Wednesday, 30 August 2017

Shirkadda flydubai oo go'aan kasoo saartay dhacdadii Garoonka Cigaar Hargaysa.
Shirkadda flydubai ee duulimaadyada ku timaada garoonka Cigaal ee Hargeysa ayaa ka hadashay dhacdo jimcihii toddobaadkan ka dhacday madaarka Hargeysa  oo diyaaradda lagaga reebay gabadh reer Somaliland ah oo Ingiriiska ku sii jeeday taas oo sababtay muran iyo doodo badan.
Warsaxaafadeed ay shirkadu soo saartay waxay ku sheegtay in ahmiyada koowaad ee shirkadu tahay badbaadada rakaabka iyo shaqaalahooda, waxaanay sheegtay shirkadu in haweenayda rakaabka ahayd diiday kursi bedeladaad ah oo ay shaqaalaha diyaaradu siiyeen. Qoraalka oo ciwaan looga dhigay “Badbaadada rakaabkayaga iyo shaqaalahayaga ayaa ahmiyada koowaad ah, waxaanan rajaynaynaa in shaqaalaha iyo rakaabka loola dhaqmo si ixtiraam leh.” ayaa wuxuu u dhignaa sidan “Waanu ka war qabnaa qaska duulimaadkii flydubai ee numberkiisu ahaa  FZ 662 ee 25 August ee ahaa Hargeysa—Dubai.
Rakaabku wuxuu diiday bedelaadii kuraasida ee ay shaqaalahayaga tababarani u soo bandhigeen, Intaas ka bacdi may sii wadan duulimaadkeedii ahaa Dubai. Waxaanu ka raaligelinaynaa rakaabkii duulimaadkaas saarnaa wixii si aan ku tallo galay ahayn u dhacay ee sababay dib u dhaca.
Waxaanu ku samaynaynaa baadhis dheeraad ah dhammaan dhinacyada ay khusayso oo dhan.”
Shirkadu waxay qoraalkeeda ku sheegtay in duulimaadka diyaaradaas uu dib u dhac  ku yimid saacad iyo 39 soddon sikin.
Geesta kale gabadh lagu magacaabo Sally Saleh oo ka mid ah shaqaalaha diyaaradda flydubai ayaa qoraal ay soo dhigtay barta ay ku leedahay facebook, waxay kaga hadashay dhacdadaas. Gabadhan oo u muuqata inay ka mid ahayd shaqaalihii diyaaradda maalintaas la socday, ayaa waxay ay qoraalkeeda ku tidhi “Qof ilmo yar wata ayaa fadhiistay kursiga ku beegan kadinka xaaladaha degdegga ah loo isticmaalo ee baalka dushiisa. Sababo la xidhiidha bad-baadada rakaabka awgoodna lama ogola in hooyo ilmo yar sidata ama carruuri ay halkaas fadhiistaan. Haddii aanay doonayn (Rakaabku) in ay raacaan halbeegyada badbaadada, duulimaadku waxa uu xaq u leeyahay in uu diyaaradda ka dejiyo qof kasta oo diida in uu raaco badbaadada.”

Sunday, 27 August 2017

Todoba Waxyaabood Iska Ilaali Cuntada Kadib.
Waxaa jira Todoba arrimood oo aan habboonayn inaad sameyso kadib markaad wax cuntid.  Waxyabaasi waa qaar keeni kara caafimaad darro haddii aad sameyso wax yar kadib cuntada gaar ahaan xilliyada cuntada culus (sida quraacda, qadada ama cashada).
Ha cabbin SHAAH cutada kadib. Maxaa yeelay? Shaahu wuxu leeyahay Aysidh (acidic). Markaa haddii shaaha la cabbo cuntada dabadeed, waxaa dhacda in Borotiinka (proteins) aynu quudanno uu ku dhib ku noqdo dheefshiidka, waayo Borotiinka ayaa noqda mid qallafsan oo adag. Sida awgeed waxa wacan in ugu yaraan saacad cuntada kadib shaaha la cabbo.
Ha cunin khudaarta/midhaha (fruits) isla marka aad cuntayso kadib. Dhakhaatiirtu waxay dadka kula dardaarmaan inay khudaarta cunaan, waxayse had iyo jeer iloobaan in ay u sheegaan oo talada ay u raaciyaan waxyeelada caafimaad ee ay leedahay haddii cuntada kadib la cuno. Waxa habboon in khudradda la cuno cuntada horteed. Haddii khudradda (marka laga reebo Timirta iyo Muuska) la cuno kadib marka la cunteeyo waxay taasi gaas ku sameysaa caloosha . Sidaa daraadeed waxa habboon in khudaarta muddo saacad ah ama in ka badan laga dambaysiiyo cuntada.
ha cabbin SIGAAR kadib marka aad cuntayso.  Shaki kuma jiro in sigaarku marwalba uu caafimaadka waxyeelo u leeyahay, laakiin haddii aad Sigaar cabto cuntada dabadeed, xabadda qudha ee sigaarka ahi  waxay la waxyeelo tahay oo ay u dhigantaa 10  xabbadood oo sigaar ah. Sidaa awgeed haddii aad sigaar cabtid cuntada kadib waxa sii kordha oo laba jibbaarma halista aad ugu jirto inuu kugu dhici karo xanuunka Kansarku.
Ha SEEXAN cuntada dabadeed. Maxaa yeelay? Nafaqooyinkii ku jiray cuntadu ma helayaan dheefshiid wanaagsan. Haddii aad toos u tagto sariirta cuntada kadib, taasi waxay kuu keeni kartaa boog-calooleed (stomach ulcers) iyo infakshan xiidmaha ku dhaca (intestinal infections). Hurdada degdega ah ee xilligaa cuntada kadib waxay kaloo sababtaa miisaankaaga oo cuslaada ama buurni xad-dhaaf ah (Obesity). Wax kaloo  aad samaysaba, ( ha ahaato inaad Tv-ga daawato, inaad wax akhristo ama  inaad asxaabtaad la sheekaysataba), laakiin fadlan marna ha seexan (inta cuntadu kugu jabayso) ilaa 2 saacadood kadib
Duhurkii toggaa Herer haddaad qado ka soo tuurto Hurdo laguma taamee naftaa lala tacaalaaye.
Ha MAYDHANIN (ha Qubaysan) cuntada dabadeed, Waayo? haddii aad maydhato cuntada kadib, taasi waxay kordhisaa socodka dhiigga ee gacmaha iyo lugaha taasoo keenta inuu is dhimo socodka dhiigga ag-agaarka calooshu, kadibna uu daciifo habka dheefshiidku. Waxaa kale oo taasi sababi kartaa xannuunada ku dhaca wadnaha. Sida habbooni waa in  maydhashada aad sugto muddo 30 daqiiqadood ah kadib marka aad cunteyso.
    Ha iska dabcin ama ha furin SUUNKA cuntada dabadeed. Iska-dabcinta suunku waa astaan muujinaysa in aad  dhereg xad-dhaaf ah sameysay, taasina wax fiican ma aha. Waxa habboon in marka horeba aad cunto in kugu filan oo aan u baahnay inaad marka dambe suunka iska furto. Iska dabcinta suunku waxay xiidmaha ku keenaysaa majiirid ama maroojin iyo xannibaad.
    Ha sameyn DHAQDHAQAAQ  badan cuntada dabadeed.  Haddi aad samayso Dhaqdhaqaaq aad u badan, sida socod, orod iyo ciyaarta , waxay taasi sababaysaa in nafaqooyinkii  uu xiidmuhu si fiican u nuugi kari waayo. Waxa dardaaran ah in ugu yaraan 30 daqiiqo aanad dhaqdhaqaaq noocaas ah sameynin.  Waadse samayn kartaa socod ama jimicsi ugu yaran  saacad kadib, waana arrin caafimaadka u fiican sidaasi.
Ilaahay baa qaddarka haya laakiin haddii aad iska ilaaliso ama ka fogaato 7daa Wax-yaalood ee aan soo sheegnay taasi waxay wax weyn ka taraysaa caafimaad qabkaaga.
Wabillahi Tawfiiq
Qalinkii:  Cali Xaruuri
Rotterdam. Holland
Adam.32@live.nl
Wakhti badan hayskaga lumin shaqo aadan niyad u haynin.
Shaqada ma waxa aad ku tagtaa cagojiid iyo niyad jab, mise farxad iyo xiise. Hadii aad mida hore ku tagto, fadlan shaqadaa iska jooji oo bilow mid aad xiise u hayso waayo? faa’iido kama gaadhaysid waligaa wax aanad xiise u hayn. Markaa waqtigaagu waa noloshaada ee u hur wax faa’iido leh.
Halkan waxa aan idiinku hayaa nin is beddel ku sameeyey noloshiisa oo horumariyay naftiisa. Wuxuu ka tagay xirfada dhakhtarnimo oo uu bartay wuxuuna u dhaqaaqay dhinaca qalinka iyo qoraalka. Wali ma maqashay Zane Grey? Si aan caadi ahayn ayuu caan u noqday horraantii qarnigii labaatanaad. Markii u horaysay wuxuu shaqadiisa ka bilaabay dhakhtarka ilkaha, Lakiin wax niyad ah umuu hayn oo wuu iska nacay.
Jaamacada Pennsylvania (University of Pennsylvania) kulliyada dhakhtarka ilkaha ayuu wax ka bartay oo ka qalin jabiyay 1896 kii. Markuu dhameeyay jaamacada shaqadiisii dhakhtarnimo ayuu ka bilaabay Newyork.
Hilaadihii 1900 kii waxay kulmeen gabadh 17 jir ahayd oo la odhan jiray Lina Roth oo ku caan ahayd magaca Dolly. Dolly qoys saynisyahanno ah ayay ka soo jeeday, waxayna wax ka diyaarin jirtay tobobarka macalinimada si ay u noqoto macalimad ugu danbayntiina way noqotay. Shan sanno kadib Grey iyo Dolly way is guursadeen, Dolly halkaa waxa ay ku joojisay shaqadii macalinimada. Kaddibna waxa ay u guureen Attadena, California halkaas oo uu kaga hadhay shaqadiisii dhakhtarnimo kuna bilaabay xiisihii uu u hayay qoraalka. Qoraaladiisii u horeeyayna xiligaas ayuu qoray. Marka uu qoro qoraaladiisa, xaaskiisa Dolly ayaa akhriyi jirtay kadibna tifaftir ku samayn jirtay. Qoraalkiisii u horeeyay waxa uu ahaa ‘A day on the Delaware’ sheeko aad u xiiso badan ayay ahayd oo uu kaga waramayo noloshiisii kalluumaysiga ee isaga iyo walaalihii.
Grey sheekada The Virginian ayuu akhriyay ee uu qoray sheeko curiyaha reer galbeed ee Owen Wister. Markuu dersay sheekadan ee uu si faahfaahsan habqoraalkeeda iyo farshaxankeeda u fahmay ayuu go’aansaday inuu isna qoro buug lakiin nasiib xumo umay suurto galin. Inta baddan buugtiisii u horraysay ee uu qoray waa lagu soo celin jiray, buugta la diiday in loo daabaco waxa ka mid ahaa buugii uu u bixiyay ‘Betty Zane’, sidoo kale waxa loo diiday in loo daabaco buugiisii Harper & brothers. Buug kale ayuu qoray oo uu u bixiyay Ripley Hitch Cock isna waa lagu qaadacay oo la diiday in loo daabaco waana lagu soo celiyay. wali muu niyad jabin se wuxuu isku dayay siduu uuga rumayn lahaa hamigiisa qoraanimo hadalkan yar ayuu ku qoray meel ” ma garanayo wadada aan u leexanayo, ma go’aansan karo waxa an qorayo marka xiga, waan ku daalay waxay doonayaan tifaftirayaashu, aniga waxa iga buuxa sheekooyin lakiin wali maan qabatimin runta, cabsidayda iyo dareenkayga noloshu waa been”. Grey wuxuu go’aansaday inuu buugaagta dib u dhigto maqaallo ayaanuuna qoray kuwaas  oo lagu daabacay joornaalada, taasi niyaddiisa waxa ay galisay xoogaa deganaanshiyo ah. Wuu sii waday isku daygiisa ilaa uu qabatimay qoraalkii wuxuuna ku guulaystay buug sheeko ah (Novel) waana loo daabacay. Curashadii ilmihiisa koobaad wuxuu dhammaystiray buugiisii labaad ee sheeko ah oo uu u bixiyay The heritage of the desert, aad ayaana buugaa loo iibsaday wuxuuna noqday buugaagta loogu iibsiga badan yahay. Labba sanno kadib wuxuu soo saaray buugiisii caanka ahaa ee la odhana jiray Riders of the purple sage kaas oo noqday buug tuu qoray ka loogu iibsiga badan yahay.
Grey wuxuu noqday mid ka mida qoraayada milyaneerada ah isagoo soo jiitay indhaha akhristayaasha ku kala nool daafaha dunida. Wuxuu qoray in ka badan 90 buug yada oo sheekooyinkiisa qaar loo beddelay filimaan. Kaalimaha hore ayuuna ka galay 10 ka qoraa ee milnayeerada ah.
Grey waxyaabo baddan ayaa lagu xasuustaa taas oo loogu magac daray isaga. Waddanka Pennsylvania waxa loogu magacdaray matxafka ku yaal waddankaasi. Gurigiisii ku yaalay Altadena waxaa loo qaatay inuu ka midyahay goobaha qaran ee taariikhigaa (National Register of Historic Places), sidoo kale waddo ka mida Altadena waxaa loo bixiyay magiciisa. Los Angeles, California waxa loo bixiyay dugsi ku yaala magaciisa.
Buugaagta uu qoray wax ka mida kuwan
    The last trial
    The young lion hunter
    Riders of the purple sage
    Desert gold
    The heritage of the desert
    The day of the beast
    Tales of fishes
guntii iyo gunnanadkii inagu ka qaadan mayo diintiisa lakiin maxaynu sheekadiisa ka dheefaynaa? Runtii sidaynu ogsoonahayna soomaalideena waxa ka buuxa baqdin. Baqdintaas oo ka hor istaagaysa guul kasta oo ay is yidhaah daan qabta sida shaqo, waxbarasho, ganacsi iyo waxyaabo kaleba markaa ninkani waxaynu kaga dayanaynaa sida geesinimada leh ee uu shaqadiisii dhakhtarnimada iskaga daayay una fuliyay waxay naftiisu xiisaynaysay. Waa hubaal haddii aad fuliso waxa aad xiisaynayso inaad horumar la arki karo ka gaadho, waana midhka aynu ka qaadanayno Grey. Iminka ku dhaqaaq fulinta wixii ay naftaadu xiisaynayso
W/Q: Cabdiraxmaan maxamed yuusuf (dhuux)
Email: cbdiraxman1@gmail.com

