Friday, 21 April 2017

Halgamagii hindiya

Waxa aan qormadan kooban ku eegi doona ama aan diirada ku saaraynaa mahadhooyinkii halgamaagii caanka ahaa ee hindiya u dhashay,waxa aynu wax ka tilmaami doona qaar ka mid ah astaamihi iyo aragtiyihii uu lahaa halgamaagani iyo xidhiidhka dadka afka soomaliga ku hadlaya iyo siyaasiyiintoodu
ay la yeelan karaan ama ka baran karaan gaandi,maadaama uu yahay halgamaa caan oo ku dayasho siyaasadeed iyo mid nololeed ba mudan,waayo gaandi waxa uu ka mid yahay halgamayaasha dunida kaga tegay mahadhooyin mucjisoda ah ,oo ay dad badani ama siyaasiyiin badani markay dheegteen afkaartii iyo astaamihii gaandi ay ka dhigteen tusaale ama ku dayasho ay dalkooda wax kaga qaban karaan,gaandi ma qaadan qori markii uu ku jiray ololaha dib u xoraynta dalkiisa oo markaa ingiriis gumaysanayay,taas ayaa ah astaanta la yaab ka ah ee dunida ku baahday,oo siyaasi kasta ama qofkasta oo is bedeldoon ahi uu tusaale iyo ku dayasho ka dhigto wadaadi gaandi hare u jeexay,taariikhda gaandi ee qorani waa mid aad u balaadhan ,waxa laga qoray buugaag aad u tiro badan,iyadoo lagu qoray lahjado iyo afaf kala duwan qiimaha muhiimada uu leeyahay darted,waxa ka badan maqaalada laga qoro sanad kasta iyo maalin kasta oo tiro batay,hadaba akhriste ,aynu is waydiino waa kuma gaandi?
Gaandi waxa uu dhashay 20 oct,1869,waaxaanu dhintay 30January,1948
Magaciisa waxa la yidhaahda(mahandas karachnd) sidoo kale waxa loo yaqaana mahatma Gandhi ,dalka hindiya waxa loo tixgeliyaa aabaha qaranka(father of the nation) ama (papu: oo ah eray hindi ah macneheeduna yahay aabe) gaandi waxa uu ugu yaraa wiilasha ay walaala yihiin,aabihii waxa uu qabay afar dumar ah,gaandi hooyadii waxa la gu magacaabijiray putlibai ,gaandi waxa uu guursaday isagoo ah 13 jir gabadh lagu magaacaabo kasturba ,waxa ay u dhashay afar wiil ,taariikhdu markay ahayd 1888 ayuu gaandi aaday dalka boqortooyada ingiriiska si uu wax ugu barto halkaas, isagoo ka bartay sharciga iyo qaanuunka,intuu gaandi joogay igiriiska waxa uu daalacday oo wax ka akhriyay suugaanta igiriiska iyo dhaqanada kala duwan ee ku kaydsan madxafyada boqortooyada biritishka,intii uu gaandi halkaa joogay waxa ku
dhacay saamay wayn oo dhinac walba leh ,haba ugu sii waynaato dhanka fikirka iyo aragtida fog,taasi waxay barti gaandhi in umadi aanay umad kale gumaysan Karin,gaandhi caruurnimadiisa waxa la sheegaa in uu isku dayay inuu cabo sigaarka ,waxa kale oo uu isku dayay in uu wax xado hase ahaate waa uu ka waan toobay,
Gaandi waxa uu ku noola dalka south Africa mudo ku dhaw 20 sano ,waxa uu ku caan ahaa la dagaalanka cadaalad darada ,waxa uu u dhaqdhaqaaqi jiray xoriyada dadka ah islaamka iyo hindida afrikaanka ee ku noola dalkaas ,waxa uu ka noqday nin aad uu caan ah, waaga uu gandi south Africa joogay waxa maamulayay dalkaas dawladii dadkii cadaanka ahaa ee midab takoorka dabada ka riixaysay,gaandi waxa uu ka mid ahaa hugaamiyayaasha sida way uga soo hoejeeday siyaasada midab takoorka.
