Friday, 30 June 2017
Saturday, 24 June 2017
Thursday, 22 June 2017
Wednesday, 21 June 2017
Tuesday, 20 June 2017
Mataqanaa Qoyska ugu tirada badan wadanka Ingiriiska.
Inkasta oo dalalka reer galbeedka gaar ahaan waddanka Ingiriiska dadkiisa asalka ah ee gaalada ahi aanay jeclayn in ay ubad badan dhalaan ugu badnaana ay saddex caruur ah dhalaan ayaa waxa isa soo taraya waayadan dambe sida ay qoysaska qaar u danaynayaan in ay helaan

Monday, 19 June 2017
Maxay Tahay Shuruuda laga rabo qofka bixinaayo sakaatul firiga?
Shuruuda laga rabo qofka bixinaayo sakaatul firiga Waa in uyahay muslim qangaar ah caqlina leh waa in uu haysto waxkabadan wixii ay kunoolaan lahayeen dadkauumasuulkakayahay malinta ciida ah iyo habeenkeeda ilmaha yar & qofka wayn kuwadawaajibaysaa
Al-Hidaaya:- Ilaahay baanu ku mahadaynaa nimcooyinka uu ina siiyay,isgaanu gargaar ka dalbaynaa danbi dhaafna weydiisanaynaa, sharka nafahaygana iyo camaladayada kuwooda xun illaahaybaanu ka magan gelaynaa, qofka alle hadeeyo cidna ma halayn karto.ka illaahay halleeyana cidna ma hanuunin karto Waxaan qirayaa in aan alle mooyee illaah kale aanu jirin muxamedna uu yahay adoonkii iyo rasuulkii alle
Sunday, 18 June 2017
rag wa ragii hore
Waxaynu mararka qaarkood maqallaa iyada oo la leeyahay qofka afkiisa hooyo si fiican u barta ayaa afafka kalena si wanaagsan u baran kara. Afsoomaaligu waa afkeennii. Waa afkii hooyo. Marka waa afkii hooyo la leeyahay, waxa loo jeedaa in uu yahay af aynu hooyooyinkeen ka barannay, oo macallinka u horreeya ee ilmaha wax baraa waa hooyada.
Saturday, 17 June 2017
Friday, 16 June 2017
Thursday, 15 June 2017
Wednesday, 14 June 2017
Tuesday, 13 June 2017
Monday, 12 June 2017
Labada gabdhood ee astaanta u ah gaalnimada!
Bismillahi, walaalayaal hada kahor waxaynu ka waran haween fiican oo ku daysho mudan hase ahaatee waxa laga maarmaan noqotay inaynu soo qaadano sidoo kale qisooyinka haweenka astaanta u ah gaalnimada iyo munaafiqnimada.
Walaalayaal waxaynu ognahay oon ka dharagsanahay in aanay cidina xanbaarayn danbigaaga iyo macsida aad gashay haba ahaado cida kuugu dhow inay yihiin dad aad u saalixiina. Hadii qaraabo wanaagsan aakhiro wax tarayso kuwan ayey wax tari lahayd, waa xaaskii nabi Nuux iyo xaaskii Nabi Luud.
Wuxuu Allah labada haweena uga dhigay tusaale dumarka ragoodu wanaagssanyihiin iyo raga dumarkoodu khayrka badan yihiin, ilaahay wuxuu dhahay sidan:
ضَرَبَ اللَّـهُ مَثَلًا لِّلَّذِينَ كَفَرُوا امْرَأَتَ نُوحٍ وَامْرَأَتَ لُوطٍ ۖ كَانَتَا تَحْتَ عَبْدَيْنِ مِنْ عِبَادِنَا صَالِحَيْنِ فَخَانَتَاهُمَا فَلَمْ يُغْنِيَا عَنْهُمَا مِنَ اللَّـهِ شَيْئًا وَقِيلَ ادْخُلَا النَّارَ مَعَ الدَّاخِلِينَ ﴿١٠﴾
Rabi wuxuu tusaale uga dhigay kuwa Gaaloobay Haweenaydii Nabi Nuux iyo Nabi Luud, waxay hoos joogeen (qabay) Laba Addoon oo kamida adoomada wanaagsan, markaasay khiyaameen Nabiyadaas waxbana ugamaaysan tarin Ilaahay agtiisa, waxaana loo dhihi Labadaas haweenay la gala naarta kuwa gelaya.
Xaaskii Nabi Nuux waxa la dhihi jiray Waahila, waxayna ahayd gabadh gaalad ah oo ku tilmaami jirta odaygeeda inuu waalan yahay, waxayna dadka soo muslima ee tamarta yar u sheegi jirtay gaalada madaxdooda kadibna way dhibi jireen. Dabcan markuu Ilaahay leeyahay way khiyaamaysay ninkeedii macnuhu maaha inay Gogol dhaaf la timid ee waxa looga jeedaa khiyaanada diinta oo ah inay gaalad ahayd sidoo kalena nabigii Ilaahay ee Nuuxna ay aflagaadaynjirtay, sirtiisana ay uga warami jirtay dadka gaaleed ee qoomkeeda ah.
Nabi Nuux (N.N.K.H) wuxuu qoomkiisa ugu yeedhayey diinta Islaamka 95o sanadood, waxaan dhici karta in haweenaydiisaasina ay intaas oo sanadood ay wada noolaayeen, oo cunto wada cunayeen oo xidhiidh reernimo dhex marayey hadana wax ay ku qaadatay malaha, maalinta aakhirana cid wax u qaban karaysa ma jirto iyo cid u gargaaraysa toona. Aduunyada waxa lala halaagay qoomkii nabi nuux ee lagu qarqiyey biyaha.
Dhanka kale haweenaydii Nabi Luud waxa la dhahaa magaceedu wuxuu ahaa Waahilah, ayaduna waxay ahayd gabadh gaalad ah oo ninkeeda sirtiisa ayey ka kashifi jirtay, hadii cid marti ah ay u timaado way ordi jirtay oo waxay u sheegi jirtay qoomkeedii yaqaanay xumaanta, waxa la dhahaa hadii martidu ay timaado goor maalin waxay shidi jirtay qiiq, habeenkiina dab ayey shidi jirtay si ay u ogaysiiyo dadkeeda in marti la joogto nabi Luud (N.N.K.H). Íslaantan dhawr jeer ayuu Ilaahay quraankiisa kaga warramay in la ciqaabayo.
Markay Malaa’iktii Rabi u yimaadeen nabi Luud ayey isku soo shabaheen dhalinyaro qurxoon, markaasay marti u noqdeen Nabi Luud balse habartii afka laga falay ee ahayd Cajuuzatulqaabiriinta ayaa warkii dhalinta u sheegtay qoomkeedii. Dadkii kolkay maqleen in dhalinyaro cusub timid magaalada oo uu hooyey Nabi Luud ayey isasoo tubeen gurigii nabi Luud ayagoo leh; noo soo saara dhalinta yar!! Wuxu Nabi Luud; waar nin caqli leh miyaanu idinku jirin, hadaad galmo rabtaan waxaad u qasdidaan haweenka!!
Qoomkii Nabi Luud ood mood inay sarkhaansanyohiin ayaa kusoo qamaamay gurigiisii, markaasuu Malakul Jibriil u baxay oo mid kamid ah baalkiisa ayuu ku indho tiray dhamaan intii joogtay meeshaas. Kadibna sadexdii Malak oo kala ahaa Jibriil, Israafiil iyo Miikaa’iil ayaa ku dhahay Nabi luud; Kuwani kuma soo gaadhayaan, ballankooduna waa barrito, barritona way dhowdahay.
Habeenkii ayey baxeen Nabi Luud iyo labadiisii hablood ee uu dhalay, waxaana tabtay in Nabi Luud iyo labad gabdhood baxayaan duqdii xaaska u ahayd nabi Luud, wayna kadabo baxday balse waxa asibay wixii asiibay qoomkii kale.
Subaxii waxa ku dhacay cadaabkii waxaana sare loo qaaday magaaladii ayadoo dhulka laga rujiyey oo la geeyey samada, codkii iyo baroortoodii waxa maqlay malaa’iktii samada joogtay kadibna waxa lagu soo tuuray dhagxaan ay ku qorantahay magacyad mujrimiinta (danbiile) oo mid kasta oo ka mida haleeshay.
Kadib waxa la hoos mariyey dhulka, oo waxa saro maray dhulka qaybtii hoosaysay, dabadeedna roob ayaa Eebe korka kaga keenay sidaasbaanay ku noqotay tuuladii ay daganaayeen bad dhimatay.
Qisada labadaas haweena waxa tusaale nool ay u yihiin dhamaan dumarka dhibka ku haya ragooda iyo nimanka dhibka ku haya haweenka ay qabaan. Ilaahay wuxuu ugu hoga tusaaleeyey haweenkii Nabiga sida Caasha iyo Xafsa oo lagu lahaa; hadaydaan xaqa ku taagnaan, waxba idiinma tarayo la jooga aad la joogtaan Nabi Muxamed sidoo kalena Ilaahay tusaale kale ayuu siiyey oo ahaa labadii gabdhood ee wanaagsanaa Aasiya bintu Muzaaxim iyo Maryama bintu Cimraan.
W/D: Abdulaziz Mohamed Oogle

