Monday, 31 July 2017
Sunday, 30 July 2017
Habka loola dagaalamo Musuq-maasaqa!
Musuqmaasuqa maamul iyo kan lacageed waa dhaqan daashaday fagaaraha siyaasadda iyo nolasha bulshada Soomaaliyeed, ilaa uu ka mid noqday tiir kamid ah tiirrarka nolasheenna. Musuqu wuxuu jilbaha dhulka u digay hannaankii dawladnimo ee aan ku taamaynay in mudda ah. Wuxuu wiiqay waaxyihiin nolasha siyaasadeed iyo midda maamul.
Maanta dal iyo dadba waxaan la hitinaynaa wax aan gacmaheenna ku falkinno gabal dhacay iyo waabari kasta. Labo is kuma haysato in musuqu naafeeyay dhinac kasta oo ka mid ah dawladda iyo bulshadeenna Soomaaliyeed. Haddaba waxaan is ku dayaa in aan ku soo bandhiggo qormadaan qaababka looga hortagi karo musuqmaamsuqa, aniga oo kaashanaya dhiganayaal Cilmiyeed fara badan oo laga qoray mawduucaan. Waxaa lagama maarmaan ah in aan ku dhaqaaqno tillaabooyinka soo socoda, waa haddii ey naga go’antahay in aan cirib tirno musuqa, xididdadana u siibo, inta uusan noogu faafin sida dab xaabo la qabadsiiyay.
1- Is-xisaabin
Dhammaan shaqsiyaadka xilalka sare ka haaya dawladda ama xukuumadda waa in la hoos geeyaa weydiin qanuuni ah iyo mid anshaxba, taas oo la xariirta wax-qabkooda shaqo, micnaha shaqaalaha oo idil waa in lala xisaabtamo, iyada oo looga hibaysanayn xilka uu hayo iyo ina-ayihiisa. Arrin taas waxaa soo hoos galaya Wasiirro, xildhibaanno, saraakiil, ku xigeenno, iyo dhammaan qof kasta oo soo xil qaran haya.
2- Is- weydiin joogta ah.
In maamulayaasha hay’addaha dawladda ey weydiiyaan shaqaalaha guud sida ey hawsha u wadan, waxii qarashaad baxay, mirihii wax qabadkooda, isla maamulayaashaasna waa in ey jirtaa cid isha ku haysa oo ey ka baqanayaan, sida guddiyo daba-gala musuqa iyo lunsiga hantida dadweynaha, kaas oo ka imaan kara golaha sharci dajinta ama golaha sharci fulinta, si loo helo wax is weydiin fool ka fool ah dhinac waliba, meeshana uga baxdo danaha shaqsiga ah ee xafiis kasta uu la ciirciirayo.
3- Hufnaan
Hufnaantu waa in hay’ad kasta oo ka mid ah dawladda shaaca ka qaaddo waxa ey u danleedahay, tillaabooyinka ey qaaddayso iyo yoolka ey u xusul-duubayso, micnaha haddii aan si kalo u dhigno in ey run ka sheegto wax kasta oo ey qabanayso, baahiso qaladkeeda oo ey qirato, mag iyo maamul wanaagna muujiso, niyad wanaagna ey tusto bulshada, waxba aan la qarin, dadkana xogta loo sheeggo, si bulshadu ugu qanacdo waxa loo qabanayo iyo waxa loogu maqanyahay, oo aan laga dhigin xafiisyada dawladda meel arrimo gaar ah lagu fuliyo, in ey meesha ka baxdo in xafiisyada hawlaha guud qabta iyo dadweynaha u dhexeeyaan dallaallo iyo laaluush qaatayaal sumacadda iyo muuqaalka dawladnimo dila, shacabkana qalin shubateeya.
4- Baraarug bulsho
Si loo helo talis qumman iyo maamul xalaal miirad ah, loona kobciyo garadka qofka u shaqeeya dawladda, waxaa lama huraan ah in la helo dhaqan iyo baraarujin ku saabsan xumaanta uu leeyahay musuqmaasuqu, arrintaasi waaxay laf dhabar u taahy qodobbada aan kor ku soo xusnay, waxay soo kabi kartaa kalsoonida muwaadiniinta ee burburtay, waxay horseeddi kartaa in uu soo af-jarmo musuqa iyo sed-bursiga buux dhaafiyay meel waliba. Haddii ey ahaan lahayd xafiisyada sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa guud, hay’addaha xukuumadda ama kuwa kale, ee aan dawliga ahayn, balse ey kala dhaxayso wada shaqayn toos ah dawladda.
5- Nidaam Dimuqoraadiya
Si ey u taabba-galaan dhammaan waxyaabihii aan soo sheegnay waxaa muhiim ah in la helo nidaam dimuqoraadiya, kaas oo kala saaraya awooddaha is ku dhex milqan, sida, sharci dajinta, fulinta iyo in la helo qanuun qayaxan oo qabanaya qof alle iyo qofkii lagu helo musuqmaasuq, oo si toos ah loola tiigsado gar-soorka, in qofkii ey ku caddaato arrinkaas shaqada laga eryo, in uu xil qaran qaban karin ilaa iyo in mudda ah, waa in uu jiraa hannaan nuucaas ah oo aan fasir iyo rogrogid kale aqbalayn, lama taabtaanna ah.
6- Hirgalinta Qawaaniinta
Waan in la dardar-galiyaa xeerarka ku saabsan musuqmaasuqa iyo ciqaabtooda, sida in la helo qaanuun caddeynaya in qofka xilka ka qabanaya Xukuumadda ama dawladda la ogyahay hantidiisa, kahor intuusan xil qaran qaban, in sanad kasta waxa soo gala la shaaciyo, in waasarad kasta boggeeda ku caddeyso waxa soo gala mas’uuliyiinteeda, in la helo qaanuun mamnuucaya laaluushka iyo in looga faa’iidaysto awoodda maamul si aan sharciga waafaqsanayn, taasna waxay ku imaan kartaa in awood buuxda la siiyo garsoorka sare, lagana daayo fara-qalinta siyaasadeed iyo midda beeleedba.
7- Anshax Guud
Si loo dhiso wacyiga qofka shaqaalaha ah ama mas’uulka ah, waxaa loo baahanyaahy in loo adeegsado wax kasta oo jilcin kara qalbigiisa, sida wacdiga diiniga ah, oo tusaya xumaanta waxa uu ku kacayo, taana waa in loo maraa xagga horjooggayaasha diinta, sida in khudbaddaha Jumcada lagu soo bandhigo todobaad kasta, in goobaha diiniga ah lagu faafiyo ololaha lagu la dagaalayo musuqmaasuqa.
8- War-baahin xor ah
Si loo helo war-bixinnada rasmiga ah iyo daba-gallo qoto dheer oo la xariira musuqmaasuqa ka dhex dhaca laamaha dawladda waxaa muhiim ah in aan helno saxaafad xor u ah helidda macluumaadka, waa in ey sharciyeysantahay saxafaddu misana heysato ilaalin qaanuuniya oo ka difaacaysa handadaadda iyo caga-juglaynta inta ey ku guda jirto shaqadooda. Taasi waxay u gogal xaaraysaa in la helo xog buuxda, oo ku saabsan qaabka wax u dhacayaan.
Gunaanad
Waxaan filaa in haddii aan qodobbadaas xil is ka saarno in wax uun is baddalayaan, waana wax maalin uun maal iyo maskax nooga baahan doona, laga yaabbo in ey qaarkeen dhag jalaq u siinayn hadda, balse waxaa imaan doonta maalin aan ka shallaynayno iyada oo la jooggin xilli la shallaayo.
W/Q: Cabdicasiis Maxamed Shidane

Qiso yaableh: Qashinka aanu ku tuurno wadooyinkayaga Ajaaniibta ayaa naga gurta!
Waxay ahayd subaxnimadii maalinkii salaasada ee afartii bishan July, kaddib markii aniga iyo koox suxufiyiin ah aanu safar aqoon korodhsi ah ugu baxnay tuulada Xaraf ee duleedka galbeedka ee magaalada Hargeysa. Safarka oo ay nagu wehelinayeen macallimiin u dhalatay dalka Jarmalka kana socotay Telefishanka DW News ee fadhigiisu yahay dalkaasi jarmalka oo aqoon korodhsiga bixinaayay ama tababarka ayaa waxa aanu magaalada Hargeysa ka ambo baxnay siddeedii subaxnimo anagoo halkii aanu u soconay oo ahayd Xaraf gaadhnay abaaro sagaalkii iyo badhkii subaxnimo.
Safarka oo qaatay saacado kooban ayaa markii aanu tagnay tuulada Xaraf, waxaanu durba horay ka galnay ujeedadii aanu halkaasi u tagnay oo ahayd in aanu muuqaallo kala duwan kasoo duubno deegaanka Xaraf oo booyadaha biyuhu magaalada Hargeysa ay uga soo dhaamiyaan.
Tababarka ama aqoon korordhsiga oo ku saabsanaa qaabka sawir qaadista, ayaa waxa aniga iyo kooxdii suxufiyiinta ahayd halkaasi ka samaynay muuqaallo iyo sawirro kala duwan oo ku saabsanaa mawduucii aanu u tagnay deegaanka Xaraf, iyadoo macallimiintii jarmalka ahaa ee nala socday ay iyaguna markasta noo ahaayeen kuwa na hagaya oo hadba wixii talo iyo tusaaleyn ah na siinaya.
Muddo markii ay socotay shaqada muuqaal qaadista ama sawir qaadista ee na loogu talo galay in aanu ku tababarano ayaa waxa ay gaadhay wakhtigii aanu nasan lahayn ama aanu yar nusu-saacayn lahayn, waxaana aanu dib ugu soo noqonay baskii ama gaadhigii aanu usoo raacnay magaalada oo ay noo sii taallay waxoogaa cunto fudud ah oo na loogu talo galay in aanu cuno wakhtiga nasashada.
Kaddib markii qaarkayo ay cuneen ama ay laasteen cuntadii fududeed oo ka koobneed sharaab nooca caagadaha ah iyo Saanweej, ayaa waxa ay bilaabeen in bacihii iyo caagadihii ay sharaabka ka dhameysteen ay ka tuuraan daaqadda Baska, iyagoo ku dhex tuuraya Beer ka ag dhaweyd gaadhiga aanu saarnayn ee baska.
Mid kamid ah labadii macallin ee tababarka bixinaayay ee Jarmalka ahaa ayaana arkay falka ay ku dhaqaaqeen ardaydiisii ,taasi oo ah inay caagadihii iyo qashinkii kale ee ay cuntada ka cuneen ku tuureen isla goobtii ay joogeen oo ahayd goob beer ah, waxaana uu bilaabay macallinkii in uu baska ka dego oo uu gacantiisa kusoo guro caagadihii madhnaa ee ay sharaabka ka cabeen ardaydu iyo qashinkii kale isagoo aad wajigiisa ka dheehan karto sida uu uga xumaaday falka ay ku dhaqaaqeen ardaydiisu iyo sida aanay Wadankooda uga ilaalinayn Qashinka.
Markii aanu aragnay shaqada uu bilaabay macallinku ayaa waxa ay nagu noqotay anfariir iyo naxdin ,waxaana aanu bilownay in aanu gurno hadhaaga qashinkii ku daatay beertii aanu ka ag dhaweyn, kuwo naga mid ahina waxay bilaabeen inay ku tiraabaan hadallo muujinaya sida ay u damaqday ninka aan muwaadinka ahayn ee gartay waxa ay garan waayeen muwaadiniintii waddanka u dhalatay “isagoo Ajnabi ah ayuu innaga wadddanisanaaday taasi waxay ceeb ku tahay innaga” mid naga mid ah ayaa sidaas yidhi.
Sheekadan aan idiin soo qaddimay kuma koobna oo kaliya dhacdadaas oo kaliya ee balse waxaynu isla wada ognahay dhammaanteen in heerka waddaniyada ee dadkeenu uu aad u hooseeyo marka loo eego dadyowga kale ee wadamada dunida innala midka ah, waxaanad moodaa marka aad u fiirsato dhaqamada iyo qaab nololeedka dadkeena in heerka waddaniyada ay aad ugu hooseeyaan. Anigu lama yaabo badanaa dadka muwaadiniinta ah ee aan waddaniyiinta ahayn sababtuna waxay tahay Manhajka waxbarashada ee dalkeena ayaaba kuba salaysneen Waddaniyad mana ku jirto inta aan ka ogahay maadada ama xiisadda Waddaniyadu taasina waxa la odhan karaa waa sababta ka dambeysa in dadka badankoodu aanay noqon muwaadiniin waddaniyiin ah.
Haddaba, xukuumadda gaar ahaan wasaaradda waxbarashada waxaan usoo jeedin lahaa in ardayda da’ yarta ah ee ku jirta waxbarashada dugsiyada iyo jaamacadaha loogu daro maadooyinka ay dhiganayaan maadada Waddaniyada si ay u noqdaan kuwo dalkooda jecel oo kalsooni ku qaba , lana baro xaqa uu dalku ku leeyahay iyo ka ay iyagu ku leeyihiin.
W.Q: Khaalid Foodhaadhi

