Wednesday, 7 June 2017

Waxaan  doonayaa inaan  wax yar ka hadlo  intii ilahey  iga  waafajiyo aadaabta iyo  dadka ku dhaqma iyo  dadka aan adaabta aqoon dhibka ay naftooda ku hayaa iyo tan mujtamaca ay la noolyihiin, tusaale ahaan qofka fadhiya meelaha derbida ah  isaga oo aan wax dan ah  laheyn camal, waa  arin laga  fiican yahay   waxaana loo baahan yahay  in  labvarto adaabta  loo noolaado iyo  midda  dadka lagula  dhaqmo   si ay  kuugu  suurto  gasho nolosha caadiga ah.
Waxaa wax aad looga  xumaado ah in dad badan aysan weli ku baraarug saneyn  in nadaafada iyo adaabtu ay isku xiran yihiin nadaafaduna waa  qeyb ka mid ah   Islaamnimada. Sidaa daraadeed waxaan  kula  talinayaa dadka aan isku luuqda ku hadleyno inay  ka waan toobaan in ay adaab la,aan ku sifoobaan, oo ay iska  daadaayn derbiyo fariisiga, xaakada jidadka lagu tufayo iyo ag istaagida  laba  qof oo  sheekeysanaya iyo in wada dhexdeeda dhexda la isku qabsado ama lagu sheekeyso meesha ay dadku marayaan iyo kuwo kale oo badan oo lamid ah.
Arintaa waxaa lagu arkay meelo badan oo aan ku badanahay marka aan is aruurino oo aan  noqono dad u qalma in lasoo dhoweeyo maadaama aan  ku nool nahay  wadamo badan oo aan  qaxooti ahaan ku galnay.
Sidoo kale  waa in aan  ogaanaa  qiima ay  Diinta Islaamku siisay nadaafada iyo adaabta  laga rabo qofka  muslimka ah,waa inaad barataa oo aad  isku daydaa inaad naftaada ku  dabaqdid.
Bal kawaran qaabadarada  qofka ku hindhisa dad badan oo saxiibadiis ah oo ay wada  cunteynayaan ama ay wax isla baranayaan  isaga  oo aan  sanka maro ama  gacanta iskaga  dhigin. Maxaad u maleyn kartaa in ay sxbadiis  dareemayaan?
W/Q/: Daahir Maxamed.