyinka la siin karo bukaanka:
Antibiotics, markii mataggu dhamaado ayaa afka laga qaadanayaa. Doxycycline hal mar oo 500mg baa dadka waawayn la siinayaa. Dumarka uurka leh waxaa u fiican Furazolidone. Caruurtana waxaa u fiican Trimethoprium-Sulfomethoxazole. Tetracycline iyo Furazolidone waa la siin karaa dadkoo dhan 4 jeer maalintii ilaa 3 maalmood. Erythromycine iyo Chloramphenicole waxaa la qaadanayaa haddii la waayo dawooyinka hore oo dhan.
Dawooyinka mataga joojiya iyo kuwa shubanka joojiya iyo kuwa calool xanuunka loo isticmaalo kulligood lama siiyo bukaanka koolerada.
G. Sanitation measures; nadaafadda degaanka:
1) Biyaha: maadaama biyuhu yihiin meesha ugu muhimsan ee lagu gudbiyo cudurka, waxaa khasab ah in la helo biyo nadiif ah si fiicanna looga shaqeeyay dadkoo dhanna la gaarsiiyo. Chlorine ayaa lagama maarmaan ah in loo sahlo dadka inay helaan. Dadkaan haysanna waa inay iska karkariyaan biyaha kuwa la cabbayo iyo kuwa la isticmaalayaba.
2) Cunnada: cuntada la gadayo waa in la kontoroolo nadaafaddeeda. Dadka ka shaqeeya makhaayadahana waa in ay oofiyaan shuruudaha shaqadaasi. Nadaafadda guud ahaan sida tan guriga, suuliyada, dikhsiga; iyo tan gaar ahaaneed sida ciddiyaha iyo faradhaqa saxarada ka dib iyo cunnada ka hor: waa in aad loogu dadaalaa.
3) Saxarada: waa in qashin saarka dadka meel loogu tala gala oo laga fogeeyaa inay gaaraan biyaha iyo cuntada. Maadaama arrintani aysan ka suuroobaynin waddankeenna waxaa lagama maarmaan ah in dadka lagu wacyi galiyo sidii ay ugala fogaan lahaayeen saxarada meelaha biyaha laga cabbo.
4) Daahirin "disinfection": Bukaanka saxaradiisa, mataggiisa, dharkiisa, alaabtiisa kale, gurigiisa iyo xataa dariskiisa waa in la daahiriyaa oo maadooyin kiimiko ah lagu shubaa. Dadka ka shaqaynaya howshanna waa inay laf ahaantooda is ilaaliyaan.
H. Chemoprophylaxis: antibiotic ka hor tag ah.
Dadka ku dhow-dhow qofka cudurku ku dhacay ee wali caafimaadka qaba waa in la siiyo antibiotic ka hor tag ah. Tetracycline laba jeer maalintii illaa saddex maalmood baa la isticmaalaa. Doxycycline 500mg oo hal mar ahna aad buu u faa'ido badanyahay.

xadiis tajaal cawar

Xadiis ku saabsan Dajjaal iyo calaamooyinka muujinaya soo dhawaanshaha Qiyaamaha
Nawaas bin Samcaan A.K.R. wuxuu yiri Nebiga (S.C.W) Wuxuu subax ka sheekeeyey Masiixud – Dajjaal oo Kor iyo hoosba uga hadlay ilaa aan is niri malaha wuxuu joogaa fagaagga geedahii timirta ee agtayada ahaa.
DADKII DIINTA UGU SOO HORREEYEY
Rasuuka SCW markii Allaah subxaanahu wataacaalaa soosaaraymas’uuliyaddaa weynanka badan oo ah mid qof bini aadan ah la saaro tii ugu cusleyd una baahan juhdi, dadaal iyo sabir, waxa uu bilaabay u qumitaankeedii isagoo ka bilaabaya meeshii laga soo direy ee Makka oo ahayd xaruntii diinta ee carbeed, kacbadiina ay ku taalley dadkii ku noolaana ahaayeen dad aad uga fog xaqa iyo islaamka. Wuxuu markaa Rasuulku SCW markii ugu horreysey dacwadii ku bilaabay si qarsoodi ah maxaa yeelay waxa dhici kari lahayd haddii uu markii u horreysey kala dhex kici lahaa inay dhib u keeni lahayd dacwada, sidaa dareeed Allaha Xakiimka ah ayaa ku ilhaamiyey Rasuulkiisa inuu bilowgii dacwada qarsoodi u guto, waxayna dacwadu sidaa ku soo socotey saddex sano.
Ugu horreyntii wuxuu Rasuulku dacwada ka bilaabay ehelkiis (gurigiisa), qaraabadiis iyo saaxiibbadiis intii ugu kheyrka badneyd ee uu wanaagga ku yaqaanney isna lahaa wey ajiibayaan xaqa. Waxaa dacwadii ajiibey oo noqday dadkii ugu horreeyey ee islaamka qaatay xaaskiisii Khadiijo bintu Khuweylad, saaxiibkiis Abubakar alsidiiq, mowlihiisii Seyd binu Xaarith iyo ina adeerkiis Cali binu Abii-dhaalib oo wiil yar ahaa.
Ka dib Abubakar alsiddiiq oo ahaa nin magac iyo sharaf ka leh Makka dhexdeeda, ahaana nin ganacsade ah ayaa markuu xaqa qaatey waxa uu sameeyey habkii lagu yaqiin qofka daaciga ah oo ahayd inuu markuuu xaqa qaato uu naftiisa ku tadbiiqiyo dabadeedna dadka kale u gudbiyo, wuxuu markaa Abuubakar dacwadii gaarsiiyey qaar ka mid ahaa saaxiibbadiisii uu ku kalsoonaa, waxaana isla markiiba dacwadiisii ku islaamay shan saxaabi oo Ilaahay diintiisa ku ciseeyey kana mid ahaa tobankii jannada loogu bishaareeyey, waxayna kala ahaayeen:

Xajma

Habka Gudashada Xajka Iyo Cumrada Oo Kooban
بِسْمِ اللَّهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيمِ
الْحَجُّ أَشْهُرٌ مَّعْلُومَاتٌ فَمَن فَرَضَ فِيهِنَّ الْحَجَّ فَلاَ رَفَثَ وَلاَ فُسُوقَ وَلاَ جِدَالَ فِي الْحَجِّ وَمَا تَفْعَلُواْ مِنْ خَيْرٍ يَعْلَمْهُ اللَّهُ وَتَزَوَّدُواْ فَإِنَّ خَيْرَ الزَّادِ التَّقْوَى وَاتَّقُونِ يَا أُولِي الأَلْبَابِ
Qiimaha Hooyada
Odhaah iyo Eray, Tix iyo Tiraab midna lagagama lallayn karo, lagumana soo koobi karo qiimaha iyo qaayaha hooyadu ay ka leedahay nolosha aadamaha iyo ifkoo dhanba.
Lama inkiri karo lagamana ilduufi karo kaalinteeda mugga iyo miisaanka ku qotonta, sidaas oo ay tahayna waxa ayaan darro ah hadii aynu ka irdhowno is xasuusinta qiimaha hooyada.
Hooyadu waa laf dhabarta wax alaale wuxuu EEBE uumay gaar ahaan aadamaha, waxaana shaki laana laf dhabartu inay tahay waxa kaliya ee wax walba la’aanteed aanu taagnaan Karin ama aanu jiri Karin.
Hooyadu waxaan odhan karaa waa nimcada ugu wayn uguna balaadhan ee ilaahay ku galladay uumiyaha.
Hooyadu waa iftiinka u baxa uumiyaha dhamaantiisba, iftiin kaasi haduu damana dhamaanba uumiyahu uu u dhamaan lahaa sida shamaca lashida uu u dhamaado.
Waxa kale oo aynu ogsoonahay in diinta islaamku ay si balaadhan uga faallootay una iftiimaysay qiimaha iyo qaayaha hooyadu leedahay. Sidoo kale Nabigeena suuban NNKH uu isna si waadaxa dhankiisa uga war bixiyay mugga iyo miisaanka hooyada iyo sidoo kale mansabka ama martabada hooyadu ay ku leedahay nolosha uumiyaha.
Qiimaha, qaayaha, qaddarinta, xushmaynta, intaba waxa inaga muddan hooyo macaan.
Waxa aynaan malaysan Karin in hooyadu ay tahay qofka ugu samirka baddan, ugu dulqaadka baddan, ugana xushmaynta baddan marka loo eego ilmiheeda, wiil iyo gabadh kuu ahaadaba.
Si kastoy ahaataba waxa aanu qof kastaaba inkiri Karin in aanu raali ka ahayn, hal ill bidhiqsi inuu dhabarkisa ku qaado qof kale oo nool. Haddaba hooyadu waa ta kaliya ee raali ka ah in ay dhabarka u ridato ilmaheeda, muddo aad u dheerna ay ku sido. Sidoo kale hooyadu waa ta kaliya ee u badheedhay in ay 9 bilood oo ka horaysa wakhtigaas in ay uur keeda ku qaado.
Hooyadu waa ta kaliya ee u golongoshay in ay ilmaheeda u marto dhib iyo xanuun kiisa u kulul uguna rafaadka badan. Hooyadu waa ta kaliya ee maagtay raaxada iyo nolosha macaan ugana door bidday xanuunka, rafaadka, silica, balanbalka iyo nolol aan raaxo lahayn. Isla markaana u hibaysay nolosheeda reexadeedi in uu ku naalloodo ilmaheedu.
Waxa la ogsoonyahay in umaddo baddan oo caalamka ku noolaan jiray qarniyadii tagay aysan haba yaraatee ruuxna ka hadhin wakhti xaadirkan. Sababtuna ay tahay waaqacyo baddan oo lasoo darsatay awgood.
Haddaba waxaynu odhan karnaa hooyooyinka soomaaliyeed meel kastay ku nool yihiin waa hooyooyinka inaga muddan mahad gaar ah.
Sababtuna ay tahay 25 kii sanno ee u danbaysay ummada soomaaliyeed meel ay jaan iyo cidhib dhigtay lama arkeen. Waxaanay ku biiri lahaayeen umaddaha caalamka sida tooska ah uga dabbar go’ay. Sababtuna ay tahay dagaalo hor leh iyo dhibaatooyin aad u tiro baddan oo lasoo darsay awgeed. Waxaynu odhan karnaa jiri taanka ummada soomaaliyeed waxa kaalinta koowaad ka ciyaraya mar walba waa hooyooyinka somaliyeed. Iyaga oo u adkaystay, u samray, una babac dhigay, dhabar kana u ritay silica iyo saxariirka, dagaalada iyo qaxa, nolosha adage e dhibaatada leh.
Hooyooyinka aduun waynaha dhamaan gaar ahaan hooyooyinka soomaalida. Ilaahay waxaynu uga baryaynaa in uu ilaahay xaqooda gadaal ka siiyo camal kooda oo saalixana ilaahay midigta kasiiyo, ilaahay waxaynu uga baryaynaa in ilaahay intooda dhibaataysan dhibta ka kor faydo, intooda xanuusanaysa ilaahay caafimaad sareecana ugu badalo. Amiin Amiin Amiin…..
Waxaynu ogsoonahay qiimaha iyo qaayaha hooyada in ilaahay Qurankisa Kariimka ah inoogu sheegay. Sido kalena Nabigeeni suubanaa NNKH uu inoogu iftiimiyay axaadiis aad u tiro badan.
Haddaba aynu isku dayno in aynu soo qaadano xadiiskii saxeexa ahaa ee ka hadlayay xaqa waalidka.
“Nabiga NNKH ayaa waxaa u yimi nin wuxuuna ku yidhi: – Rasuulkii Ilaahayoow yaa dadka iigu dhaw, iiguna horeeya isla markaana aan u wanaag falaa?
Rasuulkuna NNKH wuxuu ugu jawaabay HOOYADA. Ninkii wuxuu ku celiyay yaa kale? Haddana HOOYADA. Ninkii wuxu ku celiyay yaa kale? Haddana HOOYADA. Ninkii haddana wuxu ku celiyay yaa kale? Markas ayuu ugu jawaabay Rasuulku NNKH AABAHA”.
Waxaynu aragnaa in Rasuulku NNKH uu saddex jeer ku celceliyay xaqa ay hooyadu ku leedahay diinta islaamka dhexdeeda.

madfaha ramadaanka

Taariikhda Iyo Sidii Uu Ku Yimi Madfaca Ramadaanta ee Waddamo Badan Looga Isticmaalo Ogeysiinta Afurka
Waddamo badan oo ka mid ah dunida Islaamka gaar ahaana dalalka carabta waxa si wayn looga isticmaala, madfaca Ramadanta kaas oo sida eedaanka Salaada Makhrib ee aynu ku afurno oo kale loo sugo, caadana ka ah dunida Islaamka meelo badan oo ka mid ah.

nin naaxay

Qissi yaab leh: Nin Haduu Naaxo La Mastaafurin Doono!
Ninka loo aqoonsaday qofka ugu buuran ama ugu miisaanka wayn dalka New Zealand ayaa qarka u saran, in isaga iyo xaaskiisa laga Mastaafuriyo dalkaas, ka dib markii dawlada dalkaas sida warbaahintu sheegtay ninkaas gaadhsiisay hanjabaad kama danbays ah oo la xidhiidha in la mastaafurin doono haddii aanu miisaanka badan iska ridin.
Ninkan oo u dhashay dalka Koonfur Afrika, laguna magacaabo, Albert Buitintonie, ayaa qarka u saaran in dalkiisi loo mastaafuriyo isaga iyo xaaskiisa, ka dib markii xanuuno miisaankiisu ku keenay ay si cad uga dayrisay wakaalada muhaajiriinta iyo soo galaytiga dalkaas u qaabilsan taas oo sheegtay in aanay u hayn kharash lagula tacaalo xanuuno baruurta badani ku keentay.
Albert ayaa miisaankiisu gaadhay boqol iyo sodon kilo gram, waxaanu qabaa sida dhakhaatiirtu cadaysay, xanuunada Macaanka, Wadno xanuunka iyo neef Qabatow soo waajaha marka uu seexdo oo baruurta badani sababto in shaqada wadnihiisu hoos u dhacdo.
Afhayeen u hadlay wakaalada soo galaytiga u qaabilsan dalka New Zealand ayaa sababta ninkaas loogu hanjabay in la mastaafurin doono, mar uu ka hadlayay sheegay, in wakaaladoodu leedahay miisaaniyad loogu tala galay dadka soo galaytiga ah ee dalkaas, waydiista magan galyada, deganaanshaha iyo ka xoogsiga dalkaas in visa ama dal ku gal loo siiyo.
Kharaashkaas oo uu afhayeenkani ku tilmaamay mid u dhigma ama kafayn kara adeegyada

sujuuda

Qisso yaab leh: Khaatumada Wanaagsan wuxuu dhintay isagoo sujuudsan.
 Qisadaan waxeey ka dhacday wadanka Sacuudiga waxeeyna ku saabsantahay khaatimada wanaagsan.
Nin darawal ah oo ka shaqeeyaRiyad ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxaa gaarigiisa sooraacay 4 dhalin yaro ah waxeeyna u sheegeen inuu geeyo Sharqiya oo riyad u jirta 4KM.
Darawalka waxaa caado u ahayd inuu daaro QURAANKA KARIIMKA, Inti jidka eey ku sii jiraan waxaa la gaaray xiliga Salaada Casir darawilki wuxuu baaburka ku leexiyay meel shidaal markaasuu dhalin yaradi ku dhahay “kawarama hadii aan tukano waa xiligi salaada casir”, dhalinyarada markeey isla socdaan qof ayeey u arkaan inuu yahay hogaamiyahoowda, hogaamiyahi dhalin yarada ayaa Darawilka ugu jawaabay”Anaga maba tukano”darawilki wuu yaabay markaasuu ku dhahay “qof muslim ah oo aana tukaneeynin muxuu muslim ka yahy, Salaada Waa cibaada isu soo dhaweeysa ALLAHA iyo ADOONKIISA” hadal dabacsan ayuu hadana kula hadalay wuxuuna ku yiri “Dhalinyaro Salaada waa cibaado inoo dhaweeyneeysa ALLAH ee aantukano ”.Dhalanyaradi mid ka mid ah ayaa yiri “Aan tukano” .

agoonkii

Sheeko dareen leh: Agoonkii guusha gaaray …
May 24, 2016 Abdulahi Abdikariin Takar    Leave a comment

Shaafici waa wiil dhallinyaro ah da’diisuna ay tahay 17 sano jir, wuxu dhigta Dugsi quraan (Malcaamad) iyo dugsi waxbarasho oo uu aado gelinka dabme, waana arday aad u dadaal badan oo weliba dabeecad furan, dulqaad badan ardayda iyo macalimiinta aad ayay u jecelayeen.