Saturday, 26 August 2017

Dhaqamadii Qoyska ee iigu yaabka badnaa wadanka Pakistan!
“Qof aan dhul marin Dhaayo maleh”
Hordhac/Gogoldhig
Allaah ayaa mahad oo idil iska leh. Nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaah ha yeelo.
Marka qofka wadankiisa ka tago ee uu dhex galo Ummad ka midab, dhaqan iyo luqadba duwan, mararka qaarna ka Diin duwan, wuxuu arkayaa waxyaalo waligiis uusan arag, waxyaalo ka yaabiya, mararka qaarna kaba nixiyaba.Waa hubaal in Ummad kastaahi leedahay dhaqamo wanaagsan iyo kuwo xun intaba, dadkaa dhaqankaa leh sida eey rabtaba ha ula muuqatee! Faa’iidada ugu weyn ee eey leedahay ogaanshaha jiritaanka dhaqamadaa kale ayaa waxeey tahay, ku baraarugida jiritaan dhaqan kale oo inbadan ka duwan kaada, wax ka ogaashihiisa oo tacliin kale ah iyo bal isu barbardhiga dhaqankii aad laheyd ee aad kula soo nooleyd wadankaadi hooyo iyo midkan meeshan yaalla.
Qormadan waxaan uga hadlayaa dhaqanka qoyska ee wadanka Pakistan, sida eey u kala sareeysiiyaan wiilasha, gabdha iyo hooyooyinkooda intaba, guurka iyo waxyaalaha la xiriira, furiintaanka, qaab dhaqanka, wada noolaashaha qoysaska iyo arimo kaloo xiiso badan. Fadlan kusoo dhowoow adigoo mahadsan.
Kala sareynsiinta wiilasha, gabdhaha iyo hooyooyinkoodaba
Dhaqanka Pakistan qoyska maalintii Wiil uu u dhasho waa maalin dabaal dageed, boodbood iyo farxad ayaa laga dhigayaa maalintaa oo dhan. Maalintii Gabari u dhalatana waa maalin murugeed, mugdi iyo naxdin badan. Waxaana sabab u ah dhaqanka Pakistan oo aan waxba ka duwaneyd kan wadanka Hindiya (India). Hooyada marka eey gabar dhasho waa laga nacaa qoyska.Hadii gabar kale eey kusii dartana kaba sii daran. Hadii gabdho dhalkeeda sii kordhana/batana waxeey gaarsiisaa in eey Adoon (slave) dhab ah ka noqoto qoyska guud. Marka hooyada wiil dhasho darajo aan caadi aheyn, jaceyl iyo Ixtiraam gaar ah ayey ku kasbataa, markastoo will hor leh eey dhashana awoodeeda ayaa si weyn u kororta, illaa heer la gaarsiiyo in waxkasta oo eey dhahdo aan mayaba la dhihikarin, ha ahaato dhinaca ninkeeda iyo reerkiisaba intaba.
Wadamada qaar ee dhaqankan kala midka ah Pakistan sida wadamada ku yaala Koonfurta Aasiya (South Aisa) ee aan Muslimiinta aheyn sida India, inta Uurka eey ku jirto ayaa la isku dayayaa in la ogaado, hadii Gabar/Gabadh eey tahayna weey soo ridaan/tuuraan (Apportion) oo wadanka India waxaa la sheegaa in daqiiqad kastaa dhowr gabar oo Sabi/Caruur aan waxba galabsan ah waalidkood ku dilaan/Uurka kasoo tuuraan.
Mushkilada nin ugadida gabdhaha Pakistan (Dowry/Jeheez)
Dowry ama Jeheez: waxaa la yiraahdaa Hantida/Maalka gabadha laga doonayo marka laguursanayo, hadii aan si kale u iraahdo waa Dhaqaalaha nin loogu gado gabadha si eey guur iyo calaf u hesho.Hantidaas waxaa ugu horeeya “waxkastoo guriga la dhigi lahaa” ee reerkaa uu ku dhaqmi lahaa, mararka qaarna waxaaba soo raaca Guryo, iyo Baabuur, waxeeysey ku xirantahay hadba heerka darajeed ee labada qoys ee kala guursanaya mujtamaca ka gaarsiisanyihin ama kaga jiraan.
Odey aan mar daris aheyn ayaa waxaan si gaar ah u dareemey in uu markasta murugeeysanyahay, hoos fiirinayo, sida qof Waalanraba kaligiis wadada iskula hadlo, mid aan saaxiibo aheyn oo daris ahaa ayaan weydiiyey waxa ninkan ku dhacay, wuxuu iigu Jawaabey, “Wuxuu dhalay Shan gabdhood oo aan wiilna ku jirin”-Subxaanallaah!”. Macnaha hadii uu wiil ku jiro, waxaa loo keenayaa isagana dowry culeyska ayuuna ka fududeeynayaa.Waxaa ugu naxdin badan kuwooda Iimaankooda liito, dhamaan gabdhaha iyo hooyadoodba inta laayaan/wada dilaan ayey iyagana is dilaan ama Police-ka isu soo dhiibaan.Waxa dhacdooyin nuucaan ah ee sawiro naxdin badan wata ee joornaalada kusoo baxaya maalinkasta waad qaracmeysaa xaqiiqdi.
Nuucyada Guurka ee wadanka Pakistan
Pakistan waxaa ka jira laba nuuc oo guur ah oo lagu kala magacaabo A-Guur waalidka qaabeeyey (arranged marriage) iyo B-mid Lamaanayaasha is jeceli is doorteen (love marriage).
A-Guurka waalidka doorteen waa kan loo badan yahay wadanka Pakistan, waa kan kaliya ee la aqbali karo ee aan cidina ka hor imaankarin. Gabadha iyo Wiilka is guursanaya wax kaalin ah kuma laha, doorasho ama wax ka hadal ah ma jiro- Waloow eey ku kala duwan yihiin qoysaska kuwaasoo ku kala ad adag kaalmaha eey kala qeybsanayaan waalidka iyo labada la isku aroosinayo. Waana midka sida weyn labada qowsba ugu wada dabaal dagaan, ugana wada qeyb qaataan.
B-Kan kale ee Love-marriage-ka la dhoho, badanaa wuxuu ka dhacaa Maxkamadaha, Waxaana gala labada hubta in la isu diidayo ama kazoo jeeda Qoysas aan isku heer aheyn , ileyn heer/class ayey qoysaska Pakistan isaga kala guursadaane. Hadii eey Tuulo ama Baadiyaha kale tahayna waxaaba macquul ah in midkood ama labadoodaba lawada dilo/laayo. Inta bandanna qoysaska wey jaraan/gooyaan oo xiriirka u jaraan lamaanahaa, Geeri, Tacsi iyo Aroos toona reerka lama qeybsan karaan, qaarka ugu xagjirsana xitaa Dhaxalka qoyska ayey ka saaraan, Nasiibdarada jirata! Hadana iyagoo ka dharagsan ciqaabaadkaas aadka u xanuunka badan, ayaa qaar u bareeraan. Laga yaabe in eey rajo ka qabaan in waalidka cafiyo oo waxba eeysan is badalin, weyna dhacdaa marar badan. Nasiib darase inta badan wey ku hungoobaan.
Caateeysiinta gabdhaha wadanka Pakistan
Pakistan gabadhu waa in eey caato (thin) tahay.-Dumar Buuran wadankaas balaayo ayaa ku aragtey- si gabadha caato looga dhigana waa in cuntadeeda aad loola socdaa, oo waxaa laga eryayaa mararka qaar marka ey nafta uun ceshato ama iyadaaba isa Soomineeysaba. Nasiib daro! Cudurada nafaqo-darada eey keento iyo u dhiigbaxa iyo ku Umulraacashada cunuga ugu horeeya waa waxa laaya/baabi’iya dumarka wadanka Pakistan, maxa yeeley dumarku Nahalba ma leh,waa wada naxiif u jilicsan waxkasta oo dhibba ah.
Mushkilada Furiinka Dumarka wadanka Pakistan
Nasiib darrada ugu weyn ayaa waxeey tahay gabadhii waalidkeed dhaqaalahaa xooga badan nin ugu gadeen, waxaa macquul ah in uu soo Furo, hadii mar lasoo furana nolosheeda inta ka dhiman nin kale ma guursanayo. Bal ka waran! Hadii gabdhaa 16-jir lagu guursadey ama ka yarba, Sanad kabacdina lasoo furey, cimri dheerna Allah siiyo? Waxaa intaa sii dheer in aan loo ogoleyn oo aan lagu casuumeeynin Aroosyada, waxaa la leeyahay waa “Qumayo” oo waxaa laga baqayaa in qoyskan cusub imaanshaheeda darteed uu u burburo, cidi ma oga waxa keeda ka burburiyey,waxa sababta aheyd iyo iyadaba in eey tahay Dhibanaha dhabta ah, oo Ninka uu sababtaa lahaa, maadaama ninka dhiba iyada qabsanaya uusan qabsaneynin.Ogoow! Isaga wuu kasoo qeyb gali karaa arooskaase!
Nasiib darada jirta ayaa waxeey tahay tani waxeey keentaa in tiro aan caqli gal aheyn oo dumar ah “Duurka galaan”.
Waa wax caadi ka ah (common) in aad maqasho Islaan ninkeeda eey isu dhaceen ama xitaa isku qeyliyeen oo kaliya oo dareentey ama isugu sheekeeysey in uu Furi rabo ee is Daldashey ama si uun isu dishey ama gabar og dhaqaalo xumada waalidkeed iyo in gaddho badan la dhasheen sidaa daraadeedna iyadoo is dhaheeysa guurba nasiib uma yeelaneysid waligaa sidaa isu disho (Suicide).
Dhaqanka wadanoolaashaha Qoyska (joint family system) ee wadanka Pakistan
Waxeey arinta Furiinka iyo dhaqaalo yaraantaba ku daaweeyaan/kula tacaalaan in eey Ilmo adeerta iska guursato oo waliba qaab is dhaafsi ah u kala guursadaan.Waa wax iska caadi ah in aad aragto walaalo ilmahooda oo dhan iyaga uun isu wada guuriyey oo xitaa ilma adeerta koobaad eeysan u gurbin, si qoyskaa iyagoo nin iyo naagtii ah hadana dad walaalo ah oo isu naxaya u noqdaan, gaar ahaan ninka, ileyn isageey walaashiis tahaye. Waxeey sidoo kale ku xalliyaan in eey wada noolaadaan waalidka iyo wiilashooda qoysaska eey sameysteen si waalidiintana ugu dhex jiraan oo xalka iyo isku dhaqidaba u dhextaagnaadaan. Dhaqaalo ahaana nolosha isaga kaashadaan iskana warhaayaan. Dhibka jira ayaase wuxuu yahay haba weeynaadee, marka hal guri, la isugu keeno dumar farabadan oo aan is dhalin, dagaal iyo nuxnux ma dhamaato, hadii qoys is qaba xaajo ka xumaatana, wax Sir ah ma jirto (No privacy) ileyn wixii oo dhan ayaa hal guri ehe. Waxa lagu daweynayo ayaase waxkasta ka muhiimsan.
Waxaa intaa kasii daran reerka wiilashooda gabdhaha eey soo aroosaan waxeey ku wada qabaan guriga aabahood iyo hooyadood. Waxaa boqorad u ah wiilasha hooyadood, waxeey dhahdo ayaana kama dambeys ah, howsha guriga sida loo kala qeybsanayo iyadaa go’aanka ugu dambeeya ka gaarta, xaasaskaa oo dhan waxeey ula dhaqantaa una canaanankartaa sidii kuwa eey iyada dhashey. Marka iyadaa loo kala ordaya, lakala shukaansanayaa, meeshii Marwo kasta gurigeeda boqorad iyo marwo ku sharfan oo u madaxbanaan ahaan laheyd.Waana waxyaabaha dumarka Pakistan badanaa ka qeyliyaan.
Xaqiiqda jirta ayaa waxeey tahay dhaqanka nuucan oo kale ah, ma aha mid laga soo minguuriyey/ku qotoma ama laga keeney Diinteena sharafta badan ee Islaamka, maxaa yeeley Owlaada waa hibo qaali ah oo uu Allaah bixiyo gabar iyo will intaba, ogow qofkastaana nasiiba uma yeesho. Culuumta Genes-kana waxeey cadeynayaan in hooyada eeysanba shuqul ku laheyn gabar iyo wiil toona marka Ugxaanta/Ukumaha isku milmayaan oo eey isbacriminayaan si cunug u sameysmo. Nasiibdarrase waa dhaqan ku xidideeystey wadamada South Asia haba kusii kala darnaadeene.Waa hubaal qofka Aqoonta leh, mid diini ama mid maadi ha ahaatee in uu ka xuroobayo, waadna arkeysaa in badan oo dhaqanka nuucaas ah yaseysa wadankaba ha u dhasheene.
Isu barbardhigida Dhaqankeena Soomaaliyeed iyo dhaqankaa Pakistan
Inkastoo eey jiraan waxyaalo kale oo ka khaldan dhaqan-qoyska Soomaaliyeed hadana kuwa kor aad kusoo aragtey oo kale ma aha. Odeygii gabdho badan Allaah siiyo oo eey u wada wanaagsanaadaan, ugartaanna in eey waalidkooda sharfaan kana dambeeyaan, iska daa in uu dhaqaalo uu nin ugu gado ka fikiree isagaaba Sooryo ka dharga oo raga kala xodxodanayaan una soo kala dhuumanayaan. Sidoo kale dumarkeena ma heysato nasiib darada taalla Pakistan ee ah in aan laguursaneyn mar hadii la furo, oo Dumarka Soomaaliyeed qaar ayaa dhaha “War i fur hadii aad i furto ma Feero ayaa iga jabaya” waase nasiibdarro in burburinta qoys dhan uu sidaa inoola fududaado.Waa dhab in qeybo Soomaalida kamid ah kala sareeysiiso wiilasha iyo gabdhaha Miyiga/Baadiyahaba ha u badnaadeene, hadana wax heerka Pakistan iyo mid u dhow toona ah ma aha. Waa eey iska jecelyihiin in eey wiilal badan dhalaan kuwaasoo sii wada magaca iyo taranka qoyska si Isirkaa usii jiro.Waloow wax badan hada is badaleen hadana dhinaca kale Caateyn iskaba daaye Dhaqanka Soomaali ayaa waxaa ka buuxda Amaanta dumarka Xusul-Baruurta ah ee Cabaaryo laalaaban iyo Meelkastoo buuran leh.
Marka aad aragto dhaqankaa ka jira Pakistan iyo wadamada la midka ah soow kuuma muuqaneeyso in dumarkeena ka nasiib badanyihiin dumar badan? Dhaqankeenana waxyaabo badan uga wanaagsan yahay dhaqane kale oo Ummado kale eey leeyihiin?
Afeef
Wixii khalad ah ee qoraalka uu leeyahay nuuckasta ha ahaadeene, waxaa mas’uuliyadeeda iska leh aniga oo kaliya. Waxaan soo dhaweynayaa si Kal iyo Laab ah, waxkasta oo su’aalo, sixid, talo iyo tusaaleynba ah. Fadlan adoo mahadsan iigu soo dir e-mailka hoos ku qoran.
Mahadnaq
Waxaan si Kal iyo Laab ah ugu mahadnaqabaa Injineer Cali Maxamed Cismaan “Cali Nuur” ee jaamacada UET, Peshawar-Pakistan iyo Mr.Maxamed-Amiin Cabdi Cismaan (Amiin Yare) oo qeyb libaax ka qaatey qormadan. Wabillaahi Towfiiq.
W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”
PhD-Candidate
MBA (Marketing)
BBA (Marketing and finance)
abdulkadirphd@hotmail.com
Kuala Lumpur-Malaysia

Tan iyo intii uu madaxwayne ka noqday dalka Faransiiska Emmanuel Macron bishii May 2017 ayaa waxa uu qurxinta jirkiisa ku qarash gareeyay lacag dhan 26,000 oo yuuro.
Arrintan ayaa waxa ay noqotay mid ay si aad ah u hadal hayaan dadka isticmaala baraha bulshada.
Wargayska todobaadlaha ah ee ka soo baxa Faransiiska ee Le Point ayaa sheegay in lacagtani uu madaxwaynaha Macron ku qarash gareeyay waxyaabaha lagu qurxiyo jirka sida qurxinta wajiga oo loo soo kireeyay qof ku xeeldheer qurxinta.
Aqalka madaxtooyada oo ka jawaabayay arrintan ayaa u sheegay wakaalada France Info inkastoo ay badan tahay tirada lacagta ku baxday qurxinta madaxwaynaha hadana ay ka sii badnayd
lacagtii ay isticmaaleen madaxwaynayaashii ka horeyay ee Holland iyo Sarkozy.
Gacanyaraha Macron ayaa hasa yeeshee sheegay in mustaqbalka ay raadin doonaan goobo raqiis ah.
Inkastoo ay tahay mid iska caadi ah in dadka magaca leh ay isticmaalaan waxyaabo jirka lagu qurxiyo ,ayaa hadana dad badan oo isticmaala baraha bulshada waxa qarashka ku baxay qurxinta madaxwaynaha ku tilmaameen in ay tahay mid micno daro ah.
Dad badan oo isticmaala baraha bulshada ayaa soo galiyay sawirada madaxwayne Macron oo leh muuqaalo kala duwan.
Madaxwayne Emmanuel Macron ayaa ka mid ah madaxwaynayaasha ugu da'da yar caalamka.
Sources:BBC.