Wax ka bnaro Taariikhdii Xaawa, hooyada Basharka.

Bismillah, magaca Ilaahay ayaan ku bilaabaynaa, Allahaas oo naxariista naxariis guud iyo mid gaar ahba, waxaanan ku sallinaynaa oo naxariis iyo nabadgalyo Ilaahay u waydiinaynaa inuu korkiisa yeelo xabiibka Muxamed isaga, ehelkiisa, saxaabadiisa iyo dhamaan muslimiinta raacday jidkoodii. Assalaamacalaykum wa raxmatullahi wa barakaatuhu.

Sunday, 11 June 2017
Ninkii Dameerlaha ahaa ee noqday Madaxweyne!!
Asc, walaalayaal ma maqasheen dameerlihii noqday khalifka, hadaba qisadan si aad ah u dhuux una dhago nuglow. Waxa jira sadex nin oo saaxiibo ahaa kuna noolaa Andalus (Spain & Portugal), waxay sadexda nin ka shaqayn jireen xirfada dameeraha, oo dadka ayey u rari jireen alaabta, waa sida iminka loo adeegsado Taxi oo kale.

ilmo foolxun
Nin xaaskiisa ku maxkamadeeday in markii labaad ay dhashay Ilmo foolxun!
Waxa ay noqotay qiso layaab leh oo markii labaad ku soo noq-noqotay dhegaha dadka caalamka ku nool, gaar ahaan wadanka Shiinaha, kadib markii nin lagu magacaabo Jan Fing uu xaaskiisa

Mataqanaa Saxaabigii cabay caanihii nabiga acw ?

Saxaabiga Miqdaad ibnu Al-aswad Ilaahay raali haka ahaadee wuxuu ahaa saxaabadii ugu hor islaamtay, wuxuuna ahaa saxaabii kaliya ee ku dagaalamayey faraska dagaalkii Badar.

Ma taqanaa Haweenayda kun nin u dhiganta?

Bismillah: Haweenaydan ka qiimaha badani waa Umu-Camaara, Nusayba bintu Kacab ibnu Camru ibnu Cawf ibnu Manduul. Waa saxaabiyad reer Ansaareed ah, kana ah qabiilka reer Khazraj, ee reer bani Najaar.

Saturday, 10 June 2017
Friday, 9 June 2017
faaidada timirta
Geedka barakaysan ee timirtu waa geed ka baxa dhulka kulaylaha ah gaar ahaan dhulka aanay ku baxayn badi dalagyada kale ee la quutaa, dhulka ay timirtu ka baxdo waxa kale oo la yidhaa lama dagaan, waana dhul saxare ah oo cimilo ahaana aad u kulul roobkuna ku yar yahay.
Qisso yaab leh : Soomaalidu waa Dhaqan Mudan In Laga Dhoofo !

Habeen habeennada ka mid ah, anoo Hindiya jooga waxaa isoo wacay, nin oday ah. Wuxuu ahaa Siyaasi wayn oo Soomaaliyeed oo intii aan halkaa joogay aanu isku baranay. Waa Amb. C/rashiid Duulane Rafle. Intiina aan garanayn

saxabigii la kulmay labada boqor
Saxaabi kasta, taariikh nololeedkiisu wax un buu caan ku ahaa. Matalan, waxaynu wada ognahay in Saciib Binu Caamir Al-Jumaxi (rc) uu caan ku ahaa zuhdiga iyo in la naco dhaldhalaalka adduunyada. Haddaba, Cabullahi Binu Xudaafi Al-Sahmi wuxuu isagu caan ku ahaa geesinnimo iyo in aan loo jixin-jixin cadowga Alle.
umu salama
Ummu Salama magaceedu waxaa la oran jiray Hindo, laakiin waxay caan ku ahayd magaca Ummu Salama. Aabaheed wuxuu ka mid ahaa kaaba qabiillada reer Khazraj ee sar sare, sidoo kale wuxuu ahaa mid aad u deeqsi badan.
Thursday, 8 June 2017
gabay sandoon
Maanso cusub oo la magac baxday "Hormuud dhallinyaro"waxa tiriyay Abwaan,Yuusuf Roobleh Xirsi(Sandoon)
Sidaynu la wada socono dhalinyaradu waa laf-dhabarka umad kastaa ay leedahay , waana kaydka dhabta ah ee ay haysato kuna faanto ,waana mid u baahan in si fiican loo dhiso marka hore ,si looga faa'idaysto mustaqbalka.