Saturday, 29 July 2017
Shan Soomali oo wada socdoo Calan ku sheekaysa ,
Gabaygani Shiinley waxa uu bilaabay, markii ay joogsatay Silsiladii la magac baxday ’’ Siinley’’ kadib markii dawladii Kacaanku ay u aragtay in ay Siinley ay tahay mid iyada loola danleeyahay , taasi oo marka sida xaqiiqda ah la eego aan ahayn.
Cabdi Iidaan isaga oo Aftahanadiisa adeeg sanaaya ,ayaa waxa uu gabaygan Shiinlay ku bilaabay ama uu hal-qabsi uga dhigay ,erayga Shibanaha ah ee SH(shiinka) eraygaasi oo uu ku doortay,kadib markii ay Silsiladii Siinlayda ay soo galeen ama ay ka gabyeen ,dad aan markaasi ehel u ahayn habka iyo hanaanka loo gabyo,amaba iyagu ku caan baxay waxa loo yaqano Afarayda.
Waxa uu yidhi :-
Kolkii Midhayarii wada shuq yidhi shidantay Deelley’e
Shinbir-Dharabtu meel Aar fadhiyo shuuqa kama deynne
Sha’diibaan hayaanka u rarnay iyo shaanbis geeddiga’e
Shaabuugga nadigaa tix-yare sheexa ka lahaanne
Affarrey ha lala soo shirtago Shoolla Booliyahe
Halkaasaa Sengaha noo sharraxan shaalka loo sudhaye
Shafshafaha duxda ah leefihii cid u shaqaynaayey
Iyo SHurunshur malaggiisu galay haysa soo shubo’e
Shilmaqabe tixdaan Gaarriyoow shiinka ka asteeyey
Ama Geenyadaan xalay shirrabay shalaw abraarkeeda
Meeshaan Shakamaddawgu xidhay sheeg haddaad garato
Shafarta iyo dabaylaha jiraa shaamareerka lehe
Shifo waxan lahaynoo la cuno sheeg haddaad garato
Shubaal quruxsan Gaawaha shaxshaxa Shuqul gobaadeedka
Shinni dhagax sideedii markuu noogu shiro geelu
Sharaan duhurki sharad kuugu galay, Laaska shacabkaasa
Inaan maantadani kuugu shubo ee shifo u hooda
Markay shaaxin ugu heesayaan kama shiddoodaane
Sharba uga ducee inaanu helin shil iyo qayrkiiye
Misana Sheekhyadii iyo u qabay Weliyo sheellaaye
Misna sharax Kitaab kama akhriyin Shed ay ku yaallaane
Waxa badawgu SHa’allaah u yidhi sheeg haddaad garato.
Shibba waxa dibnii looga dhigay shar iyo khayr daayey
Abwaan wuxu murtidi uga shakiyey sheeg haddaad garato.
Runtii shimiqda waxa looga dhigay una shareernaatay
Ee ay beentu shaaraca ku timi sheeg haddaad garato.
Shirkii lagu ballamay faalladii shaaca laga qaaday
Shalmadi Koore raacdoo waxbaan sheedda ka arkaaye
Shishe u aragnay haasaawihii shaadirka lahaaye
Shaf-dhiggiisu meeshuu hirdiyey sheeg haddaad garato.
Belaayada shinkeed galay fidmada laga shaqaynaayo
Shoocaalligeedaa hirmacay waase sheen ga’anne
Halka shalaxda lala maaggan yahay sheeg haddaad garato.
Cadceedduba Dayaxa shiiqiisee waana laba shay’e
Wuxu Shamacba taaggii u huray sheeg haddaad garato.
Shafartii qabiilkiyo Wiglada lagu shanlaynaayo
Waxa qaranka shuushkii ka baxay dib ugu shaasheeyey
Duqdii oo Shakaalkii qabriga iyo shebeggi hayn waayey
Shaaruba Libaax iyo hadday Shaadh ammaan tolatay
Sharcigi lagu qaban lahaa meelu jiro sheeg haddaad garato.
Ninku kibirku shaanshaan ka ridey waaya shaxartaanye
Misna waxanu sheekada ku darin shiishka soo maqane
Inta Shaqalka gaabani u jiro sheeg haddaad garato.
Shif u dhimo nin ragi waa geyaa sharafna nooloow’e
Waxay Sharadi meesheed u tahay sheeg haddaad garato.
Shilalka lagu qal neefkii la cuni Shidhada xoolaaye
Shanqadhiyo Shariiryaha digsiga shagagaxdii weelka
Sidii Wananka loo kala shishlaa Shiillimaad noqoye
Shansho kama dhadhamin reerku waa shey cajaa’ibahe
Waxay sheeka-baraleeydu tahay sheeg haddaad garato.
Shabeelkiyo Orgigu waa heshiis Shiibba dhega yaabka
Shilalkay isugu dhuumatay ee nabaddu shuuxshuuxa
Shullo maran la dhigaybaa jirtee sheeg haddaad garato.
Shaxda niman aqoon lama degeen mana shu’aysteene
Shan Soomali oo wada socdoo Calan ku sheekaysa
Shinmaa la arkayaa waa su’aal sharad ka yaallaaye.
Allah mahadleh.

Friday, 28 July 2017
Qiso yaable: Yaa doonayaa in Caruur la siiyo?
Telefishinada caalamka waxaa laga baahiyaa tartamo kala duwan ama barnaamijyo la xiriira waqti yaanasiib lagu guuleysto waxyaabo kala duwan sida lacag, Telefishin, Cumputaro, gawaari iyo waxyaabo kale kale laakiin in lagu baahiyo ilmo naadiyo waa mid aan horey u dhicin.
Hadaba Tv fadhigiisu yahay wadanka Pakistan ayaa bishan soo jiitan dareenka shucuubta dunida ka gadaal markii wariye ka tirsan Tv-gaasi uu barnaamijkiisa Ramadaanka ku soo bandigay ilmo la naadiyo lana doonayo waalid ilmahaasi la wareega oo koriya ama xanaaneeya.
Barnaamijka Amaan Ramadaan ee ka baxa Tv-ga Geo News ee dalka Pakistan ayaa daadihiyaha barnaamijkaasi Aamir Liaquat Hussain wuxuu ku soo bandhigay gabar la gudoonsiinayo lamaanayaasha aan awlaada laheyn iyo kuwa doonaya in ilmaha la tuuro xanaaneeyaan.
Aamir wuxuu ku soo bandhigay barnaamijkiisii baxay 14-kii bishan gabar yar oo laga keenay xarun caruurta dayacan lagu xanaaneeyo, gabadhaasi oo todobaadyo jirta ayaa dadkii fadhiyey Istuudiyaha Tv-ga iyo kuwii kale ee hawada ka daawanayey hal mar loo soo bandhigay, iyadoo Kaamirooyinka lagu qabtey.
Aamir oo dadkii fadhiyey Istuudiyaha iyo kuwa hawada kala socdey la hadlayey ayaa yiri “Gabadhan yar qof ayaa wuxuu ku tuuray caag qashinka lagu rido, bal eeg sida ay u qurux badan tahay iyo sida ay u tahay qof la dulmay”.
Dadkii Istuudiyaha fadhiyey ayaa loo soo bandhigay qoyskii qaadanaya gabadhana, waliba iyadoo loo marayo hab tartan ah, tusaale ahaan Aabaha Iyo Hooyada la wareegaya ilmaha waxaa laga doonaya inay sharaxaan xaaladooda awlaad inay leeyihiin iyo in kale iyo sida ay u barbarian doonaan, waxaana ugu dambeyn ku guuleysta qoyskii ama lamaanihii soo bandhiga waxyaabo lagu siiyo ilmaha yar.
Riaz-ud-din iyo xaaskiisa oo ka mid ahaa martidii Istuudiyaha fadhiday ayaa ku guuleystey gabadhii yareyd ee sida tooska ah TV-ga loogu soo baahiyey, waxaana Riaz-ud-din isagoo aad u faraxsan uu muujiyey in uu ku guuleystay gabadhan oo ku tilmaamay “Hadiyada Ramadaanka” oo ALLE u soo diray.aman-ramzan
Riaz-ud-din isaga iyo xaaskiisa 14 sano ayay is qabeen laakiin wax awlaad ah ALLE ma siin, waxaana uu ka hadley hadalada uga yimaada dadka ee la xiriira awlaad la’aanta haysta, waxaana uu yiri “ Afar iyo tobankan sano waa kuwa aad u xannuun badan, dadku had iyo goor waxay i waydiiyaan in aan sameeyo guur labaad oo aan guursado xaas kale si aan u eego in ilmo la’aantu ay xageyga tahay ama xagga xaaskeyga, laakiin arintaasi ganafka ayaan ku dhuftaa, waxaana u sheegaa xaaskeyga inay samirto”.
Ilmahan waxaa xarunta Tv-ga Geo keenay Muhammad Ramzan Chhipa oo ah madaxa hay’adda Chhipa Welfare Association oo ah hay’ad daryeesha oo ururisa ilmaha la dayaco ama la tuuro, Muhammed wuxuuna sheegay inay hayaan ilmo kale oo fara badan oo u baahan in sidan oo kale loo xanaaneeyo.
“Waxaan haynaa caruur fara badan oo la dayacay, kuwaasi oo loo tagey goobaha qashinka qubka ama meelo kale oo nadaafad ahaan liita, badiyaa waxaan helnaa kuwa dhintey, waxaase fariinteydu tahay oo aan u sheegayo dadka inay ilmaha inoo keenaan oo aanay meel cidlo ah uga tagin” ayuu yiri Muhammad Ramzan Chhipa.
Boqolaal ilmo ah ayaa la tuuraa bil kasta wadanka Pakistan, halkaasi oo dhalmada ka baxan guurka si weyn looga dhaleeceeyo ayn tahay xukun dil ah oo la xiriira sinnada.
Gabdhuhu waa kuwa uga badan ee la tuuro ama la dayaco wadanka Pakistan, iyagoo qoysas badan u arkaan inay gabdhuhu yihiin qatar ama fidno dhanka dhaqaalaha iyadoo badankood shaqooyinka loo diido, isla markaana qoysasku marka gabadhoodu guur gaarto ay u ururiyaan qoyska ninka gabadha guursanaya lacag gaarayasa 10 kun oo doolar.
Inkastoo Tv-ga Geo arintan u arko inay tahay arin ku wanaagsan dhaqanka iyo diinta oo ilmo dayacan la badbaadinayo hadana qolyaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo hay’adaha warbaahinta ayaa ku doodaya inay tahay arin aad u foolxun in hawada laga xayeysiisyo ilmo la doonayo in la qaato.geonews
Bina Shah oo ah qoraa fadhigeedu yahay magaalada Karachi oo ay ku taal xarunta Tv-ga Geo News waxay sheegtey inay aad ula tahay ceeb in daawadayaasha loo soo bandhigo xayeysiis ilmo la doonayo in la qaato.
“Arintan waxay u muuqanaysa in wax kasta laga leeyahay dano dhaqaale, oo lagu doonayo in lagu soo jiito daawadayaal, xitaa diinta ayaa lala galay, ilmo la tuuray oo hawada Tv-ga laga baahinayo waa tan ugu xun ee lidiga ku ah qaanuunka saxaafada, ayaan filayaa” ayey tiri Bina hah.
Muuqaalka barnaamijkii Tv-ga ee ilmaha yar lagu naadiyey iyo sidii xaalku ahaa markii la soo bandhigay ilmihii oo la sido Link-ga hoose riix ama hoos ka daawo.
Maxamed-Qadar Isxaaq

Wednesday, 26 July 2017
Qiso yaableh: Caruurtii ayaa iga gaajonaysa,waa in aan Suuqa Islii(Nayrobi) qof Somali ah kasoo qafaashaa!
Waa xilli waaberi ah, carruurtiina wey baahanyihiin. Hooyadood, Mama Mwikali waxaa la soo deristay xaalad adag maadaama aysan faraha ku hayn wax raashiin ah oo ay ilmaha dabka u saarto. Yar iyo weynba waxay ku dhawaaqayeen, “Mama ee tunataka chakula” (hooyooy cuntaan rabnaa). Odeyga Mwikali ay wada noolyihiin oo lagu magacaabo Kioko ayaa isla xilligaasi shaqo isu diyaarinayey. “Kioko ee”, ayey ugu yeedhay Mwikali odeygeeda. “Ee” ayuu ugu jawaabay isna xaaskiisa. ‘Waamuka ata’ oo u dhiganta’maxaad ku bariday’ intay ku salaantay ayuu ugu jawaabay “niwaamka” (subax wanaagsan).
Mwikali waxay u sheegtay ninkeeda in ilmaha aan dab loo shidin oo ay baahanyihiin islamarkaana wax lacag ah oo ay cunto ugu soogaddo haynin. Wuxuu u sheegay Mwikali bal in ay digsi biyo ku shubto dabadeedna ay dabka saarto illeyn wuxuu soo indho indheynayaa xaafadda Eastleigh oo ay Soomaalida ku badantahay. Intuu si degdeg ah u labistay ayuu aaday saldhiggii booliska kana soo qaatay qori cabbeysan oo G3 ah. Asagoo ay la socdaan labo askari oo saaxiibbadiisa ah ayey xaafaddii Easteleigh dalaq yidhaahdeen.
Odey Xandulle oo deggan xaafadda Eastleigh, waaga ayaa asagana u baryey. Xaaskiisa Muxubbo oo saalaaddii subax ay wada tukadeen ayaa u sheegtay in caarruurtu gaajeysanyihiin. Wuxuu isna ku yidhi xaaskiisa, “bal digsi biyo ku shuboo dabka saar waxaan noo raadinayaa shaxaade”. Halkii buu ka shiraacday, wuxuuna cagta saaray waddo gasho xaafadda Islii (Eastleigh) ee Soomaalida caan ku tahay magaalada Neyroobi. Wuxuu guriga kaga soo tegay xoogaa qaad ah oo uu xaleyto kasoo shaxaaday saaxiibbadiis. Qaadkuna kuma filleyn sigaarna maba uusan haaysan. Sida keliya maalinkaasi uu ku murqaami lahaa waa isagoo raadsada xoogaa shaxaad ah oo kale.
Kioko oo ay saaxibadiis la socdaan iyo odey Xandulle ayaa ku kulmay meel goolad ah. “Wee Waryaa simama” (waryaa istaag), ayaa la amray Odey Xandulle oo argagaxsan. “Balo, waar maxay ahaayeen waxu”, intuu yidhi ayuu socodka joojiyay. “Lete kipande” (keen waraaqahaaga aqoonsiga) ayaa isla markiiba la amray. Kaar aqoonsi ah oo sharciyeysan intuu jebadda kala soo baxay ayuu u dhiibay Kioko. “Hii ni fake (kani waa faalso), twende station (inakeen saldhiga), nitakufunga” (waan ku xirayaa), ayaa lagu yidhi Odey Xanduulle oo ay xaajaddu ku xumaatay.
Nasiib wanaag, Odey Xandulle wuxuu meel dheer ka arkay Odey Magan Qadiid oo in muddo ah ay saaxiibbo ahaayeen. Wuu u dhawaaqay. Odey Xandulle intuu afka furtay buu ku qayliyay, “waar Magaanoow isoo gaadh”. Wax yar kadib Magan Qadiid baa ka soo dul dhacay halkii lagu buuqsanaa. “Waar ina adeeroow 1,000 shilin idaymi dib ayaan kaa siinayaaye”, ayuu Odey Xandulle ugu calaacalay saaxiibkiis Magan Qadiid. Magan Qadiid intuu jeebka gacanta gelshay ayuu kasoo saaray 1,000 kii shilin ee saaxiibkiis weydiistay.
Odey Xandulle wuxuu Kioko farta ka saaray 500 shilin sidii ayuuna xorriyaddiisa ku helay maalinkaasi. Asagoo aan dheg la qabto lahayn ayuu Odey Xandulle ku laabtay gurigiisii. 200 shilin buu u dhiibay xaaskiisi. Isla markiiba waxaa lasoo gaday raashiin. Carruurtii gaajeysneyd maalinkaasi waa ay dhergeen. Odey Xandulle 300 shilin ee u soo hadhay buu ku iibsaday xoogaa qaad ah iyo sigaarkii uu ku dhuuqi lahaa.
Askerigii Kioko ahaana wuxuu iska fasaxay saaxiibadiisi oo wuxuu markiiba aaday gurigiisa. Dherigii dabka la saaray markuu kasoo hayaamay gurigiisa ayaa la cabbeeyay oo loo helay raashiin ay quutaan carruurtiisa iyo xaaskiisa intaba. Guud ahaan Kioko wuxuu asagana xaaskiisa u dhiibay lacag dhan 200 shilin oo Kinyaati ah. Lacagtii kale ee usoo hadhay wuxuu la aaday goobaha khamriga nooca Chang’aa la yidhaahdo lagu cabbo. Odey Xandulle iyo askeri Kioko dhibkii waa ka haaday maalinkaasi oo waxaa u dambeeyay murqaan iyo damaashaad. Waa labo halac oo kaladaran.
Aadan Makiina
Adan.makina@gmail.com