Friday, 25 August 2017

Qiso yaableh: Waraysigii  gabadhii Jinniga ahayde ee Reymaa. Qaybtii 7-aad.
Waxaan halkan idiinku soo bandhigayaa , wareysi dheer oo dhexmaray aqoonyahan Abukar Albadri iyo gabadha Jiniga ah ee  magaceeda la yidhaahdo Reymaa, taas oo ka tirsan degganayaasha Magaalada Muqdisho ee jinniga ah, gaar ahaan kuwa xaafadda Liido ee degmada Cabdulcasiis.
Wareysiga qeybtiisa lixaad waxaa ay inoo mareysay aniga oo Reymaa weydiinay su’aal la xiriirtay shahwada gabdhaha jinniga ah in ay dhibaateyso ragga insiga ah iyo in kale, wareysiga qeybtiisa 7aad waxaan ku billaabeynaa isla su’aashii ugu danbeysay iyo jawaabteeda, waana sidan.
Su’aal: Gabdhaha jinniga ah iyaga shahwadooda ragga insiga ah ma dhibaateysaa?
Reymaa: Khiiiiiiiiiiiiiiiiiiiikh………….. Uhuuuuuuuusha… Waxaad rabtaa in aan sida qaac libdhaya kuu dhex maro, sanka kaa galo, afka kaaga baxo, kaddibna dhegahaaga qaac ka keeno, sideed iigu dhihi kartaa gabdhaha jinniga shahwadooda way dhibaateysaa ragga insiga ah? Ma anigaa dhibaateynaya ninka aan jeclahay? Aaaaaaaaaaaah…. Zabaabuurta ha igu kicin!
Su’aal: Reymaa! Is deji, aniga su’aal uun baan kaa weydiiyey! Waxba kaama sheegin, ee lacala haddii gabar jinni ah ay gogol la gasho nin insi ah, kaddibna dheecaankoodu is gaaro maxay tahay cawaaqibta ku dheceysa ninka insiga ah ee shahwada gabadha jinniga ay korkiisa taabatay?
Reymaa: Gabadha jinniga ah shahwadeeda waa caadi, waayo suurad insi ayey ugu imaaneysaa ninka, laakiin marka ay suurad jinni ugu timaaddo ee ay isu galmoodaan markaas ayaa qofkaas nolol miyir qab ah ugu danbeysa, waayo tafaasiisheeda jinniga ayey ku dhex neefsaneysaa, maskaxdiisa, qalbigiisa iyo niyaddiisa ayey teeda ku dhex qabaneysaa, sidaas darteed ninkaas wuu qaalanayaa, adduunka uu joogay ee caadiga ahaa maahee mid kale ayuu galayaa. Laakiin haddii ay suurad insi ugu timaaddo, oo ayna jinni muslim ah tahay waa caadi wayna raaxeysanayaan, kaddibna caadi ayuu isaga joogayaa.
Su’aal: Runta ii sheeg maanta, hana igu xanaaqine, haddii aad muslim dhab ah tahay Maxaad adkaarta uga carartaa?
Reymaa: Aniga adkaarta kama carrao, Muslimna waan ahay, balse adkaarta uu insiga aqristo waxaa loogu talo galay inuu jinniga oo dhan isaga xijaabo kiisa Muslimka ah iyo kiisa gaalka ahba, waayo waa uun ka suurad duwan oo isaga aan arkeyn, marka adkaarta waa hadiyad uu ALLAAH siiyey insiga, gaar ahaan Muslimiinta, haddii ay si sax ah uga faa’iideystaan xitaa insiga ayaa isaga xijaabi kara insiga dulminaya, marka aniga adkaarta kama cararayo, balse marka uu qofku aqristo Ilaah ayaa qofkii asturaya oo wuu ka asturmayaa jinni oo dhan iyo shar oo dhan.
Su’aal: Gabdhaha jinniga ah ragga insiga ah miyey kufsadaan, sida ragga jinniga ah ay u kufsadaan gabdhaha insiga oo kale?
Reymaa: Haa! Way dhacdaa in ay kufsadaan, laakiin waxay u dhacdaa laba nooc. Midda koowaad habeenkii marka uu qofka hurdo, haddii uusan adkaar aqrisan waxaa dhici karta in uu riyo ku sameeyo galmo, taas oo ay shanfaroodlaha u yaqaanaan ‘Junuub’ markaas inta badan gabar jinni ah ayaa ku lug leh, sida kaliya ee looga gaashaaman karo waa adkaarta. Midda labaadna waa in ay gabadha jinniga ah si toos ah ugu tagto ninka insiga ah, kaddibna isaga oo soo jeeda ay ka qaraabato, iskamana celin karo, waxaana u badan 4 nooc oo ragga ka mid ah, sida kuwa aan dukan, tuugada ama burcadda, sixiroolayaasha iyo kuwa jinniga qaaciya ama shida qaarkood.
Su’aal: Ma iyaga oo arkayo ayey kufsaneysaa mise way is qarineysaa?
Reymaa: Ragga ma dukadayaasha ah iyo tuugada badanaa iyada oo is qarineysa ayey kufsaneysaa, waxaad arkeysaa nin soo jeeda oo naftiisa aan xakameyn karin oo inta dareenkiisa yara kaco ay shahwada soo dhaafeyso, mararka qaar isaga oo waddo maraayo ayey ku dhaceysaa, waayo meeshii ay ku aragto ayey ku kufsaneysaa, balse sixiroolayaasha, marka horeba iyaga iyo shayaadiinta ayaa ballamo gala, kaddibna iyaga iyo kuwa wax shida naftooda iyo tan reerkoodaba waxaa la wadaaga jinni iyo sheydaan.
Su’aal: Sixiroolayaasha iyo dadka jinniga la shaqeysta, sida kuwa mingis, booranaha, duulasha maxay tahay ballanta kala dhexeysa shayaadiinta iyo jinniga?
Reymaa: Runtii qofka sixiroole ma noqon karo isaga oo aan seddax shey sameyn. Kow in uu diinta ka baxo waaye inta uusan sixiroole noqon, labo waa in uu kaadidiida ku qubeystaa, kaddibna sheydaanka caabudaa, seddax waa in ay isaga iyo sheydaanka midba marka isku sameeyaan falaadxumo, seddaxdaas shey isaga oo aan sameyn sixirool ma noqon karo, waayo qofka waxba ma sixri karo haddii uusan sheydaanka la maleegeyn sixirka.
Kuwa jinka la shaqeysta sida booranaha, mingiska iyo duulasha, iyagana waxaa ay la shaqeystaan jinniyo aan muslim aheyn, sidaas darteed qofka marka koowaad waa inuu diinta Islaamka ka baxaa, jinnigaas gaalka ah wixii uu samey dhaho sameeyaa, qaarkood wuxuu ku amraa in ay kidaabka ku istaagaan, wayna sameeyaan, qaarkood wuxuu ku sameeyaa faraxumen, kaddibna wuxuu ku handadaa wixii uu ku sameeyey, qaarkoodna wuxuu la wadaagaa naagta ay qabaan, xitaa naagta ma diidi karto wayna og tahay, waayo marka ay qofkan noloshiisa ku soo biirto ayaa si tartiib tartiib ah loo handadayaa. Arrinta ugu yaabka badan waxay tahay, sixiroolayaasha iyo dadka jinniga la shaqeysta intaba raganimadooda waa eber, jinniga iyo sheydaanka ayaa marka hore ka baabi’iya oo isticmaala, kaddibna maadaama aysan diin shuqul ku laheyn marka uu naagtiisa u tagayo sheydaankii ayaa isaga dhex galaya oo naagta la macaamilaha iyadana waxaa ay arkeysaa muuqaalka ninka.
Qaarkoodna badanaa maba qabaan naag oo waxaa ay ka zineystaan naagaha ugu taga in ay jinka ka shidaan, iyo ragga sidoo kale jinka laga shido.
Su’aal: Naagaha ninka laga shido iyaga xaalkooda waa side?
Reymaa: Naagaha jinniga laga shido horta waxaa iska leh jinniga, sida naagtooda ayey joogto ula dhaqmaan, waxaa intaas u dheer in nimankan mushrikiinta ah ee jinniga shida ay faraxumneeyaan marka inta ay meeshooda ugu tagto kaddibna ay Meesha ku suuxdo. Kuwo yar oo quraanka iyo adkaarta ku dadaala ayaa jira oo ka badbaada, balse qoftii aaminta in jinni laga shidi karo sidaas ayey iimaankeedii Islaamnimada ku weysay. Saaxiriinta iyo kuwa jinka la shaqeysta waa gaalo mushrikiin ah oo dulli ah, Ilaahey wax inooguma daro.
Su’aal: Waxaa jira dad jinka quraan ku daweeya, kuwaas iyagana maxay tahay xaaladdooda?
Reymaa: Waa jiraan kuwo quraan si sax ah ugu daweeya, waxaa ka mid ah Sheekh Daa’uud oo maalintii aan arkay isaga oo wiil naag JAAN ah ka saaraya illaa hadda aan maalinna jirkiisa taaban waayey, waayo diinta ayuu u adeegsadaa in uu shayaadiinta ku gubo, dadkaas way jiraan sidaas jinniga ula dagaala, waana wax sax ah, balse dadka jinniga la shaqeysta intooda ugu badan waa Mushrikiin, waa gaalo, waana dad jinniga uu sharafti ka qaaday oo wasaqnimo tii ugu liidatay ku sameeyey, sheydaanka isaga oo aan ku dulleysan kula shaqeysan mayo, waayo ku aamini maayo oo cadowgiisa ayaad tahay intaba aad ALLAAH rumeysan tahay, si sheydaanka aad ula shaqeysan karto qofku waa inuu iimaankiisa iyo rumeynta ALLAAH ka baxaa oo sheydaanka caabudaa, sheydaanka isu dhiibaa oo fara xumeeyaa, sheydaanka u ogolaadaa inuu xaasaskiisa iyo caruurtiisa la isticmaalaa, marka uu saas u Sharaf dilo kaddib wuu u adeegayaa, waayo waxa ay ka wada shaqeynayaan waa dhibaatada ummadda, sida sixirka, iyo in ay jinniga wax ku daweeyaan oo qof xanuunsan jinni ugu yeeraan oo dhahaan qofkan daweey. Taasina waa shirki, Ilaahey ha inaga badbaadiyee.
Su’aal: Dadka u taga nimanka jinniga la shaqeysta iyo kuwa sixiroolayaasha ah maxaad kula talineysaa?
Reymaa: Waxaan leeyahay maanta waa adduunyo, waqtiga aad dhimaneyso ma ogid, qof sheydaan la shaqeysta ha u tagin, ha weydiisan inuu wax kuu qabto, saaxirna ha u tagin oo qof ii sixir ha dhihin, waayo isku denbi ayaad noqoneysaan, sida uu mushrik u yahay ayaad u noqoneysaa.
Waxaa hubaal ah dadka meelaha wax lagu qaaciyo ku xiran nolosha ayey ku fadeexoobaan, nolol ciriiri ayey ku jiraan, waxaana u sabab ah la macaamilka shayaadiinta. Gabdhaha sameeya in waxa la dhaho madiiddada nimankooda loogu aqriyo, markaas ay waxaas sameyneyso ayaa iimaankeedii dabadeeda ka baxayaa, kaddibna maalintaas kaddib waa qof sheydaan la macaamishay oo xarigii ALLAAH goysay, Ilaah ha naga badbaadiyo.
Waxaan kula talin lahaa insiga in ay iska jiraan afartan qeybood ee insiga ah.
1. Dadka wax uumiya ee jinniga u yeera, ee gabdhaha ka shida.
2. Kibaatgaablowga, iyo kuwa madiiddooyinka aqriya
3. Dub gurka, ama kuwa xoolaha dadka ka sixra
4. Sixiroolayaasha caadiga ah ee dadka sixra.
Waxaa ugu badan dumarka oo dadka sixiroolayaasha xiriirka la leh, iyaga ayaa adeegsada oo dhaha naagta ninkeyga qaba iga sixir, ninkeyga madiiddo iigu aqri, ninkeyga in uu I jecel yahay ii fiiri, ninkeyga inuu I qiyaameeyo ii fiiri.
Dhammaan waxa uu saaxirka gabdhaha u taga u sheego waa been, sidaas ay tahayna gabadhii wax weydiiso diinta waa ay ka baxday, waa mushrikad, Ilaahey ha u towbad keenaan intii horey u sameysay, inta aan sameynna ha iska jiraan in ay shirkigaas ku dhacaan.
Su’aal: Waxaad sheegtay in gabdhaha insiga ah uu jinniga uureeyo, haddii uu uureeyo imisa bilood ayey wadaan uurka?
Reymaa: Waqtiga ugu badan ee ay wadaan waa 6 illaa 7 bilood, canuga jinniga caadi uma dhasho oo wuu dhicisoobaa, marar dhif ah ayey dhacdaa inuu 7 bilood gaaro ama dhaafo oo dhameys ku dhasho, balse isaga oo meyd ah ayuu dhashaa, badanaana muuqaal laga cabsado oo mucjiso ah ayuu leeyahay.
Su’aal: Canugga uurka jinniga miyuu dhashaa caadiyan?
Reymaa: Maya wuu dhiciseeyaa inta badan, mararka qaar isaga oo muuqaallo laga naxo leh oo mucjiso oo kale ah ayuu dhiciseeyaa, xitaa naago la qabo oo jinku u dhuuntay ayey taas ku dhacdaa, waa haddii ay dadku hilmaamaan adkaarta iyo cibaadada ALLE.
Su’aal: Jinniga ma isa sixraa gudihiisa, mase dhacdaa in uu jinnigu sixro dadka ama insiga?
Reymaa: Jinniga wuu isa sixraa, wuu is lugooyaa, wuu isku tuntaa, balse waxaas dhan waxa sameynaayo waa jinka aan Muslimka aheyn iyo dhayaadiinta, waayo waxaa ay aaminsan yihiin xaasidnimo iyo isu awood sheegasho kaliya. Tan ah insiga miyuu sixraa jinka, haa jinni wuu sixraa insiga, waayo sixroolayaashaba waxaa ay adeegsanayaa oo sixirka u fulinayo waa jinni, sidaas darteed jinniga mararka qaar dadka wuu sixraa, qoysas dhisnaa ayuu isku diraa, inta badan gabdhaha ayuu biyaha ay cabbaan iyo cuntooyinka ay cunaan wax ugu daraa, markaas ayey ninka naceyb u qaddaa ama buuq joogto ah kala kulmaa, waxaana sabab u ah gabdhaha ayaa ugu badan dadka adkaarta hilmaama.
Jinniga wuxuu sixraa qofka uu fursad cibaado la’aan ah ku helo, qofka uu fursad iimaan la’aan ah ku helo, ama dadka iska niyadda wanaagsan balse qafladda isaga jira, kuwaas wuuna sixraa, wuuna ku xadgudbaa oo rag iyo dumarba wuu la dhaqmaan, iyaga oo aan ogeyn ayaa gabdhaha noocaas ah ee aan cibaadada iyo adkaarta badin uu jinni iska maamushaa, halka ragga kuwooda tuugada, taariku salaadka iyo kuwa aan adkaarta aqrisan ay dhibaato ka heysato oo ay noloshooda aan muuqan ay wasaqeyaan gabdho jinni ah oo gaalo ah, oo weliba saqajaamiin ah.
Su’aal: Ma jiraa hab looga badbaadi karo jinniga, shayaadiinta iyo sixiroolayaasha?
Reymaa: Hal hab kaliya ayaa looga badbaadi karaa, waa in uu qofku daa’imo Qur’aan iyo adkaar, haddii uu qofka intaas ka caajiso mar uusan waxba ka gaarin oo la galay ayuu shaleynayaa, haddii uu saaxir iyo sheydaan u tago si loo daweeyana cadaab aakhiro ayuu ku waarayaa.
Su’aal: Waxaa jira dad badan oo waalan, kuwo waalidkood ayaa meel ku xiray, kuwo jidadka ayey ku dhibaateysan yihiin, kuwo marna way ku dhuftaan, marna caadi ayey noqdaan, dadkaas xaaladooda maxaad ka leedahay?
Reymaa: U fiirso! Gabar walba oo waalan wax uun xun uun bey lugta kula jirtay, wiil walba oo washayna fal xun uun buu lugta kula jiray inta uusan waalan ka hor, haddii uu qofku doonayo in uusan waalan waa inuu qofku joogteeyaa ku xirnaanta ALLAAH, anaga jinnigaba way waashaan, way isa sixraan, wayna is dhibaateeyaan, way is ileystaan, laakiin waxaa lagu kala badbaadaa labo middood, in aad ALLAAH ku xiran tahay iyo in aad ALLAAH ka furatay oo aad ku was wax dhibaateynaya ku biirtid aakhirana cadaab u diyaar garowdid, labadaas waxaan ka aheyn waa qof naftiisa dayacay oo kadibna meelaha ku waashay, dadka daroogada cuna sheydaanka wuu la joogaa, markaas ay cunayaan, cabayaan ama dhuuqayaan, haddii uu rabo wuu waalayaa, haddii uu rabo wuu kufsanayaa, haddii uu rabo wuu ku dul kaadinayaa, kuwa qaar wuxuuba ka dhigtaa meel uu wasaqda ku daadiyo.
Su’aal: Jinniga iyo shayaadiinta cunto noocey cunaan?
Reymaa: Jinniga Muslimka ah waa jinni cuntooyin caadi ah cuna, sida insiga camal uun buu u nool yahay, balse jinniga gaalka ah, weliba mujrimka ah iyo shayaadiinta waxaa ay quutaan bullaacadaha, wayna ku faraxsan yihiin, urka, urgunka iyo laameerka maba dareemaan oo bullaacadaas ayey quutaan, waxaase ka liita midkaas bullaacadda quutay qof addoon u ah oo haddana aan is ogeyn. Sheydaanka kaadidiisa urteeda haddii insiga daaha looga qaadi lahaa qof noolaan lahaa ma leh, haddana dadka qaar saacad walba ayuu dhegaha, afka kaga kaadiyaa. Soo ma arkin dadka tubaakada cuna, way iska cunaan, kuwa shiishada dhuuqa soo ma arkin, urka shiishada dadbey caraf la tahay, gabdho ayaa noloshooda oo dhan intaas in ay dhuuqaan ku bedesha, ilbaxnimo u arka, kaddibna habeenkii marka ay shiishadda dhuuqdo ayuu marna kan la joogo ee insiga ah ka zineysanayaa, kaddibna shayaadiinta ka dhiganayaa gole ay ku ciyaaraan oo ku kaadiyaan. Ilaah baan ka magan galnay anaga iyo intii Muslim ah jinni iyo insiba in aan ka mid noqono dadkaas sidaas u liita.
Su’aal: Dadka qaar waxay ku doodayaan balwadda la iskama dhaafi karo oo way ku qabaneysaa, arrintaas ka warran?
Reymaa: Balwadda waxa kuu qurxinaayo waa sheydaan, waxa dareenka aad ka heleyso ku siinayana waa jinni mujrim ah, marka aad balwadda isticmaaleysidna way ku kufsadaan, wasaqnimo tii ugu danbeysay ayey kugu sameeyaan, marka haddii uu qofka sidaas ku qanacsan yahay oo uusan iska deyn Karin adduunyo qurun, aakhiro cadaab, noloshana Sharaf darro ayuu qofkaas ku waarayaa.
Su’aal: Dadka balwadda leh marka ay shayaadiinta kufsanayaan adiga ma arki kartaa?
Reymaa: Subxaana Malikul Qudduus! Ma arki kartaa maxaa waaye, waligey aniga oo aan lalabo u matagin waxaan matagay habeen aan fiirsanayay in gabar Soomaaliyeed oo inta shiishad ka dheregtay kaddibna ay 18 sheydaan iyo 4 jinni ay hal mar wada isticmaalayaan, mid isticmaalaya, mid ku dul saxaroonaya, mid ku dul kaadinaya, mid cantuuf ku tufaya, mid …. Wax aan la sheegi Karin ku sameynaya, iyadiina wey isak hamaansaneysaa, afkeeda wasaqda ka buuxda ee korkeeda ka wada urgumeysaa uma jeedo, miskiinta, anigii lalabbo ayaan is heyn waayey, umana tagi karin oo shayaadiinta iskuma faro gashanno anaga.
Su’aal: Ragga insiga ah ee ay jinniga kufsadaan ma rag jinni ah mise gabdho jinni ah, kuwee kufsada?
Reymaa: Markii ay arrin jinsi tahay gabdhaha jinniga ah ee mujrimiinta ah ayaa kufsadaan, balse marka ay gabdhaha jinniga ah ku ciyaarayaan, waxaa jira rag jinni ah oo ku sameynaya Sharaf dil iyo wasaqeyn, cantuuf iyo xaako jinni ayey madaxa, wejiga, afka iyo meel walba u saarayaan. Qofka belwedda leh haddii noloshiisa dhanka qarsoon banaanka la soo dhigi lahaa mar uun wax insi ah oo u dhowaada lama arki laheyn, aakhirana nolol taas ka liidata oo xun ayaa sugeysa.
Su’aal: Aniga ayaaba yalaalugooday e, bal tan halkan igaaga sin, waxaa jirtay arrin ku saabsaneyn saaxiibtaa Nujuum oo aad iiga sheekeysay, balse qabyo inoo aheyd, horta Nujuum “Koomihii” miyey ka soo baxday, ka warran xaalkeeda?
Reymaa: Nujuum weli way xanuunsaneysaa, laakiin “Koomihii” way ka soo baxday, balse inta toos u caafimaaday meysan billaabin shaqooyinkeedii.
Su’aal: Shaqadeedii maxay aheyd?
Reymaa: Nujuum waxay aheyd xogheynta guud ee gobalka Suufaadiin, waa gabar madax ah, waa gabar dhanka jinniga Sharaf badan ku leh, waa gabar wax badan u qabatay ummaddeeda, balse haatan waxay taallaa isbitaalka Meermeer ee mowjadaha Badweynta Hindiya ku yaalla, meel kulaasha Suufaadiin oo 200kms dhanka biyaha badweynta ah.
Su’aal: Geeridii Axmed markii ay dhacday waxaad ii sheegtay in ay xasuus qorkeeda ku qortay qormo kooban, inta aysan koomaha galin, qormadaasna waxaa ka mid ahaa geeraar yaab leh, bal haddii aad arrintaas inoo dhameystiri kartid waan bogaadin laheyn aniga iyo aqristayaasheyda aadka kuula socda?
Reymaa: Nujuum aad ayey uga naxday geerida Axmed, waayo waxay laheyd rajo iyo himilo fog, dhammaan gabdhaheena asxaabta ah ee jinniga Muslimiinta ah waxaan ka dhursugeynay in iyada iyo Axmed arrintooda ay hagaagto, waayo haddii uu Axmed aqbalo oo ay is guursadaan waxaa ay inoo noqon laheyd fursad, iyada ayaana safiir inoo noqon laheyd oo u soo mari laheyn wiilasha insiga ah guurkooda. Balse xanuun iyo haddimo ayey ku dhacday oo wiilkii ay nolosha isla billaabeen ee meel fiican wax u maraayeen waa laga dilay.
Buugeeda xusuus qorka waxay ku qortay qoraal kooban oo dhaar ah oo ay leedahay sidan:
“Xabiibkeyga rumaadow geeridu waa xaq, haddii aad dhimatay Ilaahey haku geeyo meel wanaagsan oo aad nu nasato, waxaan kaa ballan qaadayaa in aan kuu aari doono, iyo in aan waalidkaaga, walaalahaaga, asxaabtaadii gaarka aheyd iyo gabadhii aad jecleydba aan ka ilaalin doono in uu jinni ku xadgudbo, qalbigeyga sidii baad weli ugu weyn tahay, xusuustaada uun baan dunida ku waari doonaa, nolosha farxaddeeda waa inoo aakhiro iyo janadii udgooneyd. ALLAAH waxaan ka baryayaa inuu ahlul janno kaa dhigo, aniguna igu daro gabdhaha Xuurun Ceynta ah ee uu kuugu talo galay…aaamiin”
Intaas yar ee qoraalka markii ay Buugeeda xusuus qorka ku qortay kaddib waxaa ay raacisay geeraarka ay ku sheegeyso xanuunka sida uu u taabtay iyo waxa ay damacsan tahay in ay sameyso.
Geeraarkii inta aan ka xasuusto waa sidan:
Dhulkaa wada madoobaaday,
Dhirtaa wada ilmeynaysa,
Dheehii cirkaa guuray,
Dhogortii dadkaa suushay,
Dhamaan waa la wada ooyey,