Dhaxal Sugaha Labaad Ee Boqortooyada Ingiriiska Oo La Afuray Muslimiinta Dalka Singapore.
Amiir Harry oo ah dhaxal sugaha labaad ee taajka boqortooyada dalka Ingiriiska ayaa la afuray muslimiinta dalka Singapore, halkaas oo uu socdaal aadaminimo ku marayo, kuna booqan doono xarumaha carruurta agoonta iyo derbi jiifka ah lagu xanaaneeyo ee dalkaas.

Assalaama calykum wa raxamatu Allahi wa barakaatuhu, walaalada muslimiinta ahow kusoo dhowaada barnaamijkeenii Ma Ogtahay?
Barnaamijkeenana waxaynu kusoo qaadanaynaa Lagdankii iyo Musaaracdii xorta ahayd ee dhex martay xabiibka Muxamed iyo Rukaana. Dhanka kale musaaraco taas lamid ahna waxay dhexmartay arday kamid ah ardaydii xabiibka Muxamed (scw) iyo halgamaagii ugu haystay lagdanka caalmaka Jinka.

Wednesday, 7 June 2017
Ku salli nabigeena suuban scw
Sideen Nabigeena Muxamrd ah ugu Salinaa SCW?
Alxamdullah rabbil caalamiin wassalaatu wassalaamu calaa rasuulillah scw:
Ku Sallinta Nabiga SCW waxay ka mid tahay cibaadoynka kuwa uugu fadliga badan, uguna qiima badan, loona baahanyahay qofka muslimka ah inuu badsado kuna dadaalo.

Markii uu Alle (SWT) uu dunida guudkeeda ku abuuray Nebi Aadan (CS) iyo Xaawa, waxa uu awood u siiyey inay dhalaan ubad mataano ah oo isugu jiray wiilal iyo gabdho, sidaas baanu bani’aadamku ku tafiirmay, kuna tarmay.
Haddaba, waxa dhacday in ay is khilaafeen laba wiil oo uu dhalay Aadan, kuwaasoo la odhan jiray Qaabiil iyo Haabiil, waxaanu khilaafkaasi sababay in Qaabiil qudha jaro walaalkii Haabiil.
Kadib isagoo afariirsan oo argagax iyo naxdina ka muuqato, oo garan’la maydka walaalkii si uu yidhaahdo, ayuu Alle (SWT) u soo diray shimbirka Tukaha kaasoo dhulka qodanayey, taasoo ahayd xikmad iyo aqoon ka maqnayd Qaabiil, sida ku cad, suuratul maa’idaha aayada 31-aad ee quraanka kariimka ah, waana sababtii keentay keentay inuu qoday dhulka, ka dibna uu ku aaso maydka walaalkii, halkaasoo ah meeshii ugu horreysay ee laga bartay in la aaso maydka dadka bani’aadamka ah.
Dunida aynu ku nool nahay guudkeeda, waxa Alle (SWT) ku abuuray makhluuqaad badan, haddii ay noqon lahayd barriga, biyaha iyo kuwa sammada haadaba.
Haddaba, marka aynu dib u halacsano qaar ka mid ah dhaqannadii Taariikhiga ahaa ee dunida ka jiray qarniyadii aynu soo dhaafnay, waxa caado u ahaan jirtay oo ay rumeysnaayeen in tukuhu yahay dhambaal sidaha geerida iyo inuu hadalkiisu uu ahaa waxyi uu Alle u soo dhiibay, isla markaana uu xidhiidh dhow la leeyahay geerida.
Haddii aynu tusaale u soo qaadano, sababihii dhaliyey caaddeysiga mushriknimadaas ay ahaayeen in aan la’aasin maydka labka, ka dibna la arki jiray nooc ka mid ah shinbirkaasi oo dul-haadaya maydad badan dushooda, ka dibna quudanaya.
Waxa kale oo ay rumeysnaayeen dadka haysta diinta budhismku in haddii la saaro jidhka qofka dhintay gurada sare macdabta ay ku cibaadaystaan (temples) uu qaadi doono shinbirkaas, ka dibna dib loo soo galin doono nolol cusub.
Waxa tariikhda lagu sheegaa in shinbirkaasi lagu quudiyey dad badan oo u dhintay cudurka daacuunka ee la yidhaahdo (Bubonic plague) kaasoo ka dilaacay wadamada yurubta galbeed qarnigii 13-aad ee la soo dhaafay.
Shimbirkii Ku Noolaa Beedka Shimbiraha
Sidoo kale, dadka ku nool wadama dalka Greek’guna waxay rumeysnaayeen inuu yahay guhaan, oo haddii uu soo dul fadhiisto guri ama geed u dhow, ka dibna uu ciyo saddex jeer uu ka dhiman jiray qof ka mid ah qoyskaas, laakiinse, haddii aanu ciyin, iskana duulana, aanay la kulmi jirin wax dhiilo ah ama dhibaato ahba qoyskaasi, waxaanay ku odhan jireen shinbirkaasi “Go on your way, and bring me good news.” taasoo macno ahaan noqonaysa “Dariiqaagaa haysoo, war wanaagsan noo sheeg” waxaanay markii danbe loogu magac dareen “Group of crows “ oo ahayd kalmad Greek ah, oo macnaheedu yahay “kooxdii dillaaga ahayd”.
Dhamaan shimbiruhu waxay leeyihiin xirfado iyo fikrado kala duwan, kuna salaysan hadba kala duwanaanshaha xaaladaha ku gadaaman ee jira, sidoo kalena ay jiraan kala duwanaansho dhinaca kartida, maskaxda iyo qaab-dhismeeka ay maskaxdu u sameysan tahay, haddana inkastoo aan la aqoon sida ay u eegyihiin maskaxaha shimbiraha naasleyda iyo shimbiraha kaleba, balse waxa ay qorayaashu ku doodaan aragtida ah awoodaha xaaladaha qaar ay u isticmaalaan kaydsiga cuntada, damqashada iyo awoodaha fikradaha macquulka ah ee isku-garashada muraayada.
Xirfadaha garasho ee shimbiraha naasleydu waxa ay qayb ka tahay maskaxaha loo yaqaano neocortex, shinbiraha aan lahayn qaab-dhismeedkaasi, laakiinse leh maskaxda maareynta hawlaha adag la yidhaa “ Pallium.
Haddaba nooc ka mid ah tukaha oo ay isku qoys yihiin waxa uu qadhaabtaa
kalluunka, khudaarta, midhaha geedaha, maska, caarada, beedka, cufka shimbiraha, cayayaanada, khashinka, raqda xayawaanka iyo wax kasta oo uu heli karo, kaasoo lagu qiyaaso inuu maalin kasta u doonta qadhaabkaasi masaafad u jirta illaa iyo 40 mayl.
Waxa hab-dhaqanka iyo dabeecada uu leeyahay lagu tilmaamaa mid dagaal badan, oo leh caqli badan, kaasoo mararka qaarkoodna leh muran iyo cayaar badan, lagamana yaabo inuu si fudud uu u illaawo codka uu maqlo, waxaanu leeyahay dhawaaqa laxamka jiibta ciyaaraha ee la yaabka badan ee ay ka mid ka yihiin qaybaha kala duwan ee ay leeyihiin luqadaha aadamuhu.
Noocan ka mid ah bahda shimbiraha ee la isku yidhaahdo Tukaha, waxa uu dhalaa kiisa dhadig afar illaa iyo shan beed sannadkiiba, beedkaas oo ku dilaaca muddo 18-maalmood ah, ka dibna, waxa ay quudisaa muddo 4- todobaad ah, waxaana lagu qiyaasaa inuu gaadho cimrigiisu in ka badan 16-sanno
Haddaba noocan oo ka mid ah qoysaska tukaha kaasoo loo yaqaano Jay ayaa ah mid ku nool beedka shinbiraha, isla-markaana ah mid xasarad badan oo baabiiya cufka hoyga shinbiruhu ay sameysteen, ka dibna tukayaasha kale waxa ay saaraan maxkamad cadaalad ah, taasoo lagu xukumo darajooyin kala duwan, kama danbeystana way dilaan.
Dulucda qormadeydan haddaan hoos ugu soo daadego, ma lihi cidbaa innaga noqotay shimbirkii Jay ee ku nool beedka shimbiraha, laakiinse waxaan odhan lahaa in dhug loo yeesho masuuliyiinta ku nool beedka shimbiraha.
Qoraa Dr. Maxamed Faarax Qoti
W, PH & Astrologist