Qoyska shaafici waa kuwo aad u liita dhanka nolosha oo waa sabool dan yar ah oo aan xolo hanti badan laheyn, waana kuwa ay soomaalida u taqaan dabaqadda hoose, Oday Muuse waa aabbaha guriga waana masuulka keliya ee xilka ka saaran inuu reerkiisa u soo shaqeeyo una keeno wax ay quutaan , waa muruqmaal ku shaqeysta xoogiisa iyo dhididkisa xalaasha ah wuxuu leeyahay gaari gacan oo uu ku xamaasho, wuxuna dhigta halka istaanka basasku yimaadan dadka soo adeegtay ayuu alaabtooda u geeya guryahooda, subaxdi ayuu gurigga ka soo kalahaa wuxuna ku laabta galabki asiga oo kisti uu soo shaqeystay u geeya reerkiisa.

Dhowr jeer ayaa Shaafici laga soo eryay iskuulka sabab lacagti iskuulka oo uusan bixin awgeed, maalmo ayuu guriga iska joogi jiray marki uu helo lacagti iskulka ayuudib ugu noqon jiray asiga oo wada lacagti, wuu ogaa Shaafici nolosha ay ku noolyihiin inay aad u liidato balse waxa ka go’need inuu wax barto si uu waalidki iyo walaalihi ka yar uu wax u taro.
Nolosha bani’aadamka ayaa ah mid iska daba wareegta oo hadba meel ka soo muuqata, Soomaliduna waxay ku maahmaahda ”Adduun waa harka labaddi gelin”.
Taas oo micnahedu yahay in aysan jirin adduunka wax toosan maalin kasta waxa dilaaca waa cusub oo hor leh.

Saacaddu waa 10 ee barqanimo waxa loo wada dareeray howl maalmedki maalinta, ardaydi waxay u dareeren iskuulladoodi si ay waxbarashadooda u soo qataan, si lama filaan ah ayaa waxa u billowday dagaal u dhaxeya laba maleeshiyood; waa sida inta badan dhacda dal burburay oo aan dowlad dhexe iyo nidaam iyo kala dambeyn laheyne, waana calaamadaha lagu garto in maalinkasta rasaasta iyo dagaalo ay ka dhacaan.
Bulashada soomaliyeed waa ay la qabsaden gaar ahaan kuwooda ku nool magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Firxadki iyo kala orodki ayaa halkaa ka billowda nin walboo nafta badbaadso ayuu xaalku marayaa, nasiib daro xabbadihi la is weedarsanaye mid kamida waxa ay haleeshay Oday Muuse, halka ayuuna odaygi reerka ku geeriyooday.Guriga Shaafici waxa taala geeridii aabihiis waa warmooge aan xog ka ahayn waxna ka ogeyn waxaa gadaashiid dhacay, oo iskuulkisa iyo waxbarashadiisa ayuu ku mashquulsan yahay, waa nasiib xumo iyo ayaandaro ku habsatay dalka soomaaliya maxaa hooyo asaay loo saaray? Maxaa ubadbadan aabbe la’aan la dhigay oo agoon lagadhigay? Maxaa naf bani’adam si fudud loo dilay?Shaafici waxa u baryay waa cusub oo murug leh kuna qasabtay inuu isaga tago waxbarashadii oodhan malcamadi iyo dugsigi uu dhiganayey , wuxuu u tafo xaytay inuu shaqo helo si uu u caawiyo qoyskiisa , maadaama uu aha curudka reerka ugu weyn wuu ku qasbana inu garab istaago hooyadiis.Muusan garaneyn meel uu wax ka billaabo iyo qof uu ciirsi waydiisto toona, balse hal fikrad ayaa ku soo dhacday maskaxdiisa taas oo ahed inuu ka mid noqdo dhallinyarada ka xoogsata caseeynimada ama (baalash laha).

Shaafici dhimashada aabihi waxa ka soo wareegtay 7 maalin, weli wuxu garan la’yahay halka uu wax ka bilaabi lahay ma haysto lacag uu ku iibsado qalabka caseeyaha, wuxu dhex fadhiya qolkisa fikir waa u dheeryahay durufta adduunkane waaay ku hareeresan tahay, daaqada guriga ayuu bilicsaday misne wuxu indhaha ku dhuftay oday u imaan jiray aabbihis; waxaana markiba ku soo dhacday bal odaygaa u tag oo waydiso xooga lacag ah siaad shaqada u billowdo, waa uu ku dhaqaaqay odaygi ayuu ka daba orday asigaoo magacisa ugu yeeraya adeer Cabdi…adeer Cabdi odaygi ayaa gadaal soo eegaymise waaba Shaafici oo neef tuuraya ”adeerShaafici maxa kugu dhacay oo aad la neeftureysa?” Shaafici aya ugu jawaab celiyay ”adeer adigan dan kaa lahay” ”Haye, wiilkeyga ii sheeg maxaa darnaa?” ”adeer wax daran ma jiran, waad la socota in aabbe geeriyoday adeer waxan ku fikiray in aan hooyo kaalmeyo oo aan ilmaha iga yar aniga wax baro una shaqeeyo ee adeer waxan ka rabay lacag aan alaabta caseeyaha ku soo gato wana kuu gudi doona lacagtaas adeer..” marki uu intas hadalki marinayo ayu oday Muse oo indhihisa ilmo ku soo istagen ku yiri ” bis adeer macaan hadiba sidaa aad u fikireyso aniga ku gadayo alaabta waxbane deyn kuguma ahan aabbaha wuxu ahay saaxibkeyadigane waxad tahay wiilkeyga oo kale””Mahadsanid adeer ” Shaafici oo dhoolacadenayo ayaa sida ku jawaab celiyay.

Adeer cabdi wuxuu ku yiri soo qiimeyso allaabta, Shaaficina wuxuu u keenay inta ku filan billowga, shaafici waa wiil hawlkar ah oo farxad badan, isagoo lebisan oo dharkiisu u dhaqan yihiin ayuu hawsha soo galaa, wuxuu yeeshay saaxiibo badan oo caseeyayaal ah, wuxuuna yeeshay macaamiil badan oo bartey oo shaqadiisa ladhacay, Suuqii oodhan ayuu noqday shaqsi laga jecelyahay,   muddo markuu shaqeynayey ayuu wuxuu gurigooda hooyadiis uga dhex sameeyey, Miis ay hilibka iyo qudaarta ku gado oo sidii dabakaayo ah, waxaana isa soo kabay dhaqaalihii reerka, wuxuu kale oo iibsaday Shaafici ilaa Tobboneeyo Gaari gacan oo maalintii 10 kun ku kireyn jirey qofkaan lahayn, sidoo kale wuxuu maal geliyey caseeyayaal badan isagoo iibsan jirey Jumlada qasacadaha baalashka iyo burushyada   waxna sii saaran jirey.

Shaafici isaga oo aan 12 sanno gaarin ayuu wuxuu noqday nin leh waayo aragnimo ganacsi wuxuuna dib u billaabay waxbarashadiisii habeennimo, shaafici wuxuu ka ilaaliay baahi iyo darxumo 4 carruur ah iyo hooyadood, waa nin isku kalsoon, sidoo kale wuxuu hadda hammigiisu gaarey inuu lacag buuran ku darsado shirkado waaweyn oo suuqleyda aysaaxiibada yihiin leeyihiin.

Tuesday, 30 May 2017

Axyaahooyo

Arxan Hooyo
Maad dhalateen oo ifka adigoo karamadaas leh maad timaadeen, waxaad ku timi idanka Ilaahay oo suuragal lagaga dhigay waalidkaa, gaar ahaan hooyada oo dhibaato badan u xamishay in aad ifka timaaddo.

Hooyoy la’aantaa
Aduunyadu hubaashii
Habeen kama baxdeenoo
Iftin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen

afka soomaliga

Maxay af-Soomaali ku noqoyaan magacyada bilaha, iyo maalmaha? Imisa qaybood ayey maalintu ka koobantahay? Xilliyadana magacood? Dad badan baa warcelimaadyo kala wada duwan ka bixin kara weydiimahaas. In kalena war iyo wacaal uma hayaan! Haddaba, aynu isku gebi ka taagnaanno, oo dib isu barno bal inta magac ee ay Soomaalidu u kala yeelatay:

caruur akala luntay

Qiso cajiib ah: Caruur kala badalantay markii ay dhasheen .
12 sano ka hor ayaa si khaldan u kala badashay caruurta ay dhaleen. Haweeneyda lagu magacaabo  Yulia Belyaeva ayaa mudo 12 sano ka hor ah waxay gabadh ku dhashay hospitaal. Gabadheeda waxaa lagu magacaabaa  Irina balse xaqiiqadu waxay tahay in aysan Yulia korsan gabadheeda saxda ah.
Oday Xikmad badan!(qiso dhab ah).
Nin oday ah ayaa aaday  webi u dhawaa si uu u soo daawado waxaana raacay nin saaxiibkiisa ahaa .
Odaygii wuxuu fadhiistay webiga dhiniciisa waxaanu daawanayey biyaha qulqulaya quruxdooda waxaanu sanka la raacayey saxansaxada & udgoonka ka soo baxaya biyaha xareeda ah ee soconaya iyo dhirta ku hareeraysan ee uduga iyo dooga
Wuxuu si kediso ah u arkay Dibqalooc ama Raaraan  biyuhu sitaan waxaanu doonay inuu badbaadiyo dibqalooca laakiin maxaa dhacay?
Odaygii gacanta ayuu u fidiyey dibqaloocii  kadib  dibqalocii ayaa qaniinay ! wuxuu la soo noqday gacantiisi isagoo qaylinaya oo dareemaya xanuun badan,
Hadana mar labaad wuxuu u fidiyey gacantii kale si uu u  soo badbaadiyo hadana gacantii kale ayuu ka qaniinay odaygii ayaa la soo noqday gacantii kale isagoo qaylinaya oo gacantu aad u xanuunayso.
Hadana kama quusane wuxuu ku dedaalay inuu soo badbaadiyo dibqaloocii waanu ku guulaysatay !
Ninkii  la socday ayaa waydiiyey : oday dibqaloocan aad isku mashquulisay oo ku dhaawacay dhowrka goor maxaa kugu kelifay waaba cadaw ku cunayee inaad noloshiisa badbaadiso mar, laba, iyo mar sedexaad?
Odaygii xikmada badnaa wuxuu yidhi {intuu garabka saaxiibkii gujiyey saxiib dhaqanka Dibqalooca waa inuu wax qaniino anigana dhaqankaygu waa inaan debecsanaado oo naxariisto oo dulqaato, markaa ma ogolaanayo in dulqaadka iyo naxariista iyo debecsanaanta ay ka adkaato qaniinyada iyo cadhadu , maxaadse adigu u rabtaaa inaan dabeecadiisa ku raaco cadhada ah oo dabeecadayda aan bedelo?
Xikamda Qisadan ku jirta
  • In aan lagula dhaqmin dadka dhaqanka xun dhaqankooda oo kale.
  • In wixii xumaan ah ee cid kale kuu gaysato lagaga jawaabo wanaag.
  • In dulqaadku uu yahay ka badbaadinaya dadka kale ee kula dagaalamaya.
  • In cidii ku qaniinta gacantaada aad ku siiso cuntada .
  • In cidii qodax kuu daadisa adigu aad gogol u fidiso.
  • Isku soo wada duubo odaygan xikmada badani wuxuu ina baray cashar la yidhaaho (cidii ku xumaysa wanaaji ,cidii sun ku siisa subag waraabi}
Akhriste is waydii dulqaadkaagu ma yahay mid aad cafido cidii ku xumaysa mise waxaad jeceshahay mar kasta inaad ka aargoosato.
Bal aan isku dayno dhamaanteen inaan dabeecadeena wanaagsan kula dhaqano cidii ina xumaysa.
Waxa Qoray ”
Xasan Madaxey