Warku dhiillo weeyaane,
Dhamow Axmedow heedhe,
Dhimashadu xaq weeyaane
Dhabbihii janneed qaadday,
Dhererkiis hakuu gaabto,

Alla dhur xumaanteyda,
Dhibic yari nasiibkeyga,
Dhallanteedka nolosheyda,
Maxaa dhiilo ii yeershay,
oo dhaawac ii loogay,

Dhoolahayga murugeysan,
Qosolkayga Dhiileysan,
Xasuustayda dhumucdeeda,
Qalbigaygan kuu dhaartay,
Adiguu dhab kuu raacay,

Kuwa daadshay dhiigaaga,
Dhagartaada kuwa qaatay,
Anna dhidibka ii siibay,
Koley ay dhawr guyaad gaadho,
in aan dhaafin baa dhaar ah.
Su’aal: Dad badan waxaa ay is weydiin karaan Jinniga ma leeyahay Argagaxiso, ururro sida Alshabaab oo kale ma leeyahay, ururka Alshabaabse xubno jinni ah oo la shaqeysta ma leeyihiin?
Reymaa: Afuuuuufa! Su’aashan haddii aan jawaabteeda galo waan gubanayaa, waa in aan horta badda isku soo qaboojiyaa, ii sug…..
………..…. Fadlan …Jawaabta… kala soco qeybta 8aad wareysigan oo aan soo deyn doonno Jimcaha Soo socda. Ogow fikirkaaga waan soo dhoweyneynaa.
F.G. dad badan ayaa isoo waydiiyey wareysigan sida aan kula yeeshay Reymaa iyo in uu run yahy iyo in uu hal abuur yahay, asxaabey su’aalahaas waxaan kaga jawaabi doonaa wareysiga qeybta ugu danbeysa.
Qalinka Abukar Albadri.

Wednesday, 23 August 2017

Dalka Hindiya ayaa mamnuucay furitaanka Dumarka ee Sadaxda Dalqadooda.
Maxkamadda ugu saraysa dalka Hindiya ayaa sharcidarro ku tilmaantay furitaanka degdeg ah ee saddexda dalqadood ay halka mar ku dhawaaqaan ragga Muslimka ah ee dumarka furaya.
Dadka u ololeeya xuquuqda dumarka ee dalka Hindiya ayaa sheegaya in dalqadaha saddexda goor ah ay fuquuq ku yihiin haweenka, iyaga ayaana maxkamadda ka dalbaday in la mamnuuco.
Dadka dhaliilsan in mar qura la israaciyo saddex dalqadood ayaa ku doodaya in kumannaan haween Muslim ah oo intooda badan sabool ah, uu furriinka noocaasi ah noolashooda saameeyo.
Sannadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa dalka Hindiya ku batay ragga Muslimka ah ee xaasaskooda furaya, gaar ahaan kuwa wicitaanka telefoonka iyo fariimaha qoraalka ah ku fura dumarkooda.
Nidaamka guurka iyo furriinka Muslimiinta Hindiya ayaa waxaa lagu hagaa shareecada Islaamka, iyadoo qaar ka mid ah ururrada Muslimiinta ee dalkaasina ay ku doodayaan in aan la mamnuuci karin furriinka saddexda dalqadood ah, haddii ay sidaa maxkamada go’aamisayna ay ka dhigan tahay inay faragelisay diintooda.
Maxkamadda ugu saraysa Hindiya Lahaanshaha sawirka GETTY IMAGES
 Haseyeeshee dadka gadaal ka raxiiya arrinkan ayaa sheegaya in dalal Muslim ah oo ay ka mid yihiin Pakistan iyo Bangladesh ay horay u mamnuuceen dalqadaha saddexda ah, Hindiyana ay kuwaa ku dayan karto.
Garsoorayaasha kiiskan qaadaya ee maxkamadda ugu saraysa Hindiya ayaa ka kooban 5 xaakim oo kala haysata shan diimood oo kala duwan, saddex ka mid ah ayaana sharci darro ku tilmaamay hadda.
Maxkamadda ayaa go’aankan qaadatay ka dib markii ay soo gaareen dhawr codsi oo ay usoo gudbiyeen ururrada u dooda xuquuqda dumarka.
Xiggasho: BBC
Xuduud isticmaar mise xuduud isirnnimo(Qabiil)??!!
Dal kastaa wuxuu qaranimadiisa iyo dawladinadiisa ku saleeyaa xuduudihii isticmaarku ka tegay oo ay caalami ahaana u aqoonsan yihiin Qaramada midoobay. By; Cali Cabdi Coomay
2/8/2017 ayey gobolloda Sool iyo Sanaag ka bilaabmatay kaadh-qaadashadii Soomaalilaan, si ay dadku u codeeyaan doorashada soo socota ee qabsoomi doonta bisha 11naad ee sannadkan, iyaga oo taasi ka fal-celiyaana ayey Maamul-goboleedka Puntland wasiirkiisa arrimaha guduhu ku hanjabay inuu dhiig ku daadaan doono haddii kaadh-bixinta la keeno Sool iyo Sanaag, isaga oo ku doodaya xuduud isireed. Maamul-goboleedka Puntland ayaa inta badan ku doodda in ay leeyihiin ama uu dhulkooda ka tirsan yahay gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, oo xuduud isireed ahaan iyaga raacsan. Waxa aanay ku tilmaamaan in ay Soomaalilaan sheegato xuduud Isticmaar inuu dhulkaasi raaciyey. Doodda noocan ahi waxa ay ku biyo shubataa qardo jeexnino, in aanay madaxda Puntland waxba ka ogayn taariikhda xuduudaha afrika ama ay yihiin qaar la sakhraamay saar qabiil. Xuduudaha afrika waa qaar laga dhaxlay gumaystayaashii afrika dhulkooda qaybsaday sannadkii 1884 ee loogu wanqalay (Partition of Africa).
kastaa wuxuu qaranimadiisa iyo dawladinadiisa ku saleeyaa xuduudihii isticmaarku ka tegay oo ay caalami ahaana u aqoonsan yihiin Qaramada midoobay iyo beesha caalamku. Dhawaan ayaan mid ka mid ah Tilifiishannada Soomaalida ka daawaday dood ka socotay oo ku saabsanayd xuduudihii gumeystayaashu ka tegeen, doodda waxa ka qaybgalaya rag la soo xulay oo Barnmaamijka hordhiciisa lagu sheegay in ay yihiin aqoonyahanno u dhuundhaloola arrimaha xuduudaha caalamka, balse hordhacaasi uu ahaa hal bacaad lagu lisay markay doodda galeen. Qaarkood waxa ay ku doodeen inay xuduudaha afrika sameeyeen Qaramada midoobay iyo ururka midowga Afrika, waa yaab iyo amakaaga, in ay waxaasi ku doodaan raga aqoonyahanka lagu sheegay.
Nasiib wanaaga suxufigii doodda daadihinayey ayaa khadka Tilifoonka u furay dadkii ka qaybgelayey doodda, fursad ayaan u helay in aan la xidhiidho madashii doodu ka socotay, sidaasina waxa aan kula wadaagay sooyaalka xuduudaha afrika. Sidaasi si la mid ah dalalka koonfurta Ameerika iyo kuwa Aasiya waxa xuduudohooda jeexay dawladihii gumeysan jiray oo kala ahaa Ingiriiska, Spain iyo Faransiiska. Sidaasi darteed xuduudda u dhexaysa Soomaalilaan iyo Soomaaliya (Puntland), waxa ay la mid tahay kuwa u dhexeeya dalalka afrika, waana xuduud lama taabtaan ah xagga shuruucda caalamiga ah, waana kuwii ay wada jeexeen dawladaha Ingiriiska iyo Talyaanigu. Dhammaan 54 dal ee ay qaarada afrika ka kooban tahay waa kuwa ay xuduudahoodu ka dhasheen isticmaarkii, meelna kama soo helaysid xuduud isirnnimo ama reernnimo ku dhisan.
Xuduuduhu kuma salaysna Isirnnimo.
Markaad eegto guud ahaan adduunka arka meysid dood xuduudheed reernnimo ku salaysan, balse waxa ay ku qotontaa dhul. Dadka ku nool dal waxa ay inta badan ku wada degan yihiin beelo kala duwan, bal eeg beelahan afrika ku nool iyo siday dalal kala duwan ugu nool yihiin:
= Beesha Xawsa----Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Naygeeriya iyo Nayjar.
= Beesha Yoruba----Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Nayjar iyo Biniin.
= Beesha Fulani---Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Suudaan, Sinigaal iyo Kamaruun = Beesha Berbers..Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Marooko, Tuniisiya iyo Aljeeriya. =Beesha Bobo--------Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Burkiinofaso iyo Maali.
= Beesha Maasay----Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka kiiniya iyo Tansaaniya.
= Beesha Daarood---Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Soomaaliya, Soomaaliland, Kiiniya iyo Itoobiya.
= Beesha Isaaq---Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Soomaalilaan, Jabuuti, Itoobiya iyo Kiiniya.
= Beesha Hawiye---------Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Soomaaliya, Kiiniya iyo Itoobiya
= Beesha Raxanweyn----Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Soomaaliya, Kiiniya iyo Itoobiya
= Beesha Canfarta---------Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Jabuuti, Erateriya iyo Itoobiya
= Beesha Samaroon-------Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Soomaalilaan, Jabuuti iyo Itoobiya
= Beesha Gabooye--------Beeshani waxa ay kala degtaa dalalka Soomaalilaad, Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Kiiniya.
Somaliland ma ahayd dalkii ugu horreeyey ee midowga dal kale ka baxday?
Jawaabtu waa maya, waayo midowgii weynaa ee Midowga Soofiyadka oo ka koobnaa 15 jamhuuriyadood ee la unkay sannadkii 1917 wuxuu burburay oo lagu kala tegay sannadkii 1989, markii lagu heshiin waayey. Waxaana ka dib dawladnnimadoodii dib u soo ceshaday dalalka, Georiga, Ukraine, Armenia, Uzbekistan, Lithuania, Estonia, Latvia iyo kuwa kale. Dhammaan dalalkaasi waxa lagu aqoonsaday xuduudihii ay lahaayeen ka hor midowgii Soofiyadka.
Federaalkii Yugoslavia oo ka koobnaa 8 jamhuuriyadood ayaa isna burburay markii lagu heshiin waayey, ee ay dagaallo qadhaadhi ka curteen, waxa aanu u kala baxay, Serbia, Croatia, Bosnia-Herzegovina, Macedonia, Slovenia, Kosovo iyo kuwa kale. Sidaasi darteed dal kasta oo saluuga midowga uu dal kale la galay dib ayuu uga noqdaa, oo dawladnnimadiisii u soo ceshadaa, Soomaalilaana kuwaasi ayey la mid tahay.
Dadka qaarkii ayaa ku doodda in ay Soomaalilaan iyo Soomaaliya marnaba kala noqon Karin laba dal, waayo iyaga oo wadaaga dhaqan, af, diin iyo midab, haddii ay doodaasi run noqon lahayd waxa midoobi lahaa 17 dal ee Carbeed ee kala madaxabannaan ee kala ah, Sucuudi Arabiya, Masar, Baxrayn, Qadar, Urdun, Liibiya, Marooko, Cumaan, Suuriya, Tuuniisiya, Kuweyd, Lubnaan, Imaaraadka, Yaman, Suudaan, Aljeeriya iyo Ciraaq.
Dhammaan dalalkani waxa ay wadaagaan diin, af, dhaqan iyo midab. Markay samaystaan “ CARABWEYN” ayey Soomaalidu samaysanaysaa” SOOMAALIWEYN”.
F.G= Qoraalkan intiisa badan waxa aan ka soo xigtay qoraal dheer oo taxane ahaa oo uu diyaariyey Ibraain Xasan Gaagaale.
Cali Cabdi Coomay Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan.
Calicoomay@hotmail.com
Adeegsiga Qabyaladda ma layarayn karaa?
Sida aynu og nahay maamulkii Kacaanku waa kii beri yidhi: “Qabyaaladdii waa la dilay, waana la aasay!” Arrintaa waxa lagaga dooday taxanihii Deelleyda, oo xertii Deelleyda qaar ka mid ahi waxa ay ku doodi jireen: “Bahashii waa la duugay waa horee yaan la soo hadalqaadin”. Rag kalena waxa ay la yaabi jireen in nin Kacaanka tolnimo ku taageeraya ama wax kaga helayaa uu isla soo taago: “Qabyaaladi ma jirto waana la duugay ee ninka ku dooda in ay waddanka qabyaaladi ka jirto isaga ayaa wax kale wada!”
Maansayahannadii waaweynaa ee Deelleyda ku jiray mid ka mid ah oo xilliyadii u danbeeyay ee ay silsiladdu joogsan doonto soo galay, waa Cabdulle Raagee, ayaa tix uu lahaa ku sheegay in qabyaalad la dilay aanay jirin ee xaaladda looga sii daray. Wuxu ku metelay majaajilada ah “Qabyaalad baa la dilay” sida mas dabada laga jaray oo aan la dilin oo kale.
Mas haddii dabada laga jaro oo aan la dilin waxa ay ka dhigan tahay in la cariyey oo uu halis weyn geysan karo, nabadina aanay meeshaas oollin. Sidaas ayey bahashii la cariyey u sababtay burburkii kama-danbaysta ahaa ee ku dhacay dalkii beri la isku odhan jiray “Soomaaliya”.
Haddaba qabyaaladdu waa wax hawl badan oo aan lahayn meel ay ku dhammaato. Dakharka qabyaaladeed ee qofka dhakada kaga dhici karaa in uu qabiil kale ka iman karo iyo in uu xagga tolka ka iman karo midna lama sii malayn karo. Sidaa darteed qabyaaladdu waa wax halis ah oo meel loogu hagaago aan lahayn!
Waxa la odhan karaa, aragti ahaan, adeegsiga qabyaaladda waxa kor u qaada baahiyaha kala dudduwan ee dadweynaha. Haddii uu dadweynuhu arko baahiyihiisii oo wax laga qabanayo iyo xeerarkii dalka u yaallay oo si fiican u shaqaynaya, danihiisa ayaa uu raacanayaa oo cidina durbaan qabiil ku kicin kari mayso.
Markaa dhibaatada qabyaaladda waxa yarayn kara oo keli ah waxqabad heer xukuumadeed ah. Maaddaama ay aafadani mid joogto ah tahay waxa fiican in waxqabadkaa aynu soo sheegnayna uu joogto noqdo, haddii kale mar kasta waxa ay heli kartaa fursad ay kor ugu soo kici karto kuna xoogaysan karto.
W/Q: Axmed Iid Aadan