Waxaan doonayaa inaan wax yar ka hadlo intii ilahey iga waafajiyo aadaabta iyo dadka ku dhaqma iyo dadka aan adaabta aqoon dhibka ay naftooda ku hayaa iyo tan mujtamaca ay la noolyihiin, tusaale ahaan qofka fadhiya meelaha derbida ah isaga oo aan wax dan ah laheyn camal, waa arin laga fiican yahay waxaana loo baahan yahay in labvarto adaabta loo noolaado iyo midda dadka lagula dhaqmo si ay kuugu suurto gasho nolosha caadiga ah.
Waxaa wax aad looga xumaado ah in dad badan aysan weli ku baraarug saneyn in nadaafada iyo adaabtu ay isku xiran yihiin nadaafaduna waa qeyb ka mid ah Islaamnimada. Sidaa daraadeed waxaan kula talinayaa dadka aan isku luuqda ku hadleyno inay ka waan toobaan in ay adaab la,aan ku sifoobaan, oo ay iska daadaayn derbiyo fariisiga, xaakada jidadka lagu tufayo iyo ag istaagida laba qof oo sheekeysanaya iyo in wada dhexdeeda dhexda la isku qabsado ama lagu sheekeyso meesha ay dadku marayaan iyo kuwo kale oo badan oo lamid ah.
Arintaa waxaa lagu arkay meelo badan oo aan ku badanahay marka aan is aruurino oo aan noqono dad u qalma in lasoo dhoweeyo maadaama aan ku nool nahay wadamo badan oo aan qaxooti ahaan ku galnay.
Sidoo kale waa in aan ogaanaa qiima ay Diinta Islaamku siisay nadaafada iyo adaabta laga rabo qofka muslimka ah,waa inaad barataa oo aad isku daydaa inaad naftaada ku dabaqdid.
Bal kawaran qaabadarada qofka ku hindhisa dad badan oo saxiibadiis ah oo ay wada cunteynayaan ama ay wax isla baranayaan isaga oo aan sanka maro ama gacanta iskaga dhigin. Maxaad u maleyn kartaa in ay sxbadiis dareemayaan?
W/Q/: Daahir Maxamed.

Aqoontu waa marka qofku uu barto wax uusan horay u aqoonin, waxaaan loo qeybiyaa labo qeybood oo kale ah. Aqoon laga barto waayaha iyo cimriga kaas oo ah cilmi dhegood ama noloshu ay ku bartay iyo mid aad ka baratay Macalin ama Professor taas oo ah midda ugu fiican marka lagu daro waayo aragnimo aqoontaasi aadbay u anfacaa qofka.
Waxbarashu waxaa ay kaa qaadeysaa hoos waxaa ay kuu qaadeysa kor ama dabaqada sare waxayna kuu suuro gelineysaa in aad heshid nolol wanagsan oo qiimo leh oo ka duwan tan uu ku nool yahay qofka aan waxba garaneynin ama iska xoogsattada ha.
Waxaa intaasi dheer aqoonta labaranayo oo ah mid aad u kala duwan waxaa ugu waa weyn waa labo qeybood oo kale ah aqoon ku saabsan aduunka iyo sida loogu noolaado iyo mid la xariirta qofka aakhiradiisa taas oo ah tan ugu mihiimsan. Tacliinta ugu horeysa ee laga doonayo qofka Muslim aka waxaa ugu horeeya koow in uu barto marka hore Diinta Islaamka ugu yaraan tan asaasiga ah sida Salaada, Soomka, Xajka, Zakada,Jihaadka iyo dhamaan inta kale ee aan cibaada looga maarmin, markaas kedib waxaa uu qofku baranayaa wixii kale oo la xariira aduunyadiisa.
Waxaan sidoo kale laga rabaa qofka Muslimka ah in uu Qur,aanka barto oo uu ku dhaqmo si ilaahey ugu fududeeyo wax kastaee uu doonayo aduunka iyo aakhiraba, waana aqoonta ugu fiican ee uu barto qofka Muslimka ah.
Sidoo kale hamoogaan aqoontaada aduun oo hanoqonin qof wixii uu ubaahdaba qof kale ugu yeerta ee ugu yaraan wax uu ka baro farsamada aduunka midda aad isleedaahay waa ku anfici doontaa, balse xasuuso Allah SWT wax kasta oo aad sameyneysid si uu Allah kuugu gar gaaro oo uu kuu gaarsiiyo meel sare oo ah meel aan laga dhimaneyn iskana ilaali in aad ku caasisid oo aad Shaydaan raacdid, waayo dadka raaca meel xun iyo naar ayuu u horkacayaa.
Ilaahey hanoo naxariisto. Aam
W/Q: Daahir

Tuesday, 6 June 2017
Hal ku dhigyadii deeleyda
Deelley waxay ahayd silsilad-sugaaneed caan baxday oo ka bilaabmatay gudaha waddanka somaliyeed, taariikh ahaanna waxay aloosantay sannadkii 1979-kii.
Waa silsilad laga warqabo mahadhadii iyo halgankii ay horseeday,waxaana ka qayb

duruufaha aduunka
"duruufaha kugu hurdaa, Awood hinjisay rabaan." weedhsame.Haddii aad ruma
ysan karto iyo haddii kaleba, maalin kasta oo kusoo martaa waxa ay soo yareysaa masaafada idiin dhaxaysa adiga iyo himiladaada.