Monday, 29 May 2017

Bismillah, ma ogtahay walaalka muslimka ahow iyo walaasha muslimada ahay in ruuxa samirka badan ee aduunyada dhibta kusoo gaadha uu ku dhaxlaayo Jannada. Inaad Jannada gasho maaha wax sahlan ee dadkii hore waxay u huri jireen naf iyo xoolaba,ayagoo ka saahiday Aduunyada iyo dhaldhalaakeeda. Walaalayaal ila wadaaga qisada islaan waayeel ah oo hadana ehlu janno ah.
Wuxuu Imaam Bukhaari kusoo saaray saxiixiisa, in taabicaga Cadaa ibnu abi Rabaax uu dhahay; Ibnu Cabaas ayaa igu yidhi: Ma ku tusaa gabadh kamid ah ehelka Jannada? SubxaanAllah, walaal qiyaas qof dhulka jooga oo hadana Jannada galaya oo haysta garantii inuu kamid yahay dadka Jannada ku waaraya!!
Cadaa wuxuu yidhi: Haa, ee i tus. wuxuu dhahay ibnu Cabbaas: “Gabadhaas madow ayaa u timid nabiga (scw) kuna tidhi: Rasuulkii Ilaahayoow waan suuxaa (waxay qabtay jinni), ee Ilaahay ii bari hayga dulqaado xanuunkaas, markaasuu Rasuulku (scw) ku dhahay: “Waan kuu baryi Ilaahay ee kala dooro inaan baryo Ilaahay oo cudurkaad Allah kaa dulqaado, iyo inaad u samirto oo aad gasho Jannada, waxay tidhi gabadhii: Rasuul Allow waxaan doortay Jannada, hase ahaatee markaan suuxo ayaan ka cabsanayaa inay cawradaydu muuqato ee Ilaahay ii bari inuu cawradayda asturo, markaasuu nabiguna u baryey.
Haweenaydaasi waxa magaceeda la odhan jiray Saciira Al-asadiya, ama Umu Zufar, waxayna ahayd gabadh adoomada oo midabkeedu maowyahay, qabtayna cudurka suuxiste ee Jinku sababo, kolkaas markay dhacdo waxa muuqan jiray cawradeeda, oo caruurta iyo dadkuba way ku qosli jireen, ayadoo waxaad oo dhib ah haysato ayey dooratay inay Jannada ku gasho xisaab la’aan, Ilaahay raali haka ahaadee.
Dabcan haweenaydaas waxay lahayd dareemayaash bani aadamka ee kala duwan sida inay guri yeelato, ubad dhahso, caafimaado, xoolo hesho, hooyo noqoto, hadana waxaas oo dhan waxay ka dooratay inay ku naalooto Jannada Ilaahay oo ay ka saahido Aduunyada oo kolayba cida ku nooli ay mar ka tagayso, ka caafimaadka qabaana uu kolayba bukoon doono, ka xoolaha haystaana uu kolayba ka tagayo, ka ubadka dhalayna uu kolayba ka caraabayo, sidaa daraadeed ayey dooratay daarta baaqiga ah ee abidka ah.
Walaalayaal samirka waxa lagu dhaxlaa Janno iyo inaad kamid noqoto dadka Ilaahay u nicmeeyey, ee darajooyinka sare ka gaadha daarta aakhiro. Dadkii hore ee wanaagsanaa ayaguba waxay darajada sare ku gaadheen waa samirka iyo dulqaadka, nabi Ayuub wuxuu u samray cudurkii hayey 18 sanadood, nabi Yacquub wuxuu usamray inuu wiilkiisa Yuusuf arko sanado badan, nabi Muuse wuxuu u samray reer banu Israa’iil oo ah umada ugu dhibka badan, nabi Ciise isaguna wuxuu ahaa dadka ugu faqiirsan ee xilligiisii, halka nabigeena Muxamedna (scw) uu samraayey 21 sanadood oo uu dacwada uu dadka gaadhsiinayey, oo lagula dagaalamay oo la laayey saxaabadiisii, ehelkiisii iyo dadba cidii uu ugu jeclaa.
Walaalayaal Jannadu bilaash maaha ee waa loo shaqaystaa, Ilaahay kuwa ku guulaysta ee darajoyinka sare ka gaadha Allah haynaga yeelo inaga iyo waalidkeen iyo dhamaan muslimiintaba.
عطاء بن أبي رباح قال قال لي ابن عباس ألا أريك امرأة من أهل الجنة قلت بلى قال هذه المرأة السوداء أتت النبي صلى الله عليه وسلم فقالت إني أصرع وإني أتكشف فادع الله لي قال إن شئت صبرت ولك الجنة وإن شئت دعوت الله أن يعافيك فقالت أصبر فقالت إني أتكشف فادع الله لي أن لا أتكشف فدعا لها
Cadaa ibnu Rabaax wuxuu yidhi: Ibnu Cabaas wuxuu igu dhahay: ma ku tusaa haweenay kamida ehelka Jannada, waxaan idhi: haa, wuxuu dhahay: haweenaydaas madow ayaa u timid nabiga (scw) kuna tidhi: waan suuxaa, oo cawradayduna muuqataa ee ii bari Ilaahay, wuxuu dhahay nabigu: “Hadaad rabto waad samri oo Jannaad heli, hadaad rabtana Ilaahbaan kuu baryi inuu ku caafiyo” waxay
tidhi: waan samrayaa, ee cawradayda muuqata ee ii bari Ilaahay inaan cawradaydu muuqan, waanu ubaryey. [Bukhaari:5328]

XUKUUMADDA DHAAR-UJOOG.
"waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay".
"waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay"  Ma'aha eray dhayal loo oran karo, ma'aha eray beec  iyo gorgortan gala, mana'aha eray loollan siyaasadeed gala, hebel ku xumee ina hebelna ku sharaf eray gala ma'a,  waa eray weyn, Allaah agtiisa ku weyn, sharciga Islaamka ku weyn, qofkasta oo muslim ah qalbigiisana ku weyn. Waa kalmad markaad maqasho mudan khushuuc iyo qaddarin, waa kalmad u baahan qofka ku dhaaranayaa inuu wax badan ka fakaro intayan afkiisa kasoo bixin, buugga hadalkiisa lagu qorayo ee maalinta qiyaame labada gacmood mid looga dhiibayana aan lagu qorin.
Haddaad u fiirsato dhibaatooyinka dunida ka taagan, gaar ahaan kuwa muslimiinta ku habsaday waxaa kuu muuqanaya musiibooyin mid markaad aragtaba tii hore kula yaraanayso, dhibaatooyinka  dadkeenna soomaalida lagu imtixaamayna waxaa ka mid ah, dhaar badnida, gaar ahaan dhanka siyaasadda iyo ganacsiga, haddiise dhaarta ganacsatadu inta badan ku koobantahay mucaamalo laba ama saddex qof dhex marta waxaad mooddaa dhaarta dadka siyaasadda u gala soomaalida ama isku haysta inay siyaasad galeen in ay xargaha goosatay, waxaa yar inay nasoo marto bil ama labo aan qof soomaali ah jago loo dhaarin, isagoo si baraad la' ugu celceliya "waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay". Inta badanna wuxuu raaciyaa inuu dalka, dadka iyo diinta si daacad ah ugu shaqayn doono.
Xilligii dawladdii carta lagusoo dhisay wixii ka dambeeyey waxaa aad u kordhayay buufiska dadku u qabaan in xil loo dhaariyo, xilkaas oo mas'uuliyadda ka dhalataa ku koobantahay inuu magaca ilaahay si been ah ugu dhaarto, inuu dalka iyo dadka daacadnimo ugu shaqeyn doono, maalmahan dambana waxaad mooddaa inay arrintaasi sii korortay, dadkii ku dhaartay inay dalka iyo dadka u shaqayn doonaan waa kuwa gacanta shisheeye geliyay, welina dhaarta is-daba joogga ah wada.
Xubnaha dawladda soomaalidu maxay ka midaysan yihiin haddii la'is weydiiyo waxaan filayaa, dhaar badnida iyo mid walba inuu u heellan yahay wax walba iyo goob walba inuu ku dhaarto waxaan ahayn inaan la helayn, mar walba oo ama qof la xumaynayo ama midkale xeer loo dhiganayo waxaad mooddaa dhaartu inay noqotay arrin dareenkaas un lagu cabbiro.
Qofka muslimka ah ee garanaya qiimaha iyo qaddarinta uu mudanyahay magaca ilaahay, qalbigiisana nuurka islaamku galay; wuxuu dareemayaa murugo iyo qalbi-jab marka uu arko sida magaca ilaahay looga dhigtay halku-dhig siyaasadeed oo qof walba asagoo baraad la' uu iskaga dhaaranayo magaca Allaha weyn oo waaxidka ah, allaha nimcooyinka uu nasiiyay aan dhex dabaalanayno.
Dhaarta waayahan moodada noqotay ee qof walba u heellan yahay in mar un la yiraahdo hebel waxaa loo dhaariyay jaga hebla  waxay xambaarsantahay dambiyo waaweyn oo qofku hadduusan ka toobad keenin uu gaalo iyo munaafiqiin naarta kula darsayo, waxaana kamid ah:
MAGACA ALLAAH OO AAN XURMADUU MUDNAA LASIIN. Dhaarta laga dhigtay qodob loo cuskado qofkii la'is qabto, eray lagusoo dhaweysto kii taageero loo hayo laguna xumeeyo midkii laga horyimaado, eray manfaco dhaqaale iyo mid siyaasadeed lagu raadiyo, arrimahaas oo dhani waxay tusayaan dhaqan-xumo iyo xurmad darro magaca allaah loo isticmaalayo, iyadoo qofka muslimka ah lagu yaqaan markuu magaca Alle maqlo inuu dareemo qaddarin iyo xurmayn, Iimaan iyo cabsina kororsado.
WAA TILMAAN MUNAAFAQ: Tilmaamaha lagu garto munaafiqiinta (uur-ka-gaallada) - oo ah dadka inay muslim yihiin sheegta, qalbigana gaalada ka ah – waxaa ka mid ah dhaar badnida iyo magaca Allaah oo ay ku dhaartaani inayan agtooda waxba ka ahayn. Taas oo ay sababtay iyaga oo huba inaan warkooda sahal loo rumaysanayn, waxay sheegaanna laga hoos qaadayn, ayay waxay garab ka dhigtaan dhaarta, run iyo been midkay ku dhaartaanina waa u simanyihiin.
Dhaarta munaafiqiinta qur'aamku ka sheegay way noocyo badan tahay, mar waxay ku dhaarteen inay mu'miniinta ka midyihiin, Allaahna wuxuu sheegay inay beentood tahay (Al-Tawbah 56), Mar waxay ka dhaarteen ereyo gaalnimo ah oo inay ku hadleen rasuulka sallalaahu caleyhi wassallam loosoo gudbiyay (Al-Tawbah 74). Dhaarta munaafiqiintu waxay kasimantahay dhammaanteed inay u marayaan inay dad ku raalli geliyaan, xuma ay sameeyeenna ku inkiraan, magaca Allaha wax walba og ee ay ku dhaaranayaan ayagoon meesha soo dhigan, ayay dad qancinti ku mashquulsanyihiin, waajibkuna wuxuu ahaa marka hore inay Allaah raalli geliyaan, oo ay beenta iyo khiyaanada iska dayaan (Al-Tawbah 62, 96), tilaamahaasna waxaa la wadaaga dad badan oo dhaar-ujoog ah oo an maanta arkayno iyagoo dhaaranaya ama la dhaarinayo intay kitaabka Qur'aanka kariimka ah gacanta saaraan ama ku qabtaan , marar badanna gacanta bidix –!!. Qof walabana cidduu la dhaqan yahay adduunka ayuu la hoy yahay aakhiro.
DHAARTA BEENTA AH OO LAGU NAAR GALO.
Sababaha dhaar badnida keena waxaa ka mid ah beenta oo aad u faaftay, qofna markuu qof rumaysan waayay, nin walba hadalkuu sheegana calaamad su'aal la saaray, kalsoonidii dhimatay, ayaa ruux walba isku dayay inuu hadalkiisa dhaar ku kabo, bal inuu qof rumaysta helo, beentii markay nolosha ka mid noqotayna dhaartii lagu kabayayna sidoo kale ayay noqotay, qofku inuu dhaarto iyo inuusan dhaaranna isku mid ayay noqdeen.
Beentu waxay ka mid tahay dambiyada ugu waaweyn ee naarta lagu galo, rasuulkuna sallalaahu calayhi wasallam wuxuu tilmaamay qof mu'min ah inuusan been sheegin, qur'aankuna waliid ibnu muqiira oo gaaladii qureysheed kuwa ugu gaalsan ku jiray ku tilmaamay inuu yahay beenlow xaqiran.
Haddaba ayada oo beentu sidaas u khatar badantahay ayaa haddii dhaar lagu daro dembigu noqonayaa laba laab, rasuulkuna sallalaahu calayhi wasallam wuxuu cadeeyey dembiyada ugu waaweyn ee lagu naar galo inay yihiin Shirkiga, caasi waalidnimada, qof xaqdaro loo dilo iyo dhaarta naarta tiimbisa. Dhaarta naarta moolkeeda gelisa ruuxa mara waa midda beenta ah ee xil iyo xoolo midkood lagu raadinayo, waa midda badeecada suuq gelisa barakadana ka baab'isa sida uu rasuulku sallalaahu calayhi wasallam tilmaamay. Waa midda ay dad badani si dhiirran mar walba cod heer ugu yiraahdaan "waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay", si'ay qof ama beel ay markaas is hayaan culays ugu saaraan, waxayna dhab ahaan u ogyihiin dhaartaasi inay tahay waxa kaliya ee tusinaya in la magacaabay, Magaca Allaha weyni ma mudanyahay in halkaas la dhigo?, rabbigii abuurtay dadka ka sariigan waayay ee magaciisa qaddarinta mudan been iyo halagaa sheego ugu dhaartay?, anaga maxay noo hayaan?.
GUNAANAD.
Dadka aan tilmaamahooda soo sheegnay ee dhaartu sidaa ula sahlantahay, wax ay u dhaarteen iyo waxay ka dhaarteena ayan u kala soocnayn; waxaa inta badan ku kalifaya arintaas hami adduun iyo mid aakhiro midna ma xambaarsana, rabi agtiisa dan kama laha, shacabka ay dhex joogaanna sumcad kama rabaan, magaca Allaah waxaa kala weyn qadada iyo qaadka ay markaas ka cadaysanayaan qofka ama ururka ay taageereen ee ay dartood u dhaarteen, haddii dad rogmado iyo haddii dal baaba'o iyaga waa isugu hal, mood iyo nool wax ay kanaxaana ma jraan, aragtidooduna waxay ku koobantahay xoogaaga ay markaas dhalaashanayaan. Waa qoloduu gabyaagu ka yiri:
Wax bogliyo wax beerliyo nimaan beeso dacas haysan
Oo boqol ka jecel wiilka curad biimona u jooga
Inuu dunida boob ugu tashaa waw bannaan tahaye !!.
Laakiin qofka muslimka ah ee xaga Allaah rajada ka qaba, umaddiisana ka xishoonaya waxaa laga rabaa inuu dhaarta iska ilaaliyo magaca Allaah xurmeeyo, sharciguna wuxuu na amrayaa inaan dhaarta iska ilaalino, sidaas darteed ayaa Iamaamu Shaafici Allaha u naxariistee laga weriyay inuu yiri: weligey magaca ilaahay kuma dhaaran, run iyo been toona.
Bal hadalkaas iyo waxa hadda taagan isku fiiri, si'aad u ogaato qofkasta meesha magaca ALLAAH ka joogo.
 W.Q. C/nuur F. Cali
email: cabdi2067@hotmail.com
ama Nur.ali99@Gmail.com 
Qiso ku saaabsan maskaxdii khaliif cali binu abii daalib R.C ...
Nin gaal ah ayaa maalin u yimid Cali binu Abii Daalib (R,A) asaga oo rabey inuu weeydiiyo su'aal, isna leh su'aashaasi weey ku adkaan doontaa Cali...
Wuxuu fiirsadey Cali oo la joogo dad badan...
markaas ayuuna doortey inuu su'aasha weeydiiyo, si hadii Cali binu abii daalib uu garan waayo su'aashaasi uu u ceeboobo...
Ninkii ayaa Cali weeydiiday inuu sheego nambar hadii loo qeeybiyo numbarada u dhexeeyo 1 ilaa 10 ay jawaabta noqoneyso tiro aan jajab laheyn, Cali ayaa ku jawaabay...
Maal-maha sanadka ku dhufo maal maha Usbuuca, waxaadna heli jawaabta, su'aasha aad I weeydiisay...
Ninkii ayaa yaabey, ka dibna bilaabey inuu xisaabtan galo si uu u ogaado ineey sax tahey jawaabta Cali iyo in kale...
La yaab ayeey ku noqotey inuu Cali sheegey jawabatii uu rabey...
Maxaa yeeley sanadkii wuxuu leeyahey 360 maaL-mood (waa sida calenderka carabiga tusinayee)...