Tuesday, 25 July 2017
Nin dadkiisii baafinaaya: 23 sano ayaan jiray markii Itopiya lagu xidhay, maantana 50 sano ayaan jiraa oo Jeelka la iga soo daayey.
Magacaygu waa Cabdiraxmaan Dhoodaan Cabdi Maysar, waxaan ku dhashay Muqdisho, waxaan ka baxay dugsiga sare ee Banaadir 80 maad kii, Anigoo ku jira kuliyadda cilmiga dhaqaalaha ee Jaamacadii Gahayr iigana harsantahay wax ka ka yar sanad, da`dayduna tahay 23 jir ayay dawladdii burburtay. Aabahay waxuu ka shaqayn jiray guryo uu bankigii dhexe lahaa oo loo yaqiin Bangaariyada oo ku yiil degmada Hodan. Ciddeenna waxay ku noolaayeen degmada Xamarweyne.
Bilowgii 1991 maalin ka mid ah anoo jooga Jaamacada ayaan hal mar maqlay hugunka madaafiicda iyo daryaanka rasaasta ee qoryaha fudud waxaan dareemay in Xamar la soo galay xabaduna kusoco madaxtooyada, suurto galne ahayn inaan aado xaafadayda maadama aan la mari karin jidka Makka Al Mukarama oo ah marinka xaafadayda, waxaan go`ansaday inaan la qaxo dad cararyay ilaa aan gaarno Ethiopia.
6 bilood oon kusii hakanaynay hadba meel, dhaxbartamahii 1991kii ayaan waxaan gaarnay Iimeey oon uga sii gudubnay Raaso ilaa aan gaarno Dirir Dhawa,.
Xilligaas waddanka Ethiopia aad buu u kacsanaa waxaana xukunka laga tuuray kaligii taliyii Mingiste waxaana ka socday raaf dadka loogu tuurayo xabsiyada,. 7 habeen markii aan seexday Dirir dhawa habeenkii ku xigay xilli maqrib ah ayaa la i dafay waxaana i kaxaystay ciidan wata gaari Jiib ah waxaana la i geeyay degmo 200km aan u maleeynayo inay u jirto Dirir Dhawa oo la yiraah Hawaash (Awash), waa godkii iga lumiyay mustaqbalkayga waa kii I nacsiiyay adduunyada, waa midkii 27 sano aan ku jiray, waa kii aan galay anoo 23 jir ah kana soo baxay anoo 50 jir ah.
Xabsigaas waxaa ku xirnaa maxaabiis aan ku qiyaasay 4,600, dadka ugu badan ee xabsiga ku jiray waxay ahaayeen Amhaaro iyo Oromo oo dowladda ku kacsanaa, Somalida waxaan ahayn 300 qiyaastii marka laga reebo 280 loo soo qabtay inay taageeraan ONLF, inteenna kale waxaan ahayn reer Soomaaliya.
Runtii ma qiyaasi karo nooca uu u yaalay xabsigaas, waxuu ahaa god hoostiisa oo aay adagtahay sida aad ku aragto qoraxda ama iftiin, Naxariista kaliya ee xabsigaas ka heli karto waa inaad cuntaa hal waqti oo Cambuulo galeey ah.
Waxaa iigu murug badnayd markii xabsiga la iga soo sii daayay anoo xiran 27 sano maxaa yeelay ma aanan aqoon meel aan u raadiyo aabahay, hooyadey iyo lix walaaladey ahaa oo ila dhashay. Alla muruga badnaaa, wallaahi waxaa la ii qaatay inaan iska dhinto.
Markaan xamar ka soo dagay hadda oon kula hadlayo waan ooyay waana farxay, waxaan ku ooyay farxad aan u qabo dhulkayga iyo aragtida ra`isul wasaaraha I soo daayay oo ah nin dhallinyaro ah oo naxariis iyo damqasho leh, waxaana ku farxay jacaylka dadkeena ay is jecelyihiin iyo sida macaan ee noola soo dhaweeyay, walaahi ma aqaan ani waxa aan sameeyo iyo meesha aan ka raadin doono dadkaygi.
Alla ciil badanaa maanta aqoontaydi iyo dadkaygi midna ma hayo oo waxaan ahay jaahil gablan ah kaliya, waddada ii furan waxaa weeye inaan samro oon badiyo taqwada Alle.
Walaal macaane maanta kaama rabo lacag iyo hanti, ma doonayo magac iyo mansab iyo shaqaba kaliya waxaan rabaa ciddeenni inaan is helno fadlan intaas iga caawi.
Walaal miskiinkaan dhibban fadlan ka caawi inay ishelaan ciddiisii oo mar kale dib u midobaaban waa hadaad taqaan ree Dhoodaan Cabdi Maysar.
Share dhaha walaalayaal si ninkaasi ay dadkisii u helaan-

Layaabka Dunida: Sababtii loo dilay Lixdii nin ee Walaalaha ahaa Muqdisho!
Gaari nooca loo yaqaan Opel oo qaada ilaa 10 qofood ayey saarnaayeen Wiilasha la dilay, Sheeko ma jirin waayo tacsi iyo tiiraanyo ayey ku jireen.
Maalintii taariiqdu aheyd 8-7-2017 xili dambe ayaa waxaa wadada lagu gooyay gaari kale oo kooxo hubeysan ay kasoo dagteen, kuwaas oo xabado sida roobka oo kale ugu furay gaarigii ay saarnaayeen Qoyskii la laayay.
Waxey ku socdeen qabuuraha deegaanka Calamada oo 25 Kilo mitir u jirta magaalada Muqdisho, iyagoo rabay in ay soo aasaan islaan eedadood ah.
Gaariga sida la ii sheegay quraan ayaa ka shidnaa, qof walbana wuuka murugeysnaa tacsida eedadood balse maxaa dhacay?.
• KADIBNA MAXAA DHACAY?
Qof kasto wuu cararay, xitaa waalaga cararay meydkii la waday, Waxaa dhacday in wiilasha la dilay qaar ay ordeen iyagoo dhaawac ah balse xabado kale lagu furay.
Waxaa kamid ah Cabdi Jabaar Xaaji Gaabow oo isagoo dhaawac ah oo naftiisa la baxsanaya in markale xabado lagu harqiyay.
• 8 Qofood ayaa Geeriyootay
Tirada guud ee dhimashada dadkii meesha lagu laayay waxa ay gaartay 8 qofood, waxaana kamid ah (6 qofood oo hal qoys kasoo jeeda).
1- Cabdi Caadil Xaaji Gaabow
2- C/jabaar Caadil Xaaji Gaabow
3- Zakariye Caadil Xaaji Gaabow
4- Maxamed Deeq Xaaji Gaabow
5- Cabdi Rashiid Maxamed Yare
6- C/casiis Xaaji Gaabow (adeer)
• Yaa Dilay? Maxaase Loo Dilay?
Qof og malahan cida dishay iyo sababta rasmiga ah ee loo dilay 6 wiil oo hal qoys kasoo jeeday, 4 isla dhalatay iyo 2 ilmo adeeradood ah.
lakin hadal heynta iyo sida dad xog ogaal ah ay ii sheegeen Kooxo hubeysan ayaa dilay, Waxaana loo dilay qaab ganacsi.
• HALKEE AYEY DAGNAAYEEN ?
Waa qoys caan ka ah xaafada macmacaanka gaar ahaan degmada Dharkiinley ee magaalada Muqdisho, awoowgood Alle ha u naxariisto Xaaji Gaabow waa ganacsade si weyn looga yaqaan guud ahaan Muqdisho.
Wiilasha walaalaha ee la laayay waxey wadeen ganacsiga abaahood Caadil Xaaji Gaabow, waxeyna lahaayeen Xarumo ganacsiga sida Hoteelo, Isbitaalo, Goobo shacabka loogu adeego, Travel agent iyo Shirkad koronto ah.
• MAXAMED DEEQ RIYADIISA ?
Mid kamid ah wiilasha la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed deeq xaaji Gaabow wuxuu ahaa qof dhalinyarada ay jecel yihiin oo aad u furfuran, dhowaan ayuuna ka qalan jabiyay Jaamacadda Simad University.
Sanad ka hor ayuu guursaday, waxaa 2 bil ka hor loo dhalay Cunug (Baby), Riyadiisa waxey ahayd inuu caruur kale dhalo oo waqti badan la qaato nolashiisa cusub lakin taas ma noqon.
• HOOYADOOD “Wiilasheeyda wey ii soo laabanayaan”
Inkastoo aanan la hadlin hooyada dhashay wiilashii Afarta ah ee la dilay hadana dad qaraabada ka tirsan waxey ii sheegen in maamada ay hada khadka ka baxsan tahay (Shock).
Xitaa hadal kama soo baxayo, marna waa ooysaa, marna qof kale waaye, marna caruurteedii ayey leedahay “wey ii imaanayaan”.
• Aniga Dareenkeeyga
Qof walbo oo Muslim ah, Somali ah, dareen damqasho leh waan hubaa inuu dhacdadaan ka naxay lakin aniga dareenkeeyga shalay ilaa maanta wuxuu jiraa qoyska la laayay.
Maxaa ka xanuun badan oo ka murugo badan marka qoys halmar laga dilo Lix qofood? wlh aniga ilaa iyo xad aad ayaan uga ciishooday dhacdadaan
• XAASKIISA HORE WAA LAGA DILAY
Oday Xaaji Gaabow oo 2 sano ka hor isagana geeriyooday (Waa wiilasha awoowgood) ayaa horay waxaa looga dilay xaaskiisa, shalayna Caruurtiisa oo afar ah ayaa aduunka la dhaafiyay. Innaa lilaah wa innaa ileeyhi raajicuun
Qoyska reer Xaaji Gabow waxey diideen in xoolo iyo wax la qalo, waxey kaliya umadda Islaamka gaar ahaan Somalida ka codsadeen in wiilashooda ducada lagu kaalmeeyo .
Waxaa Soo Qoray: Idiris Abdulkadir Mohamed

Sheekh Fatfooday in Dumarku ay garaaci karaan Ragooda Khamriga cabba.
Fatwo ay baahisay mid ka mid ah idaacadaha ka hawl gala waddanka Morocco ee Woqooyiga Afrika ayaa dhalisay doodo iyo hadal hayn badan, kadib markii Sheekh Caan ah oo lagu magacaabo Mukhtaar Muxsin oo dalkaasi laga yaqaanaa uu barnaamij dhinaca qoyska ah ka sii daayay Fatwo uu sheegay in ay bannaan tahay in haweenaydu garaaci-karto oo ay gacanta ula tagi-karto saygeeda ,haddii uu yahay mid sakhraan ah oo khamriga caba ,qoyskiisana ku soo laabta isaga oo cabsan.
Fatwadan la yaabka leh ayaa markii uu sheekhu baahiyey ,waxa loo turjumay luuqado badan oo ay ka mid yihiin Faransiis iyo Ingiriis ,kadibna waxa lagu baahiyey baraha xiriirka bulshada taasi oo keentay in dadku faallooyin iyo hadal hayn badan ka dhiibtaan.
Idaacaddii baahisay Fatwada Sheekhaasi haweenka ugu fasaxay in ay raggooda sakhraamiinta ah garaaci-karaan ,haddii ay raggu iyaga oo khamri soo cabay ay guryahooda ku soo laabtaan ,ayaa muddo bil ah kadib barnaamijkii Fatwadaasi ku jirtay waxa ay ka saareen degelka ay ku leeyihiin internetka, balse taasi ma noqon mid fatwadaasi xakamaysa, ee boqolaal shabakadood oo hore u qaatay fatwadaasi ayaa baahiyey ,walina ay ku jirtaa fatwada sheekhaasi ee muranka dhalisay.
Guddi u hadashay Waaxda Arrimaha qoyska iyo Bulshada ee dawladda Dalkaasi Marooko ,ayaa sheegtay in Fatwadaasi ay dhibaato ka dhex abuuri-karto qoysaska sidaa darteed ay ka xun yihiin in idaacaddu faafisay Fatwo noocan oo kale ah, oo qoysas badan waxyeelo u gaysan karta, gaar ahaan dhiirri gelinaysa haween badan oo raggoodu khamriga cabbaan, in ay gacanta ula tagaan oo garaacaan marka ay soo cabaan ee ay guryahooda ku soo laabtaan.
Warbixintu, waxaay leedahay Masuuliyiinta dawladda Morocco ayaa idaacaddii barnaamijkan baahisay ku amartay in ay barnaamijka ka saaraan website-kooda ,balse taasi waxba ma soo kordhin waxaana fatwadii oo la sii turjumay lagu baahiyey meel walba oo warbaahinta Online-ka ah.
Sidoo kale waxa Fatwadan uu soo saaray sheekha lagu magacaabo Mukhtaar Muxsin oo ah xoghayaha Daarul Iftaa ee Dalka Morocco ,baahisey warbaahinta dalka Masar oo aad uga hadashay taasi oo ay haween badan oo carab ahi gaar ahaan Masaari ahi ku diirsadeen, iyaga oo ku dhiirranaya in ay raggooda khamriga soo caba marka ay guryaha ku soo laabtaan garaacis kula dhaqaaqi doonaan, arrinkaasina yahay kan walaaca ku abuuraya kooxaha xuquuqal Insaanka u dhaqdhaqaaqa oo ka cabsi qaba in ay tani keento xaalad fawdo ah, iyo dagaal gacan ka hadal ah oo dhex mara haweenka iyo raggooda khamriga cabba.
Fatwooyinka muranka badan iyo doodaha dhaliya ayaa ku soo badanaya dalalka Carbeed, iyada oo dalka Masar dhawr jeer Fatwooyin ay culimada qaar sii daayeen ay keeneen ,doodo badan iyo hadal hayn in ay ka dhalatay, gaar ahaan Fatwooyin qaarkood aad loola yaabay oo aanay hore Culimada islaamka ahi u sheegin, waxaanay Fatwadan ugu dambaysay noqon kartaa mid iska hor keenta rag iyo haween badan oo wada jira, gaar ahaan ragga balwadda leh.

Sunday, 23 July 2017
MAANTA WAA BERRIDII AAN SHALAY KUU SHEEGAY !.
Waqtiga ama samanka oo afsoomaaliga loo yaqaan 'Goor" waa mid aad muhiim ugu ah guud ahaaba adanaha, horumarka uu shaqsi ama mujtamac kasta gaarona waxa uu ku xiran yahay hadba sida uu uga faa'iidaysto waqtiga.
Soomaalidu waa dad aad u hadal badan oo markay cabbirayaan fikirkooda ku aadan wax yaabaha la xiriira noloshooda, si aad ah ayay u xigmadeeyaan, haku sheegeen gabay, maahmaah ama oraahba.
Waxaan xusuustaa gabay caaqiibo leh oo ku saabsanaa waqtiga ama goorta oo uu tiriyay gabyaaga Soomaaliyeed ee caanka ah Xaaji Aadan Afqalooc, wuxuuna yiri
Seban tegay mid wali soo socdiyo saaka waxa jooga,
Saddexdaa siyood yaa xaal adduun lagu sifeeyaaye,
Soo noqod ma leh shalay wixii saadufoo tegaye,
Saadambeetiyo berrina waa su'aal maqane,
waxay taladu kuu suuban tahay subaxa aad joogto.
Xaajiga sida aan aragno ma hambaynin hadalka, waxa uuna qotomiyay falsafad qurux badan iyo sida ugu habboon ee waqtiga loo adeegsado, waxaanse jeclahay in aan isticmaalno waxa loo yaqaan "isburin ula kac ah" oo afka qalaadna lagu yiraado (deliberate contradiction) si ay noogu suuro gasho in aan si buuxda uga faa'iidaysanno gabayga, taas oo ah in aan dood la furano gabyaaga kuna bilaabayno su'aal aan ka keenno tuducda ah "Soo noqod maleh shalay wixii saadufoo tagay e".
"Xaaji Aadanow waxaa qabaa in shalay ay saamayn wayn ku leedahay maanta, miraha aan guranayno maanta sow maaha qaraarka qaldaadkii naga dhacay shalay iyo macaanka wixii noo hagaagay, sow markaan hirig galno ma dhahno, haddaan shalay sidaa yeelilahayn maanta sidaan naguma dhacdeen, shalay tagtay laakiin raadka ay maanta nagu leedahay waa hadba sidaan u dhaqannay, haddaan caqli iyo xigmad adeegsanno wanaag ayaan ka dhaxalnaa, haddaan si hamajinimo ah u dhaqannana shallay ayaan ka dhaxalnaa".
Waxaan tusaale u soo qaadan karaa sheekadii ninkii geeddiga ahaa iyo ninkii dadqalka ahaa, waatuu ninkii dadqalka ahaa u yimid ninkii miskiinka ahaa ee uu wiilka xalay ka qaaday kuna yiri isagoo u duurxulaya : "Ninyahow shalaad ila arrin xumayd,xalyna waad ila orod yarayd, maantana waad ila argti xuntahay", isagoo ka wada waa tan horee shalaad ila arrin xumayd markaan ku iri hadegin meesha dadqal bay leedahay, xalayna waad ila orad yarayd oo markaan wiilka kaa qaaday waad i soo gaari waysay, maantana waad ila aragti xuntahay oo anigii baa ku hortaagan waadna i garan la'dahay.
Talo xumadiisii shalay ayaa aayo xumidaa dhaxal siisay, waana sidaa markasta.
Waxaa marka halkaa ka cad in shalay ay maanta saamayn ku leedahay, taa darteed waa in aan laba mar ka fiirsanno waxaan samaynayno, iyo sida aan u dhaqmayno maanta oo ah shalayda berri, si aan uga badbaadno cabbidda sibirka aan shalay qooshanay, Sow kulama aha xaaji Aadanow ?
Waxaase hubanti ah in Xaaji Aadan intuu qoslo in uu i dhihi lahaa " Maandhow intaad sheegtay tuducda ugu dhambaysaan ku soo koobay, oo ahayd " Waxay taladu kuu suuban tahay subaxa aad joogto". Allay lehe waa run, maantaad talo haysaa ee ku dadaal in aad wax hagaajiso hadday tahay heerka shaqsiga ah ama hadday tahay mid ummadeed, si intaad nooshahay aysan uur kutaallo iyo caloolyow kuu halakayn,haddaad ka hulleesho dunidanna taas oo ah lama huraan in aan magacaaga loogu tuurin qashin qubka ama guddaafadda taariikhda.
Maantase waxaan aragnaa in uusan waqtiga wax qiimo ah noogu fadhiyin iyo ku sii socodka jidkii qalloocnaa ee shalay kaa oo na dhaxay siiyay dhibta maanta Soomaali la il daran tahay, qaladkii shalay naga dhacay intaan ku cibrad qaadan lahayn oon wax ka kororsan lahayn ayaan maanta mid kii hore ka daran faraha kula jirnaa, kaaga daranta waan ognahay oo taariikhdaa na bartay in ay fiicnaan lahayd in aan saxno qaladkii shalay oo uusan maanta mar labaad naga dhicin. mana heli karo dardaaran ka fiican tuducda Xaaji Aadan Afqalooc ee ahayd " Waxay taladu kuu suuban tahay subaxa aad joogto".
by Engineer Mohamed