Monday, 5 June 2017
Sunday, 4 June 2017
Maansadii "Addoon'nimo".Waxa tiriyey Abwaan,Maxamed Shugri Jaamac.
Runtii gabayaagu ama hal abuurku, inta badan waxa uu aragtidiisa ku cabiraa ,dad waynahana ugu soo gudbiyaa ,suugaan isaga oo markaasi tilmaamaaya dhaliil iyo qalooc markaasu u muuqday .
Abwaan Maxamed Shugri Jaamac, waxa uu maansadan kaga hadlayaa ,qiimaha uu Aadmigu leeyaay marka uu si sax ah u ogolaado Adoonimada Rabbigiis.
Waxa uu ku bilaabay:
Addoon'nimadu waa qiimuhu
Aadmi leeyahay'e.
Waa ujeedka noloshiisa gebi
Loo agaasimaye.
Waa abuurka nuxurkiisa bilan
Loo abqaalbidaye.
Waa idlaadka meeshay murtidu
Aabiyoow tahaye.
Waa xil aan nin oofsadey la arag
Lagana eegeyne!
Ninka ood ku tuuraa majeer
Lagu ekeeyaaye.
Hayeeshee ninkii aad u gaba
Umalku weeyaane.
Eber iyo madoorshay tixdani
Awra leedahaye.
Uubatada baxaysay rabtaa
Iney ajiibaane.
Asaagiin halkuu sahandey
Eega leedahaye.
Ambaqaad kalay dhawraysaa
Iney aflaxaane.
Istiqfaarka waxa laga helaa
Aawey faraweyne.
Ambiilbaa ka furan buu duliga
Eebe leeyahaye.
Orod iyo dedaalbay Hurrow
Oogso leedahaye.
Awaaraha ka toosbay Hurdaw
Kugu amreysaa.
Iftiinkacusub.com

Waa baa waxaa la yiri, waxaa hayaantay dagmo reer guuraa ahayd, iyadoo u roob-raacday dagallo roobsaday. Jiidaashii dheerayd ee ay ku yeelnayd baa waxaa ku habaabay labo doqon oo degmada ka tirsanaa, waxayna ku ambadeen dhul omosoore ah. Waxay hadba dhinac foolka saaraanba, way dhanqalmeen kadibna waxay ku hoos dhaceen geed harkiis.
Saturday, 3 June 2017
Jasiirada ama qaarada cidhifka waqooyi ee dunida ku taala (Greenland), oo ah mid sanadka intiisa ugu badan baraf ku fadhiyo, ayaa wakhtigan xagaaga ah ee bisha Ramadaan ku soo beegantay saacadaha soonku ku dheeraaday, waxaanay noqonaysaa meesha wakhtiga ugu badan laga soomayo.
Jasiiradaas oo maamul ahaan hoos timaada dalka Denmark, laakiin leh maamul hoosaad awood

Haweenay Fikiraysa.
Haweenay akhriska iyo qoraalka ku wanaagsan oo u dhalatay dalka India ayaa waxa ay ka hadashay dabeecadaheeda wax-akhriska la xidhiidha. Waxa ay tidhi: “Haddii uu qof iga codsado in aan kula taliyo buug fiican oo uu akhriyo waxaan dareemaa mas’uuliyad weyn. Waxa ay arrintaasi u eg tahay sida qof iga codsaday in aan kala taliyo qofkii uu jeclaan lahaa oo kale”.

Ma naftaan hafarnaa?
Qof kasta oo fayoobi wax baa uu garanayaa. Waxa uu fikir kasta oo waxtar leh ka sooci karaa mid kasta oo gurracan. Sidoo kale siyaasiga waddaniga ah iyo ka danaystaha ah ayaa uu kala saari karaa, oo isagama khaldami karaan. Wax kasta oo garasho uga baahan waa uu garan karaa, arrin kasta oo qiimeyn mudanna sideeda ayaa uu u qiimeyn karaa, oo miisaanka ayaa uu saari karaa.
Dadka badankoodu aragti ayey wax ku qiimeeyaan oo arrinkoodu waxa weeyi “isha ayaa macallin ah.” Fikradaha waxa ay ku qancaan marka uu qofka wataa ula yimaaddo ee uu u sheego, siyaasigana waxa ay taageeraan marka ay isaga oo hadlaya arkaan ama ay qalabka warfaafinta ee maqalka iyo muuqaalka faafiya ka daawadaan isaga oo waraysi bixinaya ama warbixin akhriyaya. Arrinku markaa dhag weeyaan. Waa nafta khayr u sheeg oo hore u soco. Haddii ay dadku sidaas wax u qiimeeyaan in ay indho-ku-garaadlayaal yihiin ayaa markaaba la garanayaa.
Qoraa la yidhaahdo Rional Ruby ayaa buug uu qoray oo la yidhaa “The Art of Making Sense” ku soo qaatay aragti uu ka soo xigtay nin Filasoof ahaa oo qarnigii 17-aad noolaa. Aragtidaasi waxa ay sheegaysaa in uu dadku garashada ka siman yahay oo uu qof kastaaba garasho fiican leeyahay. Xagga aqoonta iyo shahaadooyinka in lagaga horreeyo qofku waa uu oggolaan karaa. Laakiin garashada arrimaha caadiga ah lagu garto sida xaqiiqada iyo siyaasadda, tusaale ahaan, qofna aqbali maayo in uu ku liito oo lagaga fiican yahay. Sababtu waa in uu qof kastaaba qabo, sida uu qoraagu sheegayo, in uu garasho fiican leeyahay.
Haddaba in uu qofku si kalsooni leh u aammino in uu garasho fiican leeyahay caddayn may u noqon kartaa in ay garashada qofkaasi tahay mid sarraysa? Maskaxda iyo sida wax loo garto (fahamka) labadaba waa lagu kala duwan yahay, oo dadka qaar baa hore wax u garta oo macnaha markaaba hela, qaarna waqti ay wax ku rogrogaan ayey u baahdaan. Si degdeg ah wax ha u gartaan ama waqti ha u baahdaane, arrimaha caadiga ah ee nolosha la xidhiidha marka ay arrintu joogto waxa ugu weyn ee dadka kala duwaa waa fikirka. Rional Ruby arrinta fikirka waa uu faahfaahiyey, waxanu bixiyey tusaalayaal iyo qodobbo waxtar leh oo aynaan halkan ku wada sheegi karayn. Tusaalayaashaas iyo qodobbadaasi qofka maskax cusub u noqon maayaan, hase ahaato ee garashadiisa iyo doodihiisa ayey xoojin karaan, oo sida uu yahay waxa uu uga gudbi karaa si dhaanta.
Niman kale oo arrintaa ka hadlay ayaa iyaguna sheegay in ay dadku u baahan yihiin waxa loo yaqaanno “Fikirka degdegga ah” (Quick thinking) oo ay sheegeen in uu yahay wax wax laga baran karo haddii lagu dadaalo. Waxay sheegeen in loo baahan yahay sida qofka macdanta soo saaraa uu ciidda iyo dhagxaanta faraha badan uga dhex garto cadka yar ee macdanta ah si la mid ah in uu qof kastaaba u garto nuxurka yar ee ku jira hadallada, waayo hadallada dhaadheer iyo qoraallada faraha badan ee aynu aragno boqolkiiba labaatan (20%) uun baa muhiim ah, inta kale waa wax aan sii ridnayn oo meelo banbannaan lagu buuxiyo ama inta muhiimka ah la iska raaciyo.
Haddaba innaga arrimahaa fikirka iyo garashada xeesha dheer u baahani ha inoo danbeeyaane, waxyaalaha waaweyn ee nolosheenna taabanaya ee sida cadceedda inoogu muuqda in aynu caqli u adeegsanno oo aanay caaddifadi ina hagin ma la inaga helayaa? Haddii aynu u fiirsanno dhaqdhaqaaqyadii ay tobankii sano ee u danbeeyey madaxdeennu samaysay waxtar muuqda oo nolosha dadkeenna caadiga ah wax ku kordhiyey oo ka soo baxay waa uu yar yahay. Sidii baa looga cabanayaa biyo la’aan. Sidii baa looga cabanayaa shaqo la’aan iyo tahriib. Sidii baa tayada waxbarashada looga dayrinayaa, sidii baana adeegyada dawladda loo dhalliilaa.
Ma aha in aynu nafaheenna hafarno oo aynu u dhaqanno sida dad ay wax waliba u dhan yihiin oo barwaaqoobay iyada oo ay baahiyaheennu ciidda ka badan yihiin. Xalkeennuna kuma jiro sidii uu Hadraawi sheegay hebel kursiga ka kici oo hebel ku beddel. Xalkeennu, madax iyo mijaba, waxa uu ku jiraa in aynu dad wanaagsan noqonno! Waxa uu ku jiraa sida aynu hadda u shaqayno iyo sida aynu wax u qiimeyno labadaba in aynu wax ka beddelno oo aynu dad xisaabtamaya noqonno. Haddii aynu sidaas yeelno waxa aynu noqonaynaa dad wanaagsan oo hir doog leh ku socda.
Nin baa maalin u yimid Saynisyahankii caanka ahaa ee Blaise Pascal, dabadeedna waxa uu ku yidhi: “Haddii aan maskaxdaada oo kale yeelan lahaa, nin wanaagsan baan noqon lahaa.” Pascal ninkii waxa uu hadal ugu soo koobay: “Nin fiican noqo, dabadeedna maskaxdayda oo kale ayaa aad yeelan doontaa”.
W/Q. Axmed Iid Aadan