Usbuucana wuxuu leeyahey 7 bari...
Hadii labadooda la isku dhufto (360 x 7= 2520)...
Markaas hadii 2520 loo qeybiyo nambarada u dhexeeyo 1-10 sida su'aasha aheyd, waxeey noqoneysaa sidatan:-
2520 loo qaybiyey 1 = 2520
2520 loo qaybiyey 2 = 1260
2520 loo qaybiyey 3 = 840
2520 loo qaybiyey 4 = 630
2520 loo qaybiyey 5 = 504
2520 loo qaybiyey 6 = 420
2520 loo qaybiyey 7 = 360
2520 loo qaybiyey 8 = 315
2520 loo qaybiyey 9 = 280
2520 loo qaybiyey 10= 252
Ninkiina meesha ayuu ku ogaadey Jawaabta cali uu ka bixiyey ineey tahey 100% mid sax ah...
Hadaba meeshaan waxaa laga qaadan karaa qofka Alle isku xira marnaba inaanan waxba laga qaadi kareen, Sidoo kale haddii aad ilaaliso wax yaabaha uu Alle dushaada dhigey, Alle-na wuu ku dhawri doonaa Adduun iyo Akhiraba....
by hanad Ibraahim muruh .
Waagii hore dadku waxay rumaysnaayeen in walaxda ugu yar walxaha inay Atom, hase ahaatee waxa cadaatay in fikradaasi qaldanayd. Maanta waxaynu ognahay in walaxdu ka koobantahay Electron, Proton iyo Neutron. Hadana markii cilmi baadhis lagu sameeyey Neutronka iyo Proton  ka waxa la ogaaday in ayaguna ay ka samaysan yihiin qurbayaal la dhaho Quarks. Si kastaba ha ahaatee Afar iyo Toban qarni kahor ayaa Quraanka Kariimka ah lagu sheegay in Atomku aanu ahayn walxada ugu yar ee maatarku ka abuuranyahay. Allah wuxuu leeyahay:

    وَمَا تَكُونُ فِي شَأْنٍ وَمَا تَتْلُو مِنْهُ مِن قُرْآنٍ وَلَا تَعْمَلُونَ مِنْ عَمَلٍ إِلَّا كُنَّا عَلَيْكُمْ شُهُودًا إِذْ تُفِيضُونَ فِيهِ ۚ وَمَا يَعْزُبُ عَن رَّبِّكَ مِن مِّثْقَالِ ذَرَّةٍ فِي الْأَرْضِ وَلَا فِي السَّمَاءِ وَلَا أَصْغَرَ مِن ذَٰلِكَ وَلَا أَكْبَرَ إِلَّا فِي كِتَابٍ مُّبِينٍ ﴿٦١﴾
    “Wixii Xaala ood ku Sugan tahay wixii quraana ood Akhrin, wixii camala ood falaysaan waan idin la joognaana (ognahay) markaad dhex galaysaan, kama Qarsoona Rabigaa waxa  yar (Atom) oo ku jira Dhulka dhexdiisa iyo Samada toona, iyo wax kasii yar taasna, iyo wax  ka wanynaba (haday jiraanba) Kitaab cad bay ku sugnayihiin”
Dabcan Ilaahay wuxuu si cad u qeexay in Atomka ay jiraan walxo kasii yaryar, waxayna aayadani soo degtay 1400 oo sanadood kahor, Waxa kaliya oo inala haboon waa inaan nidhaahno SubxaanAllah.
– Fiiro gaara: Kalimada (ذَرَّةٍ), darrah macnaheeda carabtu waxayu adeegsn jirtay wixii indhahoodu qabtaan waxa ugu yar sida qudhaanjada yaryar iyo wixii lamid ah, balse xilligii la ogaaday Atomka waxa loo baxshay Atomka kalimada (ذَرَّةٍ) sababtoo ah waxay agtooda ka ahayd waxa ugu yar ee ay ogyhiin. Xitaa hadii muran la galiyo in eraygaasi macnaheedu yahay qudhaanjo yar, wuxuu Rabi cadeeyey in ay jirto waxyaalo kasii yaryar oo uu ALlah ogyahay.
Mucjisda 2 aad: Wax kasta lamaane ayaa laga abuuray.
Mudo 100 sanadood kahor ah, dadku waxay rumaysnaayeen in bani-aadamka iyo xayawaanka oo kaliya laga abuuray lamaane (pairs), lab iyo dhidig. Hase ahaatee maanta waxaynu ognahay in dhamaan nooluha iyo maatarkuba ay ka kooban yihiin lamaanayaal, (Male & Female, Positive & Negative, Electron & Proton) Allahna wuxuu leeyahay:

    سُبْحَانَ الَّذِي خَلَقَ الْأَزْوَاجَ كُلَّهَا مِمَّا تُنبِتُ الْأَرْضُ وَمِنْ أَنفُسِهِمْ وَمِمَّا لَا يَعْلَمُونَ﴿٣٦﴾
    “Waxaana (xumaan) ka nasahana Allahii abuuray azwaajka (noocyo/lamaanayaal) dhamaantood oo ah waxa dhulka soo biqlyo iyo naftoodaba iyo wax ayna ogayn.” [Yaasiin:36]
Xigasho:wajilad.wordpress
Gabadha Muslimada ah wuxuu Alle ku qoray dusheeda in bishiiba mar  ay u dhaafto cibaadooyinkey la iman  jirtay cudur daar sharci ah dartii
Waana  inay ku raali noqotaa  waayo maaha waxaad adigu gacanta ku haysid ood badali karto, sidoo kale maaha wax kaa reebaya  guud ahaan acmaashii saalixa ahayd ee aad la imaan jirtay  waa laga yaabaa in qaar ka mida lagaa reebay laakiin    in badan ay kuu banaan tahay.
Nebiga salalahu calayhi wasalam ayaa maalin  Caaisha u soo galay iyadoo oynaysa maxaa yeelay  cudur daarkii sharciga ahaa ayaa haleelay iyadoo ku dhex jirta acmaashii Xajka  markaasuu  niyada u dejiyay kuna yiri   “Waa wax Allaah ku qoray korkooda  gabdhaha aadam dhamaantood’ wuxuuna u raaciyay waxay sameyn lahayd  iyo waxayna sameyn karin inta ay Xajka ku guda jirto.
Halkaa waxaa inooga cadaatay in   maalmaha ay gabadhu ku jirto cudurka sharciga ah  ay la imaan karto  cibaadooyin badan  waxa loo diidayna ay yihin wax kooban iyadoo isla markaa heleysa ajarkii  ay heli lahayd markeedii hore Allaah subxanaahu watacalaa waa mideey deeqdiisu badan tahay  qofkii la imaan jiray camalo wanaagsan  haduu xanuunsado ama cudur daar la soo gudboonaado waxaa loo qoraa ajarkisii.
  Rasuulka salalahu calayhi  wasalam wuxuu yiri

 قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ” إذَا مَرِضَ الْعَبْدُ أَوْ سَافَرَ كُتِبَ لَهُ مِنَ الأَجْرِ مِثْلُ مَا كَانَ يَعْمَلُ صَحِيحًا مُقِيمًا ” .
”Adoonku haduu  safro ama  bukoodo waxaa loo qoraa  ajarkii markuu caafimaadka qabay  safarkana ahayn” Bukhaari baa wariyay,
 Xadiisyo badan ayuu Rasuulku calayhi salatu wasalaam ku cadeeyay in qofka niyadiisa  lagu abaal marinayo maadama  cudur daar  ka reebay wuxuu sameyn lahaa ee camal wanaagsan ahaa  waa hadii niyadu  wanaagsan tahay kana xun yahay waxaa kheyree dhaafay  jeclaan lahana  inuu la yimaado laakiiin awood dari ama cudur daar lasoo darsay .niyadeena hadaan hagaajino waxaa xaqiiqa in wanaaga niyadeena aan ku helayno wax aynaan la imaan  awoodna u lahayn sameyntiisa,
Waxaad sameyn kartaa acmaaal badan  hadaaadan soomanayn  waxaana ka mida,
Adkaar  badan nooceey doontaba ha ahaatee,  Ducooyinka oo aad ka faaideysato adoo gaadaya  waqtiyada ducooyinka  la aqbalo
 Xiriirinta qaraabada  Rasuulku salalahu calayhi wasalam wuxuu  yiri

عن أنس بن مالك -رضي الله عنه- قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : “مَنْ أَحَبَّ أَنْ يُبْسَطَ لَهُ في رِزْقِهِ ، وَيُنْسَأَ لَهُ في أَثَرِهِ ، فَلْيَصِلْ رَحِمَهُ” . متفق عليه
(Qofka jecel in risiqisa loo balaariyo cumrigiisana loo dheereeyo ‘yacni loo barakeeyo’ ha xiriiriyo qaraabadiisa)
 Dhagaysiga quraanka iyo cajalado faaiido leh sida Muxaadaraad ,Duruus,  Fatawa, iwm,
Waxaad kaloo sameyn kartaa  sadaqo inaad la baxdo, dad afuriso hadaad awoodo,, dad masaajid ku ictikaafaya afur u geyso iwm..
inaad caawiso  walal kuu baahan,  Rasuulka salalahu calayhi wasalam wuxuu yiri

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم

” والله في عون العبد ما كان العبد في عون أخيه “[أخرجه مسلم )
Ilaahay  wuxuu  caawiyaa adoonka  intuu adoonku yahay mid caawiya walalki)
akhrinta kutub  faaiido kuu leh , iyo  qaar kaloo badan
Markaa walaasha cudur daarku ku yimid Ramadan gudihiisa yaysan is dhigan  ee ha dadaasho iyadoo qaban karta  wax badana yaysan  ku soo koobin    faaiidadii  bishaan Soon iyo taraawiix kaliya  Cibaadadu waa  Kalmad koobaysa  dhamaan wuxuu Allaah jecelyahay raalina ka yahay  albaabada khayrku waa badan yihiine  midkaad awoodaba ka gal  yaana lagaaga dheereeyn Xaga Alaah iyo raali gelintiisa.
Xigasho:wajilad.wordpress

Sunday, 28 May 2017

Geeridu xaq weeyee haduu Ruux ku go’ meel.
Gacalkiyo xigaaluhu intay geba-gebeeyaan .
Marka ay gadoomaan , wuxuu galabsaduun baa ,
Godka ugu hoydee intaa mayla garateen?
Abdi laahi Ibnu cabaas RC ayaa ka soo weriyey Nebigeena  scw inuu nin waaniyey oo ku yidhi: ka faa’iidayso shan arimood shan hortood,
1.    Noloshaada ka faa’iidayso geeridaada ka hor.
2.    Dhalin yaranimadaada ka faa’iidayso gabow ka hor.
3.    Caafimaadkaaga ka faa’iidayso xanuunkaaga ka hor,
4.    Qanintinimadaada ka faa’iidayso faqriga ka hor.
5.    Firaaqadaada ka faa’iidayso Mashquulkaaga ka hor.
Waa shan qodob oo aad u muhiima in uu qofku ka faa’iidaysto intaan shanta danbe u iman , waana xaqiiq inay  u iman doonaan oo aanay gaffi doonin, hadaba waxaa mudan inaan is waydiino shantan  ma ka faa’iidaysanay ka hor intaan shanta danbe inoo iman mise waxaynu nahay kuwo qafladaysan?
Geeridu waa wacdiyaha aamusan,
Waxaa laga soo weriyey xabiibkeena SCW inuu yidhi:  waxaan idiinka tegay ( Mid aamusan iyo mid hadlaya oo labaduba idiin wacdi ah, waa Geerida iyo Quraanka) quraankuna waa waaniye inala hadlaya Geeriduna waa waaniye aamusan oo maruun qofka dhufanaya, marka u qof dhinto waxay inoo tahay waano ay tahay inaan wax ku qaadano.
Labadan waaniye ee midna aamusan yahay midna hadlayo hadii ay waxba inaga tari waayaan ogow qalbigeenu waa qalalan yahay, qalbi qalalana Illaahay swt ma jecla mana jannaynayo.
Si aan mar walba dareenkeena ugu baraarujino geerida waxaa uu yidhi Xabiibkeenu SCW: Tuko Salaad sidii mid dadka sii sagootinaya. Macnaha wayn ee ku jiraa waxaa weeye  aduunyada haka dhigan Daar aad sii joogayso oo adigu aad leedahay Salaada aad tukanayso u tuko sidii qof Salaadaasi ugu danbayso, oo mid danbe aan tukan doonin, wuxuu naftiisa ku soo ururinayaa hadii uu sidaa yeesho khawf Alle ka cabsi iyo baqdin iyo Khushuuc, iyo u diyaar garow aakhiro, wuxuu ka dherginayaa naftiisa Xamaasad uu u qabo aakhiro iyo Jannadda  iyo Nimcooyinka uu u diyaariyey Alle SWT , wuxuu naftiisa qofku gelinayaa cabsi uu ka cabsanayo oo ka ducaysanayo Naarta iyo Kulaylkeeda wuxuu ka soo baxayaa qofku salaadii isagoo ah qof niyad sare leh oo Alle u baryey sidii mid hadaba la kulmaya.
Xadiisku waa mid kooban hadana macnihiisu aad u balaadhan yahay waayo Xabiibkeena scw Illaah wuxuu siiyey wax la yidhaaho Jawaamicu kelim waa kelmado kooban oo hadiise la yidhaaho macneeya laga qorayo buugaag badan.
Yaa ka fiican qofka qaata dardaaranka Xabiibkeena oo u tukada Salaadaha sidii qof hada aduunka sii macasalaameenaya,? Yaa ka fiican qofka ku camal fala xadiiskaas.
Qiso Kooban.
Wuxu yidhi Yaziid Raqaashi Alle ha u naxariistee: waxaa jiray nin aad u kibir badnaa oo madax ahaa oo dikteetar ahaa maalin isagoo madaxtooyadiisii jooga oo qolkiisii gaarka ahaa fadhiya ee u wadankiisa uga talin jiray ayaa gurigaas u wax ka maamulaana uu yahay guri si wayn loo ilaaliyo ayaa waxaa u soo galay nin muuqaalkiisu argagax badan yahay markaasuu ninkii Dikteetarka ahaa argagaxay oo yidhi: waar maxaad ahayd ? markaasuu yidhi: waxaan ahay Malakul mowt, boqorkii ayaa ugu hal celiyey oo maxaad u socotay ? wuxuu yidhi way kaa dhamaatay ee soo dhaadhac aduunyaddu way kaa dhamaatay, ajashaadii waa dhamaatay aakhiro ayaad u bislaatay qabrigaa lagu gaynayaa! Dikteeeratkii dulmiga badnaa ayaa dhulka isku tuuray oo yidhi: codsi Madaxwayne ayaan kuu soo qorayaa iga daa maanta geerida aan toobad keeno aan Rabbi baryo, aan dadkii aan dulmay u celiyo xoolohoodii aan amaanooyinkii aan hayey iska dhiibo, aan umadayda sii macasalaameeyo Malakul mowdow iga daa maanta geerida!
Malakul Mowt wuxuu yidhi: maya maya laba naqas ayaa kuu hadhay waan kaa qaadayaa nafta? Kibraanigii ayaa yidhi: maxaa igaga horeeya Qabriga? Malakul mawt wuxuu yidhi: camalkaagii ayaa kuu yaal dulmigaad samayn jirtay xumaantaad samayn jirtay , Naar baa kaaga horaysa Qabriga maad filanayn inay sidaas noqon doonto, markaasuu naftii ka qaaday ,
Markaasay ehelkiisii iyo dabaqoodhigiisii isku dareen oohin iyo qaylo haday ogyihiin waxa kaga sii horeeya qabriga way sii laban laabi lahaayeen oohinta,
Walaalayaal xaaladee ku sugaynaa qabriga ma inagoo qafladaysan mise inagoo aan qafladaysanayn, ma inagoo daacad samaynayna mise inagoo macaasi samaynayna.
In qabrigu ga’doon yahay inuu geeri go’an yahay.
Gacal iyo xigaaliyo inaan garasho kuu ool.
Intaas malay garateen?
Waa inoo mar kale iyo qormo qabriga ka hadlaysa Allena ha ina asturo.
Qalinkii
W/Q: Hussein Jama Guudcade.