Tuesday, 22 August 2017

Dawladda Natherland ayaa albaabada u laabtay 27 xabsi iyo hay’ado garsoor oo dalka ku yaallay kadib markii ay si aad ah hoos ugu dhacday tirada dembiyada dalka ka dhacaya, waxa aanay go’aamisay in xabsiyada madhan loo beddelo goobo ciyaaraha maarrarowga ah lagu qabto.
Koonfurta dalka Natherland waxaa ku yaalla xabsi aad u weyn oo lagu magacaabo Breda, waxa uu dhisan muddo 130 sano ah. Xabsigan iyo tobannaan la mid ah oo ku yaalla dalka Natherland maanta cid maxaabiis ahi kuma jiraan, kadib markii ay boqolkiiba 20 hoos u dhacday tirada dadkii dembiyada geli jiray waxaa qasab noqotay in la xidho 27 kan xabsi iyo xarumahoodii garsoor.
Marka laga tago hoos u dhaca dembiyada la gelayo, sababaha kale ee keenay in maxaabiistu yaraato waxaa ka mid ah qaabkii xukunnada maxkamadaha oo wax laga beddelay, tusaale ahaan dad badan oo awal cabsi laga qabo in ay wax sameeyaan awgeed loo xidhi jiray ayaa hadda lugta ama gacanta loogu xidhaa silsilad uu ku rakiban yahay qalab kombiyuutarka booliiska u sheegaya halka uu qofku joogo iyo in uu ku dhowaaday meelaha laga ilaalinayey, waxaa jira iyaguna in goobaha caafimaadka maskaxda aad loo tayeeyey dad badan oo dembiyo galena la ogaaday in sababaha ay ka mid tahay caafimaadkooda maskaxda oo aan fiicnayn, sidaa awgeed maxkamaddu halkii ay ka xidhi lahayd ay u gudbiso goobaha caafimaadka maskaxda ama caafimaadka nafsiga ah.
Source-GSK

Mufakir siyasadeed Cawil Cabdilaahi Xayd (Af-sarkaalleh) oo Hargaysa kusoo foolleh.

Iftiinkacusub.com: Hal-abuurnimada siyaasadu inta badan maaha wax la barto isla markaana Buug iyo Qalin loo qaato,balse waa wax loo dhasho oo caloosha Hooyada lagala soo baxo,kadibna lagu

Mufakir siyasadeed Cawil Cabdilaahi Xayd (Af-sarkaalleh) oo Hargaysa kusoo foolleh.

Iftiinkacusub.com: Hal-abuurnimada siyaasadu inta badan maaha wax la barto isla markaana Buug iyo Qalin loo qaato,balse waa wax loo dhasho oo caloosha Hooyada lagala soo baxo,kadibna lagu dabaqo hadba inta

Saturday, 19 August 2017

Qiso yaableh: Guurkii gabadha Jinka ahayd ee Aamina Suldaan.Qaybtii 1-aad.
Sheekadan waxaa ka sheekeeyey Ninkii isagu guursaday gabadha Jinka ah ee Aamina Suldaan,waxa laga yabaa in iswaydisaan su'aal ah sidee ayay isu guursan karaan nin Insi ah iyo gabadh Jin ah? hadiiba ay dhacdo in ay isguursadaan qaabkee ayay u wada noolanayaan? midda kale caruurta ay dhalaan  ma Insi ayay noqonayaan misse caruur Jinni?Waxaasi oo dhan waxa aynu kaga boganaynaa sheekadan.
Sheekadan waxaa si layaableh uga sheekaynaaya isla Xasan Olol oo ah ninka qaba Aamina Suldaan oo ah gabadha Jiniga ah,waana sheeko runtii aad u xiiso badan waxyaabo badana aad looga faa'idaysan karo.
Xasan Olol Jaamac waxa uu guursaday gabadh Jin ah oo la yidhaahdo Aamina Suldaan, laakiin Xasan Olol Jaamac waxay qisadani yaabka lihi ku dhacday oo ay la kulantay sannadkii 1948-kii, sheekadaasi Xasan Olol Jaamac marar hore oo dhowr ah ayuu ka sheekeeyey, ka dib markii ay waraysiyo la yeesheen qaar ka tirsan warbaahinta dalka ee kala duwan, wuxuuna Xasan sheegay inay naagtaasi jinka ahi u dhashay 14-caruur ah, laakiin Xasan Olol Jaamac waxa uu hadda ku sugan yahay oo uu joogaa magaaladda Hargeysa, sidaasi daraadeed ayuu Xasan Olol Jaamac uga sheekeeyey qisadaasi ku dhacday iyo naagtaas jinka ah ee uu guursaday, iyada oo ay Xasan Olol Jaamac hadda da’diisu tahay 70-jir.
Xasan Olol Jaamac isaga oo ka sheekaynaya bilowgii sheekada iyo sidii uu ku guursaday ee ay u kulmeen naagtan jinka ah wuxuu sheekadiisa ku bilaabay (Waxaan joogay magaaladda Xiis, ka dibna wiilal ayaa ka yimid magaaladda Berbera, markaasi ayaan ku idhi “Maxaad ka shaqayn jirteen”, waxayna ii sheegeen inay maraakiibta xoolaha qaadda ka shaqayn jireen, markaas ayaan ku idhi “Xagee Berbera loo maraa”, waxayna igu yidhaahdeen “Xeebta ayaa loo maraa amaba doon ayaa la raacaa”.
Muddo yar ka bacdi anniga oo abtigay la jooga magalada Xiis ayaan ku is idhi Berbera u shaqo tag, ka dibna abtigay ayaan u sheegay,  waxaanu  igu yidhi “Doonyuhu ha yimaadeen, dooni ayaan ku saari doonaaye”, waayo berigaasi gawaadhi ma jirin oo doonyo ama safaro lug ah ayaa Berbera lagu tegi jiray.
Hadaba waxa aan Abdigay u sheegay in aan haysto  safaro aan raaco”, abtigayna waayahay ayuu igu yidhi, ka dibna inta uu dukaan I geeyey ayuu ii soo iibiyey laba go’, timir, sonkor iyo bariis aan sahay ka sii dhigto, isla markaana waxa uu I siiyey laba rubadood oo ah lacagtii (Indian Money) la odhan jiray, laakiin safaro ma jirin oo waxaan abtigay u sheegayey been aan kaga baxsado’e.
Akhriste habeenkii oo dhan ayaan waaga berigiia ilaalinayey inta aan sahaydaydii madaxa dhigtay, ka dibna markii daakiraadii salaadda subax lagu dhuftay ayaan albaabka iska furay anniga oo abtigay ka dhuumanaya, waanan dhaqaaqay waxaanan qaaday waddada xeebta ee dhinaca Berbera u baxda, waagaa nin dhaliyaro ah oo laba lugood ku orda oo iga dheereeyaa ma jirin, sidaasi darteed marna waan ordayey marna waan tallaabsanayey.
Hadaba  goor ay makhribkii tahay ayaan arkay gabadh badda ku dabbaallanaysa oo dharkeedii iyo alaabteediina ay bannaanka taallo, markaas ayaan is idhi qoodh iyo xero gabadha quruxdaas leh ee cidladaasi joogta beerka kaga deg.
Waxa kaloo aad xasuusnaantaan in aad dabaasha si fiican u aqaano oo aan kusoo bartat Degmada Xiis , ka dibna dharkii iyo sahaydii ayaan dhigtay oo baddii ayaan galay oo biyihii ayaan quusay, markaasaan labadeedii lugood dhexdooda ka soo baxay, dabadeedna inta aan mudh biyihii ka soo idhi ayaan iyadii shax ku siiyey, dabadeedna markii aan biyihii ku saydhay ayey igu tidhi “Waar dee baddaa dabbaallo oo iga durug maxaad hoosta iiga soo galaysaa”, dabadeedna markaasaan ku idhi “Aynu wada dabbaallano”, waxay iigu jawaabtay “Waxba ila dabbaallan maysid ee badweyn baad joogtaaye geestaada ka gal oo iga durug”.
Ilayn aniga danni ayaa iga hayee inta aan  dib uga durkay oo sida hoonbarada isu rogay ayaan shaanbad cidhibta ku dhuftay, si aan uga cadhaysiiyo oo ay iila dagaalanto, markaas ayaan isa soo hortaagay, dabadeedna inta ay timihii dheeraa I qabatay oo biyihii illeyn iskama ay kay dilaynoo lexo-jeclo ayaa iga haysaye, markii aan hal mar cantuugay biyihii ayey I sii daysay, ka dibna waxa ay igu tidhi “Waar ma badda ayaan kugu bakhtiiyaa mise baddaad geestaada kaga dabbaallan”, annigu illayn dagaalkii aan doonayey ayaa cusboonaadaye waan isku soo qaaday, teeda kale waxaan moodayey gabadh Insi ah manaan moodayn gabadh Jin ah inay tahay.
Weligay jinow sheekana kuguma maqal shaahidna kuguma arag, gabadhaasi mar kale ayey haddana badda I quusisay, laakiin markii aan biyihii hal mar cantuugay ayey I sii daysay, dabadeedna waxaan is idhi naagtan badda kaga adkaan mayside ee berriga ugu bax, ka dib intaan baddii ka baxay ayaan guntiga giijistay oo aan waliba gaabsaday, go’ii kale ee aan tuurta ku sitayna dhexda ayaan ku xidhay, budhkii aan sitayna labada gacmood ayaan ku qabsaday oo waxaan u diyaar garoobay dagaal.
Hadaba markii ay  baddii ka soo baxday ayey iyadoo aan kala jeclayn inaan dad ahay iyo inaan duunyo ahay oo laafyoonaysa oo biyihii timaheeda ka daadinaysa oo shax-shaxda kaga siinaysa ayey iskay soo ag-taagtay markaasi ayaan ku idhi “Naa maxaad badda iigu bakhtiinaysay”,anniga oo is leh intaanay maryaha kaa gashan ee ay qaawan tahay beerka kaga deg,ayaa waxay igu tidhi “Oo ma imika ayaan kaaga raynayaa”, markii ay intaasi tidhi ayaan budhkii u taagay,balse goor ay I qaaday iyo goor ay I legeday iyo goor ay budhkii iga tuurtay toona anniga oo aan ogeyn ayuun baan arkay iyada oo gacmaheedii midna cunaha igu qabatay midna labadaydii gacmood,laakiin ima ay ciijine waxay igu tidhi “Waar ma iska tagaysaa mise kan cad iyo kan madow ayaan ku kala siibaa”.
La soco qaybta 2-aad isla sheekadan.
Xujeyda Somaalida oo ka cabaneysa mukhalasiinta ku shaqeysta arimaha xajka
Xujayda Soomaalida ah ee ka timid wadanka gudihiisa ayaa eedeen u soo jeediyey dadka kaxeeya xujaydda oo ay sheegeen in ay lacag badan ka qaadeen, islamarkaana meelaha ugu hooseeya la dajiyo.
Xujaydan Soomaalida ayaa sheegay lacagta laga qaada iyo adeega iyo goobaha la geeyaa in aysan isku dhigmin, waxaana ay tilmaameen  hoteeladda ugu jaban aan wanaagsaneyn la dajiiyo taas oo ay barbar dhigeen Xujayda kale oo la dajiyo hotelada ugu wanaagsan oo waliba masaajidka Nabiga lagu dhaweeyo.
Wariye ka tirsan telefishanka Universal oo ka mid ahaa xujayda ka timid Yurub ayaa isbarbar dhig ku sameeyey xujayda Soomaalida ka timid wadanka gudihisa iyo kuwo ka yimid Yurub oo qiimo jaban lagu soo qaado meelo aad u heer sareeyana la geeyo, halka Xujayda wadanka gudihiisa ka timaada lacag badan iyo adeeg aan u qalmin la iskugu daro.
“Haddii aanu nahay Xujayda ka soo xajday Hargeysa waad arkaysaa hoteelka aan ku jiro kulaylka ka jira iyo dhididka naga baxaya, waayo qof walba waxaa laga soo qaatay lacag ku dhaw afar kun, halka Jabuuti lagaga soo Xajiyo kun iyo lix boqol oo doolar, wixii dadka laga qaaday dhib ma leh laakiin waa in ay dadku helaan adeeg wanaagsan oo u qalma, tusaale ahaan xaramku wuxuu noo jiraa 5m, halka Xujayda Soomaalida ah ee qurbaha ka yimaada oo lacag intan ka yar laga qaado hoteelo raaxo leh iyo masaajidka agtiisa  la dajiyo,”ayuu yiri mid ka mid ah Xujayda Soomaalida.
Wiil dhalinyar ah oo waday Ayeydii ayaa isna ka sheekeeyey dhibaatadda ka soo gaartay Xajka iyo goobta la dajiyey oo aan lahayn adeeg ku haboon, waxaanu yiri “Masaajidkii nabigu wuxuu noo jira 500m oo ku dhow hal killo mitir, Anigu waan socon kara iyo dadka dhalinayrada ah laakiin ayeyday oo kale waxay ku qaadanaysa wakhti dheer inta ay sii soconayso iyo inta ay soo soconayso, markii aanu ka iminaynay Hargeysa waxay nagu yiraahdeen Anaga adeegiina oo dhan diyaarinayna, laakiin maanu arag adeegii ay noo balqaadeen qofku isaga uun baa la silcaya qofkii uu waday oo ilaa masaajida Nabiga oo naga fog kolna la lugaynaya kolna ka soo kaxaynaya waana silic iyo dhibaato badan oo na haysata”
Dhinaca qurbo joogta soomaaldia ee xajka timid ayaa iyagu amaanay sida loo qaabilay iyo adeega wacan ee loo fidiyey, waxeyna sheegeen in ay u mahad celinayaa dadkii soo kaxeeyey, waxaanu yidhi“Anagu waxaanu deganahay masaajidkii Nabiga agtiisa, salaad walba oo ka mida ah waxaanu ku tukanaa masaajidka, hoteelada aan ku jirnaa waa kuwo raaco leh.”
“Anaga qoladii naga soo qaaday Birmaham (Ingiriiska) waxay ahaayeen qolo aad u wanaagsan oo illaa magaalooyinkii aanu ku soo nasanay illaa Maka iyo Madiina meelaha ugu wanaagsan nagu dajinayey, imika hoteel aad u wanaagsan ayeey na dajiyeen, masaajidkana uu u  jira saddex daqiiqo oo salaad walba aan ku tukano,”ayuu yiri nin ka mid ah xujayda ka yimid Qurbaha.
Sheikh Maxamed Haybe oo ka mid ah xujayda soomaaldia ee sanadkan soo xajay ayaa walaac xoogan ka muujiyey soomaalida xujayda ah ee ka timid wadanka gudihiisa iyo nolosha adag iyo adeeg la’aanta ay wajahayaan marka Xajka gudanayaan, isaga oo yiri “ War dadka xujeyda wadda Aakhrina ha ku gubanina, aduunyada ha ku ceeboobina, ilaahayna xaaraan ha ka shaqaysanina, oo u tura oo u naxa oo hadii aydaan caawin karin faraha ka qaada, waa wax laga naxo oo calool xumo ah oo laga ilmeeyo oo aragax leh ayaad dadkaasi ku arkaysaa xujayda ah ee wadanka gudihiisa ka timid, ma jiro dad kale oo wadan kale ka yimid oo noloshaasi oo kale ku nool, xitaa dadka aduunka ugu fiqiirsan kuma jiraaan halka geeyo dadka Soomaalida ah ee xujayda ah”.
Dadka xujayda soomaalida ah ayaa laga qaadaa lacag faro badan oo ku dhaw afar kun oo dollar, halka wadamadda jaarka sida Itoobiya iyo Jabuuti qofka xajka tagaya ay kaga baxdo uun kun iyo lix boqol oo doolar, waxaana soomaalida u sii dheer goobaha ugu qiimaha hooseeyo oo la dajiyo iyo dhibaatooyin badan oo ay kala kulmaan wakhtiyada ay cibaadaysanayaan.
Barkhad-ladiif .