Friday, 2 June 2017
Bukhari ayaa Abuu Hureyra ka wariyay in uu yiri: Rasuulku (scw) wuxuu yiri: (Muuse wuxuu ahaa nin xishood iyo is astur badan oo aan jirkiisa waxba ka muuqan xishood darti, markaasay dhibeen qaar reer Banii Israa’iil ah oo waxay dheheen: wax kale isu asturi maayo ee maqaarka ayuu ceeb ku leeyahay: baras ama sheelo ama aafo kale.
Bukhaari ayaa Abuu Hurayra ka wariyay in uu yiri: Nabigu (SCW) wuxuu yiri: (Ibraahiim ayaa haajiray isaga oo wata xaaskiisii Saara, wuxuu la soo galay magaalo uu haysto boqor boqorada ka mid ah ama jabbaar jabbaarada ka mid ah, markaasaa lagu yiri: waxaa soo galay Ibraahiim oo wata haween dumarka kuwa ugu qurxoon ka mid ah, markaas ayuu u cid diray oo ku yiri: Ibraahiimoow tan kula socota waa ayo?.
Rasuulka (SCW) ayaa ku soo degay nin reer miyi ah, markaas ayuu karaameeyay.
Markaas ayuu Nabigu (SCW) ku yiri: (ninka reer miyiyoow i weydiiso dantaada).
Markaas ayuu yiri laba jeer: Rasuulka Alloow: hal reeryaysan iyo riyo reeruhu ii maalaan. Markaas ayaa Rasuulku (SCW) ku yiri: ( war ma kari weyday in aad noqotid habartii reer Banii Israa’iil oo kale?).

Thursday, 1 June 2017
Maxaa kala qabsaday Libaaxa iyo Saxaabada Rasuulk
Qisadii Safiina Mowla Rasuul Allah:Safiina wuxuu ahaa adoon ay leedahay Umu-Salama (I.R.H), kadibna way xoreysay oo waxay ku sardiday inuu u adeego nabiga (scw). Safiina wuxuu noqday shaqaalaha nabiga, ee marba wixii uu nabigu u baahdo u keena, sida waysada, kabaha, go’a iwm.
Safiina wuxuu yidhi: magacan Safiina waxa ii bixiyey nabiga (scw), oo maalin ayaa nabiga iyo saxaabadiisu ay baxeen kadibna alaabtii ayaa ku cuslaatya kolkaasbuu igu dhahay: “kala bixi go’aaga” kadibna waan kala bixiyey oo waxa lagu riday alaabtii, markaasu igu dhahay: “xanbaar adigu waxaad tahay Safiina (markab)”, wuxuu yidhi Safiina: hadaan maalintaa qaadi lahaa alaabta la saaro laba halaad ama shan halaad ama lix halaadba waan qaadi kari lahaa.
Safiina waxa kale oo yidhi: Anigoo ku safraya doon ayey doontii xumaatay oo ay dagtay, markaasaan qabsaday loox oon ku dabaashay, kadibna waxaan kusoo caaryey meel kayn ah oo Libaaxyo joogaan, markaasaa libaaxii iga soo horbaxay, markaasaan ku dhahay: “Libaaxow, anigu waxaan ah Safiina mowlihii Rasuulka, markaasuu Libaaxii madaxiisa uu ruxay, isagoo i difaacaya wuxuuna igu soo hagay oo i keenay wadadii aan rabay, kadibna intuu hamham leeyey ayuu dhaqaajieyey, waxaana aqoonsaday inuu i sagootinaayey. [1]
Qisadii Haashim ibnu Cutbah ibnu Waqaas, Al-Mirqaal:
Haashim ibnu Cutbah wuxuu ahaa taabiciintii waaweynayd walow ay jirto riwaayooyinka qaar sheegaya inuu ahaa saxaabi oo uu islaamay xilligii Makkah la furtay. Haashim waxa adeer u ahaa saxaabigii waynaa ee Sacad ibnu Waqaas, waxayna xaga hooyada ka walaalo ahaayeen Muscab ibnu Cumayr. Haashim wuxuu ahaa geesi muslim ah oo aan cidi loodin karin, wuxuu ka qaybgaay dagaalkii Yarmuuk, halkaas oo uu ku waayey mid kamid ah ishiisa.
Macrakadii Qaadisya ee Sacad ibnu Abuwaqaas hogaaminayey ciidamada muslimiintana wuxuu ahaa ragii madaxda ahaa, ee wacdaraha la yaabka leh ka gaystay halkaas. Duulaankii Jalowlaa ee loo yaqaano fatxu al-futuux ee lagu furtay magaalooyinka Madaa’in ee caasimada u ahayd boqorkii Yazdajar, waxa hogaaminayey Haashim ibnu Cutbah.