Saturday, 27 May 2017

Dhafarka iyo hurdo la'aanta waxaa laga dhaxlaa dhibaatooyin badan oo kala duwan.
Maadaama caalamku is badalay oo habeenkii iyo maalintii isku mid noqdeen xaga dhaqdhaqaaqa waxaa aad u soo baxay dhibaatooyin badan oo la xiriirta hurdo la'aanta ama dhafarka habeenkii taasoo na dareensiineysa ahmiyada hurdada iyo faa'idooyinka caafimaad ay hurdadu wadato.
Dhafarka habeenkii waa wax khilaafsan sunnadii eebe ugu tala galay bini'aadanka, eebe wuxuu quraankiisa ku xusay dhowr meel in habeenkii loogu talagalay daganaan iyo hurdo, maalintiina nolol iyo dhaqdhaqaaqa, qofka bini'aadankane labaduba uusan ka maarmi karin.
Fikrada khaldan ay dadku qaar aaminsan yihin ayaa ah, haduu qofka habeenkii soo jeedo, maalintiina uu hurdo in ay ku filan tahay oo uu faa'idadii hurdada helay.
Taasi sax ma ahan, diraasado badanne waa laga diyaariyay arrintaas, waxaa la arkay in qofka biniaadanka jirkiisu uusan isku si u shaqaynin habeenkii iyo maalintii, habeenkii maadaama loogu tala galay nasinada iyo hurdada, unugyo badan oo jirka ka tirsan waxaa eebe uu ku programiyaya in ay shaqada yareeyaan ama hakiyaan iyo xubnaha qaar ay yareeyaan wax soo saarkooda sida qanjirrada soo daayo hormoonada iyo dheecaanada jirka uu u baahan yahaya, maalintiina waa caksi oo qeybo badan oo nasanayay habeenkii ayaa la howl galiyaa habeenkii, sidaas awgeed hurdada maalintii ma gudi karto midda habeenkii.
Dadka habeenkii shaqeeyo ama dhafro waxay la kulmaan dhibaatooyin ka dhashay culeys saarista jirkooda oo u baahnaan lahaa xilli nasasho tanne waxay dhalisaa dhibaato dhowr, waxaana ka mid ah:
    Hurdadu waxay kobcisaa difaaca jirka waxay awood dheeraad ah iyo firfircooni siisaa unugyada jirkeeda ee eebe ugu tala galay inay ka hortagaan waxyaabaha jeermiska ah, sidaas awgeed dhafarka iyo hurdo la'aanta joogtada ah waxay keentaa in qofka jirkiisu uu iska difaaci kari waayo xanuunada.
    Hurdadu waxay yareysaa miisaanka qofka, dhafarkuna wuxuu keenaa cayil, waxay cilmibaarayaashu arkeen in dadka dhafro in ay boqolkiiba 30% ay kaga halis badan yihiin cayilka dadka hurdada helo, taasna waxaa lala xiriiriyay in hurdo yarida ay yareyso maado la yiraahdo "leptin" taasoo qofka dheregta dareensiiso waxuu kaloo dhefarka kordhiyaa maadada loo yaqaano "Gherlin" oo ah hormoonka dareensiiyo gaajada.
    Hurdadu waxay kordhisaa caafimaadka iyo dareenka maskaxda, qofka dhafra wuxuu dareemaa subaxii daganaansho la'aan iyo inuu si sahlan ku xanaaqi karo maadaama dareemadiisu ay kacsan yihiin oo habeenkii dhan shaqo ku jireen, hadduu qofka dhafarkaas u barto waxay keentaa niyad jab, diiqo iyo welwel, diraasadl lagu sameeyay dadka laga daaweeyo diiqada in ay badakood helin hurdo ku filan ama ay ku bada ntahay dhafarka.
    Hurdadu waxay ka hortagtaa Sonkorta iyo Kaadi macaanka, waxaa la arkay dadka dhafra inay halis ugu jiraan cudurka macaanka noociisa 2-aad taasoo ka dhalaysa wareer ku yimaada qaabka jirka uu u xakameeyo ama u kontaroolo sonkorta cuntada laga helo.
    Dhafarka wuxuu yareeyaa hamiga kacsiaga qofka, waxaa la arkaa dadka dhafra inay ka hami yaryihiin dadka hela hurdada habeenkii
    Dhafarka muddada dheer ah wuxuu keenaa in wadna garaaca uu siyaado, taasina waxay keentaa in cadaadiska dhiiga uu bato tanoo culeys saari karto wadnaha, sidaas awgeed wuxuu qofka dhafraa halis ugu jiri karaa xanuunada wadnaha ku dhaco.
    Dhafarka wuxuu raga iyo dumarkaba si iskugu mid ah u yareeyaa hormoonada u xilsaaran tarmidda iyo uureynta, hadduu dhafarkaas joogto noqdane waxay dhakhaatiirtu ka digaan in qofka madhalaysnimo ay u keento taasoo ka dhalatay khalkhal galay hormoonadaas.
Talooyin:
1- Haddii aad ka mid tahay dadka dhafro in aad ku dadaashid sidii aad u heli lahayd hurdo kugu filan habeenkii adigoo ka fogaada waxyaabaha dhafarka kuu keeni kara.
Waxaa laga yaabaa in aad aamisan tahay in aad u baaha ntahay saacado kooban oo hurdo, in aad dhafri karto, subaxiina aad shaqadaada aadi kartid.
Ogow taasi waa dhibaato aad ku haysid jirkaaga oo dhici karto waqti dambe in ay kaa soo baxdo.
2- Haddii aad shaqaysid habeenkii, ku dadaal in aadan joogto ka dhigan shaqadaas, waxaadna awood sharci ah u leedahay in shaqo habeen si joogto ah laguugu qori karin iyadoo ay suura gal tahay in aad maalintii shaqeyso ama aad is badashaan dadka kale ee aad isla shaqeysaan.
3- Haddii aad tahay dadka dhafro ka fogow waxyaabaha keeni karo in hurdada kaa fogeeyaan sida kaffeeyga iyo cabitaanada laga helo energy-ga, tani waa dhibaato lagu daray dhibaatadii dhafarka, waxaad jirkaaga saaraysaa culeys dheeraad, waxay la mid tahay adigoo baabur matoorkiisa kululaaday aad rabtid in aad sii waddo oo aad sii sheellarayso!.
Iska ilaali in aad maandooriye ku darto dhafarka sida qaadka iyo waxyaabo kale oo sidooda halis ugu keeno jirka.
4- Dhakhatiirtu waxay sheegaan in hurdada la qallayn karo oo wixii dhafarka uu gaarsiiyay jirkaaga in la yarayn karo usbuucyo illaa bilooyin gudahooda, dhibaatada iyo dhaawaca jirka gaaray waxay ku xiran tahay mudada dhafarka iyo nooca shaqada ee lagu dhafray, kullamaa qofka shaqada uu habeenkii uu qabto ay badan tahay ama u baahan tahay in jirka iyo maskaxda aad looga shaqeysiiyo kullamaa dhibaatadu ay badan tahay ama ay soo degdag ogtahay.
Waxay lagula taliyaa qofka rabo inuu ka hortago ama yareeyo dhibaatada dhafarka mudda uu ku soo jiray in uu saacado dheeri ah uu hurdo habeenkii, huradadaaso oo ah mid aan buuq lahayn, waxaa lagula taliyaa in qofka uu 10 saac oo hurdo joogto ah uu helo si uu u so gudo deyntii hurdada lagu lahaa.
5- Haddii aad ka mid tahay dadka ku dhafra isticmaalka internetka ama daawashada filimaanta, ka fakar mustaqbalka caafimaadkaaga, iskana jooji caadadaas oo haddii aad muddo dheer aad wadid kuu keeni karta dhibaatooyinka kor ku xusan.
6- Xanuunada laga dhaxlo khilaafista sunada nolosha ee eebe waxay ku tusinayaa in jirka bini'aadanka loogu talagalay si kontorool leh inuu u noolaado, hadduu caksigeeda uu sameeyane wuxuu ka dhaxlaa dhibaatooyin aadan waqtigaas dareemi karin.
FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI DOCTORS.