Tuesday, 15 August 2017

Cunista hilibka Lo'da ee dalka Hindiya oo ka cadhaysiiyey dadka Lo'da caabuda.
Gudoomiyaha Dawlada hoose  gobolka Haryana ee dalka Hindiya Manohar Lal Khattar, oo ah hoggaamiye ka tirsan xisbiga Bharatiya Janata Party ee  xukuma waddanka  India ,ayaa sheegay in cunidda hilibka Lo’da ee Muslimiinta ku dhaqan India uu dhib weyn ku yahay bulshada Hinduuska, oo iyagu caabida Lo'da, sidaas awgeedna ay waajib ku tahay bulshada Muslimiita Hindiya in ay joojiyaan cunista hilibka Lo’da.
Manohar Lal Khattar oo guddoomiya dowladda hoose ee gobolka Haryana ee waddanka Hindiya ,ayaa intaas ku daray in Lo’du loo aqoonsan yahay mid kamid ah tiirarka Caqiidada ee Madhabta bulshada Hinduuska ee Dalka Hindiya.
Inta badan Gobolada waddanka Hindiya waxaa mamnuuc ah gowraca Lo’da, taas oo ay Bulshada Hinduusku u arkaan xayawaan barakeysan,  Hinduusku waa bulshada  ugu badan ee waddanka Hindiya.
Go’aanka mamnuucidda cunidda hilibka Lo’da ,ayaa dhaliyey cadhada dadka Muslimiinta ah,oo iyagu  si aad ah u cuna hilibka Lo'da, iyada oo dadka waddankaas qaarkiis ay su’aal geliyeen halka ay ka heshay xukuumadda xaqa ay ku xadaynayso waxa ay karsanayaan ama ay cunto ahaan u adeegsanayaan.
Go’aanka ay xukuumaddu ku mamnuucday cunidda hilibka Lo’da ee dalka Hindiya, ayaa wajahaya dhalliilo waaweyn, oo ay sababtoodu tahay in hilibka Lo’du yahay waddanka Hindiya mid aad uga jaban ama uga raqiisan hilibka digaagga iyo kan Kalluunka, sidaas oo kalana hilibka Lo’du waa kan ugu badan ee ay cunnaan bulshada muslimiinta ah iyo mujtamaca habka qabaa'ilka ah u dhisan oo dhammaantood ah saboolka ah.
Xisbiga congress-ka ee mucaaradka ayaa si weyn u dhalliilay hadalka Manohar Lal Khattar duqa dowladda hoose ee gobolka Haryana ee waddanka Hindiya ee u saabsan joojinta cunidda Hilibka Lo’da, waxa uu sheegay xisbiga mucaaradku in uusan mudane Lal Khattar xaq u lahayn in uu sii joogo xilkiisa guddoomiyenimada dowladda hoose ee gobolka Haryana
Xigasho:
BBC carabi
Warbixin cusub: Hal Bilyan oo Tan oo cunto ah ayaa la daadiyaa adduunka oo dhan sanad walba, iyada oo ay dad gaajoonayaan!!
Hal Bilyan oo tan oo cunto ah ayaa la daadiyaa ama la qubaa adduunka oo dhan sanad walba, iyada oo ay gaajoonayaan tiro ku       dhow halkaas Bilyan oo dad ah.
Dowlado badan oo Carbeed iyo kuwo kamid ah waddamada soo koraya ayaa arrinta cunto daadintu ka taagan tahay, iyada oo aan laga faaiideysan ayna gaajo haysa qaar kamid ah muwaadiniinta waddamada cuntada daadiya ayaa sanad walba waxa la daadiyaa hal Bilyan oo tan oo cunto ah.
Muwaadiniinta gaajoonaya ee waddamada cuntada daadiya ayaa sidaas oo kale waxa haysta hoy xumo iyo dhibaato gaarsiisa in ay ka dagaagaan waddamadooda, iyaga oo raadinaya ugu yaraan wax ay cunnaan.
Ururka cuntada iyo beeraha ee QM (FOOD AND AGRICULTURE ORGANIZATION) ayaa warbixintiisii ugu dambeysay ku sheegay in waxsoosaarka adduunka ee cuntada 30%  ama wax ku dhow 1.3 bilyan oo tan oo cunto ah la daadiyo sanad walba ka hor inta aysan gaarin miiska qofkii cuni lahaa.
FAO ayaa sheegtay in cuntada sanad kasta lagu daadiyo adduunka oo dhan ay baahi tiri karto dadka ku gaajoonaya adduunka oo dhan.
Sababta cuntada ay u daadiyaan ama u qubaan dowladaha soo koraya iyo kuwa Qaniga ah ayaa lagu sheegay in ay tahay dhibaato ka haysata dhanacyada keydinta raashinka , raridda iyo sidoo  kale  caadooyinka iyo dhaqamada waddamada qaarkood, kuwaas oo lagayaaboo in ay dhiirrigeliyaan daadinta cunatad.
Hadda waxaa kor u kacaya dhalleeceynta  loo jeedinayo dowaladaha Carbeed ee sida maalinlaha ah u daadiya Cuntada, ururada bulshada Rayidka ah ee waddamadaas ayaa ka welwelaya saameynat ay cunatad la qubaa ku yeelan karto Cunto helidda adduunka, samesyka dhulka iyo guud ahaan deegaankaba.
Cilmi baareyaal taageero ka helayey guddiga qaaradda Yurub ayaa sheegay in Waddamada midoga  Yurub ay sanad walba daadiyaan 22 Milyan oo tan oo cunto ah.
Waddanka Ingiriiska ayaa kaalinta koowaad uga jira cunto daadinta qaaradda Yurub, Warbixinta FAO ayaa lagu sheegay in qoys walb aoo Ingiriis ah uu daadiyo ama qubo cunto qiime ahaan dhan 800 oo Yuuro ama in ku dhow 900 oo dollar.
Faransiiska ayaa muwaadin walba waxa uu daadiyaa 20 illaa 30 Kg oo raashin ah taas oo uu ku rido hanta qashinka iyada oo aan la isticmaalin, cuntadaas ayaa qiime ahaan ku fadhisa 12 illaa 20 Bilyan oo Yuuro sanadkiiba sida lagu sheegay warbixinta wakaaladda Nvairmental Research Letters, oo ka faaloota arrimaha deegaanka.
Si looga hortago dhibaatada cunto daadinta baarlamaanka faransiisku waxa uu soo saaray xeer ka dhan ah cuntada la qubo iyada oo aan laga faaiideysan, xeerkaas ayaa ka reebay Baqaarada ka weyn 400 oo mitter in ay baabi’yaan cunatada aan beeca ahayn sida tan saddaqada ah, qofkii ama baqaarkii jebiya xeerkan ayaa la dul dhiga ciqaab xarig 2 sano ah iyo ganaax lacageed dhan 75000 oo Yuuro.
Dowladaha Carbeed, gaar ahaan waddamada Khiliijka ayaa waxa la soo diiwaan geliyey tiro badan oo cunto ah in lagu daadiyo waddamadaas, taas oo loo aaneynayo dhaqanka iyo Caadooyinka bulsho oo xukuma habka loo cuno cuntada. Munaasabadaha bulsho ee kala duwan iyo xitaa mararka qaarkood iyada oo aan munaasabadi jirin ayaa waxa la qabtaa xaflado ama Sab lagu soo bandhigo cunto iyo cabitaan aad u badan, iyada oo la dhaqangelinayo halhayska caanka ah ee Carbeed oo ah :- Ma yaraanayo ee wuu badanayaa (يزيد ولا ينقص”.), kaas oo loola jeedo in barwaaqadu ku badato bixinta balse aanay ku yaraan.
Iyada oo haddaba la tixraacayo tiro koob la sameeyey oo quseeya arrinta cunto daadinta eeWaddamada gacanka Carbeed ayaa waxa la ogaaday boqortooyada Sucuudiga oo kale in ay 16 Milyan oo xeero ama saxan oo cunto ah lagu shubo haanti qashin qubka maalinkii magaalada Caasimadda ah ee Riyaad iyo bariga waddanka Sucuudiga.
16-ka Milyan ee cunatada ah waxa uu muwaadin walba oo ku nool Caasimadda iyo bariga Sucuudigu daadiyaa 250 Kg oo cunto ah, sida ay sheegtay wasaaradda beeraha ee Sucuudigu, laguna xusay warbixinta hay’adda samafalka iyo quudinta ee Sucuudigu.
Magaalada barakeysan ee Maka Al Mukarama  waxaa la daadiyay 50.000 oo tan oo cunto ah bishii Ramadaan oo keli ah.
Si looga hortago dhibaatada ka taagan daadinta cuntada ayaa wasaaradda waxbarashada ee Sucuudigu waxa ay qabatay kulan weyn oo ciwaan looga dhigay “Ka hor inta aanay barwaaqdu dhammaan”, ujeedka kulankaas ayaa ahaa xal u helidda  daadinta cuntada iyo ka guulgaaridda barwaaqo ku kibirka muwaadiniinta Sucuudiga, iyo sidii loo wacyi gelin lahaa calooshi la ciyaar badan oo muwaadiniin Sucuudi ah.
Waddanka Qadar  waxa la daadiyaa 50%
Baxreyn 25% waa la daadiyaa cuntadaImaaraadka 55% waa la qubaa Cuntada
Warbxinta hay’adda cuntada iyo beeraha ee QM ayaa lagu sheegay in cuntada adduunka oo dhan lagu daadiyo sanadkii ay gaartay hal Bilyan oo tan oo cunto ah, halka dadka gaajoonayana ay ka sarreeyaan wax xoogaa tiradaas adduunka oo dhan.
Aragtidaada gurigaaga cuntada ma la daadiyaa?
Sidee bulshadaadu ka yeeshaa cuntada ka soo harta?Ma lagu baraarugsan yahay deegaanka qiimaha ay ku fadhiso cuntada la daadiyo? Caadooyinka iyo dhaqanka ma tahay in dib loo eego, marka laga hadlayo arrintan cunto daadinta?
Isha: BBCarabic
Waxaa Turjumay Axmed Ciise Guutaale
Qiso yaableh: Waraysigii  gabadhii Jinniga ahayde ee Reymaa. Qaybtii 5-aad.
Waxaan halkan idiinku soo bandhigayaa , wareysi dheer oo dhexmaray aqoonyahan Abukar Albadri iyo gabadha Jiniga ah ee  magaceeda la yidhaahdo Reymaa, taas oo ka tirsan degganayaasha Magaalada Muqdisho ee jinniga ah, gaar ahaan kuwa xaafadda Liido ee degmada Cabdulcasiis.
 Wareysiga qeybtiisii afaraad waxaa uu inoo maraayey aniga oo Reymaa weydiiyay su’aal la xiriirtay jawaabta uu bixiyey Wiilkii Soomaaliyeed ee ay jeclaatay Reymaa Saaxiibteed Nujuum, wareysiga qeybtiisa 5aad waxaan ku billaabeynaa isla su’aashii ugu danbeysay iyo jawaabteeda, waana sidan.
Su’aal: Dhanbaalkan saaxiibtaa Nujuum ay u dirtay Axmed inta uusan geeriyoon ka hor waxaa uu ina galiyey qushuuc badan, wiilkii Axmed ahaa muxuu ku jawaabay, saameyn noocee ah ayuuse dhanbaalkii Nujuum noloshiisa ku yeeshay, maadaama ay caddahay in uu dhanbaalka uga yimid gabar aan insi aheyn?
Reymaa: Eeen! Axmed Ilaahey ha u naxariisto, hadda wuu dhintay, duco ayuu inooga baahan yahay! Saaxiibtey Nujuumna Ilaah ha caafiyo, naxdintii ay geeridiisa ka naxday darteed ayey weli koomo ugu jirtaa. Dhabtii Axmed aad ayuu uga falceliyey dhanbaalkii ay u dirtay saaxiibtey, naxdin ayuu ka qaaday, farxad kuma uusan soo dhoweyn dhanbaalka.Markii uu dhanbaalka aqriyeyba wuu is waalay, dharka ayuu tuuri gaaray, balse Quraan ayuu gurigii ku aqriyey, culumo ayuu isu keenay, waa la i sixray ayuu yiri, wuxuu u qaatay in la sixray oo jinni loo adeegsaday, balse lama sixrin, jinnina looma adeegsan, isaga uun baa iska dhaadhiciyey, jinniga waa gabar si dhab ah uga heshay.
Su’aal: Iyadu waa jinni, isagana waa insi, marka ay ka heleysay halkuu joogay, sideyse ku aragtay?
Reymaa: Axmed wuxuu ka mid ahaa dhalinyarada Shiishadda cabta, inta ugu badan goobaha shiishadda lagu dhuuqo jinni wuu joogaa, waliba jiniyada ugu halista badan ayaa joogaan, waayo jinniga tubaakada aad ayuu u jecel yahay, kiisa xun iyo kiisa fiicanna inta badan way cabbaan shiishadda.
Axmed shiishadda uu cabbo, marka uu qaaca sii daayo ayey korkiisa ma dhuuqi jirtay saaxiibtey, kaddibna haaneedkiisa iyo suurihiisa ayey ka heshay, dartiisa ayey meeshii shiishadda u tagi jirtay.Axmed shiiashadii ayuu ku xanuunsaday, waayo shiishaddu waa tubaako aad u culus oo sanbabada aad u dhaawacday, wuxuu ka qaaday cudurka TB, kaddibna waa laga daweeyey, shiishaddiina wuu iska dhaafay, saaxiibteyna sidii ayey gurigiisa ugu soo raacday.
Su’aal: Axmed falcelintiisii iyo quraankii sidey u saameeyeen Nujuum?
Reymaa: Nasiib darrada dhacday waxay aheyd in saaxiibtey gurigii laga xijaabay oo Quraan lagaga saaray, muddo dheer ayuu guriga Quraan ku waday oo saaxiibtey laga xijaabay, qolkii uu degganaa ee ay warqadda u dhex dhigtay xitaa wuu ka guuray, jimco walba gurigii Quraan baa lagu aqriyaa oo raatib ayuu ka dhigtay, marka uu guriga ka baxayo qolkiisa quraan ayuu ku shidaa oo kaga tagaa, gaarigiisa heesihii wuu ka joojiyey oo Quraan ayuu ka shitaa, meelihii uu shiishadda ku cabbi jiray wuu ka go’ay.
Mararka qaar heer wuxuu gaaray haddii uu si caadi ah u jiriricoodo in uu moodo in ay Nujuum afuufeyso, markaas ayuu qayliyaa, “Acuudu Billaah” ayuu yiraahdaa, dadkii oo dhan baa la yaabeen, wiilkii wax waashay camal buu u dhaqmayey. Quraan aqris ayaa lagu waday muddo dhawr bilood ah.
Saaxiibtey dhanbaalkii naxariista badnaa ee ay u dirtay Axmed waxaa ay ka dhaxashay in ay agariisa weyso in muddo ah, wiilkii ay jecleyd iyo iyadiina shanfaroodle ayaa kala irdheeyey, waayo haddii xitaa uu u naxariisan lahaa iyagii baa Quraan iyo dhaawid la daba kacay oo wiilkii ku leh wuu waashay, isagiina wuxuu aaminay in la sixray.
Ugu danbeyn xaaladiisa waa ay soo roonaatay, xitaa waxaa jirtay rajo ah in uu Nujuum jeclaan doono, saansaan wanaagsan ayaana ka muuqday inta uusan qaraxa ku dhiman.
Su’aal: Inta Quraansaarka iyo Dhaawidda lagu waday Axmed maxay sameyn jirtay saaxiibtaa, miyey ugu tagi jirtay gurigiisa, siduuse Quraanka u saameeyey iyada?
Reymaa: Maya! Uma aysan tagi karin, waayo quraanka la aqriyey wuxuu ahaa xijaab iyada laga aqristay, Quraankuna waa xijaab wixii laga aqristo kaa xijaaba, xitaa insiga ayuu insi kale ee dulminaya ka xijaabaa haddii uu si niyad ah oo daacad ah u aqristo, ALLAAH na baryada wuu aqbalaa, marka saaxiibtey meel ugama banaaneyn guri Quraanka lagu oowday ay gasho.
Su’aal: Saaxiibtaa markii Quraanka uu ka aqristay Axmed ma weysay mise weli way arki kartay?
Reymaa: Aragti way arki kartay, balse sidii ay markii hore ugu dhoweyd ee habeenkii dhan iskala joogi jirtay uguma aysan soo dhowaan karin, riyadiisa sidii au ugula haasaawi jirtay waa ay weysay. Mararka uu guriga ka soo baxo ee uu gaarigiisa meel inta dhigo, ka dego ayey sheedda ka daawan jirtay, fursaddaas ayey joogto u raadin jirtay, waayo waxay aheyd fursadda kaliya ee ay heysatay, waa xilliga kaliya ee uusan Quraan u daarneyn ama uusan aqrineyn ee uu xijaab la’aan yahay, mararka uu Quraanka afka ku heysto ma arki karin, wuu ka xijaabmayey.
Su’aal: Sida aad ii sheegtay galabtii aan gurigaaga joognay Axmed muddo kaddib wuxuu yareeyey Quraankii uu isaga xijaabayey Nujuum, kaddibna Nujuum waxaa ay dib u billowday in ay la xiriirto oo dhanbaallo hor leh u dirto, arrintaas wax iiga sheeg?
Reymaa: Nujuum mar kale ayey heshay fursad ay Axmed ugu dhowaato. Axmed gurigii hore ayuu ka guuray, gabar ayuu la saaxiibay, gabadhaas ayaa ugu imaan jirtay guriga uu degganaa. Nujuum kama aysan xumeyn in uu saaxiibad yeeshay, waayo waxay aheyd xilliga kaliya ee ay fursad u heli jirtay in ay daawato isaga oo gabadha la sheekeysanaya, balse gabadhaas waxaa ay aheyd gabar suuro badan, xanaaq badan, maseyr badan, inta badanna iyada uun inta xaalad abuurto ayey waqtiga kaga qaadi jirtay, aad ayuu ugu dulqaadan jiray oo u maslaxeyn jiray, marka ay ka tagto ayuu fikir gali jiray, xilligaas uu fikiraayo ayey saaxiibtey Nujuum ka faa’iideysan jirtay oo inta u dhowaato ayey waxa uu ku fikirayo ayey u suureyn jirtay.
Markaas uu fikirka la tago ee uu ka fikirayo gabadhii uu jeclaa ee u timid, haddana ka tagtay isaga oo aan faraxsaneyn ayey Nujuum isaga gelin jirtay riyo maalmeed uu isaga u maleeyo khiyaali uu isaga abuurtay, balse ay iyada u abuureysay. Sidoo kale ayey ku soo laabatay in ay riyadiisa habeenkii ugu timaaddo, isagiina in uu riyadaas jecleysto ayuu billaabay, oo Quraankii marka uu seexanaayo uu shidan jiray xitaa wuu iska demin jiray markii danbe.
Su’aal: Dhanbaalka ay u dirtay ee kale maxay ku qortay?
Reymaa: Waxay uga sheekeysay sida ay u jeceshahay iyo sida uu qaladka uga aaminsan yahay, waxay u sheegtay in aysan noloshiisa ka hareyn waligeed ama ha aqbalo ama ha diidee iyo in ay diyaar u tahay in ay is arkaan iyada oo aan wax dhib ah u geysaneyn.
Su’aal: Dhanbaalkaas hadda ma wada aqrin karno oo waa uu dheer yahay, balse waxaa jirtay qeyb ay ugu sheegeyso in ay horey isu arkeen, qaabkey ugu sheegtay in ay is arkeen?
Reymaa: Saaxiibtey maalin maalmaha ka mid ah waxaa ay raacday Bajaaj, waxaa ayna dooneysay in ay isaga aragto, markii ay bajaajta kaga degtay meeshii uu gaarigiisa yaallay iyada oo gabar caadi ah u eg, ayuu aad u soo jalleecay, wuxuu u muujiyey xoogaa dhoolacaddeyn ah, iyadana way u dhoolacaddeysay iyada oo ka shiixeysa hoosna eegeysa, kaddibna gaarigiisa markii uu fuulay ayuu ku yiri maku sii dhoweeyaa, iyadana haa ayey ku tiri.
Su’aal: Halkeebuu ku dhoweeyey markaas?
Reymaa: Iyada waxaa ay u sheegtay xaafad tiisa xageeda ah, kaddibna inta ay gaariga la saarneyd ayuu magaceeda weydiiyey, waxaa ay u sheegtay magaceeda runta ah, kaddibna lanbarkeeda ayuu weydiiyey, kaddiba waxaa ay ku tiri magaalada waan ku cusbahay, lanbar weli ma qaadan, sidii ayuu kiisa ugu qoray, markii xaafaddiisa lagu dhowaaday ayey gaariga ka degtay, isaga oo aad u soo qooraansanaya ayuuna ka dhaqaaqay.
Su’aal: Markaas miyuu dareensanaa in ay gabar jinni ah tahay?
Reymaa: Maya, muu dareemin, quruxdeeda iyo lebiskeeda iyo hab dhiskeeda ayuu ka helay, waayo Nujuum waxaa ay leedahay qurux Mucjiso ah, isagana aad ayuu uga helay, balse markii uu gaariga dhaqaajiyey iyadana way iska qarisay, waayo markii horeba kaligiis ayaa arki karay oo dadka kale meysan arkeyn, inkastoo ay isaga la aheyd in ay dadka arkayaan gabadhan horey u saran.
Su’aal: Sidee bey dhanbaalkeeda ugu sheegtay arrintaas markii ay doonaysay in ay Axmed u sheegto?
Reymaa: Waxaa ay ku tiri sida “Axmed neecaawow! Maalintii iigu farxadda badneyd waxaa ay aheyd markii aniga oo ka degay Bajaaj inta ku soo eegay aad iigu baaqday in aad horey ii sii qaddo oo aan horey kuu sii raacay. Fursadda iigu dhow ee aad igu aragtay ayey aheyd, in badan ayaad i qooraansatay, lanbarkeyga ayaad i weydiisay, waxaan kugu iri "Magaalada waan ku cusbahay oo lanbar ma lihi" nasiib darro isuma kaa sheegi karin, oo waxaan ka baqay in aad mar kale qalqal gasho oo aan haddana ku waayo”.
Axmed hadalkaas wuu yara gareystay oo farrintii labaad kama uusan qalqalin, magicii Nujuum ee markii ay gaariga la raacday ay u sheegtay ayeyna dhanbaalka ugu soo qortay oo wuu gareystay.
Su’aal: Kaddib muxuu sameeyey?
Reymaa: Wuxuu arrintii kala sheekeystay saaxiibadiisa, markii uu ka sheekeynaayey waan la joognay, runta ayuu ka sheegay oo weliba wuxuu lahaa haddii aysan igu darsoomeyn waaban iskala saaxiibi lahaa.
Su’aal: Geeraarka warqadda ku qornaa wax maka xasuusataa?
Reymaa: Haa, wuu dheeraa, warqaddii ma hayo hadda, balse 3 beyd ayaad ka xasuustaa, isaga oo billow iyo dhameystir leh waan ku siin doonnaa marka aan arrinta Nujuum buugga ka qoreyno, balse hadda beydadka aan xasuusto waxaa ka mid ahaa:

Markaan barashada jaceylka,
Bidhaantaadii jalleecay,
Markaad beerkeyga qaadday,
Bartamaha wadnaha i jeexday,
Miyuu ba’a ii billowday?

Sidii baalaleyda duusha,
Naftan kor kaa bidhaansan,
U baahan caashaqaaga,
Haddey dhab kuugu baaqdo,
Baxnaano miyaad u quuri

Markaad bartankii habeenka,
Boggaaga sariirta saarto,
Naftan boholyowgu qaado,
ee aawgaa bisinbisoota
Miyaad buuxow daryeeli

Markaad baxsanoow salaaxdo,
Bisadda yar ee beydka joogta,
Jirkeeyga siduu u booyo,
buseylkiyo beer nugeylka,
Miyey weli kuu bidhaantay,
Intaas ayaan ka xasuustaa, sidii ay saaxiibtey u tirisayna isuguma toos toosna balse waa inta hadda xusuusteyda ku jirta.
Su’aal: Bal aan intaas kaga beyrno xasuustii Axmed ALLAAH ha u naxariistee iyo saaxiibtaa Nujuum, waxaad iiga warrantaa habka dhaqan dhaqaale ee Jinniga Soomaaliyeed, jinni ahaan noloshiina maxay ku tiirsan tahay?
Reymaa: Insiga ayaan la mid nahay badankeen, waxaan cunnaa waxa ay shanfaroodlaha cunaan, balse jinniga qaar baa dhaqanka dugaagta leh.
Su’aal: Jinku miyuu kalluumeystaa, xoolo ma dhaqdaa jinni, beero ma leeyahay, maxaa idin ah dhaqaalaha aasaasiga ah?
Reymaa: Jinniga xoolo wuu dhaqdaa, balse geela ma jecla, Jinniga xoolaha uu ugu jecel yahay ee uu dhaqdo waa digaaga. Ari waan leenanahay, eeyaha iyo bisadaha waa xoolaheena, kuweena gaalada ah way iska cunaan, balse kuweena Muslimka ah doofaarka ma cunnaan.
Su’aal: Waxaa la sheegaa in jinniga uu aad u jecel yahay hilibka digaagga, taas miyey jirtaa?
Reymaa: Haah! Tusaale haddii qof inta uu habeenkii hilib digaag cuno isaga oo aan gacmaha saabuun isaga dhaqin jiifto marka uu hurdo waxaa u imaanaya jinni gacmaha ka leefleefaya, hilibka digaaga haddii aad cunto oo aad meel mugdi ah aad marto wax baa ku soo eryanaaya, waa jinni hilibkaas soo raacaya, marka hilibka digaaga waa cuntada uu jinniga ugu jecel yahay. Cuntada labaad ee aan ka helno waa kalluunka, waa sababta aan badankeena xeeb u deggan nayay.
Su’aal: Jinniga Soomaaliyeed miyuu is heyb soocaa sida ay dadka isu heyb soocaan?
Reymaa: Jinniga wuxuu isku heyb soocaa Muslim iyo Gaalo, wuxuu kaluu isku heyb soocaa qabiilada Sheydaanka ku xiran sida ay u kala xoog badan yihiin, balse jinni Soomaaliyeed ee Muslim ah ma heyb sooci karo jinni kale oo Muslim ah, daruuf kasto ha lahaadee.
Su’aal: Jinniga ma leeyahay Faqiir iyo Taajir?
Reymaa: Haah! Xaafadda la yiraahdo Suubya-galeen waa xaafadda isku raranta ah ee ay deggan yihiin jinka saboolka ah, qaarkood xitaa guri ma heystaan oo buushash ayey deggan yihiin, qaarkood wax ay cunaan ma heystaan oo daruuftooda waa mid aad u sareysa, qaarna
waaba tuugsadaan.
Su’aal: Dadku waxay aaminsan yihiin jinka in ay awood leeyihiin oo wax walba ogaan karaan, in ay lacago iyo dahab insiga siin karaan, arrintaas ma jirtaa?
Reymaa: Waxna way ka jiraan waxna waa been, wax waa ka jiraan oo jinnigu wuxuu ogaan karaa wax aan insiga ogaan karin, balse qofna xoolo ma siin karo, hadda haddii aan doono in aan hantideyda qeyb kaa siiyo sida kaliya ee aad kaga faa’iideysan karto waa in aad soo gasho nolosha jinniga, haddii aad dunidaada insiga gasho xoolohii waxay kaaga haraayaan noloshii jinniga, balse xoolo inta uu jinni insi siiyo uu insiga heysan karo ma jiraan, sida kaliya ee ay ku jiri karaan waa inuu qofkaas waalan yahay oo qashinada ku nool yahay, noloshaasna uu isaga u arko nolol qurux badan, halka ay dadka u arkaan mid qurun badan.
Su’aal: Jinniga hilibka digaagga dadka ku raaco ma jirtaa meelo uu ku badan yahay oo la iska ilaalin karo?
Reymaa: Haah!, meelaha qubuuraha ku yaallaan, haddii agagaarahaaga qubuuro ku yaallaan adiga oo hilib digaag cunay oo aan saabuun ku dhaqin ha aadin. Haddii aad hilib digaag cunto iska jir in aad aaddo meel qabuuro u dhaw yihiin ama aad habeen meel mugdi ah lugeyso.
Su’aal: Dadka marka ay Xeebta Liido tagaan horey u qaato (Chicken and Chepsi) oo hilib digaag duuban (Take away), maxaad kula talineysaa?
Reymaa: Waxan leeyahay xeebta aad ha ugu dhowaanina, haddii uu qofku biyaha intuu ku dhowaado hilib digaag cunaayo waxaa laga yaabaa inuu jinni dafo, kaddibna la dhaho qofkii badda ayaa qaadday, ama libaax badeed ayaa qofkii dafay, qofkaas isaga ayaa halis is galiyey.
Su’aal: Waa arrin naxdinteeda leh, side buu qofka ku garan karaa inuu jinni goobta ka dhow yahay xilliga habeenkii ah?
Reymaa: Jinniga astaamaha lagu garto waxaa ka mid ah in iyada oo biyaha ay aad u degan yihiin aad dareento biyo tiixtiix ah oo meel ay ka soo kacayaan aadan u jeedin, ama hawo tiro badan oo haddana dabeyl ahaan aan u kaceyn, markaasba adkaarta qabso ama Meesha isaga tag.
Su’aal: Markii aad muuqaalka jinniga laheyd ee aad kor iiga soo muuqatay waxaa kaa yeerayey shanqar aan fahmi waayey, maxay aheyd?
Reymaa: Waan qoslayey, waayo mid jinniga ka mid ah ayaan isku dhici kaarnay, wuuna iga baqay oo wuu iga cararay.
Su’aal: Jinniga siduu u qoslaa?
Reymaa: UY UY UY UY …. waan dhahnaa, Xiiiish Xiish Xiiish …. Waan dhahnaa, Zuuuka Zuuuka Zuuuka …. Waa dhahnaa… Gabdhaha ayaa u bahan Zuuuka …Zuuuka.
Su’aal: Aniga ayaad iga qosolsiisay. Bal muuqaalkaagii dhanka jinniga ahaa ee 3dii mar ee aad iskey tustay wuxuu ahaa seddax nooc oo kala duduwan oo haddana argagax badan I galiyey, aad ayaan kaaga naxay, hadda ma iga ogolaaneysaa in aad dadka u kala qeeydo ama muuqaalladaas u sharaxdo?
Reymaa: Xuuuuuuuuuuuuuuuuuux … Zuuuka …. Zuuuka… Zuuuka….
………..…. Fadlan …Jawaabta… kala soco qeybta 6aad wareysigan oo aan soo deyn doonno Jimcaha Soo socda.
F.G. dad baban ayaa isoo waydiiyey wareysigan sida aan kula yeeshay Reymaa iyo in uu run yahay iyo in uu hal abuur yahay, asxaabey su’aalahaas waxaan kaga jawaabi doonaa wareysiga qeybta ugu danbeysa.
Haddii aad heyso talo, fikir ama dhaliil ku soo hagaaji abukar.albadri@gmail.com