Maalinba maalinta ka danbaysa waxa isasoo taraya mucjisooyinka uu kawarramay nabigeena Muxamed (scw), bal aynu dheehano maanatan mucjisada ku saabsan dhulka Carabtu dagto ee saxaraha ah oo isu badalaya dhul wabiyayaal badan leh iyo beero waaeyn. Sida kusoo aroorta Xadiiska saxiixa ah ee Imaam Muslim soo saaray wuxuu dhahay:
عن أبي هريرة أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال لا تقوم الساعة حتى يكثر المال ويفيض حتى يخرج الرجل بزكاة ماله فلا يجد أحدا يقبلها منه وحتى تعود أرض العرب مروجا وأنهارا.
“Aba hurayra waxa laga wariyey inuu Rasuulka (scw) ka wariyey inuu dhahay: “Saacada Qayaame dhici mayso illamaa xooluhu ka bataan oo ay fidaan, iyo illamaa ninku uu la baxo Zakadiisa oo uu waayo cid ka qaadataba, iyo illamaa shulka Carbeed kusoo laabto beero iyo wabiyayaal” [Muslim: 1681]
Xadiiska wuxuu tilmaamayaa in dhulka carbeed uu kusoo laabanayo dhul leh beero waaweyn iyo wabiyayaalba, waxa xadiiskan ku jira laba mucjiso:
Marka hore wuxuu nabigu dhahay kusoo laabto dhulka carabtu beero iyo wabiyayaal, taas oo macnaheedu tahay in dhulkaas saxaraha ah iminka ay waagii hore ahaan jirtay dhul biyo iyo baadba leh. Balse sanado badan kadib ay isu badashay dhulkaasi dhul saxare ah, oo lama dagaan ah. Tusaale ahaan dhulka ay Soomaalidu degto waagii hore mudo laga joogo konton sanadood kahor wuxuu ahaa dhul cagaaran oo ay duurto joogto, hase ahaatee cimilada sii kululaanaysa iyo dhibaatooyinka deegaanka ayaa ku kallifay inuu dhulkaasi isu badalo mid saxare lamood ah, hadii aan lays daba qabanina wuxuu isu badalayaa saxare boqolkiiba boqol ah. Arrintaas uu nabigu (scw) ka warramay waxa la ogaaday dhowaanahan kadib markii la arkay wabiyayaal hoos qulqula saxaraha dhulka carbeed, sidoo kalena la helay raadadkii xayawaanada duurjoogta sida Maroodiga, Jeerta, Fardo badeedka, Yaxaasyada, kuwaas oo aynu naqaano inay had iyo jeeraale ku noolyihiin dhulka wabiyada leh. SubxaanAllah, arrintaasi way xaqiiqowday oo culumada Geologis ka ayaa isla qaatay, waana mucjiso kamid ah mucjisooyinka nabigeena suuban (scw).
Wuxuu nabigu dhahay dhulka Carabta ayaa kusoo laabanaya mid leh beero iyo wabiyayaal, taasina waa mucjiso kale oo culumada ku takhasusay cimilada waxay leeyihiin: Arrintaasi waa xaqiiqo cilmi ah oo meel la
ga maraa aanay jirin, sababtuna waa cimilada Aduunka oo isbadalaysa kana yeelaysa dhulkaasi inuu helo biyo badan, wabiyayaal burqanaya iyo beero waaweyn oo cagaaran. SubxaanAllah, tanina waa mucjisada kale ee nabigeenu inooga warramay 1400 oo sanadood kahor.
Xigasho Gaaldiid.