Gaandi waan ninka iska leh aragtida loo yaqaan(sat yagratis) oo macneheedu ay tahay (non-violent war) ama dagaal bilaa rabshad ah,waa habkii uu hindiya kaga xoreeyay gumaystihii,habkan waxa raacay rag badan oo dunida magac ku leh oo ay ka mid yihiin dr. murtin luther king ee u dagaalami jiray xuquuda dadka madawga ah ee dalka maraykanka,gaandi waxa aad u jecel dadka hindida ,waa nin muxtarima oo aad loo xusuusto,dhammaan qoomiyadaha dalka hindiya aad ayay u jecel yihiin diinkasta oo ay leeyihiin.
Gaandi diin ahaan waxa ku abtirsadaa diinta Hinduism,hadana waa shakhsiyada la jecelyahay sidaas dardeed ayaa loo yaqaanaa (great soul) oo macneheedu yahay ruuxdii waynayd,qiimaha iyo wanaaga loo hayo darted,waxa uu ahaa nin aragti dheer run ahaanti waxa uu kamid yahay rag ugu taarikhda wayn dunida,waxa la sheega in alle ha u naxariistee faarax oomaar ileeye oo ahaa halgaa reer somalind ah ay is yaqaaneen oo hindiya waxa ka wada bara jireen,sikastaba hanoqotee,siyaasi bal qiimee aragtidaa siyaasadeed ee aad goobkasta la taagantahay? Ma tahay siyaasi la jecel yahay oo la odha karo waa aabaha qaranka? Mise waxaad tahay siyaasi xaafadiisa laga jecel yahay ama qabiilkiisa ?
Runta marka laga hadlo siyaasiyiinta soomalidu waa siyaasiyiin aad u aragti gaaban mid kasta waxa laga jecel yahay qabiilkiis oo keliya waayo aragtidiisa siyaasadeed ayaan halkaa dhaafsiisnay,sidaas dardeed ayaa uu ku noqday siyaasi
aan wax qiima ah lahayn ,waayo siyaasiga soomaliga ahi goobta uu doono ha joogo meesha uu doono ha ka taliyo,waa siyaasi jaahil ah ,qaarkood waxa ay ahaan jireen qaad wali,qaar waxyaabe kale sida milateri iyo ganacse, waa marka dib loo eego cvga siyaasiga soomaliga ah ,bal u fiirso siyaasi asal ahaan ka shaqayn jiray maandooriyaha ka dib u diga rogtay siyaasada,balqiimee bulshada madaxda noocaas ahi ay u taliyan?runtii qofku noloshiisa waa uu bedeli kara,waxa aanu noqon kara qof wacan halka uu markii hore ahaa qof laakin siyaasiyiinta xilligan jooga ee talinayaa uma bisla in ay u fekeraan si aragti fog leh,haddii uu manta isa sharaxo ninka siyaasiga ahi ,dadku waxa ay is dinayaan qolodiisa?lagama yaabo in lays waydiiyo taarikhdiisa hore iyo waxa uu ahaan jiray,waayo aragnimadiisa iyo daacadnimadiisa,taas waxa ay sababtay in markasta la doorto dad juhala ah,
Siyaasiyiinta aqoonta leh ee soomalidu waxa ay u badan yihiin jawaasiis u shaqaysa haayada sirdoonka ee reer galbeedka gaar ahaan cia(usa) iyo mi6(uk) marka qiimee akhristee siyaasi leh astaamahan aan kor ku xusnay siduu waaqica nololeed bulshada soomalida wax ugu bedeli kara?hadaba akhriste bal is waydii siyaasi u adeega cid kale uu adeega oo lagu shaqaysto ma ku aamini karnaa caynaanka talada dalka?
Wax nasiib daro ah oo wax laga xishoodo ah siyaasinyiinta warbaahinta layska arko soo mariya hadalo xambaarsan naxli iyo wax bulshada kala eryi kara sida qabyaalada,runtii lama soo kobo karo ayaan darada ahaysata siyaasiinta soomalida laakin dhalinyaradu waa in ay fojignaataa ,
Diyaariye: bashir saleban aadan
Qoraa,Cilmibaadhe
Buroa university, faculty of vet-medicine

No comments:

Post a Comment