 Maxay tahay calaamadaha dhalm-deyska Dumarka?
Waa maxaay hoolgabnimada dhaalmada  (Menopause)? Menopause waa hoolgabnimada dhanka dhalmada ama dhiiga caadada, waa nidaam biological ah oo marwaaliba soo mara dumarkasto ku nool aduunkan aaynu ku noolnahay, waxaa ayuu uu horseeda dumarka in aay  isku arkaan caalamadaha xaalada dhalmo la,aan joogta ah, ama dhiiga caadada oo ka istaago, taas oo macnaheeda uu yahay in ay dumarka la soo daristo xaalad ah in aysan dhalaaynin wax caruur ah ama aysan qadaaynin wax uur ah, waxaana lagu ogaan kara xalaadan dumar marka ay la soo dariisto in aay iska waayso wax caado ah in ka badan 12 bilood oo xariir ah.
Inta lagu jiro xaaladan kala wareega ah ee dumarka ay ka wareegan nidaamka dhalmada una wareegan xaalada hoolgabnimada dhanka dhalmada, Ovarieska ama xubnaha  sameeyso  ugxaanta  ama hormoonka dumarka  ayaa waxay bilaabayaan in aay joojiyaan soo saarista in ku filan hormoonka dumarka Estrogen iyo Progesterone  ama soo saarin ugxaanta dumarka, mar hadii uu hoos uu dhaco horamoonka aan soo sheegnay ee Estrogen iyo Progesterone  dumarka waxaay uu horseedeysa in ay wayso dhiiga caadada uu ku dhaco dumarka bil waliba.
Menopuaseka ama hoolgabnimada dhanka dhalmada, xaaladaha ay ku imaan karto waxaa lagu qiyaasa da,da dumarka inta uu dhaxeeyso 45 sano ila iyo 55 sano waa qofba sida uu ilahay ugu maneestay kheyrkiisa. dumarka qaar ayaa  ku bilaabo menopuaseka am hoolgabnimada dhanka dhalmada daa,da 40 saano wax ka hooreeyo sida 30 saano iyo wax ka sareeyo,waxaana mardhow la arkay dumar reer yuruub ah oo ku yimid hoolgabnimo ama menopause  daa,da 31 saano, tan oo kale waxaa lagu magacaabay hoolgabnimo ka soo hormaartay waqtigeedi ama perimenopuase, waxaana sabaabi kara xaalado kala gadisan waxaa ka miid ah autoimmune disorders oo ah dhiibaato ku dhacdo hab difaaca jiirka binu adeemka, sigaar cabiista ama smoking cigarette waxaa ayaa ku jiro chemico taas oo dhawacda hormoonka dumarka, ama dhaawac gaaro ovarieska xibnaha soo saaro uugxanta ama soo daayo hormoonka dumarka ee Estrogen iyo Progesterone, ama qaliin lagu sameeyay ovarieska ama xuubinta soo saarta hormoonka iyo ugxanta oo laga saaro dumarka taas waa sababi kartaa hoolgabnimo dhanka dhalmada qaasatan qaaliinka loo yaqaano (hysterectomy) oo ah soo saaridda minka.
Hoolgabnimada dhanka dhalmada waa xaalad dabiici ah oo uu qaas ah haweenka oo  soo marta qofka dumarka ah noolashoodi marka la gaaro waqtigeeedi ee maahan wax cuduur ah oo laays qaadsiyo, ee laakinse maraarka qaar waxaa sabaabi karo deeganaansho la,aan dhanka maskaxda dumarka oo u horseeda in ay sabaab uu noqoto xaalado badan oo hoos taga daawooyinka loo isticmaalo ku daaweeynta cuduro kale sida chemotherapiga  oo sabaabi karo in uu dhibaateeyo  hormoonka dumarka.
Heeraarka hoolgabnimada dhanka dhalmada ama stages of menopause.
Dumarka ka soo biloow waqtigii aay gartay in aay ku dhacdo caadada waqtigi ay yareed ilaa ay ka gasho waqtigi hoolgabnimada dhanka dhalmaada, caadiyaan waxay helaan bishiiba mar in aay u timaado dhiiga caadada, haadi laga reebo xilliga uurka aay ku siido ilmaha aan dhalan ama xaalado kale la xariir cuduro qaar ah oo dhib uu keeno in ay wayso caadadi ay heeli jirtay bishiiba mar.
Xiliga ugu horeeyo ee wareega caadada dumarka, Ovarieska ama xibnaha uugxaanta sameeyo ee ku yaalo ilmogaaleenka qeybtiise sare, waxaay soo saran level aad iyo aad uu sareeyo oo ah hormoonka Estrogen, kaas oo u horseeda gudaha darbiga ilmogaleenka oo loo yaqaano endometrium in uu adkaado oo noqdo mid celiya dhaqdhaqaaqa ugxaanta inta ay ka weynanayaan ugxaantas  oo ay ka gaarayaan kuwa wax la falgali kara hadi ay la kulmaan manida raga, hadii aysan la kulmin wax manida raga maalinka 14 ee wareega dhiiga caadada dumarka ugxaanta waxaay bilaabayaan in la soo daayo waa farasamo xaga rabaani ah, taas waa mida loo yaqaano ovulotion.
Xaaladaas kadib xibnaha sameeyo ugxaanta loo yaqaano ovaries waxaa ay soo saaraysaa level sare oo ah hormoonka Progesteroonka hadii ugxaanta an la kulmin ama helin shahwo rageed oo ay la falgasho levelkii sareeyay ee hormoonka Esterogen iyo Progesterone hoos ayuu uu dhacayaa, hoos u dhacaas waxaa ayuu uu horseedaya in uu jirka iska dibciyo adkaantii uu adkeeynaayey gudaaha derbiga ilmogaleenka taas oo ilaalo u aheed ugxaanta si aysan iskeeda u dareeriin ama dilaaciin, ayaa waxaa bilaabaneyso in ay dillaacan ugxaanti oo ay isu bedelaan dhiiga caadada.
Dumarka marka ay gaaran xiliiga hoolgabnimada, xubnaha sameeyo ugxaanta waxaa ay soo sarayaan level hoose oo ah hormoonka Estrogen, hoos u dhacan hormoonka estrogenka aya waxaa uu horseed u noqoonaya xaalada aan toosneen dhanka dhiiga caadada dumaarka, in mudo ah kadibna waxaa ayuu uu keenay hoolgabnimo joogto ah dhaanka caadada ama dhalmada, in muudo ah ayeey soconaysaa hoosha dhanka hoolgabnimada dhalmada bilooyin iyo sanado inta oo san sii joogto ah u istaagin, heeraarka hoolgabnimada dhanka dhalmada waxaa loo qeybiya ila 3 xaaladood oo kala ah siida soo socoto.
Perimenopause ama hoolgabnimo ka soo hormartay waqtigeedii.
Hoolgabnimada dhalmada dumarka ka soo hormartay waqtigeeda, howsheedu waxaay bilaabanaysaa sanadooyin ka hor inta uusan iimaanin hoolgabnimada joogtada ah waqtigeedi, inta lagu jiro xaaladan soo hormaritaanka dhanka hoolgabnimada, si caadi ah ayeey  dumarka u helaan dhiiga caadada, inta lagu jiro xaladahaan soo hormaritaanka waqtigii istaaga dhiiga caadada ama dhalmada, qofta dumarka ah hormoonkeeda waxaa ayuu noqoonaya mid an deganeen mar waxaa ayuu noqoonaya mid levelkiisa sareeyo ama mid levelkiisa hooseeyo taas oo macnaheedu yahay in ovarieska dumarka oo ah xibnaha soo saara hormoonka soo daayo hormoonka estrogen oo level hoose ah, tan ayaa u horseedeysa in ay isku aragto qofta dumarka caalamadaha istaaga dhiiga caadada ama hoolgabnimada dhanka dhalmada,inta lagu jiro waqtigaan oo ah ka soo hormaaritaanka waqtiga istaaga dhiiga caadada ama dhalmaada caalamadaha waa la arkaaya laakiinse qofka dumarka ah waxaay ku qaadan karta muudo ilaa iyo 5 saano iyo wax kabadan howsha hoolgabnimada rasmiga ah, inta lagu jiro mudadaan waa macquul in dumarka saameysay caalaamadaha in ay heelaan ama ay qaadaan uur inta ay ku jiraan xiilaagan kala wareega ah laakinse waa miid aan la hubin.
Menopause ama Hoolgabnimada dhaanka dhaalmada.
Dumarka xaalada hoolgabnimada dhanka dhalmada waxay galayaan marxalada istaaga dhalmada marka ay isku arkaan calaamadaha istaaga dhiiga caadada in muudo 12 bilood ah, marka ay dhamaysoto 12 bilood aysan isku arkiin dhiiga dhaalmada, meesha waxaa ka bilaabanaayo in ovarieska ama xinbaha  dumarka ee soo saaro  Uugxaanta dumarka in uu istaagay hoowshiisa soo saaritaanka Uugxaanta iyo in xibnaha haweenta ay joojiyeen soo saaritaanka hormoonka dumarka oo kala ah Estrogen iyo Progesterone, hoos uu dhaca hormoonka dumarka ayaa waxa uu ku tusayaa caalamadaha in qofkaan dumarka ah ay gashay marxaladii ka bixitaanka waqtigii dhalmada.
Postmenopuase ama  hoolgabnimada ka dib.
Qofka dumarka ah marka ay ka baxdo marxalada dhalmada ayna gasho marxalada hoolgabnimo aya waxaa ku dhaco isbedelo badan oo marba si ku yimaado dhanka jirka haweenka, maxaa yeelay hormoonkeedii oo dhan ayaa baxa oo raaca kaadida ay kaadiso markasto inta ay ku jirto marxalada hoolgabnimada, caalamado ayeey isku arki kartaa oo ka mid ah lafaha oo xanuuna, dhidiid waqtiga ay jiifto habeenkii, kuleel ka soo baxa jirkeeda. iyo calciumka oo jirkeeda ku yaarado iyo Vitamin D. lafaha oo buburku yimaado, wadnaha oo xanuun ku yimaado qofba si ayuu ugu imaanayaa calaamadaha marxaladaan ee hadii aad isku aragtid fadlaan la xariir dhakhtarkaaga.
FG: XUQUUQDA QORAALKAAN WAXAA ISKA LEH SOMALI DOCTORS
Ladnaantu hadday kii shalay liitay dhaxalsiiso laafyood, libaaxayn iyo inuu laandheero is moodo, wuxuu moogan yahay in laab lakacu lugooyo yahay oo leebka liishaanka toosan ee waayuhu ruuxba maalin lufad ka dhigo. Ruuxna lacagtaa lumisoo ka tuurta laag iyo xaraar dheer, ruuxna maskaxduu maalaa oo milgo iyo maamuus ayuu maalmaha kooban ee uu uunka joogo mutaystaa.
Indheer garadka waayaha nolasha u dhuun daloola mooyee, dabaalka maalintaa ladani wuxuu moodaa in dadkoo idil la mid yahiin. Waxa ka dhaadhiciwayda isba waakan faraxsanee dadka qaarkii waxay la il go’an yihiin ee ay muragadu uga muuqato. Waa calooshiisa la ciyaar aan caqli badan lahayn, waa hoori nasiibku calankiisa taagay, waa doqon fariid isku haysta, waa ruux aan Rabi iyo ragtoona aqoon, oo haynta iyo barwaaqu u been sheegtay.
Wuxuu u haystaa in wareega ayaamaha, iyo isbedelka wakhtigu ay nimco waarta weligii waraabin doonaan. Wuxuu moogan yahay, in faanka iyo fotooshnimada, santaaga iyo kibirka, kadeed iyo hoog ba’an uun laga dhaxlo.
Dhalinyaro bilaa camala oo makhaayad ku cawaynaysa ayaan dhegonugul sheekooyinkoodii ku dhegaystey, waxay ka cabanayeen niman ay asxaab ahaayeen oo markay shaqo heleen, madax taag iyo islawayni la soo baxay, oo intay labis wacan, mobil wacan iyo baabuur yar iibsadeen, boqoro is mooday. Waxay calool xumo ilaa aakhiro ah u hayeen, nimankay shalay ilkaha wax ku kala goosan jireen, maantana mobilka aan ka qaban, guubaabo iyo dhiirigelinbay isla dhex mareen, wacadbay ku galeen inay nimankaa ka fooraan oo ku foorjeeyaan.
Shaqadaadu shaqsiyadaada yaaney bedelin, ku shukri shilinka ALLE ku siiyey, shaaha shub, shaxaadkana bixi, waa hubaal inaad sharaf bulshada ku dhex shamaaxi doontid. Ha noqon jinni boqor, jeebkiisa la ciyaar iyo jano kabood. Dadkaagaa dhinac ka raac, ha doorin dabeecadaada. Dadnimo, dulqaad iyo wanaag dadkoo idil kula dhaqan.
W/Q: Abdirisak Haji Hussein.
Muxuu arkay nabigu (scw) isagoo lasocda Jibriil iyo Miika’iil?
 Rasuulka Ilaahay (scw) wuxuu ahaa mid waydiiya asxaabtiisa salaada subxa kadib inay arkeen riyo xalay si uu ugu fasiro, wuxuuna waydiiyey maalin saxaabadiisa inay arkeen riyo ,waxayna dhaheen: maanaan arkin.  Kadibna isaga ayaa uga warramay riyo cajiiba oo uu arkay rasuulku (scw), waxaana soo warinaya xadiiska saxaabiga Samur ibnu Jundub (I.R.H).
Waxa laga wariyey Samur ibnu Jundub inuu dhahay: Rasuulka Ilaahay (ﷺ) wuxuu ahaa mid waydiiya asxaabtiisa, “Mid idinka mid ahi ma arkay Riyo?” wuxuu yidhi Samura: waan uga warrami jirnay wixii aan ragnay, wuxuuna dhahay Rasuulku subax: “Hase ahaatee xalay waxa ii yimid laba nin oo i kaxeeyey, waxayna igu dhaheen ina mari waanan raacay..
waxaanan u taganay nin jiifa, waxaana ninkaas dul taagnaa nin kale oo dhagax sita, wuxuuna dhagax ku tuuraya madixiisa, waxaana burburya madaxiisa, dhagixiina wuu giraangirmayaa isagoo ku dhacaya halkan, kadibna dhagaxii ayuu ka daba tagayaa, wuuna soo qaadanayaa, wuxuuna soo laabanayaa isagoo madixiisii kusoo noqday siduu ahaa, markaasu ku dhufanayaa sidii markii hore oo kale, markaasaan ku idhi (labadii nin ee waday nabiga): SubxaanAllah! maxay yihiin labadanina? waxay igu dhaheen: ina mari…….
Waanan baxnay, waxaan u tagnay nin u jiifa dhanka qadaadka, waxaana dul taagan nin kale oo sita bir kalbad ah (maqas), wuxuuna ninkii aadayaa dhanka dhabankiisa waanu jeexjeexayaa illamaa uu ka gaadho qadaadkiisa, markaasuu ninkiina isu rogayaa dhiniciisa kale, wuxuuna u jarjarayaa sidii oo kale, kamasoo noqonaya dhankaas haduuba soo laabto wuxuu u imanayaa dhankii kale oo sidiisii kusoo laabtay, markaasuu ku samaynayaa sidii markii hore oo kale, waxaan idhi: SubxaanAllah! maxay ahaayeen labadanina? waxay dhaheen: ina mari,
Waanan tagnay, waxaana aadnay dhismo lamoodo moofo oo kale, – waxaanan u malaynayaa inuu yidhi, waxaan maqalnay qaylo iyo sawaxan- wuxuu yidhi: waan fiirinay, mise waxa ku jira rag iyo dumar qaawan, waxaana xaga hoose kaga imanaya olol, markuu ololkaasi u yimaadana way qaylinayaan, waxaanan ku dhahay: SubxaanaAllah, maxay ahaayeen kuwani? waxay dhaheen: ina mari..
Waxaanan tagnay wabi -aan u malaynayo inuu yidhi waa wabi u cas sida dhiiga- mise wabigaasna waxa dabaalanay nin, wabiga qarkiisana waxa jooga nin soo urursaday dhagxaan, markuu kii dabaalanayey soo dabaasho, ayuu u imanaya kan dhagxaanta soo urusaday, wuxuuna furaya afkiisa, markaasu afka kaga tuurayaa dhagax, markaasu ninkiina hadana dabaalanayaa, waanu soo noqonayaa, kolkasta oo uu soo laabtana wuxuu furayaa afkiisa, waxaana loogu ridayaa dhagax, waxaan idhi: maxay yihiin kuwanina? waxay dhaheen: ina keen…
Waanan baxnay, waxaanan aadnay beer doogaysan, oo ay ka baxday dhir kastaba, waxaana beertaas ahaaday dhexdeeda nin aad u dheer, oo aanan arki karayn madixiisa dhererkiisa xaga samada awgeed, waxaana ninka hareerihiisa jooga caruur kuwii ugu badnaa ee aan waligay arko, oo walibana qurxoon, waxaan ku idhi (labadii nin) SubxaanALlah! Maxay yihiin kuwanina? waxay dhaheen: ina mari..
Waxaanan ku dhamaanay geed wayn, manaan arkin waligay geed ka wayn geedkaas iyo geed ka qurux badan toona, waxay igu dhaheen: fuul, waanan fuulay, waxaanan ku dhamaanay magaalo laga dhisay dahab iyo fiddo, waxaanan nimid albaabkii magaalada, waxaanan dalbanay in lanaga furo, waana lanaga furay, waanan galnay, waxaanan la kulanay, rag qeyb jidhkooda kamid ah ay yihiin wixii ugu qurxoonaa, qeyb kalena ay tahay waxa ugu foosha xun, (labadii nin ) ayaa ku yidhi: taga oo isku tuura wabigaas, waxaana halkaas ahaaday wabi balaadhan oo biyihiisu yihiin cadaaan saafiya, wayna tageen oo isku tuureen waxayna nagusoo laabteen, ayagoo foolxumadii ka tagatay, waxayna noqdeen suuradii ugu quruxda badnayd,
Waxayna nimankii igu dhaheen: tani waa Jannada Cadan, waana kaas gurigaagu, waxaana sare uqaaday indhahayga, waxaana halkaas ahaaday qasri lamid ah daruurta cad, waxayna idhaheen waa kaas gurigaagii, waxaanan ku idhi: Alle haydin barakeeyee, faraha iga qaada oo ii ogolaada aan galee, waxay dhaheen: Iminka maya, waanad galaysaa.
waxaana ku dhahay: waxaan arkay caawa mucjiso ee waamxay waxaan araky? waxay dhaheen waan kuu waramaynaa: ninkii koowaad ee aad aragaty in madaxiisa la jajabinayo wuxuu ahaa nin Quraanka qaatay, (bartay) kana seexday salaadii faralka ahayd. Ninkii kale ee dhabankiisa la jarjarayey, sidoo kalena la jarjarayey ishiisa iyo sankiisa illaa qadaadka, waa nin kasoo kallaha gurigiisa, wuxuuna sheegayaa been, beentaas oo gaadhaysa Aduunka oo dhan.