Qurux baddanidaa marka aannad qayilin ! W/Q Mohammed Musse Tiyo
Tiiyo Waagu markuu dilaaco ayuu isna hiirta baraarugaa , isla markuu baraarugaba ma tooso ee qadar ayuu dul fikiraa gogashii xalay u sanqadhaysay asagoo firfircoon ayuu musqusha gala . waa uu soo waysaystaa waana uu tukadaa ilayn waa saladii ugu horaysay maalintaasi waana salaada labaad ee uu tukado inta karaankiisa ah istaaqfurulaha .
Markasaad quruxdiisa aad moodaa arday inta hooyo toosisay quraacdiina u dhigtay dirayskii oo kaawiyadaysana xidhay burcadna ku subkaday markaad barqadii la kulanto waxa la moodaa maamule goob wax barasho jooga.
Soo dhawaynta uu kuu samaynaayo iyo laab furnaanta uu kugu qaabilaayo wax kale kuma garatide hogaamiye doonaaya in loo codeeyo oo la doorto ayaad moodaa . waa kaftanyahan aad u furfuran marmarna kula farka ciyaaraaya sidii dhalaan sabiya sheekada waxaad u malaynaysaa awoow kaaga sheekaynaaya dhalin-yaranimadiisii mararka qaar waxa uu akhrinayaa wararka daafaha dunida ka imanaaya mararka qaarkood isaga oon ku badnayn buugaata taariikhda ayuu indhaha mariyaa markaasu sidii nin cilmigan dhiga kaaga sheekaynayaa taariikhdii uu maanta indhaha marinaayay markaasaad yaab iyo fajac shanta iyo dhabanka isla doonataa markaasaad hoosta ka odhanaysa waar kanoo kale haduu jaamacad dhigan lahaa dalkaba isagaa qabsan lahaa
Wax qabadkiisu waa boqolkiba boqol iyo waliba dheeraad siduu isu laba rogaayo dagdagsiimada ayaa kaaga daran markuu dantiisa leeyahay ayaad ka yaabaysaa sida fudud ee uu u dhamaysanaayo hawshiisa .marka uu qof xanuusanaaya ama u baahan in meel la geeyo uu arko looma sheegu inuu isagu kaxeeyo ee isla markiiba waa uu fahmaa indheer garadnimadiisa waxa ka yaaba qofkan u baahan markaasu qofkii bogsadaa .hawlihiisa korkaasuu kala socdaa kormeerkiisana shaqaalaha ayaa ku faraxsan .dhiiri galintiisa iyo wax sheegiisu waxa uu u noqday mid halhays u ah shaqaalaha wixii hawshiisa ka awood badatana markaaba waxa uu la xidhiidhsiyaa qolyaha ka saraysa .oo uu si degdega ugu sheego markaasay si dhekhso leh ugu yimaadaan loona xaliyaa hawshaasi soo korodhay .iyadoo sidaasi ay tahay ayuunbay duhurkii gaadhaa ala naxdin waynaa !
Alla wanaagsanaa markaanu qayilin oo qurux badanaa markaanu bahalka baas taaban, oo kaalay miyuu qayilaa kan aad maanta oo dhan aad noo amaanaysay? maxaad ahayd kaagan noo amaanaaya geedkii inta caqliga fayoobi ay diideen ee umadii ilma aadan qaaq kaga siiyay waar maxaad ahayd bal iskaaya bar
Adeer iga sug bal ha igu boodin sidee hablaha yaryare
Duhurkii ayay gaadhaa markaasuu qadeeyaa fadhigana loogu keenaa qadada intaasi ka dib .waxa uu sii laban-laabaa shaqadii alla miyuu sidaasi ku wado oo gabalku ugu dhaco , dee muxuu sameeyaa waadigan leh miyuu sidaasi gabalku ugu dhaco e ? alle aqliga kaama qaadee ma ninka sidaasi u fiican ee shaqadiisi ka soo baxay ayaad leedahay muxuu sameeyaa ? mayee dee sawdigan sheekadii xumeeyay ee qaad iyo wax aanu nacebnahay ku soo daray sheekada inaga badal niyow !
Waar waxba kaa badali maynee ilayn lacag kaama sii naynee dhagayso uun .haye bal wad !!!!
Inyar ka dib ayuu fadhiistaa xafiiskiisa dabadeeto mid ka mid ah shaqaalaha oo uu u tarbiyeeyay inuu u soo iibiyo qaadka ayaa uu u yeedhaa markaasuu lacagtii u dhiibaa isagoo leh waxaad ii soo iibisaa (dabo-musbaarkii) shalay uu macaanaaye macaankaba kala dhac show marbuu qadhaadhku macaan dhalaa haye ayuu ku yidhaahdaa markuu inankii shaqaalaha sidaasi u dhaqaaqo ayuu hadana mar labaad u dhawaaqaa isagoo leh hebelow markuu u yimaado ayuu ku yidhaahdaa intaasina sigaar soo sii intaasina biyo ku soo iibi inankii oo cagaha dhulka jiidaya ayaa baxa . oo kaalay muxuu cagaha la jiidayaa miyaanu shaqaale ahayn ? dee mayee waa shaqaale wanaagsan oo waliba waa inamada ay iskugu dhawyihiin marka uu waagu baryo , oo hadaa imika maxaa ku dhacay ? dee waxa uu ogyahay waxa ka dabeeya iyo dhibta dhici doonta .oo maxaa dhacaaya eed sheegaysaa? Niyow kaagan yar ee wax akhriyaaya su’aal badanidaa miyaanan kun jeer ku odhan adigu na dhagayso uun !
Inankii ayaa imanaaya isagoo intii loo dirayba sida markaasu ku odhanayaa mudane maad iska dayni cunistiisa markaasu ugu jawaabayaa jawaab u sii diyaarsan oo maalin walba uu ugu jawaabo markuu inanka shaqaalihii ku yidhaahdo iska daa cunista qaadka , oo niyow jawaabtaasi maxay ahayd ? ahaaa’a waar yaahee kaagan yar ee wax akhriyayaa waxa kale ayaad u jeedaadee
Sida caadiga ah uma qayilo macawista iyo garanka lagu nafisaayo midna ma xidho, meesha uu fadhiisanayaana ma aha meelihii lagu tiirinaayay dhabarka sida birkimooyin qaar lagu tiirsado iyo qaar la jiqilaysto toona ee meesha uu ku raamsanaayo caleentan qoyan ee dooga u eeg istaaqfurulaha doogna ma ahee yaanan dooga xoolu cunaan ee faa’idada leh iska caayine
Waa xafiiskiisii iyo qolkuu wax ka maamulaayay isogoo aan fadhiyin oo sara joogin ayuu raamsanayaa caleentaasi suunkana iskam dabciyo oo dee waa waxa colool is taaga ugu wacan .mar alaale markuu caleentaasi gawska la helo ayaa ugu dambaysa shakhsiyadiisii wanaagsanayd ee uu aroornimadii la soo toosay markaasuu galayaa mawjadii waalida iyo miyir qabka u dhaxaysay hiiftan iyo hagar-daamo uu kula kaco inta u dhaw iyo shaqaalaha inta joogta huruuf iyo higaatan cadho iyo ciil aan la garanaynin meel uu ka haysto culays saa’ida iyo cawaandad aan meelba haysan ayuu bilaabaa markaasu kala xaraashaa inta u martida ah iyo inta booqashada ugu timidba karhaa oo uu kulayliyaa inta wax waydiisa waxaasoo dhan waxa ka daran isagoo doonaaya inuu ku dirsado ayuu ku habaarayaa sidii islaan asaasaqday isagoo leh “bacdaa fudud ii soo qabo fanto ku dishaye “ beenta ayuu kaga daray iyo baraarug la’aanta isagoon cag dhaqaajinayn ayuu iska dhigaa wax dhisaaya dabaqyo dhaadheer
Haduu sida raga wax u cunaayee markaasuu ilka hore ku calalinayaa qaadka markaad aragto ayaad is odhanaysaa talow muu ilko laayahay khaakhaduu tufayo ayaa ugu daran iyo biyaha inta uu ku luqluqdo uu ku saydhinaayo caagad yar oo ta biyaha lagu qaato oo kale ah oo uu moodaayo inuu bulaacadii raaciyay calyada
Inta usoo gasha waxaa ay la kulmaan naf meel ay ka baxday wayday oo canaan kula dul dhacaysa adigoon soo gaadhinba ,Salaadi way ku daysay waxa ugu dambaynaysa ta duhur oo uu karahsanayay waliba markuu tukanaayo isagoo hamuun u qaba waalidiisaasi yarad ayuu tukaddaa Saddexda salaadood ee kale uma xisaabsana laga reebo salaada subax iyo ta duhur hadii aad soo ag fadhiisatid ood is tidhaahdo wax waydii indhaha iyo afkaba waa kaala baxayaa isagoo ilkaha kaa daadin

Subscribe to:
Posts (Atom)
-
Maxay af-Soomaali ku noqoyaan magacyada bilaha, iyo maalmaha? Imisa qaybood ayey maalintu ka koobantahay? Xilliyadana magacood? Dad badan ba...
-
Qofkasta oo Facbook lihi ,ha ogaado in Facbookisu uu yahay meesha kaliya ee lagu ogaado lagana qiimeeyo ,qofka aqoontisa, garashadiisa iyo...
-
Dhafarka iyo hurdo la'aanta waxaa laga dhaxlaa dhibaatooyin badan oo kala duwan. Maadaama caalamku is badalay oo habeenkii iyo maalintii...