Saturday, 22 July 2017
Gabaygan Ilahay ha u naxariistee Xaaji Aadan Af-qalooc waxa uu ka tiriyey ,kadib markii uu arkay in madaxdii dalka loo doortay in ay daacad ku hogaamiyaan ,ay noqdeen kuwo markaasi ka fikira oo kaliya dantooda gaar ah iskana ilaabay dhamaan dantii guud ee ay ahayd in ay ilaaliyaan.
Gabayaagu waxa uu Gabaygan kusoo qaadanayaa sida boobka hantida umada loo xalashaday ,iyada oo laysuguna faanaayo ,waxa kaloo aad Gabayga ka dheehanaysaa heerka ay taagnayd akhlaaqda iyo dhaqan xumada dadku.
Hadaba marka aad isu eegto isla markaana aad is barbar dhigto xalada uu markaasi ku sugnaa dalku iyo maanta sida uu yahay ,ma kula tahay in ay wax wayni isbadaleen ,ma halkii ayuunbaa wali la taagan yahay ?miyaa laga hoos maray? misse isbadalo fiican ayaa jira oo muuqda?
Waakan gabaygii:
Ta’da gabayga waa taanan odhan tan iyo waa dheere
Isticmaarku maantuu tegey baan taydii gaabsadaye
Maantana ma tiriyeene waa igu tahdiideene.
Ragbaa ararta tiigaaliyee taana ma’aqaane
Afartaan wataa iyo dantaan uga tacjiilaaye
Tuyaroo tilmaan iyo warba ah an’idin taabsiiyo.
Meeshuu Waraabuhu ka tegey Tarandac Doofaare
Taltallaabsey Daayeer markuu taygarkii lumaye
Tukii Haadka’adag buu noqday oo tuur laftuu sidaye
Tartankii Dameerkii Fardaha Tahan ka dheeraye.
Tiir libaax Currigu uga baxay oo taahayoo ciya’e
Marba wuxu Orgigu tiigsadaa Awr tabaadiyahe
Rahuna wuxu tummaati ula baxay tuur caddow Dibiye
Wuxu diig Haldhaaga ugu tegey Taaggi Xodayoode
Guburigii tigaad cunay marooduu u toocsadaye
Timirtii Basriyo waxis bedeley Midhihi Toomoode
Goortuu Galoolkii tifmay buu Tawlay Carigiiye
Halkii Damalka laga tuugi jirey timi Dhalooshiiye
Dhibta timi Jamhuuriyaddan oo tahan la boobaayo
Iskaa wax u tabciyo khaa’inimo la’isku Taageerye
Qawaaniin u taaliyo nadaam taxan ma yeelaane
sida Tafare amar ma jiro laysku taabaco’e.
ninba tiginka meeshuu dhidbaday taabka ku adkaye
Waashmaan kulay tahay ninkii taabay meel dheregye
Warqad jananku teeb kuugu qoray kaabul kugu tuurye
Kumana tayso galo Aadanuhu taad u filateene
waa tacab qassaar xaajadaad gacan toglayseene
Taakulo Gacmaha lays qataa lagu tanaadaaye
Tartankiyo is garab yaacu waa tu’an bannaanayne.
Tusmaa uunku kala leeyahaye teennanaa simane
Dadka kale ninkiisii wax tara waa tix geliyaaye
Idinkuna caqliga taabudka ah waa ku tumataane
Tartar baad ka dhaaftaan ninkii toos idiin wada’e
Taako iyo Mayl kala fog baad mid u taqaaaniine
Ragbadan oo Aqoon lagu tuhmey buu tuuray shilinkiiye
Tuurcaddihiyo Jaahil baad Tamar u yeesheene
Toorrey afbadan baw xidheen Taarig xoogsadaye
Timbi baad u dhiibteen nimaan tuna kasheegayne.
Awr madaxa Taaj loo geshaa waa tusmo habaabe
Toogada dhuulkeenna iyo dhibaha tacabka doonaaya
Ninna kuma tallamayee qasdigu waa tolla’yeeye
Nin waliba kursi ad taabtid buu taaggi leeyahaye
Waxbadan baa habsaan tegey intaynu isku taagnayne
Kabatolkii Maxkamad loo tirshey oo tolomaduu jeexday
Hadduu Buugga teel-teel u dhigo taasu yaab malehe
waxse Tacaddi ku ah inuu mid kale uga tabaystaaye
Inkastaba istiil oo waxaad taag u heli weydo
Ninkii kaaga togan uga tag baan tani Awoodayne.
Tallaabada mid Gaalkii shabbaha tegey malliibaane
Adiga oo waxuun tabanayoo tegey halkuu joogo
Markuu sida libaax raqi u taal qoorta kor u taago
Oo uu Tayga luquntiisa sudhan taabto faraqiisa
Oo inaad Addoonkiisa tahay taasna la ahaatay
Oo aan dadkana wax u tarayn callanna tageerin
Oo inuu adduun badan tabcado taa qudha u jeeda
Iyana waa tabaalaha waqtiga taynu aragnaaye.
Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego
Jaamacad nin tegey oo Digriiga tuu layimi haysta
Oo inuu dadkii wax u tariyo tacabo doonaaya
Oo taasna loo baahan yahay toogtan sida joogta
Oo jaahil tigin adag dhidbaday taqadimkuu diidey
Oo reerki tegi waayeyoo camal la’aan taagan

Haddaan saracu taam noqon ummadi ta’akhur weeyaane
Waxbana kuuma taro Raashin aad debed ka tuugtaaye
Turaabta iyo ciidaba raggii tamarta loo dhiibey
Iyagoon wax tarin bay dadkii tahan lugooyeene
Ninkaan qaadka tuurta ugu sidin uma tiraabaane

Taangiga Biyaha loo dhisiyo iyo Riigga lagu taagey
Oo shicibka oo oon latuban Toonta lagu beero

Danta togan batroolkeenna waa laga tashiilaaye
Todoba mayl nin jira oo bukaan talalayoo liita
Oo inuu Xakiimka u tagiyo taakulo u baahan
Inkastuu tawaawaco ninkii khabarka soo tuuray
Misna temeshlihiyo xaafaddaa lagu tegaayaaye.

Mid tacliinta loosoo diroo tadhaq ah oo liita
Oo tuhun kujiro inuu kategey toobadiyo diinka
Oo aqal tilmaaman iyo Khamriga gacan-toglaynaaya
Oo uu Talmiidkii yaraa taas ka baranaayo

Tukaloo kadaran baa jirtee taana balan sheego.
laba boqol nin maaliyaddu tahay tirada loo dhiibey
Aan tacabo Baadiye lahayn tuludi waa maale
Oo toban baloodh jeexday oo tumanayoo keyf ah

maalbadan nin tahan soorogiyo kii katirinaayey
Oo loo tashaday aan cashuur Buugi lagu taaban
Oo Toban kun oo shay habeen tuhun la’aan qaaday
Oo aan Ammaanona tix gelin waajibkana tuuray

Goortaad maxkamadaha tagto baad tacajebeysaaye
Tab ninkeeda xaajada ninkii taabi kari waaya
Inkastaad xaq taabuda wadigo marag cad oo taagan
Ama aad xujada toosisoo looyarku istiilo
Gartu hadalka kuuguma tamiye taasu waa lacage

Ninkii raasamaaliyo Istaaf waa isugu taale
Iyagaysku tiirsane cidkale uma tagaabane
Teelona uma dhigtaan dawlad iyo kii ka taagdarane
Ninkaan tooda waafiqin Xabsi bay ugu tabaystaane
Taqyiirteenna maaliyadda iyo tawsta bixi weydey
Waa labada qolo oo lategey waxaydun tawdeene.

Hadday Boogi kugu taal ninkale tiisu kaa dedane
Haddad adigu Tuur leedahay iyoo Tootir iyo Qaallo
Tu kaleeto inaad toosisaa waa tu’aan dhicine
Waxa khaa’inada looga tegey tacabadii boobay
Ninba Qoon ku taal buu kabaqay inay ka taabtaane.

Ragga talada maamulahayoo taanna hidin waayey
Oo waxay islaamnimadu tahay taababka u gooyey
Oo tooda keliyuun helayoo tarandacoo seexday

Taaloogga Naagaha jartay oo timaha qaar xiiray
Oo sida waraabaha tartama toonka cararaaya
Oo dhaqaale u tudhayn ubadna tuugaynin
Oo taranta soomaaliyeed teed ka kala gooyey
Oo toban jirkii kori lahaa fadhay tagoogiisa

Tacluus iyo Abaar wada socda oo taagan baa timiye
Waatii huluumbuhu lategey Togayadeeniiye
Tarab-tarab u lay Goolashii tegi lahaa dhoofe
Tuulooyinkii caydhihii waa kuwaa tubane
Togagii Yubiyo beerihii lagu tabaalowye
Matagto e Daruurtii Cirkaan tiix ka di’hayne
Goortay nimcadu taam tahay oo tahan laguu siiyo
Oo lagaga tago toobadday taasi dhalataaye.

Tuweyskii la’eed iyo hablaha tababarkoodiiye
Towxiidka nimanbaa nayidhi waa tu aan jirine
Tukashaduba qaarbay latahay teenash iyo luufe
Tiihii Israil helay bay tani sallawdaaye
Anoon Boogta wada taaban oo idin tusaaleyey
Oo aan Tanbiih iyo Islaax taana uga jeedo
Waa Taar an Boosta ugu ridey zoobbe haw tago’e.
ILAHAY ha u naxariisto Abwaanka usoo duceeya.

Thursday, 20 July 2017
Wali Miyaanad Xajin !!!
Waxaan jeclaan lahaa qormadan in aan Allah ugu dhawaado oo aan xusuusiyo walaalaha aan cimrigood tagin guriga Alle si ay u gutaan tiirka shanaad ee tiirarka Islaamka.
Xajka wuxuu kamidyahay calaamadaha waaweeyn ee diinta islaamka ee uu qofka dareemayo hadduu iimaan leeyahay addoonimada alle, waayo waa kulansanadeedka muslimiinta ka kala yimaada daafaha dunida oo dhan, iyadoo ay ka jawaabayaan ogeeysiintii nabi Ibraahim ee Allah amray “ ogeeysii dadka xajka waxay kuu imanayaan iyagoo lugeeynaya, iyagoo saran mid bog laaban dushiisa kana imanayo meelkasta oo fog”. Waxaa lug ku xajin jiray awoowayaasheen mar wax ka badan, maxaa nagu dhacay innagoo haysanna gaadiidka saacadaha soconaya.
Alle wuxuu leeyahay aayad fasirkeedu yahay “ Alle wuxuu dadka ku waajibiyay xajka ninkii kari karo,ninkii gaaloobana Allah waa ka deeqtoomaa”. Culumada waxay yiraahdeen maxaa aayadda loo dabadhigay “ninkii gaalooba” waxay yiraahdeen ninkii aan xajin isagoo inkirsan waajibnimada xajka waa gaal kii kalena waa dambiile weeyn ee haya wadadii gaalada.
Fadliga Xajka: Rasuulka scw wuxuu ku yiri xadiis fasirkiisu yahay:” ninkii xajiya oo aan xaaraan sameeyn iyo faasiqnimo wuxuu soo noqdaa isagoo lamid ah maalintii hooyadii dhashay” maxaa ka weeyn dambi dhaafka intaa la eg ee uu xajku leeyahay.Xadiis kalena wuxuu ahaa fasirkiisa “ Xajka lagu baarrinimo falay (si wanaagsan loo gutay) abaal aan janno aheeyn ma laha”.
Yuu ku waajibay xajku?
Wuxuu ku waajibay xajka qof kasta oo muslim ah,caqli leh,qaangaar ah,xor ah, helikara sahay uu uga tago inta uu masruufo iyo sii socod iyo soosocod sahaydeeda, jidkuna ammaan yahay.Haweeneeyda waxaa intaa u dheer in ay heeysato maxram kexeeya soona celiya.Haddii intaa lagaa helo ama ay kusoo martay cimrigaada xajkii waa kugu waajibay ee ogoow qofka muslimka ahoow.
Cumar binu khadaab waxaa laga wariyey markii islaamka madaxda uu u ahaa in uu yiri “waxaan hamminaa in aan magaalooyinka u diro ciidan soo baara dadka helikara wax ay ku xajiyaan oo aan xajiyin si aan u saaro “jisyo”(canshuurta laga qaado dadka aan muslimka ahayn ee la nool muslimiinta) kuwaas ma aha muslimiin.
Xujeeyda sanadkan waxaa looga baahanyahay inay ku dadaalaan in ay u xajiyaan sidii Rasuulkeenna scw uu xajiyey sida uu u yiri “ iga qaata manaasigtiinna”, xoolaha aad ku xajineeyso xalaal ha noqdaan, dadka ha dhibin xujeeyda ah, badi Allah xuskiisa,maalinta carrafo duceeyso una ducee inta aad jeceshahay iyo muslimiinta guud ahaan,raac culimada faraha badan ee la socota xujeeyda, ha noqon xaajigii aan xajin.Waxaan ula jeedaa haddii tusaale ahaan meel carafo ka baxsan aad hargasho adigoo u maleeynaya in carafo ku jirto xajkaagii waa burree ogoow xaajiyoow.
Xajka waxaa laga helaa culumo aad fursad u weeysay in aad la kulanto sida Sh. Cumar Faruuq, Shariif Cabd – Nur ee ka faaiideeyso la kulankooda, muxaadarooyinkooda iyo fatwadooda.Allah ha aqbalo xajkeenna iyo camalkeenna oo idil, Allah ha nasiiyo dambidhaaf iyo naxariistiisa.
Shiikh C/raxmaan Sh. Cumar