Ragii iyo dumarkii qaawanaa ee ku jiray dhismihii u ekaa moofaduna waa nimanka sinaysta iyo dumarka sinaysta. Ninka dabaalanayey wabigana ee lagu tuurayey dhagaxuna wuxuu ahaa nin cuna ribada. Ninkii muuqalkiisu foolxumaana waa Maalik, khasnad hayaha naarta. Ninkii beerta dhexdeeda joogayna wuxuu ahaa nabi Ibraahiim (scw), caruurtii hareertiisa joogtayna waa ilmo kasta oo ku dhashay fidrada.
Qaar kamid ah saxaabadii ayaa tidhi: Rasuulkii Ilaahayoow, xitaa caruurta gaaladu maku jiraan? wuxuu yidhi: xitaa caruurta gaalada (way ku jiraan). Qoomkii aad aragtay in qeyb kamid ah ay qurxoonayd, qeyb kalena ay foolxumayd waxay ahaayeen qoom isku dhex daray camal wanaagsan iyo camal xun, oo Ilaahayna ka dhaafay. [1]
[1] Mujamka Alakbiir, ee Dabari (6984),  Miqrat almasaabiix (4621),  Bukhaari (1320)
Ma Ogtahay siduu Alle u dilay cadawgii Ilaahay ee Abujahal?May 3, 2017Similar post
Sadex iyo toban haweena oo loogu bishaareeyey JannadaApril 17, 2017Similar post
Taariikhda Masaajidka Qudus 2 aadMarch 10, 2017Similar post
 Waxaa wanaagsan oo muhiim ah marka hore inaan ogaano soonka fadliga uu leeyahay si bacdamaa aan ugu baratano faa’idadiisa qaaliga ah oo sanadkii mar na soo marta.
Xadiis ku jira saxiixul Bukhaariga iyo Muslim oo uu soo weriyay Abuu-Hurayra A.K.R (Allaha ka raali noqda’e) wuxuu yidhi: ”Camal kasta oo bani aadamku la yimaado oo camal san ah waa loo lalaabayaa, halkii wanaagna toban laab ayaa looga dhigaa ilaa toddaba boqol oo laab, Allaah kor ahaaye wuxuu yidhi: ”Soonka mooyaane, soonka anigaa iska leh, anigaana ka abaal marinaya, wuxuu qofka soomaani ka tagay hawadiisii iyo cuntadiisii aniga dartay” qofka soomani laba jeer ayuu farxaa; (marka uu afurayo iyo marka uu rabbigii la kulmayo). Urka afkiisa ayaana Alle agtiisa ka udgoon carafta Miskiga”.
Hadaba maxaa u gaar ah bisha Ramadaan?
Bisha barakaysan ee Ramadaanka waxaa u gaar ah arrimahan soo socda oo kala ah
    Soonka waa tiirka afaraad ee tiirarka Islaamka ruuxii beeniyana waa gaal
    Waxaa la soo dejiyey bisha Ramadaan Qur’aanka kariimka
    Waxaa sunna ah bisha Ramadaan in la tukado salaada taraawiixda
    Waxaa Ramadaanka dhacay dagaalkii badar ee dadka taariikhda aqriyey la socdaan wacdaradii meeshaa ka dhacday
    Sidoo kale bisha Ramadaan waxaa dhacay furashadii nabiga (s.c.w) loo balanqaaday oo ahayd furashadii Makkah Al-Mukarramah, dadkii reer Makkana ay Islaamka u soo galayeen iskadaba joog
    Waxaa la furaa bisha Ramadaanka albaada jannada, waxaana la xiraa albaabada naarta iyo shayaadintaba. Laakiinse shayaadiinul insi nagama maqna (dadka alle ku caasigaroobay)
Marka waxyaalaha aan kor ku soo sheegnay oo dhan waa nicmatullah uu Alle u gaar yeelay inta rumeysay si ay uga faa’idaystaan khayraadkaasi faraha badan ee bisha Ramadaan.
Marka la soomayo Ramadaanka
Waxay waajib noqonaysaa in soomo Ramadaanka marka la arko bisha Ramadaan ama ay Shacbaan ku dhammaato soddon. Waxaana waajib ah in lagu soomo aragtida hal qof oo muslim ah oo aanan wax fiqsi iyo been lagu aqoon, laakiin bilaha kale lama aqbalayo wax ka yar la qof oo Muslimiin ah oo wanaagooda la yaqaano. Lagumana afurayo wax ka yar argtida bisha ay arkaan laba qof oo Muslimiin caaddiliin ah ama in bisha soddoonkeesa buuxsamo.
Maxaa la xiriira Soonka
Qofkasta oo Muslim ah waxaa ku waajiba inuu soomo sannad kasta bisha Ramadaan oo noqota 29-30 maalmood sida Qur’aanka iyo sunnada ku xusan. Qofkii beeniya faral ahaanta soonka, Islmaaka ayuu kaga baxayaa. Qofkii afura maalin soon isago haysan cudur daar caqli gal ah, waa danbiile weyn. Haddii la seego soomidda bisha Ramadaan cudurdaar la’aan caqli gal ah awgi, ama qofku dayaco inuu soomo waa ku faral inuu gadaal ka gudo, markii uu awoodi karo, inuu dhakhso iska gudo baana door roon.
Waamaxay waajibaadka Soonka
Dunida aan maanta ku nool nahay wax walba waajibaad bay leeyihii bal aan fiirino waajibaadka Ramadaanka waana kuwan
1. Waxaa waajib ku ah qofka sooman inuu ka tago xanta iyo beenta, xantana waxaa la yiraahdaa in aad qof walaalkaa ah ama walaashaa ah aad ka sheegto wax uu dhibsanayo haba ahaato
2. tilmaantaa. Namiimnimada oo ah warka loo kala qaado dadka dhexdiisa oo dabadeedna ay dadkii is dhexmaraan ama ay dhalato fidno iyo fasaad
3. Lacnada (oo habaarida ah)
4. Cayda waa inuu iska ilaaliyo oo aanu afkiisa ka oran eray xun noocuu doono ha noqdee isla markaana uusa dhageysan, indhihiisa waa inuusa xaaraan ku fiirin, carrabkiisana uu ka dhowro inuu ku hadlo wax xaaraan ah, sida beenta ama hadal been ah oo la abuurto. Rasuulkii Allena isgoo ka hadlaya arrimahan soo sheegnay wuxuu yiri. (“Qofkii aan iska dayneyn, beenta iyo ku dhaqankeeda Ilaahay dan kama laha inuu qofkaasi ka tago cuntadiisa iyo cabbiddiisa”).
Maxaa Soonka buriya
1. Cunto iyo cabid kas ah, Alle waa naxariiste ka ugu wanaagsan sidaa daraadeedna qofka hadduu hilmaamo isgoo sooman inuu wax cabo ama cuno Alle wuu u ogolaaday soonkiisa inuu jira
2. Galmada yacni adiggoo afadaada jaamacdo maalinnimo nooc kasta ha ahaatee, sidoo kale waa la mid ah manida (shahwada) qofka sooman soo jeed kaga timaado. Laakiinse waxba kuma jabna inuu nin la fadhiisto afadiisa, dhunkado waayo tani aalaaba ma keento shahwo laakiinse haddii uusan qofku hanan karin naftiisa inuu ka dheeraado (afadiisa) inta maalinnimada ah.
3. Irbadaha iyo faleebooyinka nafaqa sideyaasha ah.
4. haweenka haddii uu ka yimaado dhiig caado ama mid dhalmo 5. Ismatajin kas ah, haddiise aan la iska keenin soonku kuma burayo
6. ka bixidda diinta Islaamka (riddoobid), Allaa ka magan galne’e
Soonka waajibka ah
Haddii uu qofku nidar ku galo inuu soomo amaba ay tahay inuu soomo kafaaro gud ahaan dambiyo ka dhacay oo soomid loo waajibeyey, qofkaa waxaa saaran inuu soomo maalmaha cayiman ee waajibka ah inuu soomo, haddii aysan maalmahaa cayinayn, inuu dhakso iska gudo baa dhowrsanaan badan
Soonka sunnada ah
Soonkani waa sunne uu Nabigu (s.c.w) naf ahaantiisu soomay, Muslimiintana ku booriyey inay soomaan, inkastoo ajar weyni ku jiro, haddana waajib kuma aha inuu qofku soomo, waana kuwakan soonanka sunnada ah;
    Cashuura- 9ka iyo 10ka bisha Muxarram dago
    Soomidda maalinta Carafaad, 9ka bisha xajka, haddii uusan qofku xaaji ahayn
    Soomidda maalmaha nayla qaadka (ayaamul bayd) 13ka 14ka 15ka bil dayaxeed kasta
    Lix maalmood oo laga soomo bisha Shawwaal (soon fur)
    Soomidda isniin iyo khamiis waliba
    Siddeedda maalmood ee ugu horreeya bisha xajka (carafo)
Soonka karaahiyada ah
    Soonka la soomo oo keliya sabtida, ama axadda, ama jumcaha
    Soonka sunnada aha ay soonto haweeney idan la’aan ninkeeda isagoo jooga
    soonka isku bixis maalmaha loo soomo iyadoon la afurayn, oo aan kala goa’lahayn oo loo yaqaan (Wisaal).
Soonka xaaraanta ah
Waa wax reebban inaan soonno maalmaha soo socda
    Maalinta ciidda Soonfur
    Maalinta ciida Al-Adxaa
    Maalmaha hilba waradka (waa 11ka. 12ka. 13ka ee bisha xajka) marka laga reebo qofka hadyigu waajib ku yahay ee aan heli karin ee ku soomaya xajka intuusan u laaban ehelkiisa.
Shuruudaha Soonka
Shuruudaha uu ku ansixi karo soonku waa laba noox:
    Shuruudaha ansixidda oo ka dhigaya soomidda ansax
    Shuruudaha aasaasiga ah oo la doonayo in lahelo la’aantoodana soonku qofku waajib ku ahayn
Shuruudaha ansixidda iyo aqbalidda Soonka
    Inaad tahay Muslim, soomidda qofka gaalka ah ma aha ansax
    Inaad tahay daahir (haweenka) waa inay ka yihiin daahir caadada (xaydka) iyo (Nifaaska) dhiiga la yimaada dhalmada
    Inaad niyaysato habeennimada soonka maalinta xigta, niyadduna waa inaan lagu dhawaaqin, maxaalkeeduna (booskeeda) waa qalbiga. Qofka walibana gaarkii buu u niyaysan haddiina uusan qofku horay uniyaysan xittaa haddii uu markaa ka af qabsado oo uu ka joogo dhammaan waxa ka reebban qofka sooman, soonkiisu ma ansaxayo
    Waa inaad tahay qaan gaar; Soonka lagama rabo ilmo aan baaluqin
    Inaad garowsantahay faral ahaanta soonka.
    Inaad fayowdahay oo aad caafimaad qabto; waa inaad ka maran tahay tabar darro gaarsiisan heerka ay shareecadu qofka ka cafido inuu soomo.
Qaybaha sunnada ah ee Soonka
    Waa sunno inaad wax cunto ama cabto oogga ka hor (yacni inaad suxuurato) walow aad qaadato dhowr xabbo oo timir ah ama dhowr kabbo oo biyo ah.
    Waxaa sunno ah inaad dib dhigto suxuunta oo aad qaadato wax yar ka hor waaberiga.
    Waxaa sunno ah in dhakhse loo afuro marka qorraxdu dhacdo, intaan salaadda la tukan, iyadoon lagu talax tagayn si waqtiga salaadda loo dhowro
    waxaa sunno inaad afurka ku af billowdo timir ama biyo cad Rasuulkii Allena wuxuu yiri: (”Dadka khayr kama suulayaan inta ay afurka dedjinayaan suxuurashadana dib u dhigayaan”).
Sida aad u billaabayso oo u afurayso Soonka
Waxaa la isugu diyaariyaa soonka suxuurta oo la qaato wax yar ka hor waaberiga.
Nebigu (s.c.w) aad buu ugu dadaali jiray suxuurta oo ahmiyad gaar ah ayuu siin jirey, wuxuuna yiri: (”Suxuurta cunisteedu waa barako ee ha ka tegina kabbo biyo ahna ahaatee, sababtoo ah Ilaahay iyo Malaa’igtiisuba waxay xusaan oo u duceeyaan kuwa suxuurta”).
Rasuulku asxaabtiisa wuxuu ku dhiiri gelin jirey inay suxuurtaan, wuxuuna oran jirey: (”Suxuurta suxuurta barako ayaa ku jirtee”).
Haddaba suxuurashadu waa sunno Nebiga ka sugnaatay, waxaana kala saara soonka Muslimiinta iyo soonka Yahuudda iyo Nasaarada, Muslimiinta way suxuurtaan marka ay soomayaan, halka aysan Yahuudda iyo Nasaarada ka suxuuran. Xittaa haddii uusan qofka Muslimka ahi baahi u qabin cunto waa inuu ugu yaraan qaataa dhowr kabbo oo caano ama biyo ah.
Muxuu qofka soomani ku afurayaa?
Waxaa sunno ah inaad ku afurto Rudub (timir busur yac yacood ah) ama timirta kale, haddii aad weyfo kuwaas qofku wuxuu ku afuri karaa biyo cad, sidaas buuna yeeli jirey Nebigu s.c.w.
Anas a.k.r. wuxuu yiri: (Nabigu s.c.w. wuxuu ku afuri jirey dhowr xabbo oo timir busur ah intuusan salaadda maqrib u soo bixin, haddii uu waayana wuxuu ku afuri jirey timirta kale, haddii uu waayana wuxuu ku afuri jirey xoogaa biyo ah.) [Waxaa weriyey At-Titmidi iyo Abuu Daawuud]
Wuxuu sidoo kale Nabigu ku dhiiriyey asxaabtiisa inay isla sidaa u afuraa. Timirta guud ahaan waxaa aad looga helaa Jasiirada Carabta. biyahana sidoo kale waa wax meel walba laga helo, gunta arrintaasina waxay ahayd inaysan dadku dhib kala kulmin furidda soonkooda oo ay ku afuraan waxyaalaha guud ee la heli kar. Dhinaca kale timirtu waxay qofka u kabtaa wixii jirkiisa siin karay tamar iyo xoog. Biyuhana ma aha wax guud oo keliya ee la heli karo ee waa daahir wax daahiriya.
Biyuhu waxay nadiifiyaan jirka debedda iyo gudahaba. Markii uu qofka soomani ku afuro soonkiisa biyo qabow oo nadiif ah haraad maalin dhan ah, waxaa hubanti ah inuu dareemi doono farxad iyo raynrayn iyo abaal uu u hayo Alle kor ahaaye.
Sidaa oy tahay, ma aha inuu qofku naftiisa tahlukeeyo oo dhibaateeyo isagoo taqwo u suubanaan u jeeda ee waa inuu ku afuraa waxyaalaha kale. Waxaa jira wardiyo iyo ducooyin lala yimaado waqtiga afurka ama dabadi. Wardiga aad la iman afurka kaddib: (Dahabad- dama’u wabtallatil curuuqu wathabal ajru inshaa Allaah). Oo la macne ah (Waan oon baxay oo xididadii qoyeen oo haddii Alle idmo ajarku waa sugan yahay).
Ajarka weyn ee ku jira afurinta qof sooman
Inaad siiso cunto, cabbitaan uu ku afuro qof soomman waxaa ku jira ajar weyn oo waa sunno nalagu booriyay. Waxay barako u tahay qofka wax afurinaya iyo kan la afurinayaba xittaa haddii uu ku sadaqaysto afuriyaha dhowr luqmadood ama hal timir ah ama labo, Nabigu s.c.w. wuxuu yiri: (Qofkii afuriya qof sooman wuxuu leeyahay ajarkiisoo kale, iyadoon qofkii soommanaa ajarkiisa waxba laga nusqaaminayn).
Arrimo kuu oggolaanaya inaadan Soomin
Waxaa jira arrimo kuu oggolaanaya inaadan soomin, waana sida soo socoto
  •  
  •    Da’ iyo tabar darro daran inay ku heyso gaarsiisan heerka lagu rukhsadeeyo afurka.
    Inaad mashaqo kala kulanto soonka halis la hubo gelineysa naftaada.
Xaamiladda iyo nuujisadu hadday u baqaan ilmaha ay nuujinayaan ama kan caloosha ku jira way u bannaan tahay inay afuraan, wayna qallaynayaan soonkii, waxaana ugu wanaagsan inay qalleeyaan sida ugu dhaqsi badan ee ay karaan, waxayna bixinayaan oo qallahooda raacinayaan quudin miskiin intii ay afureen (ama siin qadar in dhan kiilo iyo bar oo bariis ama galley ah, ama mesego, iwm, miskiin maalintii, sidaa awgeed haddii ay afureen bishii oo dhan waxay bixinayaan jawaan bariis ah, ama wax la mid ah oo 45 kiilo ah iyagoon qalleynayana soonkii). Laakiin haddii ay naftooda u baqaan way afurayaan kaddibna waxay qallaynayaan soonka markay awoodaan sida ugu dhakhso badan, quudinna lagama rabo.
Qofka da’da ahi ee aan karin soonka wuxuu quudinayaa maalin walba oo soon ah. qof waxaa isna sidaas oo kale ah kan jirran oo qaba cudur aan laa rajo qabin ka bogashadiisa.
Xaaladda qofka loo rukhseeyey inuu soonka jebiyo
Qofka waa loo oggol yahay inuu soonka jebiyo haddii jirro ku soo booddo, ama shil galo iwm. oo qofka xaalladiisu halis tahay.
    Qofka waa loo oggol yahay inuu jebiyo soonka haddii cudur kaasi aanu khatar ahayn, hase yeeshee halis noqonayo haddii aan soonka la furin.
    Qofka waa loo oggolyahay inuu Soonka jebiyo haddii uu la kulmo gaajo, haraad daran oo ka baqo in wadiddiisa dhib ka imaanayso.
Faa’iidooyinka soonka
Faa’iidooyinka ssonka waxaa kamid ah qofka inuu ka barto sabar, iyo inuu taqwo ka korarsado
    Waxay kaga faa’iidaysan karaan walaalaheen Muslimiinta ah ee sigaarka iyo qaadka ku ibtileysan iska daynta waxyaalaha xun, ayna ogaadaan in Alle dartiis qofkii uga taga shay xaaraam ah in Alle ugu beddelo wax ka qayr badan
    Waxaa kaloo uu leeyahay soonku faa’iidooyin bulsheed oo ah inay dareemaan midnimo iyo inay jeclaadaan caddaaladda iyo sinnaanta
    Waxaa kaloo soonku leeyahay faa’iidoooyin caafimaad ah sida inuu daahiriyo caloosha iyo xiidmayaasha iyo jirkaba, wuxuu ka fududeeya qofka culayska cayilka, baruurta
    Waxaa kaloo ka mid ah faa’idooyinka soonka qofka qaniga ah wuxuu ogaanayaa qaddarka Nimcada Rabbi siiyey oo aanay haysan qaar badan oo fuqaro ah.Isha maqaalka aflax.net
    WAXAA QORAY: cabka50@hotmail.com

