Thursday, 25 May 2017

 Aqoontu waa marka  qofku  uu barto  wax uusan horay u aqoonin, waxaaan loo qeybiyaa labo qeybood oo kale ah. Aqoon laga  barto waayaha iyo cimriga  kaas oo  ah cilmi  dhegood  ama noloshu ay  ku bartay iyo mid aad ka baratay  Macalin ama Professor  taas oo ah midda ugu fiican  marka lagu daro waayo aragnimo aqoontaasi aadbay  u anfacaa qofka.
Waxbarashu waxaa ay kaa qaadeysaa hoos waxaa ay kuu qaadeysa  kor ama dabaqada  sare waxayna  kuu suuro gelineysaa in aad heshid  nolol  wanagsan  oo qiimo leh  oo ka duwan  tan uu ku nool yahay  qofka aan waxba  garaneynin ama  iska  xoogsattada ha.
Waxaa intaasi dheer  aqoonta labaranayo  oo ah mid aad u kala  duwan waxaa ugu waa weyn  waa labo qeybood oo kale ah aqoon ku saabsan aduunka iyo  sida  loogu  noolaado iyo mid la xariirta qofka aakhiradiisa  taas oo ah tan ugu mihiimsan.  Tacliinta  ugu horeysa  ee laga  doonayo  qofka Muslim aka  waxaa ugu horeeya koow in  uu barto marka hore  Diinta Islaamka ugu yaraan  tan asaasiga ah  sida Salaada, Soomka, Xajka, Zakada,Jihaadka iyo dhamaan inta kale  ee aan cibaada looga maarmin, markaas kedib  waxaa uu qofku baranayaa wixii kale oo la xariira  aduunyadiisa.
Waxaan sidoo kale laga rabaa qofka Muslimka ah in uu  Qur,aanka barto oo uu ku  dhaqmo  si  ilaahey  ugu fududeeyo wax kastaee uu  doonayo aduunka iyo aakhiraba, waana  aqoonta  ugu   fiican  ee uu barto  qofka  Muslimka ah.
Sidoo kale  hamoogaan  aqoontaada  aduun oo hanoqonin  qof  wixii uu  ubaahdaba qof kale ugu yeerta ee ugu yaraan  wax uu ka baro  farsamada  aduunka midda aad isleedaahay waa ku anfici doontaa, balse xasuuso Allah SWT wax kasta oo aad  sameyneysid si uu  Allah kuugu gar gaaro oo uu kuu gaarsiiyo meel sare  oo ah meel aan laga  dhimaneyn iskana ilaali in aad ku caasisid oo aad  Shaydaan  raacdid, waayo dadka  raaca meel xun iyo  naar ayuu u  horkacayaa.
 Ilaahey hanoo naxariisto. Aamiin
 W/Q: Daahir Maxame.