Wednesday, 19 July 2017
Saboolka iyo hodanka aduunka oo sii kala fogaanaya!(lakala tag orodna maahan!)
Inkastoo oo hay’ado iyo golayaal caalami ah dunidu u igmatey inay la dagaalaan faqriga tan waxii ka danbeeyay dagaalkii 2-aad ee dunida,iyadoo dhamaan Heyadahaasi aay ku xuseen ujeedooyinkooda inay xaqiijinayaan in nolosha aadanaha kor loo qaado,islamarkaana hoos loo dhigo masaafada u dhexeysa kuwa qaniga ah iyo kuwa faqriga ah ayaa waxaa muuqata kadib nus qarni inay ku fashilmen ujeedooyinkaas loo igmadey,iyadoo xaalku u muuqdo in faqiirku uu faqri sii noqonayo qaniguna uu barwaaqo lasii cayilayo.
Baaxada u dhaxaysa haastayaasha iyo ma haystayaasha(haves and have-nots) waxa si fiican u iftiimshey daraaso uu sameeya Dr.Jeffrey D.Sachs oo agaasime ka ah Earth Instituite at Columbia University ayaa waxuu sheegay in 400 qof ee ugu qanisan maraykanku aay helaan dakhli dhan sanadkii 174 Milyan qofkiiba, taasoo marka wadarteeda la isku geeyo ah $69 Bilyan ,dakhligaani waxuu ka badan yahay isku geyn dakhliga soo gala 166 malyan oo qof oo ku dhaqan wadamada Nigeria,Senegal ,Ugandha iyo Botswana.
Mushaarka hor-joogayaasha shirkadaha waawayn ee maraykanka ayaa sida aay sheegtay uruurin aay samaysay joornalka Forbis in madaxda 50 shirkadood ee ugu tunka weyn maraykanka aay helaan mushaar u dhaxeeya sanadkii $ 3 malyan ilaa 10 malyan.
Naqshadaani waxay muujinaysaa liiska raga ugu mushaarka badan shirkadahaas sanadkii ina waydaartey
2004 Top 10 Most Highly Paid CEOs on Executive PayWatch
Yahoo Inc. Terry S. Semel $109,301,385
Apple Computer Steven P. Jobs $86,315,789
Coach Inc. Lew Frankfort $64,918,520
TXU Corp. John C. Wilder $54,960,893
Occidental Petroleum Ray R. Irani $52,648,142
NVR Inc. Dwight C. Schar $51,058,500
KB Home Bruce Karatz $47,288,228
Toll Brothers Robert I. Toll $44,240,611
Allegheny Energy Paul J. Evanson $40,543,354
Motorola Inc. Edward J. Zander
Carly Fiorina, haweynadii ka ahayd madaxda shirkada wayn ee ka ganacsata qalabka technolojiyada HP ayaa dhawaan markii xilka laga xayuubey waxaa shirkadaasi aay jeebka ugu shubtey aduun dhan $2.1 Milyan dollar oo ah xaquuqda shaqo joojinta (Severance package)
Waxaa ka daran taas in dhawaan madaxii shirkada U.S Airways Stephen Wolf uu qaatey xaquuq shaqo ka fariisad (Pension Payment) taasoo ahayd $15 Malyan dollar, iyadoo wax yar ka dib shirkadiiba aay masalaftey.
Maraykanka oo ah meesha xarunta u ah hantida u badan ee dunidaan guudkeeda taala,islamarkaana laga leeyahay shirkadaha ugu waawayn ee dunida ayaa waxaa muuqata in dakhliga maamulayaasha shirkadahu iyo hantiilayaashu uu marayo meelo khayaali ah, daraaso laga diyaariyey dakhliga ama mushaarka madaxda shirkadaha maraykanka,tusaale ahaan madaxda 100 shirkadood ee ugu waawayn Maraykanka ayaa midkiiba waxuu u soo xaadiraa mushaar gaaraya $5.2 milyan sanadkii, taasoo noqonaysa in saacadii aay qaataan $1017(kun iyo todoba iyo toban dollar)!!.
Inkastoo jugo isku xigaa soo gaareen dhaqaalaha Maraykanka tan iyo waxii ka danbeeyay 2000, islamarkaana aay wax ka badan labo malyan oo shaqo daaqada ka baxeen ayaa misana waxaa la yaab ah in mushaarka maamulayaasha ama sida inta badan loo yaqaano CEO’s(Chief Executive Officer) uu kor usii kacayo jariidada New york Times ayaa ku qadartey mushaar kororka madaxda shirkadaha 5% inuu kordhey sanadkii tegay. Mushaarka aay qaataan maamulaasha shirkadaha ganacsiga maraykanku waxay aad uga sareeysaa midka aay qaataan dhamaan dadka ku shaqaysta xirfadaha kale ee sida weyn loo xurmeeyo sida caafimaadka iyo maleteryga.
Gen.Tommy Frank oo ahaa taliyahii guud ee ciidamada maraykanka islamarkaana ahaa abaanduulihii gulufkii maraykanku ku qabsadey Afghanistan iyo Ciraaq ayaa mushaarkiisa rasmiga ahi ahaa $69.10 saacadii. dhakhtarka ka shaqeeya maraykanka ayaa waxuu saacadii helaa celcelis ahaan $60.14.
Baaxadaas u dhexeeysa dakhliga dadka aduunku waxay dhibada usii aaseysaa aragtidii dhaqaale ee caanka noqotey loona yaqaano pareto 80/20 rule ee uu alifey dhaqaale yahankii Talyaaniga ahaa Vilfredo Pareto, aragtidaasi waxay sheegaysaa in wax walba 20% oo muhiim ahi aay harayso 80%, tusale ahaan waxay leedahay 20% dad ah aaya haysta 80% hantida taala gobol ama wadan, aragtidaan oo meelo badan lagu dabaqay misana waxaa iminka uga danleeynahay midan dakhliga ama qaybinta hantida umadu leedahay.
Waxaa fajiciso ah in isugeynta lacagta kasoo xaroota waxyaalaha aay gadaan 200 shirkadood ee dunida ugu weyni aay ka badan tahay waxsoosaarka (GDP)182 dowladood oo dunida ka tirsan kuwaas oo aaysan ku jirin 9-ka wadan ee ugu qanisan dunidan
waxaa iyaduna aad u muuqanaysa in dowladaha gudahooda baaxada dadka wax haysta iyo kuwa aan haysani aay sii weynaaneyso. Bill Clinton iyo Al Gore ayaa xiligii ololahooda doorashada aay ku jireen waxay dadka u sheegeen inay dhimayaan xaq darada taagan iyagoo tilmaamey in 1% oo ka mid ah dadka maraykanku aay haystaan 40% wadanka hantidiisa.
Wadamada soo koraya oo Africa koow ka tahay waxaa laftigooda sii badanaya hantida aay helayaan dadka dabaqada sare ah sida siyaasiyiinta iyo ganacsatada waawayn iyadoo bulsho weyntuna aaysan wax weyn ka helayn faa, iidooyinka laga dhaxlayo horumarka ganacsi iyo kheyraad ee wadamadoodu helaan, India iyo china oo u dhigma wax ku dhow kalabar dadyowga aduunka ayaa waxaa lagu qiyaasaa in wax ku dhow 40% dadkoodu dan yarta ahi waxay helaan hal doolar($1) ama $2 shaqo maalmeedkooda.
Nasiib daro arintaan dabaqadaysiga dhaqaale ayaa sidoo kale waxay si weyn ugu baahsan tahay wadamada muslimka ah gaar ahaan kuwa hodanka ku ah batroolka iyadoo aduunka kasoo xarooda kheyraadkaas aay ku urursan tahay jeebabka qoysaska boqortooyooyinka iyo madaxda iyo kuwa ku xeeran.
Arintaas ayaa ah mid ka horjeeda aragtida islaamiga ah ee iskaashiga iyo wax is- tarka taasoo ah mid aay si weyn diinta islaamku ugu yeertay,waxaa islaamku uu qabaa in aay tahay danbi weyn in laba qof oo daris ah midna dharag seexdo halka kan kalena uu gaajo la jaqiiq leeyahay, culumada fiqhiga islaamka qaar ka mid ahi waxayba gaarsiiyeen in qofku haduu gaajodu aay ka badato islamarkaana uu waayo wax uu nafta ku badbaadiyo aay u banaan tahay inuu ka qaato wax uu ku ceshado nafta midka haysta ee u diida xoog xitaa hadii uu kaga qaato,waxaan shaki ku jirin hadii dowladahaasi aay raaci lahaayeen nadaamka bulsho ee islaamka in aaysan ku soo faafteen nadaamka dabaqadaha oo ah muuqaal aay ku caan baxeen bulshooyinka aan islaamka ahayn.
Arintu waxay u muuqataa maahmaahdii soomaaliyeed ee ahayd Miskiin baa misko la fuulo leh!!.
Siciid Xuseen Ciid.
Hyderabad,India

Monday, 17 July 2017
“Nin ragga xaajooyinka lafagura ka mid ahaan jiray ayaa waxa uu beri dhegaystay guddi xeerbeegti ahayd oo arrin loo saaray. Ninkaas oo arrinta xogogaal u ahaa, hase yeesho ee aan guddida ku jirin ayaa arkay in ay guddidu geed sare waabayso oo aanay arrintaba meeshii ay sarteedu ka qudhuntay hoos ugu daaddegayn. Ninkii, inta uu kor u dhawaaqay, ayaa waxa uu yidhi: ‘Guddiyeey milil guudkii lama dhayo’.
Sidaas ayey murtidaas caanka noqotay ku baxday maalintaas. Mililku waa caabuq nabarka buka hoostiisa ku jira. Ilaa hilbaha dhinta ee nabarka hoostiisa ku jira iyo dheecaanka si fiican meesha looga safeeyo dawadu gaadhi mayso, nabarkuna bogsan maayo. Sidaas oo kale, haddii aan xaajo halka ay xumaanteedu ka soo unkantay la gaadhin wixii laga qabtaaba waa uun dhaymo milil korkii la saaray”. (Xigasho: Afsoomaali iyo Suugaan 4).
“John waxa uu muddo shan sannadood gaadhaysa u shaqaynayey shirkad, waxa uuna goyn jiray dhirta waaweyn ee looxyada laga sameeyo. Shantaa sannadood ee uu shirkadda u shaqaynayey marna lama dalacsiinin. Shirkaddii ayaa waxa ay qaadatay nin kale oo shaqaale ah oo Bill la yidhaahdo kaas oo sannad gudihii lagu dalacsiiyey. John ayaa xanaaqay oo markiiba u tegey ninkii maamulaha ahaa si uu ugala hadlo in la dalacsiiyo. Ninkii maamulaha ahaa ayaa John ku yidhi: ‘Weli waxa aad soo goysaa tiro geedo ah oo la mid ah tiradii aad shan sannadood ka hor soo goyn jirtay. Annagu waxa aannu qiimaynaa waxsoosaarka qofka (Result oriented). Farxad baa ay noo ahaan lahayd in aannu ku dalacsiino haddii uu waxsoosaarkaagu kordhi lahaa’.
John waa uu iska tegay. Waxa uu bilaabay shaqo adag oo uu ku bixiyey saacado intii hore ka badan. Laakiin waa uu awoodi waayey in uu dhir badan soo gooyo oo uu waxsoosaarkiisa kor u qaado. Dabadeed waxa uu ku noqday ninkii maamulaha u ahaa, waxana uu u sheegay arrinta daran ee haysata. Maamulihii waxa uu ku yidhi: ‘Bill u tag oo warayso. Waxa laga yaabaa in wax aynaan garanayn uu garanayo e’ ‘.
Ninkii John ahaa waxa uu u tegay Bill, waxana uu weydiiyey sida ay ugu suurtagashay in uu soo gooyo dhir badan. Bill baa ku jawaabay: ‘Mar kasta oo aan geed jaro labo daqiiqo ayaa aan nastaa, faashkaygana waa aan afeeyaa (soofeeyaa). Adiga goorma ayaa kuugu dambaysay in aad afayso faashkaaga?!’ “ (Xigasho: Dhiganaha “You Can Win” ee uu qoray qoraaga caanka ah, Shiv Khera).
Waxa la yidhi, “Maan dad waa mudacyo caaradood”, waxana aynu wada garanaynaa in dadku sida ay midabka iyo muuqaalka guud ugu kala duwan yihiin si la mid ah in ay fikirka iyo garashadana ugu kala duwan yihiin.
Qoraaga magaciisu kor ku qoran yahay ee aynu wax ka soo xigannay waxa kale oo uu qoray shanta dareen ee ay dadku leeyihiin ee kala ah: aragga, taabashada, dhadhanka, maqalka iyo urinta. Waxa uu sheegay in dadka qaar shantaa dareen uu u dheer yahay dareen lixaad oo ah “garasho guud” (Common sense). Garashada guud waa waxa qofka u suurtageliya in uu shay ama wax kasta u arko sida dhabta ah ee uu yahay, isla markaasna uu u qabto haddii loo baahdo sida ugu qumman ee ay tahay in waxaa ama shaygaas loo qabto.
Nin baa waxa uu arkayaa nin xarragoonaya oo uu garanayo meelna maraya. Inta uu u yeedho ayaa uu lacag siinayaa iyada oo aanu waxba weydiisan. Ninkaasi iyada oo aanay cidina wax u sheegin ayaa waxa uu gartay in ninkaas uu lacagta siiyey uu baahnaa. Arrimaha noloshu waa wada caynkaas. Dadbaa markiiba wax garta halka ay qaar kalena farta waaweyn wax ku fahmaan. Garashada guud waxbarashada caadiga ah ee aynu naqaanno kuma xidhna ee waa qofba inta ku jirta.
Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com
Hargeisa, Somaliland
Afarta kooxood ee ay u qaybsamaan siyasiyiinta beesha Dhulbahante.
1. Kooxda koowaad waxaa la yidhaahdaa Asal Somaliland, waxayna aaminsan yihiin (yihiina) aasaasayaashii Somaliland ilaa bilawgii cahdiga lagu kala saxeexday magaalada Burco, waa Koox markasta ahaa faraarada Hangoolka iyo caarada Waranka Somaaliland lagu difaaco, waa koox u dhiganta dhinaca qadiyada Somaliland reer Burco iyo Boorame.
Kooxdani waa tan ugu deegaanka balaadhan SS iyo Cayn. Kooxdan iyo taageerayaashoodu waa kuwo doonaya inay ku waaraan Somaliland ilaa inta ay Xukuumada hadba jirtaa ay (haduu doono Madaxweynuhu reer Laascaanood ha ahaadee) xuquuqdooda muwaadinimo dhowrayso.
Kooxdan waxaa ka mid ah Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Wasiirka Arimaha Gudaha mudane Faratoon, Kornayl Mahdi Cambaashe, Xildhibaan Indho Indho, Xildhibaan Koore, kuwo qarsoon iyo qaar kaloo badan.
2. Kooxda labaad waxaa hogaaminaya Wasiirka Caafimaadka
Mudane Xaglatoosiye, waxayna Somaliland kaga mid noqdeen heshiis ay wada galeen ururkii siyaasiga ahaa ee SSC iyo xukuumadda Somaliland.Ururkani wuxuu aaminsanaa in SS iyo Cayn xoog lagu xoreeyo iyadoo aanay cadayn cidda laga xoraynayaa, waxayna aakhirkii isu bedeshey in wixii tabasho ah wada hadal lagu dhameeyo. Waxaa jirey caqabado ay kooxaha kale la qabaan oo ah is indho buuxin la’aan iyo kala qaybsanaan baahsan oo deegaanka dadka kasoo jeeda lagu ibtileeyey.
3. Kooxda Sadexaad waxaa la yidhaahdaa Khaatumo, waa mid ay taageeri jireen intii kasoo horjeesatey Nabaddii uu u holaday urur Siyaasadeedkii SSC, waxaa hogaamiya Siyaasiga caanka ah ee Cali Khaliif Galaydh.Dr Galaydh oo ilaa bilawgii Khaatumo aan markeliya loo ogolaan inuu Siyaasadiisa ka midho dhaliyo, welina ay jiraan kuwo hortaagan inuu himiladiisa ka gungaadho, wuxuu had iyo jeer tijaabiyaa Gacmo Gaboobey inuu isla helo mudacyo afkood si uu nabad iyo horumar u gaadhsiiyo deegaanka Khaatumo oo aan xuduud iyo taageerayaal cayiman lahayn.
Sadexda kooxoodba iyagoo isu arka inay kala danyihiin,hadana waxay ka simanyihiin horumar jacayl, colaad nacayb iyo sidii xuduudaha Somaliland loo dhamaystiri lahaa, waxayna wadaan iyagoo aad u kala feejigan qorshe midaysan oo malmal loogu doonayo Maska Buuhoodle ku jira. Sadexduba way isla garteen, wayna isla qaateen in Dublamaasiyad iyo Ergo aan Awood Ciidan Ka dambayni aanay taariikhda hore u shaqayn.
4. Kooxda Afraad waxaa la yidhaahdaa Difaaca Buuhoodle xitaa hadii lagu bakhtiyayo, waxayna xaqal Qaad ka helaan Maamul Gobaleedka Puntland ee Soomaaliya.Waxay dan u arkaan qorshahooduna kusoo ururayaa, xasaradda ah in weli Calan buluug ahi ka taagnaado xitaa guri qudhana ha ahaadee dhulkii la odhan jirey Gobolada Waqooyi (Somaliland).
Ingiriisku qofka Adeerkaa dhalo iyo Kan Eedadaa dhasho wuxuu u yaqaanaa ‘cousin’, adigu magac u bixi. Wacnaan lahaydee dadkaygoo marna dhinaca Aabaha u Abtirsada marna dhinaca Hooyada.
Waxaa la sheegayaa in budhtuurka kooxda Difaaca Buuhoodle oo xaalkiisu iminka marayo “maxaan yeelaa” aanu aaminayn Sadexda kooxood ee kale, laakiin laga yaabo haduu cid uun aaminayo inuu baastooladiisa u dhiibi lahaa Dr. Xaglatoosiye oo awelba markay Buuhoodle isku arkaan ay eedyar isweydaaranjireen.
Bashiir Tarabbi Oogle,
bogleh69@gmail.com