Friday, 26 May 2017

Siday ku baxday Halku dhiga ah "Hadii aan Karinka laga guurin, Goroyo heer'yaysan ayaa kasoo dhici.
 Bari waxa jiray nin la odhan jiray dhalin ileeye. Dhalin ileeye dadku waxay ku tilmaami jireen qof aan garaad ku filan lahayn, laakiin nin caqli badan oo aan dadka badidoodu ogayn ayuu ahaa. Waxay daganaayeen hawd guntii, gaar ahaan meel u dhaw magaalada burco. Dhulka hawdku inta badan waa dhul bahal badan, cabsi iyo khatar badana leh oo geel mooyee aan xoola kale lagu raacin. Haddaba dhalin ileeye reerkoodu wuxu ag daganaan jiray buur wayn.
Dhalin ileeye wuxu lahaa sheekooyin cajiiba iyo murti badan oo dhaxal gal ah. Marka uu wax sheegayo dadku waa iskaga qosli jireen iyagoo dhayalsanaya hadalkiisa, laakiin dib ayaa laga ogaan jiray murtida iyo qiimaha uu hadalkiisu xambaarsanyahay. Mar marka qaar wuxuu sheegi jiray waxyaabo aanay dadku fahmi Karin, markaasaa inta lagu qoslo oo laga ruwaayadsado la odhan jiray waa caqli xumadiisii.
Waxay sidaa ahaataba, maalin maalmaha kamida ayaa dhalin ileeye intuu reerihii la hadlay ku yidhi “tolkayow buurtan garabkeeda innaga rara oo meel kale aynu u guurno”. Dadkii markay hadalkaa maqleen ayay qosol isku dareen, kolkaasaa iyaga oo yaraysanaya ay ku yidhaahdeen “oo dhalin ileeyoow maxaa dhacay, ma colbaa inagu soo duulaya?”. Dhalin ileeye ayaa yidhi ” mayanee buurtan ayaa saancad iyo balaayo leh, oo haddaan laga guurin maalin ayay gorayo heeryaysani inagaga soo bixi”. Wixii dad meesha joogay ayaa qosol afka jabiyay, waxay yidhaahdeen ” maantana ma waxaasaad keentay dhalin ileeyoow?. Waar wax caqliga gala la kaalay, gorayo heeryaysan halkay joogto adaa sheegiye”. Dadkii oo leh waa hadalkiisii aan macnaha lahayne inaga daaya ayaa halkii ku dhaafay. Dhalin ileeye ayaa markuu arkay dadkii oo hadalkiisii yaraystay wuxu yidhi “waynu eegi doonaa”.
Barigaa haddaba dadku waxay guran jireen baalka gorayada, kadib waxay u iib gayn jireen dibadaha oo lagac fiican baa laga siisan jiray. Sidaa darteed dadku gorayada way dhaqan jireen oo waxay u samayn jireen aqallo ay galaan, si ay baalasha uga gurtaan. Markaa buurta ay dhalin ileeye reerkiisu garab daganaa waxa ka danbeeyay reera kale oo dhaqda gorayada. Gorayooyinka habeenkii ayaa guryo lagu xerayn jiray, subaxiina waa la dareerin jiray si ay u soofaan.
Maalin ayaa gorayooyinkii la illaaway in la sii daayo oo ay dhulka u calaf doontaan. Subaxii markay gaadhay wakhtigii la sii daynayay gorayooyinka ayay isku yaac-yaaceen, dabadeed ayaa midba dhinac u caymadday aqalkii dhexdiisii. Gallin markay aqalkii dhex socsocdeen ee kadinkii laga furi waayay ayay gadoodeen oo ay damceen inay aqalkii xoog kaga baxaan. Siday kolba guriga dhexdiisa dhinac ugu ordayeen ayaa mid kamidii kabad aqalka ku dhisnayd oo jilisan afka ku daloolisay, markaasay ka dhex baxday aqalkii oo ay dibada is taagtay.
Markay guriga ka dhex baxday ayaa waxay dhabarka kusii qaadatay kabad guriga ku dadbanayd. Gorayadii ayaa orod is bidday iyadoo kabad ama heeryo dhabarka ku wadata, gorayooyinkii kale iyaguna oodda ayay jabiyeen oo way baxsadeen. Gorayadii oo kabaddii dusha ku wadata oo aad moodid inay rarantahay ayaa buurtii kasoo dhacday. Waxay kusoo baxday dhinacii dhalin ileeye reerkiisu daganaa. Dadkii ayaa fajacay markay arkeen gorayada raran oo waxay yidhaahdeen ” alla bal gorayadan heeryaysan eega dadaw”. Dhalin ileeye markuu arkay ayuu yidhi ” maxaan idiin sheegayay”.
Sheekadan dhalin ileeye waxa ka dhashay hadal murti ah oo dadku inta badan adeegsadaan. Mar kasta oo arrin laga baqayo haddii laga hortagi waayo inay wax aan la filayn ka yimaaddaan ayaa waxa la yidhaa ” wallee haddaan kadinkaa laga guurin gorayo heeryaysan ayaa kasoo gali”, taas oo laga wado, haddii arrintaa laga hortagi waayo wax aan la filayn oo laga fajaco ayaa ka dhalan doona
Nin dhalinyaro ah ayaa waxa uu yimi aaska saaxiibkii, kadibna isagii oo kor taagan qabrigii saaxiibkii ayaa waxaa su’aal waydiiyay nin shiikh ahaa oo ay isgaranayeen su’aashuna waxa ay ahayd
– Hadii saaxiibkaa uu Alle ( swt) dib u soo nooleeyo maxay kula tahay in uu samayn lahaa ?
Kadibna ninkii dhalainyarada ahaa waxa uu ugu jawaabay :
” Waxa ay ila’ tahay waxa uu isku dayi lahaa inuu soo qaleeyo salaadihii uu katagi jiray, Waxa uu isku dayi lahaa in uu dib u barto quraanki labaray ee uu dayacay, Waxa uu isku dayi lahaa inuu soo qaleey wixii soon ahaa ee lagu lahaa oo cudurdaar la’aanta uga tagay, Waxa uu isku dayi lahaa inuu hagaajiyo xidhiidhka ka dhaxeeya isaga iyo rabbigii ”
Intaa kadib Ninkii shiikha ahaa waxa uu ku yidhi wiilki dhalinyarada ahaa :
” Waxa ay ila tahay wanaaga aad soo sheegtay dhammaan adiga ayaa fursad u haysta in aad samayso waayo saaxiibkaa marnaba ma soo laabanayo si’ uu u hagaajiyo wixii uu ka tagay balse maanta adigaa haysta jaanis aad ku samaysan karto gunaanadka wanaagsan ee hadaba isku day in aad adigu hagaajisato xidhiidhka adiga iyo rabbigaa idin ka dhaxeeya ee ah in aad samayso wixii uu ku faray ”
Hadii ay maanta noqoto maalinta ugu dambaysay ee aad katagi lahayd gurigaaga kumeel gaadhka ah ( Adduunyo ) oo aad u guuri lahayd gurigaaga dhabta ah ( Qabri) Maxaad u sii diyaarsatay ???
Waxaan isleeyahay waa su’aal wax ka baddeli karta qofka iyo sida uu noolasha u arko !!
Ugu dambayntii waxaan Allah (سُبْحَانَهُ وَ تَعَالَى ) kamagan galaynaa in aysan geeridu noogu iman si’ lama filaan ah iyadoo aysan hagaagsanayn xidhiidhka annaga iyo Allah (s.w.t) inaga dhaxeeya Aamin Ya Allah


Hadaan su,aashaa jawaabteeda  eegno waxaa weeye maxaa yeelay  asall ahaanba  Muminku mar walba  iyo goor walba waa mid  towbada Rabigiis jadiidiya kuna dadaala  isagoo ku dayanaya Suubahana salawaatu laahi calayhi wasalam, wuxuu ahaa mid   maalintii 100 jeer ka badan Rabigii danbi dhaaf waydiista, Ramadanka ka horna Towbadu muhiimad dheeriya ayay leedahay maxaa yeelay towbadu waa  meel sare oo qofkii gaaraa uu gaaray khayroo dhan,Towbadu waa hiigsiga iyo yoolka qofka muslimka ah.
Ibnul Qayim Allah u naxariistee wuxuu yiri  Towbadu waa  meesha ugu horeysa ee uu maro qofka Rabigiis xagiisa u socda,  si kale hadii loo dhigo waxay noqonaysaa Towbadu xaga Rabbigaa ayay kuu kaxeeysaa sheydaanka iyo naftaaduna xaga macaasida iyo naarta Allaan ka magan galnee..
Towbadu maaha kaliyabooska iyo wadada  kuwa caasiyiinta iyo mujrimiinta ee waa booska anbiyada Alle.   Allaah wuxuu yiri aayadan..
“ وعصى آدم ربه فغوى ثم اجتباه ربه فتاب عليه وهدى “
Dad badan marka la soo qaado Towbo  waxay moodaan dadka  macaasida ku talax tagay kaliya inay khuseyso, Yaa naga danbi badan! Yaa naga xan badan! ilaahay hana asturo aduun iyo aakhiree macaasidu  yareysi ma leh, qofka macaasida  yareystana waa qof  khayr badan la seejiyay,
Waxaan u cusboonaysiinayaa towbada maxaa yeelay  dunuub badan waxay inoo sababtay inaan ku dhex noolaano mugdiyada macaasida,inan nafteena  ka adkaan wayno, khayrka ku hagi wayno, xumaanta ka joojin wayno, waxay kaloo noo sababtay in khushuucii salaada nagu yaraado, akhrinta quraanka nagu yaraato  Tadabur isaga warkii daa!  Towbada oo aan  cusbooneysin weyno  waxay noo keenta in qaar  badanoo inaga midda markeey arki waayaan  raadkii ka dhashay macaasidiisa/macaasideda  uu is moodo inuu fican yahay isagoo u maleeya in hadii balaayo ku habsan waydo  uu yahay qof toosan,maxaase ogaysiiyay miskiinka  in waxa ugu weyn ee uu ka qatan yahay ee ah  Raadka ka dhasha adeecidda  ilaahay ee wanaaga ay ka  weyntahay cuquubada lagu ciqaabay  ee ah in laga xayuubiyay dhadhankii cibaadada uu sameynayo, wuxuu isaga sameeyaa qofku si  joogto ah laakin waxba kama badasho, waxna uma kordhiso.
Waxaa la sheegaa in adoon in badan Allaah caasinayay uu habeen Rabbigiis la munaajoodayoo yiri (Rabbiyoow imisaan danbaabay oo aanan arag  raad dunuubteydii ah) kadib waxaa dhowaaqay mid dhawaaqaya ; Adoonakaygiyoow miyaanan kaa  qadin  macaanka  munaajaadkayga;
(“Faqeyga” ) waa sidaase dunuubteenu waxay inaga xarimtaa  oo naga qadisaa  macaanka  iyo dhadhanka markaad Rabigaa la faqayso  adoon cidna ku arkayn markaad dhadhansato daacaadkaaga iyo cibaadooyinkaaga waxaad dareentaa farxad iyo qalbi deganan,taasina  waa Janadii aduunka ee la soo hormariyay,
Sidaa darteed ayay Towbada Ramadanka ka hor muhiim u tahay maxaa yeelay quluubtii waxaa engajiyay macaasi. waaba sidii iyadoo Dhagaxoo kale ah, ma ilmeyso marka quraan la akhriyo ma khushuucdo markeey aayaadka maqasho, markaa si aan quluubteena u jilcino waa lagama maarmaan inaan cusbooneysiino  soo laabashadeena  aan Allaah caza wajal u soo laabanayno, ramadankaa kii noogu danbeeyey ee aan soono inuu noqdana waa suurtagal, qof walboow waxaad furtaa bog cusub oo aad ku qaabisho Ramadanka.
Dunida nabadi kama jirto !
Marka aad dhageysato raadiyayaasha , akhrisato wargeysyada ama aad daawato telefishanada caalamka waxaa kuu soo ifbaxeysa in caalamka oo idil uu holcayo ayna hareereeyeen dagaalo ujeedooyin kala duwan leh oo u dhaxeeya qabiilo, jabhado iyo ciidamo dowladeed
Dhibaatooyinka iyo dagaalada qasa (Gaza) kor u kaca  maleeshiyooyinka islaamiyiinta ee ciraaq iyo siiriya, xaalada ka taagan ukrine (Ukraine) ayaa mararka qaar ku dareensiinaya in dunida oo idil uu dagaal ka jiro.
Weli xumaan ayaa jirta, dunida oo idil laga soo bilaabo sanadkii 2007 – dii sanadba sanadka ka dambeeya waxaa sii xumaanaya amniga , machadka dhaqaalaha iyo nabada institut for economics and peace  ( iep )ayaa soo saaray in 11 dal oo kaliya ay xor ka yihiin qalalaasaha iyo dagaalada ka taagan caalamka .  tusaale ahaan boqortooyada ingiriis (  united kingdom ) waxey xor ka tahay qalalaase siyaasadeed oo gudaheeda ah laakiin dhawaan faragelintii dagaalada dibada sida dagaalka Afghanistan ayaa britain ka dhigaya mid heerkeeda amni uu liito waxeyna kaalinta 47 – aad ka noqonayaa liiska kala horeynta dalalka ugu nabdoon caalamka sanadkii 2014.
Macadka dhaqaalaha iyo nabada ( iep ) 11 dal oo caalamka ah ayey u aqoon sadeen in ay si buuxda nabad u yihiin waxeyna kala yihiin: Switzerlan, Japan, Qatar, Mauritius , Urugway, Chile,  Botoswana, Costa Rica, Vietnam, Panama iyo Brazil.
Warbixinta EIP waxaa ka muuqaneysa in dalalka Mareykanka USA iyo Midowga Yurub eu aysan nabadi ka jirin iyadoo dalka ugu horeeya nabada caalamka uu yahay Switzerland isla markaana wuxuu noqonayaa dalka kaliya ee ka tirsan yurub – EU ee ku jira liiska 11 – ka dal ee sida dhabta ah nabadi uga jirto caalamka oo dhan, 2 dal oo reer Africa ah Mauritius iyo Botoswana ayaa nasiib u yeeshay in ay ka mid noqdaan liiska dalalka ugu nabdoon caalamka, halka dalka qatar ka noqonayo dalka kaliya oo ka tirsan khaliijka , jaamacada carabta kuna yaal qaarada esia oo ku jira liiska dalalka nabada buuxda ay ka jirto, dalalka Japan iyo Vietnam oo iyana qaarada esia ku yaal ayaa ku wehliya liiska dalka qatar, dhanka kale 5 dal oo bartamaha iyo koofurta qaarada america ku yaal ayaa ku jira liiskan.
Sanadkii tagay 2014 waxaan aragnay in uu kor u kaceen dhaqdhaqaaqa argagaxisada, dagaalada Gaza iyo xal u helid la’aanta dagaalada iraq iyo syria ayey tiri Cammilla Schippa agaasimaha machadka dhaqaalaha iyo nabada (Institute for Economics and Peace ). Marka laga soo tago bariga dhexe waxaa iyana jira degenaansho la’aanta dadka rayidka ah  ee isu rogay kooxo hubeysan ee ukraine,  dagaalada Koofurta Sudan (South Sudan) iyo Dr.Congo (Democratic Republic of Congo).
Naxdinta dhaqaalaha guud iyo siyaasada dhulka sidoo kale dhibaatooyinka lacagta addunka ayaa dalal badan u keenaya dhibaatooyin iyo in ay ka dhacaan qalalaase dagaal.
Qalinkii qoraa sare:
Muse Mohamed Osman