Xiliga abaarta casharo kama barano ,xiliga Roobka iyo Raxmadana kayd iyo biyo ma dhigano, aqoon yahan keenuna waa aqoon laawe.
Qoraalkan waxa aan doonayaa in aan kaga hadlo abaaraha markasta inagu
soo noq'noqonaya ee aynu markaliya u la,nahay xal iyo xeelad aynu kaga gudubno ,Ilahay sw waxa uu garaadka iyo caqliga inoo siiyay in dhibaato kasta oo inagu dhacda aynu ka fikirno qaabkii iyo hanaankii aynu uga gudbi lahay.
Wakhtigan xaadirkaa waxaa wadankii ka jira abaaro dad iyo duunyaba *gallaafatay kuwasoo maanta ka taagan dhamaan dalkii oo dhan; taas oo halka xaaladdeedu marayso laga garan karo qayla dhaanta kasoo yeedhaysa dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka oo dhan,tasoo u muuqata ,sidii awalba inoo caadada ahayd in ay ku dhamadaan dad iyo duunyaba.