Saturday, 15 July 2017
Waa Maanso la magac baxday KU-TUNTUUNSO,waxaa tiriyey Abwaan YuusuF Roobleh Xirsi (Sandoon)
Abwaanku sida ka muuqata ama laga dhan-dhansanaayo Maansada, waxa uu ka hadlayaa sida ay muhiimada u leedahay in umadi marnaba aanay Ilaabin ama aanay hilmaamin dhacdooyinkii iyo wayahii faraha badnaa ee ay soo martay,isla markaana ay midkasta ay jirto wax ay ku dhaabadaysato oo astaan iyo garasho u ah.
Waxa kale oo uu Abwaanku Maansada ku xusayaa,sida ay u fiican tahay in markasda danta guud laga hormariyo danta gaar ka ah,waxaanad moodaa in uu Abwaanku si dhab ah u taabanaayo mushkiladaha iyo dantood-moognaanta haysata dalka iyo dadka ,kadib markii qofkastaaba uu tisii gaarka ahayd uu ka hor mariyey dantii guud ee ay ahayd in iyada si wadajir ah loo wada ilaashado.
Waxa uu Abwaanku ku bilaabay maansada:
Ayaamaha la tiriyee
Taxan ee kusoo mara
Taariikhda kuu qoran
Waxa loo tixgeliyaa
Dhacdo aan tirmayn'iyo
Xusuus kuu taalloo
Jiilba jiil u tebiyoo
Tibaaxiyo warka u sida
Halgankiyo tiraabkii
Tirtirkii gumeysiga
Tacabkii adoogaa
Calan taagistiisii
U qotomiyey taallada
Waa tarikadiisii
Uu dhaxalka uga tegey
Dhaqan iyo tafiirtaa
Waa halkaad ka tarantee
Duntu kuugu taalleed
Ka tallaalantahay weli.
Magac taabbo qaadoo
Umad lagu tilmaansado
Waa sumadda kugu taal
Iyo lama tiraan adag
Oon kaa tegeyn abid
Taagan iyo timaadana
Ugu talogalkeeda leh.
Tukhaantukhada sebenkiyo
Tabalada Adduunkaad
Kaga tiirsanaataa
Tooggiyo dantaadiyo
Nolol tacabbir keedaad
Ku tilmaansataayoo
Tawfiiq Ilaah iyo
Xiska toyashadiisaad
Marinkiyo runtiisii
Toos ugu hilowdaa
In laguu tilmaamiyo
In lagaaga taxaddiray
Toosin iyo tarbiyadayn
Waalidkay u taalliyo
Bulsho tababarkeedaad
Ku tuntuunsataayood
Alleylehe tidhaahdaa
Tafta hooyadii iyo
Kuwa tuurta lagu sido
Een weli tisqaad noqon
Intii aniga lay taray
Adiguna usii tebi.
Tiska oodda sii tiil
Dhacamaha usii taag
Hadba meesha laga tago
Weligaa ha taagnaan
Danta guud ha tolantee
Taada gaar badh uga tidic.
Tartan oo wax weyn taro
Tallaabada hore u dhigo
Tiigso aayatiin wacan
In la tebayo ugu toos
Taagtaada tamartaa
Marna hawsha haw tudhan
Tafaraaruq orodkiyo
Xilliyada tabaalada
Baahiyaa tarwadhanta leh
Waayuhu ku talaxtegey
Tuldo geela naaxiyo
Goolkiyo tabaadiga
Teenniyo lo'deennii
Tiro badane adhigii
Sayladaa la tubi jirey
Lagu tiirsanaayee
Taransigana lagu qabey
Waxtar duul tamadiyaan
Tirtiraan abaaruhu
Tayo beel dhaqaaluhu
Sicirbarar taraaree
Danyar jaqafada u tumo.
Uma taliyaheediyo
Matashiileheediyo
Uma tole isugu tago
Iyo weliba una tudhe
Ma gafuhu ka taajiro
Hanti-dhawr ka tiriyoo
Itus oo itaabsii
Ninka taano lagu tebo
U taxaabe jeelkiyo
Sharci kii la tiigsada
Noqo tawrigeediyo
Odhotkii dultaagnaa
Talada waabada
Waxaan kaaga tegaya
Ummaddaadu waa tiir
Isku tolan tolweeyaan
Aan kala tegeynoo
Tawxiidka Eebbiyo
Diintaa isugu taal
Illamaa tin iyo cidhib
Jidh is tiirinaayiyo
Noloshaa isugu taxan.

Friday, 14 July 2017
Waa kuma ninka Xabashiga ah ee burburinaya Kacbada?
Ilaahay subxaanahu wa tacaala, wuxuu qoray in wax kasta oo dhulka dusheeda saaran ay dhamaanayaan oo ay dhimanayaan, wuxuuna Allah leeyahay:
كُلُّ مَنْ عَلَيْهَا فَانٍ ﴿٢٦﴾ وَيَبْقَىٰ وَجْهُ رَبِّكَ ذُو الْجَلَالِ وَالْإِكْرَامِ ﴿٢٧﴾
“Dhamaan waxa dhulka korkiisa ah way baabi’i (26) Waxaase baaqiya wajiga Rabbigaaga sharafta iyo waynaantaba (27)” Suuratu Arraxmaan.
Mar hadii Allah uu ku xukumay dhimasho wax kasta, waxa dhab ah in maalin kamida maalmaha la burburin doono Kacbada Sharafta leh oo ah qiblada Muslimiinta ayadoo waliba Allah kayeelay goobtaas meel aamin ah. Hadaba yaa burburinaya Kacbada? Qaabkeebaana loo burburinayaa?
Xilliga aakhiru zamaanka ee Dajaalku soo baxo sidoo kalena uu soo dago nabi Ciise (csw) ee ay muuqdaan calaamadihii Qayaamaha badankoodii wuxuu Allah oofsanayaa dhamaan arwaaxda dadka Mu’miniinta ah ee dhulka dushooda ku nool waxaana isugu soo hadhay Dhulka dadka ugu sharka badan Caalamiinta, waana ayaga kuwa ay ku dhacayso Saacada Qayaame.
Waxa dhulka Xabashida kasoo baxaya nin madow oo sifooyinkiisa nabigu (scw) sii sheegay, wuxuuna ninkaasi Kacbada u qaadqaadaya dhagdhagax iyo jaajuurjaajuur, waxaana magiciisa la dhahaa Dul Suweyqid oo macnahiisu yahay Luga yare. Waxay soo saareen labada sheekh Bukhaari iyo Muslim xadiiska Abuhurayrah:
عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ يُخَرِّبُ الْكَعْبَةَ ذُو السُّوَيْقَتَيْنِ مِنْ الْحَبَشَةِ
“Abuhurayrah waxa laga wariyey (I.R.H) inuu kasoo wariyey nabigu scw inuu dhahay: “Kacbada waxa burburinaya Lugayare kasoo jeeda Xabashida” [1]
Sidoo kale Imaam Axmed ibnu Xanbal wuxuu musnadkiisa kusoo saaray, xadiiska Cabdilaahi ibnu Camru:
عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرٍو قَالَسَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ يُخَرِّبُ الْكَعْبَةَ ذُو السُّوَيْقَتَيْنِ مِنْ الْحَبَشَةِ وَيَسْلُبُهَا حِلْيَتَهَا وَيُجَرِّدُهَا مِنْ كِسْوَتِهَا وَلَكَأَنِّي أَنْظُرُ إِلَيْهِ أُصَيْلِعَ أُفَيْدِعَ يَضْرِبُ عَلَيْهَا بِمِسْحَاتِهِ وَمِعْوَلِهِ
“Cabdullahi ibnu Camru waxa laga wariyey inuu dhahay: Waxaan maqlay Rasuulkii Ilaahay (scw) oo leh: “Kacbada waxa burburinaya Dulsuweyqid (Lugo Yare) kasoo jeeda Xabashida, wuxuuna dhacayaa jawaahirteeda wuxuuna kasiibayaa hugeeda, waxaanad moodaa inaan arkayo isaga, wuxuu leeyahay bidaar, gacantiisa iyo lugihiisuna ay qalloocaan, wuxuuna ku garaacayaa Kacbada Manjarafadiisa iyo Mandariqiisa” [2]
Dhanka kale wuxuu Imaam Albukhaari soo saaray xadiiskii Ibnu Cabbas:
عَنْ ابْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ كَأَنِّي بِهِ أَسْوَدَ أَفْحَجَ يَقْلَعُهَا حَجَرًا حَجَرًا
“Ibnu Cabbaas (I.R.H) waxa laga wariyey inuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu dhahay: “Waxaad moodaa inaan arko, waa Madowyahay, Qallaafo ama Dalbana waa leeyahay (waxa kala fog labadiisa bowdyood), wuxuuna u qaadqaadayaa Kacbada dhagaxdhagax” [3]
Hadii aynu soo koobno sifooyinka uu leeyhay ninkaas xabishiga ah waxay kala yihiin:
Wuxuu kasoo jeedaa Xabashida.
Adimo yaryar oo dhuuban ayuu leeyahay.
Bidaar ayuu leeyahay.
Lugihiisa iyo gacmihiisu way qalloocaan.
Midabkiisu waa Madow.
Wuxuu leeyahay dalbo oo labadiisa bowdyo ayaa kala fog.
Maxaa ka jira warka sheegaya in Madaxweynihii horee Maraykanku yahay ninkaas Lugoyare?
Waxa ku badan barah bulshadu ku xiriirto in Lugoyare yahay madaxweynihii hore ee Maraykanka Barack Obama, ayagoo ku tilmaamay inuu yahay nin lugo dheer dalbane leh, sidoo kalena uu kasoo jeedo qaarada Afrika.
Jawaabtuna waxay tahay in sifooyinka Lugoyare leeyahay aanu wada lahayn Obama, ta labaadna Lugoyare wuxuu soo baxayaa aakhiru zamaanka, waana xilli la oofsaday dhamaan Mu’miniinta kunool Dhulka, wuxuuna Nabigu sheegay (scw) inaan dib loo camiri doonin Masaajidka Xaramka marka la burburiyo kadib. [4]
Xigasho.GAALDIID.

