Saturday, 10 December 2016

doorashada soomaliya.

Hoggaamiyeyaasha Madasha Qaran oo ku Kulmay Muqdisho
ayaa isku Raacay in Madaxweynaha Cusub ee Somalia la doorto 28-ka bishan lagu jiro ee December, iyadoo inta ka horreysa la dhaarinayo xildhibaanada, isla markaana la dooran doono guddoonka golaha cusub ee Shacabka.
Go’aanada shirka Madasha kasoo baxay waxaa ka mid ah; in Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub la dhaariyo 15-ka bishan December. In Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub iyo ku xigeennadiisa la doorto 22-ka Bishan December iyo in Doorashada Madaxweynaha cusub ee Somalia ay dhacdo 28-ka bishan December.

Sidoo kale, Waxaa go’aannada shirkii Madasha kasoo baxay ka mid ah inay ku soo galaan Muqdisho ugu dambeyn 14-ka bishaan lagu jiro ee December, si loo dhameystiro diiwaan-gelintooda.
Waxaa kaloo ka mid ah go’aannada shirkii Madasha kasoo baxay in shir ay u Wada-dhan yihiin Hogaanka Madasha lagu qabto Muqdisho 13-ka December 2016-ka, si la isku meel-dhigo Arrinta la xiriirta Saamiga ay Labadaan Gobol ku yeelanayaa Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

No comments:

Post a Comment