Thursday, 13 July 2017
Sheeko gaaban! : "Waaryaahe Kediye! kobtani miyaanay ahayn kobtaynu shalay ka guurrey?
Oday Kediye, waa nin dedaal badan. Had iyo jeer reerkiisa waxa uu u sahamiyaa, meesha ugu fiican. Reerka uu odayga u yahay, waa qoys ballaadhan, oo carruurtiisa iyo afadiisa, oo keliya maaha inta eeganaysa odaynimadiisa. Toban wiil ayuu la dhashay, oo isaga ka yar. Da'diisu waxa ay madaxa la gashay sagaashankii, waase xoog xaftaa haya. Xoolo cun buu ahaa, xaaraanna afkiisa muu gelin, waxaase uu ka werweraa had iyo jeer Ilmaadeeradii, oo aan kala aqoon xalaal iyo xaaraan. Geela ayey soo dhacaan, oo cunaan, oo caanahooda cabbaan. Waa geel ay ka soo dhaceen, dad
masaakiin ah, oo laga yaabo in ay dad ku soo dileen. Waxaase yaabka yaabkii ah, in aanay uba haysan xaaran, waxaabay u haystaan xarrago oo waxa ay ku faanaan budhcadninada ay xoolaha ku soo dhacaan. Waxa taa ka sii daran, reeraha kale ee ay deegaan wadaagga yihiinna, waa la mid oo sidooda oo kale ayey ku faanaan budhcadnimada. Ceeb maaha in aad tidhaahdo geel baan soo dhacay, waaba faan iyo wanaag. Waaba geesinimo, lagu kala danbeeyo, oo haddii la yidhaa, reerkaasi maanta geel buu soo dhacay, mashxaradda dumarka, ciyaaraha iyo geeraarka ayaaba isqabsada. Waa dad dulloobay, oo aan xaaraanta iyo xalaasha kala aqoon. Waa dad ku faana, dhiig la daadiyo iyo dulmi. Dadkaas ayuu Kediye ku dhex noolyahay, oo weliba laga dhigtay in uu oday u noqdo.
In badan buu ka waaniyey, geel-qaadnimada iyo dilka iyo dhaca iyo kufsiga oo dhawr jeer cirka isku shareeray. Laakiin dheg-jalaq looma siin. Waaxanay beeshu u taqaanaa, nin qabaw, oo jilicsan. Qaar kale ayaa u yaqaan nin nabadeed, oo waxa ay yidhaahdaan, "Kediye maalinta nabadda uun innoogu yeedha". Deegaanka uu Kediye ku noolyahay, waa dhul qarfo ah oo dhul qallalan u badan, oo malaa u baahnaa in dedaal badan loo galo sidii looga bixi lahaa harraadka iyo dhibaatada haysata dad iyo duunyoba. Iska daa in laga baxo'e, dadka degmada ku nooli, in ay is dilaan, isdhacaan oo is dulmiyaan mooyee, maaha dad weligood dhanka wanaagga u dhaqaaqay. Qofka wanaag iyo waxwada qabsi la soo hadal qaada, waa ay ku qoslaan, oo ceelasha biyaha waa ay kala leeyhiin oo lama wadaago. Dhulka daaqsinka ah waa la kala leeyahay oo lama wadaago. Wax la wadaagaaba ma jiraan. Dadka noocaas ah´ayuu Kediye, maalin kasta wacdi iyo waxsheeg la daba taaganyahay.
Kediye, waa oday ruugcaddaa ah, oo wax badan u soo joogay. Waa abwaan, hadal yaqaan ah, waa nin ay beeshu isku raacsantahay in uu wanaag u horseedi karo beesha gebi ahaanba. Waxa ay had iyo jeer ka oggolaadaan, marka uu reerka u sahan tago, ee uu yidhaahdo waynu guuraynaa. Cidina hadal kama keento ee go'aankiisa ayaa lagu guuraa. Markastaba wax aanuu filayn baa dhaca oo ku noqota Kediye, halxidhaale aanuu garanayn.
Goor ay tahay maqribkii ayuu Kediye, masallihii dhigtay geed aan reerka ka fogayn. Waa geed weyn oo Qudhac ah. Geedka hoostiisii buu salaaddii Maqrib ku tukaday, markuu ka baxay salaaddii ayaa waxa u yimi islaantiisii oo u sidda kildhi shaah ah. Shaahii bay agdhigtay, kuye" Ee bal warran, oo maxaad sahankii kula soo kulantay?" Dhul barwaaqo ah baan soo arkay, dee waa guuraynaaye, reerka wargeli ayuu Kediye yidhi. Kaaha oo afada Kediye ahi, waxa ay fahmi weydey, markasta oo ay guuraan, sababta haddana ku soo celisa kobtan ay weligood deggenaayeen. Waxaanay ku tidhi; "Eyaahe, wax ma kuu sheegaa, halkeenan ayaa roobku innoogu di'iye waxba ha inna rarin, kollay waynu soo noqone". Kediye, oo xasuusan maankana ku haya, arrinka ay Kaahi sheegayso, ayaa haddana is diidsiiyey oo yidhi. Hadalka badan innaga daayoo, reerku wuu guurayaa, oo barwaaqo ayuu u guurayaa. Kaahi inta ay tidhi: "dee waayahay, kollay-ba adigaa odaygii reerka ahe, ayey raacisay, oo il-maadeeradaa ma u sheegta. Kediye oo shaahii koobkii labaad ku shubanaya ayaa yidhi, "haa waan u sheegay". Kaaha oo sii kacaysa ayaa hadal sii yara jiitamaya waxa ay ku tidhi, "malaa kobtan ka guuri mayno'e, talo kale baynu baahannahay."
Salaaddii subaxnimo ka dib, baa reerihii diyaar garoobeen. Waa la guuray, maalintii oo dhan baa la sii socday, goor casargaabkii ah baa la yara nastay oo carruurihii, caano la siiyey. Dadka waaweyni waxba afkaa may saarin biyo mooyaane. Waana wax iska caadi ah, oo nolosha adag ee ay dadkani ku nool yihiin, waa mid ka awoow! ka awoow! ay ku soo noolaayeen. Sababta dhacniinka geela iyo dilka bartayba waa nolosha adag, ee ay soo qabatimeen, tan iyo intay jireenba. Markasta oo ay is yidhaahdaan nolosha wax ka bedela, lama waayo, qaar ka horjoogsada oo dib u celiya. Waxaana ugu yaab badan qisadan Kediye marar badan ku dhacday. Habeenimadii ayey socodkoodii sii wateen, waa la guuraynaa, bahallaa geesaha ordaaya, sanqadhaa badan, laakiin maaha dad baqaya, waa dad soo gubtoo jabay. Bahalka kama baqaan ee inta badan iyagaabay bahalladu ka baqaan, ha ugu horreeyo libaaxuye. Goor saqdii dhexe ku dhow! bay rarkii ka fureen awrtii, si loo nasto ayaa qofba meel ku dhacay. Intaan waagu beryin bay, soo dhaqaaqeen, si ay ugu waa bariistaan, goobtii barwaaqada ahayd ee uu Kediye soo sahamiyey.
Waagii baa beryey, marka la kala garto qof iyo geed ayey Kaahi tidhi: " Eeyaahe Kediye, qudhacaas ma garanaysaa?" Qudhacee, Kediyaa dib ugu celiyey? Wiil yar oo siddeed jir ah, baa yidhi: "Aabo dee waa qudhicii aad ku tukan jirtay" Yaa, qudhacee, ma kobtii aynu deggenayn baynu ku soo noqonnay, Kediyoo aqoonsaday in ay kobtu tahay kobtii ay ka guureen, baa sidaa hadal murugo ku dabran tahay ku yidhi!!. Nin ka mid ah ilmaadeeradii oo qoslaya ayaa yidhi: Inaadeer, Kediyoow! dadka ha lug-goyn, barwaaqada aad sheegayso karintaa kidiga leh ee qudhaca leh, ee dhaca iyo dilku yaallo bay dadkani, jecelyihiine, maad iska dayn. Kaaha oo daal kax ah baa tidhi " Waa markii immisaad ee odaygaasi na raray, ee aanu halkii uun ku soo noqonnay, ee culimada u tag, oo ii sheega dheh, waxan innagu calaameeyey, kobtii aad ku dhalatay, ee aan ku dhashay. Waxa Kidigan, innoo yaalla, dee ha la innaga furdaamiyo, ayey Kaahi hadalkii ku soo koobtay.
Kediye, af kala qaad bay ku noqotay. Waana markii afraad ee uu reerka raray, ee ay ku soo noqodeen halkii ay ka guureen. Karintii Kidiga lahayd bay ka wadi weyday. Waa hal-xidhaale uu furfuri kari waayey oday Kediye.
Nabad iyo Caano
Sayid-Axmed M. Yuusuf (Dhegey

Haddii aad rabto isbeddel adigu isbadan.
Isbeddel la maqalyaa, dhallinyar la sheeg bay u badantahay, ma se aha rogaalka taas; dhallinyar la aragyaa isbeddel la sheeg, inta badan. Bulsho ahaan aad baa looga hadlaa, loogu noqnoqdaa oo carrabka loogu adkeeyaa in aynu isbeddel u baahannahay – mid laga soo durduriyo kobtan tu ka cagaaran- dhallinyaraduna tahay albaabka laga gelayo, ama cidda gelaysa albaabkaas. Waa se goorma iyo sidee?
Aad bay dhallinyaradu dhibka bulsho ee innagu gedaaman uga hadlaan. Kulanno rasmi ah iyo kuwo aan rasmi ahayn ba waa ay ku falanqeeyaan oo ku qaadaadhigaan. Dhibka ishiisa ayaa ay inta badan abbaaraan, ma seegaan jeerar badan. Waa ay ku taagsadaan, oo si qotodheer uga hadlaan iyaga oo aan isku maandhaafin in yar mooyee. “Ilaahay ha innaga saaro dhibaatada”, “Mar uun baynu ka bixi” iyo hadallo u eg in xaqiiqada lagaga gabbanayo ayey ku soo gebogebeeyaan.
Doodda hore iyo gorfayntaas adiga oo ku qanacsan baad ka naxaysaa gunaanadka. Ilaahay in wax walba inta loo daayo jirjirka loo seexdo saw yaab ma leh? Aad bay ii yaab gelisaa. Wax kale kama yaabo'e, halka iyaga oo iska fadhiya Ilaahay ugu ballanqaaday in uu dhibka ka saarayo ayaan quraan iyo xadiis iyo meelkale ba ka waayaa.
Ilaahay dhibaato kaa saari maayo, oo kaa saari maayo adiga oo meelahaa iska fadhiya ama qadaadka u jiifa. Inta aynu dhab ahaan maalintii shaqaynno saacad iyo wax u dhow, hadalno inta u badan waqtiga, qosolka aynu ka doorbidno fekerka, dhididka aynu ka jecelnahay laydhisaga, isbeddelku iman maayo. Ilaahay beri hore oo aad u horraysay ayuu yidhi haddii aanad diyaar u ahayn in aad adigu dedaalkeeda iyo nafhurnimadeeda la timaad, waxba sibiq kuma baddalmaan anna kuma beddalo.
"Ma doonaysaa babbaay, haddii aad rabtid babbaay, adigu beero babbaay" iyo erayo la mid ah baa manhajkii waxbarasho ee yaraantaydii aan ku xasuustaa. Iminka marka aan arrin 'doono' ama aan ka fekero, waxa igu soo dhacda, halhayskaas. Waa halhays yaab leh oo qofka u sheegaya in waxa uu rabo uu sameeyo, ee aanay cidi u samayn doonin. Waa halhays si toos ah xidhiidh ula leh aayadda qur'aanka ah ee Rabbi leeyahay "Ilaahay bulsho ma beddelo ilaa ay iyagu nafahooda baddalaan".
Dhammaanteen waa aynu jecelnahay caafimaad tayo leh oo jaban, hoy san oo aan qaali ahayn, biyo nadiif iyo waxbarasho tayo leh oo aynu deegaankeenna ku helno. Intee in lee’g ayeynu diyaar u nahay si loo helo? Si magaalada aad ku nooshahay u yeelato bilic san, waddooyin quruxsan, dhismeyaal horumarsan iyo nidaam qurxoon saw shaqo badan uma baahna? Saw nolosha quruxda badan, horumarka tiknoolaji iyo aqoonta yaabka leh ee dunida kale ku baanto nafhurnimo laguma gaadhi karo?
"Ilaahay baa waxaa sidaa odhan" jeer aynu dhaafno, oo aynu ogaanno in aanay meel keli ah ku jirin qur'aanka oo leh iska jiifa Ilaahay baa beddaliye, ka gudbi mayno dhibkan. “Shaqeeya, Ilaahay baa idiin fududayn shaqadaas” weeyaan ballanqaadka Alle.
Ilaahay wuxuu mar kale yidhi "Shaqeeyaa, kolkaas ayuu Ilaahay shaqada idiin hawlyareyn doonaa" mar kalena "Kuwa ku dedaala marinkayaga(ee u Shaqaysta) ayaannu ku toosinnaa tubtayada (toosan)".
Ma doonaysaa babbaay? Haddii aad rabto babbaay, adigu beero babbaay. Ma doonaysaa isbeddel? haddii aad rabto isbeddel, adigu u dedaal isbeddel.
Saddaam Xuseen Carab
Hargeysa, Somaliland.

Wednesday, 12 July 2017
Aragti si cilmi ah u sharaxaysa Biyo la'aanta (Water Scarcity)
Biyo-la’aanta ama biyo-yarida, oo afka qalaad lagu yiraahdo “water scarcity” waa xaalada ilaha biyuhu aanay ku filnayn bulshada ( ) Waxaana asal u ah dhowr qodob oo kala duwan loona kala saari karo kuwo dabiici ah iyo kuwa aanan dabiici aheyn, (kuwo ay dadku sababaan iyo kuwo aysan dadku sababin waxna aysan ka qaban Karin
1. Qodobada Dabiiciga ah ee Sababa Biyo-yarida
Tirada roobka (rainfall) oo yar isla markaana uu badan yahay uumi-baxa biyaha (Evaporation), ayada oo ay sabab u tahay hawada kulul. Arrintani waa mid ku kooban waddamada ay hawadoodu kulushahay sida qaaradda Afrika inteeda badan, Bariga dhexe, qeybo Aasiya ka mid ah iyo Latin Amerika. Farqiga u dhexeeya roobkii da’ay iyo uumi-baxa, oo ah biyaha dib ugu noqonaya hawada, oo aad u yaraada waxa uu sababayaa in ay hoos u dhacaan biyihii soo hari lahaa. Roobkii oo aanan imaanin xiligii uu iman jiray, qasbana in abaar dhacdo (drought).
2. Qodobada aan dabiiciga aheyn ee sababa biyo-yarida
1. Tirada dadka oo kororta, sababtana in biyihii la heystay ay dadka oo dhan gaari waayaan. Tirada bani’aadanka ee sii badaneysa maalin walba waxa ay culeys u eysataa kheyraaadka biyaha, waxaana yaraaneysa tirada biyaha ee qof walba ku soo aadeysa. Qodobkani waa midka ugu culey ee xalka loo la’yahay.
2. Biyaha oo aan si habboon loo isticmaalin isla markaana aysan jirin hanaan siyaasadeed oo hufan oo biyaha lagu maamulo, tani waa dhibaato aad u weyn oo heysata waddamada ay biyo-la’aantu heysato intooda badan (poor management/lack of policy).
3. Ku-soo-qulqulka magaalooyinka (urbanisation) ayada oo laga soo tagayo miyiga, tani waxa ay sii kordhineysaa baahida biyaha ee magaalooyinka iyo shaqaale la’aan ku timaada dhul-beereedka iyo xoolo dhaqashada.
4. Jaridda iyo xaalufinta keymaha/dhirta (deforestation) si loo helo dhul-beereed ama dhuxul, arrintani oo qeyb weyn ka qaadata yarenta kheyraadka biyaha, waxay sababtaa degaanka oo xumaada (Environmental degradation), iyo nabaad-guur.
5. Isticmaalka kiimikada bacriminta (fertilizres) iyo sunta disha cayaanka beeraha (pesticides), si loo kordhiyo waxsoosaarka beeraha, biyaha wasaqda ah ee ka yimaada warshadaha iyo guryaha oo si toos ah loogu shubo webiyada iyo harooyinka (iyaga oo aan la nadiifinin).
Haweeneyda iswiidhishka ah ee caalamku u tixgeliyo in ay tahay qofta ugu aqoonta roon dhinaca cilmiga biyaha, Prof. Malin Falkenmark, ayaa waxbixin ay kol hore soo saartay si cad ugu qeexday macnaha loola jeedo Biyo-la’aan ama biyo-yari. Waxbixintaas waxay ku saleysan tahay qiyaas lagu cabbiri karo heerka biyo-la’aanta ee uu qaran ama dal yeelan karo. Qiyaastaas, oo loogu magac daray, Malin Water Scarcity Index, waxay sheegeysaa in haddii tirada biyaha wadan ee ku soo aadeysa qof walba oo waddankaas ku nool sanadkii ay la egtahay amaba ka yaraato 1700 m3 (1.7 milyan oo liitar) waxaa halkaas ka jirta biyo-la’aan (water scarcity). Haddii tiradaasi la egkaato ama ka hoos marto 1000 m3 (hal milyan oo liitar), waxaa markaas la oran karaa biyo-la’aan aad u daran ayaa halkaas (waddankaas) ka jirta (chronic water scarcity). Haddii tiradaasi gaarto amaba ka hoos marto 500 m3, waxaa markaas la oran karaa waa biyo-la’aan buuxda (absolute water scarcity).
Cabbirka Biyaha iyo Roobka
Biyaha waxaa lagu cabbiraa halbeegga loo yaqaanno mitirkubo (cubic meter), oo loo qoro (m3) ama liitar. Haddii mugga biyuhu ay aad u badan yihiin waxaa lagu cabirraa km3.
m3 = hal mitir kubo. ( hal liitar oo biyo ah wuxuu la egyahay hal kiilo oo biyo ah)
hal m3 wuxuu la egyahay kun liitar (one cubic meter = 1000 liters).
hal km3 = hal kiilo-mitir kubo (one cubic kilometers).
hal km3 wuxuu la egyahay hal bilyan oo mitir kubo. (1km3 =1×109 m3).
Roobka waxaa lagu cabiraa halbeegga loo yaqaanno milimitir ee marka la soo gaabiyo loo qoro mm. Hal milimitir oo roob ah haddii uu ku da’o dhul baaxaddiisu dhan tahay hal kilomitir oo isku wareeg ah, waxaa ka soo baxaaya biyo la eg hal milyan oo liitar (1000 m3). Sidoo kale uumibaxa biyahana waxaa lagu cabbiraa milimitir ’mm’.
BIYAHA ADDUUNKA
Meeraha aynu ku nool nahay ee loo yaqaanno Dhul (Earth), waxa uu ka mid yahay sagaal meero, suurta galne ma aha in siddeedda kale lagu noolaado, ayada oo ay sabab u tahay in aysan laheyn maaddada dareeraha ah ee loo yaqaanno Biyo, ee kiimiko ahaan loo qoro (H2O). Sidaas daraadeed, biyaha ayaa suurto geliyey in aan ku noolaano Kownkan (dhulka). Meerayaasha kale ee dunida waa kuwa aan laheyn biyaha dareera.
Biyuhu waxay daboolaan 71% bed ahaan dhulka adduunka, ayada oo ay habboonaan laheyd in Dhulkan aynu ku nool nahay lagu magacaabo biyo, maaddaama ay intiisa badani biyo dabooleen. Biyuhu waa kheyraadka dabiiciga ah ee dib usoo noqda markii la isticmaalo kadib.
Tirada biyaha adduunka oo idil oo la eg intii ay la ekaayeen dhowr kun oo sano ka hor dhalashadii Nebi Ciise (caleyhi-salaam), waxaa lagu qiyaasaa 1.4 bilyan oo kilomitirkubo (1.4×109 km3). Biyahaasi intooda badan, 97.5%, waa dhanaan ama biyo-badeed (saltwater) aanan la isticmaali karin. Inta soo hartay, 2.5%, oo ah biyaha macaan (fresh water) ee la isticmaali karo ayaa waxaa lagu qiyaasay in ay la egyihiin 35 milyan oo kilomitirkubo (35×106 km3). Sida laga arki karo sawirka hoose (Sawir 1) biyaha-macaan intooda badan, 69%, waa biyaha ku jira barafka yaala adduunka geesihiisa, 30% waa biyaha dhulka ku jira oo ay adag tahay sidii loola soo bixi lahaa. Biyaha macaan ee sida tooska ah loo heli karo waa biyaha webiyada iyo harooyinka waxayna la egyihiin 0.3% biyaha-macaan.
Waxaan halkan laga garan karaa in tirada biyaha-macaan ee la isticmaali karo ee adduunka oo idil ay aad iyo aad uga yar yihiin biyaha aan aragno, waxaana markaasi lama huraan ah in tiradaasi yar ee biyaha-macaaan ah loo helo hab fiican oo lagu maamulo.
Biyaha waxaa loo kala saaraa laba qeybood (1) Biyo-duleed oo ah kuwa dhulka korkooda yaala (surface water) sida webiyada, harooyinka i.w.m., iyo (2) Biyo-dhuleed oo ah kuwa ku jira dhulka hoostooda (groundwater).Biyo-dhuleedku waa biyaha aan ceelasha ka cabno.
La Soco
Waxa Qorey Macalin Eng: Abdirashid Mohamed Jama “Belel”
Bulo002@hotmail.com

Saturday, 8 July 2017
Lix Wiil oo Walaalo ah uu maanta lagu Dilay Muqdisho duleedkeeda.
Wararka dheeraad ah aya kaasoo baxaya dil Lix wiil oo uu dhalay ganacsade lagu magacaabo Xaaji Gaaboow oo maanta barqadii ka dhacy deegaanka Calamada ee dulleedka magaalada Muqdisho.
Wiilasha ayaa la sheegay in ay qeyb ka ahaayeen dad ka soo laabtay Aaska qof dumar ah taasoo ay qaraabo dhaw ahaayeen.
Dad ku sugnaa goobta uu falkan ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in rag hubeysan oo gaadhi watay ay yimaadeen goobta uu Aaska ka dhacayay kaddibna halkaa ku toogteen dhalinyaradan oo sida la sheegay wada saarnaa hal gaadhi.
Mid ka mid ah dhalinyaradan la dilay ayaa la sheegay in isagoo dhaawac ah uu isku dayey in uu ka baxsado goobta hasse ahaatee kooxda weerarkan fulisay ayaa kaga daba-tagey dhulka Kenyta ah ee deegaanka Siinka dheer kadibna halkaasi ayay ku dileen.
Kooxihii dilka geystay ayaa goobtaas ka baxsaday, lamana oga illaa hadda cida ay ahaayeen iyo sababta ay u laayeen Wiilasha uu dhalay ganacsadaha caanka ah ee Xaaji Gaabow.
Goobta uu dilkan foosha xun ka dhacay ayaa sidoo kale la sheegay iney tahay goobtii sanado ka hor lagu weeraray laguna laayey dhakhaatiir ajnabi ah oo u dhalatay dalka Siiriya.

Friday, 7 July 2017
AKHRISO:-Liiska Xabsiyada Ugu Xun Addunka (Saw)
Marka laga eego dhanka caafimaadka, nadaafada, iyo cadaalada tiradaan xabsiyada ee hoos ku xusan waa xabsiyada ugu xun addunka, inkastoo dambiilayaasha ay tahay in ay maraan inqaabta ay muteesteen hadana mararka qaar waxaa dhacda in inka badan inqaabtii ay mudnaayeen la marsiiyo.
Xabsiga ku jira kaalinta 1”aad xabsiyada ugu xun aduunka waxaa lagu magacaabaa Sabaneta Prison waxa uuna ku yaalaa Magaalada Maracaibo ee wadanka Venezuela.
Maadaama Venezuela ay tahay wadanka dunida ugu badan ee uu ka dhaco dil wadareed dad si micno darro ah loogu laayo iyagoo aanan waxba galabsan, waa iska caadi in xabsiga dunida ugu nadaafada xun misane ugu cadaalada daran uu ku yaallo wadankaasi.
Humberto Prado waa agaasimaha xabsiga Sabaneta Prison waxa uuna warbaahinta u sheegay in xabsiyada ku yaallo badi wadanka Venezuela ay yahiin kuwo dhaafay xadigii loogu talagalay oo ay suurta gal tahay in qol xabsiyeed loogu talagay 4 ruux mararka qaar lagu xirro 70 ruux, taasina ay dhaliso in xabsiga uu ahaado mid la xadeen waayo.
Xabsiga Sabaneta prison ayaa waxaa ku xiran xiligaani 3,700 dambiilayaal oo lagu sheegay in ay yahiin dambiilayaasha ugu halista badan wadankaasi, waxaana xabsigaan markii la dhisaayey loo qorsheeyey in lagu xiro kaliya 700 oo ruux, waxaana iminka ku xiran 3 jibaar tiradii loogu talagalay.
Sidaad iska garan karto oo iska cad xabsigaan ayaa ah mid dhaafay xadkii loogu talagay, taasi oo ka dhigayso mid halis ah ayna adagtahay in lagu noolaado, waxaana ka jirta xaalad aad u xun oo sida xeywaanada oo kale ayey iskula dhaqmaan maxaabuusa oo midba midka uu ka awood badan yahay ayuu baad ka qaadaa si uu u helo meel amaan ah oo uu si nabdoon ku seexdo.
Sanadii 2013”kii 16 ruux oo ahaa maxaabiis ku jiray xabsiga Sabaneta prison ayaa si bareer ah ilaalada xabsigaasi ay u dileen kadib markii maxaabiista ay barxad ku taallo xabsigaasi isahu sooo baxeen si ay kaga banana baxaan biyo la”aan xiligaasi soo food saaray xabsigaasi.
Madaxweynahii hore ee Venezuela Hugo Chavez mar uu Khudbad jeedinaayey ayuu xabsigaasi ku tilmaamay in uu yahay albaabkii 50”aad ee laga galo waxa uu ku tilmaamay naarta aduunka.
Xabsiga ku jira kaalinta 2”aad xabsiyada ugu xun aduunka waxaa lagu magacaabaa Rikers Island prison waxa uuna ku yaalaa Magaalada Newyork ee cariga Mareekanka.
waxaana lagu xiraa xukun sugayaasha iyagoo ku xirnaada ugu yaraan 1 ilaa 3 sano, si ay u sugaan xukunkii lagu xukumi lahaa.
Malaha waxaa macquul ah in aad ku fikirayso in xabsi ku yaallo Mareykanka uu kamid noqdo xabsiyada ugu xun aduunka, laakiin sheekada sidaad ku fikireyso way ka duwan tahay.
Xabsigaan ayaa horaan waxaa loogu xiray dad magac ku leh mareykanka iyo aduunka intiisa kale kuwaasi oo isugu jiro fanaaniin, jilaayayaal jila aflaanta Hollywood”ka, iyo majaajiliistayaal, waxaana kamid ah dadka xabsigaan lagu xiray heesaaga heesaha raabka ku can baxay ee Black Afrikaanka ah ee Lil Wayne, jilaaga Mark David Chapman, iyo majaajiliistaha Sid Vicious, kuwaasi oo dhamaantooda xili xabsiyeed adag ku qaatay xabsigaasi kana sheekeeyay xaalada xabsigaasi sida ay u liidato kadib markii ay kasoo baxeen iyagoo ku tilmaamay meel dunida ka baxsan oo nolasheeda ay aad u adagtahay.
Xabsigaan badi falal dil ah kama dhawacaan laakiin waxaa laga diiwaan geliyaa falal jinsiga la xeriira maadaama uu yahay xabsi gaar u ah raga taasina ay sababtay in raga xooga badan ee si qasab ah ugu galmoodaan raga kale oo ay u arkaan in ay ka xoog badanyahiin.
Wargeyska lagu magacaabo New York Times ee kasoo baxo isla magaaladaasi ayaa sanadii 2013”kii waxa uu soo daawacay warbixin sheegaysa in 129 ruux oo maxaabiis ah oo ku xirnaa xabsigaasi loo geestay jir dil xad dhaaf ah oo ay u geesteen ilaalada xabsigaasi.
Xabsiga ku jira kaalinta 3”aad xabsiyada ugu xun aduunka waxaa lagu magacaabaa xabsiga Bang Kwang Prison, waxa uuna ku yaalaa Magaala Madaxda Thailand ee Bangkok.
Xabsigaan ayaa kaalinta 3”aad xabsiyada ugu xun aduunka laga dhigay kadib markii la ogaaday in ay ku xiranyahiin maxaabiis ka badan intii loogu talagay, maxaabiistaas qaarkood ayaana lasoo xiraa iyagoo aan la hor geyn wax maxkamad ah.
Xabsigaan oo la dhisay sanadkii 1930”kii ayaa waxaa loo qorsheeyay in lagu xiro kaliya 3,500 maxaabiis, waxaase iminka ku xiran ilaa 8,000, ruux oo maxaabiis ah taasi oo ka dhigtay xabsigaan mid kamid ah xabsiyada ugu aduunka oo maxaabiista ku xiran xabsigaan ma helaan biyo nadiif ah oo ay cabaan, meel nadiif ah oo ay seexdaan.
Arrimaha yaabka leh ee xabsigaan laga diiwaan geliyey waxaa kamid ah in dadka lagu xukumo dilka toogashada ah lagu xukumo in ay badi xili xabsiyoodkooda ay istaagsanaadaan taasi oo ah inqaab xad dhaaf ah, oo qof aadane ah uunan awoodi Karin in uu maro.
Xabsigaan ayaa kaliya waxaa laga bixiyaa hal cunto oo kaliya ah halka xabsiyada ugu wanaagsan aduunka laga bixiyo ilaa 3 cunto sida dadka guryahoda jooga oo kale, halka wakhti ee cuntada laga bixiyo xabsiga Bang Kwang prison ayaa ah Bariis qaleel ah oo aanan lahayn mararka qaar xitaa biyo la iskaga dejiyo.
Xabsiga ku jiro kaalinta 4”aad xabsiyada ugu xun aduunka waxaa lagu magacaabaa Petak Island Prison waxa uuna ku yaalaa magaalada Vologda ee cariga Ruushka.
Xabsigaan ayaa waxaa lagu xiraa maxaabiista ugu dambiyada culus dalka Ruushka kuwaasi oo isugu jiro kuwo gacan ku dhiiglayaal ah oo loo soo xiray falal dil ah.
Maxaabiista xabsigaan ku jira ayaa kaliya loo ogolyahay in sanadkiiba ay soo booqdaan kaliya labo ruux oo booqdayaal ah, taa oo ay sii dheertahay in wakhtiga loo ogalyahay in ay wada qaatan uu yahay mudoo nus saac ah, taasi oo sanadkii loo ogalyahay labo mar oo ay micnaheedu tahay halkii sano hal saac.
Ilaalada xabsigaan ayaa waxa ay amar buuxa ku qabaan in ay toogtaan cida ay u arkaan in ay isku daydo in ay ka baxsato xabsigaasi, waxayna mararka qaar ilaalada xabsigaani ay jir dil maskaxiyan iyo jismiyanba ay u geestaan maxaabiista.
Xeerarka xabsiga Petak Island Prison maxbuuskii raaci waayo waxaa uu la kulmaa inqaab adag oo waxaa lagu xiraa qol yar oo mugdi ah taasi oo maxaabiista ku keenta in maskaxiyan ay noqdaan kuwo dhiman dhiman ah oo aan miirkooda taam aheyn.
Xabsiga ku jiro kaalinta 5”aad xdabsiyada ugu xun aduunka waxaa lagu magacaabaa USP Florence ADMAX waxa uuna ku yaalaa Magaalada Florence ee Gobolka Colorado ee Wadanka Mareykanka.
Xabsiga USP Florence ADMAX ayaa waxa uu yahay xabsiga ugu ilaalada badan wadanka mareykanka iayadoo lagu xiro maxaabiista badi lagu soo oogo dacwadaha la xiriira heerarka kala duwan ee dilka, taasi ayaana ka dhigtay xabsiga ugu ilaalada badan xabsiyada ku yaallo Mareykanka
Waxaana xabsigaan lagu xiraa sidoo kale dadka loo soo qabto falalka la xiriira Daroogada(Drugs) sirdoonka wadamada shisheeye ee loo arko in ay carqaladeenayaan hanaanka nabada soo jireenka ah ee wadankaasi.
W/Q:- Ayuub Mohamed Ahmed (Fantastic)

Subscribe to:
Posts (Atom)
-
Maxay af-Soomaali ku noqoyaan magacyada bilaha, iyo maalmaha? Imisa qaybood ayey maalintu ka koobantahay? Xilliyadana magacood? Dad badan ba...
-
Qofkasta oo Facbook lihi ,ha ogaado in Facbookisu uu yahay meesha kaliya ee lagu ogaado lagana qiimeeyo ,qofka aqoontisa, garashadiisa iyo...
-
Dhafarka iyo hurdo la'aanta waxaa laga dhaxlaa dhibaatooyin badan oo kala duwan. Maadaama caalamku is badalay oo habeenkii iyo maalintii...