Monday, 14 August 2017

Maxaad ka taqaan Astaanta cad ee ku taal xagga sare ee Suulkaaga?
Inta badan dadku waxa ay bar cad oo aad u yar ku leeyihiin ciddiyaha, bartaati waxa ay u egtahay  bil dhalatay oo aad u yar, waxa ay bartaasi ka muuqata ama ay ku taal meesha ay ciddida iyo hilibku iska galaan, haddaba maxaad u maleyneysaa in bartaasi tahay?
Sida uu daabacay bogga Internetka ee Ma og tahay? Oo ka faalooda Caafimaadku, bartaas cad cilmi ahaan waxa lagu magacaabaa “Bisha Ciddida” (Lunula Unguis, هليل الظفر”), inta badan waxa ay astaantaasi ka muuqataa Suulka.
Joogitaanka iyo muuqashada bartaas cad iyo oo nadiif ah, waxa uu muujinayaa haggaagsanaanta caafimaadka  iyo waxqabadkiisa joogtada ah.
Culimada caafimaadka ayaa sheegaya in ka muuqashada bartaas cad ee 8 illaa 10 farood ay muujisneyso in heerka cunto qaadashada ee qofku uu wannaagsan yahay.
Taas beddelkeeda haddii bartaasi u muuqato si hoose ama daciif ah, waxa ay muujineysaa in caafimaad ahaan uusan qofku fiicnayn.
Muuqasho la’aanta bartaas ama astaantaas cad waxa ku lammaansan daal, welwel iyo tag darri.
Ciddiyuhu waxa ay ka dhigan yihiin dabool ka kooban maaddooyin badan oo Barootiin ah, kuwaas oo looyaqaan Keratin, waa walxo u eg maaddooyinka ku jira sameyska timaha iyo hab-dhiska guud ahaan jirka intiisa kale.
Maaddooyinka Keratin, eek u jira sameyska ciddiyaha iyo tintu inta badan waxa ay halis u yihiin in ay ku dhacaan xannuuno badan oo kala duwan.
Haddaba muuqshada astaanta bisha ciddiyaha iyo bedqabka maadooyinka Keratin, ee jirku waxa ay muujiyaan oo ay calaamad u yihiin caafimaad-qabka 360-ka xubnood ee jirka.
Ilo badan oo caafimaad ayaa muujiyey jiritaanka xiriirka adag oo  ka dhexeeya cudurro badan oo ku dhaca jirka iyo Nafta iyo cunto xumida ama nafaqo la’aanta.
Sidaas oo kale waxa ay cunto xumida iyo nafaqo la’aantu xiriir la leeyihiin Qaab-sameyska, midabka, korriinka iyo xaaladda ay ku sugan yihiin ciddiyahaagu, sidaas awgeed dhaqaatiirtu waxa ay ku taliyaan in baaritaanka ciddiyuhu uu kamid yahay tallaabooyinka fiican ee lagu sameeyo hubinta caafimaadka jirka.

W/Q: Axmed Ciise Guutale
Waa kuma Sheekh Muqtaar Roobow Abu-maansuur?
Muqtaar Roobow Cali (Abuu mansuur) oo muddo dheer kamid ahaa Xarakada Alshabaab ayaa dhowaan qaatay go’aan uu kula hadlayo dowladda Soomaaliya; kadibna uu ku ogolaaday in uu diyaarad gaar ah oo ay la socdeen madax kamid ah dowladda Soomaaliya ayaa keentay Muqdisho, haddaba maxaan ka naqaan Muqtara Roobow, sideese ku timid in uu ka go’ o xarakada Alshabaab, sadarada soosocda ayaa ka jawaabaya.
“Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) waxa uu ku dhashay degmada Berdaale ee gobolka Bay; sanadkii1960, waxa uu ka mid yahay hoggaamiyeyaasha xarakada Alshabaab ee dadkii la kulmay ay ku tilmaameen in uu yahay nin deggan, dhaqanka iyo abaalkana xeersha.
Muqtaar Roobow oo geed waabanaya
Mar ka aad eegto Buugga  تجربة المحاكم الإسلامية; ee uu qoray Cumar Iimaan Abuubakar, qaybta xubnaha, Guddiyada iyo xafiisyadii Maxkamadihii Midoobay Roobow meelna uga ma jirin xilalka iyo waajibaadka iyo xitaa madaxda, halka Axmed Cabdi Aw Muxumad Dalab, Axmed Godane uu ahaa xog-hayihii guud ee Maxkamadihii Midoobay, sidii ay doontaba ha u dhacdee waxa uu ahaa kuxigeenka Xafiiska difaaca oo uu madax ka ahaa Sarreeye Gaas Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde), sidaas oo kalena waxa uu ka mid ahaa guddoomiye ku xigeennaddii golaha fulinta.
Mukhtaar Roobow Cali; waxa uu ka mid ahaa 12-kii qaybood ee ku midoobay dhismaha Midowga maxkamadihii qabsaday Muqdisho, kadib dagaal dhiig badanii ku daatay oo billowday bishii 18-February-2006, waxa uu ku soo galay Magaca Alshabaab oo ahaa garab hubeysan, hayeeshee aan markaas loo aqoon Alshabaab,
Dabayaaqadii 2006; markii la jebiyey xooggii maxkamadaha waxa kamid noqday Muqtaar Roobow; madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ugu firfircoon gudaha xarakada Alshabaab; sidaas oo kalana waxa uu ahaa oday suuqgeyn fiican u sameeya sidii dhaqdhaqaaqa Alshabaab u kasban lahaa dhallinyaro badan oo ku biirta.
Sanadihii 2007-2009; oo ay dhaceen dagaalo aad u qaraar oo ay xarakada Alshabaab la gashay ciidanka dowladda Soomaaliya; kuwa nabad illaalinta howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya, waxa uu Roobow ka ciyaariyey door weyn oo tayeyn; Jiheyn iyo taageero u raadin ah, sidii ay xarakada Alshabaab ugu guuleysan lahayd sii ahaanshaha awood jirta.
Macalin Aadan Xaashi Ceyrow (Abuu Muxsin Al Ansaari) oo ahaa maskaxda ka danbeysay waaxda tababarada Alshabaab ayaa geeriyooday May 1-2008,
Aadan Xaashi Faarax Ceyrow ma ahayn Macallin Qur’aan, waxa uu ahaa tababare dhan ka ciidan ka ah,
Geerida Ceyrow; waxaa ay kaalin uu hamminayey u banneysay Axmed Cabdi Godane.
Burbur kii Maxkamadaha Midoobay kadib iyo kahorba ma aanay jirin awood Alshabaab oo ka sareysay Aadan Xaashi Ceyrow, taasina waxa ay welwel badan ku haysay Axmed Cabdi Aw Muxumed Dalab (Axmed Godane) oo ay u muuqatay in aanu ku badbaadi Karin kuna dhex noolaan karin maamul aan gacan tiisa ku jirin, sababtuna waxaay ahayd waxa jiray dakanooyin dhowr ah oo Axmed Godane ka galay meelo kala duwan, kuwaasoo welwel joogto ah ku hayey nolosha Axmed Godane ka dib burbur kii MM.
Roobow,Timajilic iyo madax kale oo kamid ah Alshababa, Timajilic waxa uu ku geeriyooday Dagaal oo ka dhacay degmada Guriceel ee Galgaduud
Mar kii uu dhintay Macalin Aadan Ceyrow May-2008, waxa subaxnimadiiba xaqiijiyey oo warbaahinta u sheegay Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) taas oo ka dhignayd in uu buuxin doono kaalinta uu banneeyey Macalin Aadan, sidaas ayay noqotay, oo Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) waxa uu noqday Afhayeenka Alshabaab,taasina waxa ay sii iftiimisay inuu hayo awoodda ugu sarreysa ee Alshabaab, tallaabadaasi waxa ay welwel iyo walbahaar ayay ku sii kordhisay Axmed Cabdi Godane; dadaal badan ayuu geliyey Godane sidii uu u hanan lahaa xilka amiirka guud ee Alshabaab.
Roobow waxa uu sii hirgeliyey hab- dhaqan kii Macalin Aadan oo ahaa soo dhoweynta dadka uu u arkayo in ay waxa uu doonayo qof ahaan iyo urur ahaanba ku caawin karaan iyo raacdeynta cid kasta oo uu u arko in ay ka hor iman karto ujeeddooyinka urur ka iyo in haddii loo baahdo marar ka qaarkood la adeegsado qabaaila si loo ka la qaybiyo loona kala jebiyo kooxdii loo arko inay ka hor iman karto hadaf ka Xarakada, waxa uu billaabay Roobow in uu dadka la macaamilo, marar ka qaar koodna u doodo sida qof siyaasi ah oo maamul jira doonaya in uu wax ka bedelo, waxyaabaha la xusuusto waxa ka mid ah in uu siidaayey dhowr xubnood oo ka mid ah baarlamaan kii dowladdii C/llaahi Yuusuf, mar kii Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) uu qabsaday Baydhabo.
Muddo sanad ah ka dib kaalintii loo badinayey in uu qabanayo Muqtaar Roobow; si ay u dhacdaba waxaa si dad badan ka yabaisay u la wareegay Axmed Godane, kadibna; Cali Maxamuud Raage; Cali dheere ayuu u magacaabay Afhayeen ka Alshabaab, taas oo gacmaha Roobow ka dheereysay maamulka iyo maareynta howlaha Alshabaab.
Waxa uu xilka Af-hayenimada hayey Mukhtaar Roobow 1- May-2008 illaa 1-May-2009;
Cali Dheere iyo Muqtaar Roobow
Tallaabadaasi waxay soo iftiimisay waxyar sida Mukhtaar Cali Zubeyr (Axmed Cabdi Godane) isaga illaalinayey Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo u muuqday nin u fakaraya si aad uga duwan sida Axmed Godane u fakarayey.
Axmed Godane; oo maanka ku hayey sumcadda Roobow ku dhex leeyahay Alshabaab iyo taageerada uu ka heli karo tolkiisa ayaa qaatay in uu u magacaabo Roobow; ku xigeen ka Amiir ka Alshabaab, hayeeshee Muqtaar Roobow; waxa uu ka doorbiday xilkaas in uu noqdo xubin ka mid ah Alshabaab, taas ayaa sii muujisay sida uusan ula dhacsaneyn Amiirnimada Axmed Godane, Waana billowgii ka la fogaanshaha labada hoggaamiye.
Waxa ay arintu si cad u soo baxday markii Axmed Godane Augoto 2011; si adag u dhalliilay la midowga Gaashaanle sare Xasan Daahir Aweys ee Alshabaab, kaas oo ku yimid hab ay kawada shaqeeyeen hoggaamiyeyaal magac ku leh Alshabaab; balse aan taageero ka haysan Axmed Godane; sidaas oo kalena waxa uu Godane diiday ogolaanshe loo weydiiyey gargaar ka ay helaan dadka ku nool Bay iyo Bakool, halka Mukhtaar Roboow uu si cad u diiday joojinta iyo xitaa faragelinta gargaarka ay helaan gobolada Bay iyo Bakool.
Dhacdooyinkaas oo soo jiitiimiyey waxa ay sii kala dheereeyeen Axmed Godane iyo Mukhtaar Roobow.
Bishii December-2010 urur ka Alqaacidda ayaa soo saaray go’aan quseeya dhaqdhaqaaqiisa Soomaaliya, kaas oo wax looga bedelayo nidaamka iyo qaabdhismeed ka Urur ka Alshabaab, waxa uu go’aan kaas si toos ah u taabanayey hoggaanka sare,
Waxa uu farayey in Mukhtaar Cali Zubeyr (Axmed Cabdi Aw Muxumad Dalab Axmed Godane) lagu bedelay Ibraahim Al Afghani, ama (Macalin Cali) ama (Abuubakar Aseylici) ama (Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad) oo June-19-2013 ay Alshabaab dileen isaga iyo Nin kale oo la yiraahdo C/xamiid Xaashi Col-haye (Macalin Burhaan). kadib amar soo qabasho ah oo uu soo saaray Axmed Godane hayeeshee ay diideen sida uu sheegay af-hayeenka howlgallada ee Alshabaab Cabdi Casiis Maxamed Cadde ( Abuu Muscab),
Hadal ay soosaareen rag ka mid ah Alshabaab oo lagu baahiyey Internet-ka, islamrkaana jawaab celin u ahaa hadalka hore ayaa lagu sheegay in dilka Ibraahim Afghan iyo Cabdixamiid Colhaye aanu u dhicin sida uu sheegay af-hayaha howlgallada ee Alshabaab Cabdi Casiis Maxamed Cadde ( Abuu Muscab), in kasta oo dilka labadaas nin uu ahaa kan bannaanka soo dhigay khilaaf ka muddada badan ka dhex taagnaa Xarakada, haddana waxa uu toosh ku ifiyey suurtagalnimada in ku dagaalanka hoggaanka xarakadu uu sababo kala shaki, kaas oo sababay dilkii Ibraahim Xaaji Jaamac Afghan.
Go’aan kaas Alqaacidda waxaa diiday in ay adeecaan ama u hoggaansamaan tiro badan oo ka mid ah Alshabaab, Sidaas ayuu Axmed Godane ku sii watey xilkiisa Amiir ka Xarakada.
Mukhtaar Roobow waa nin ku qanacsan qayb ahaan hab-dhaqan ka hoggaamiyihii Alshabaab hayeeshee waxa ay arintu xumaatay markii Axmed Godane isku dayey inuu awoodda iyo talada xarakada gacantiisa wada geliyo,halka Mukhtaar Roobow isu arkayey oday iyo hoggaamiye mug leh taas oo Axmed Godane xagga dambe ka tuuray.
Axmed Godane waxa uu ahaa nin jecel in awoodda iyo talada Alshabaab ay gacatiisa ku wada jiraan, taasina uma aanay cuntamin rag badan oo kamid ah xarakada, kuwaas oo isu arkayey in ay mudan yihiin ka talabixinta iyo u talinta go’aanada waaweyn ee Ururka.
Mukhtaar Roobow waa nin muddo ku hamminayey in Alshabaab noqoto hab cusub oo dowladnimada Soomaaliya qabsada, kaas oo sida uu doonayo u fasira diinta; si xarakadu u hesho kalsooni iyo sumcad dadweyne, waxa uu dhowr goor ku taliyey in aan xawaaraha xadka laga saarin, waxa uu hoosta ku watay Xasan Daahir Aweys iyo Xubno sidiisa oo kale isbedel doon ah iyaga oo gacan iyo taageero aragtiyeed ka haysta Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad(Afgaani) oo markaas ahaa gacanta midig ee Axmed Godane.
Iyada oo arintu si xun u calowsan tahay ayaa Mukhtaar Roobow Cali; ku tallaabsaday arrin sii ka la dheereysay isaga iyo Axmed Godane; taas oo ahayd isku daygii Mukhtaar Roobow ee curinta isbaheysi dhexmara Isaga, Ibraahim Xaaji Jaamac Meecaad iyo kooxda loo yaqaan Muhaajiriinta, is xulufeysigii uu abaabulay waxa aad uga carooday hoggaanka sare ee Al-Shabaab oo si adag loo koobay, si Axmed Godane si sahlan ugu maamulo.
Dhaqdhaqaaqa Roobow; waxa si aad ah isha ugu hayey ragga ku dhowdhow Amiirka Mukhtaar Cabdiraxmaan Abuu Subayr (Axmed Godane)
Dabayaaqadii 2009 ayuu lagu arkay muuqaalada filim si fiican looga shaqeeyey oo ay ku wada jiraan isaga iyo Cumar Shafiiq Xammaami oo 12-September- 2013 geeriyooday, taas oo u muuqatay in Muqtaar Roobow; la sameynayo xiriir ka duwan kan uu la leeyahay xubnaha kale ee Xarakada, labadooduba weligood ma aanay qarin muuqaal kooda, taas oo u sahashay in ay dhexgalaan bulshada ku nool meelaha ay Xarakadu maamusho.
Isbaheysigii dhexmaray Roobow, Xammaami, Ibraahim Afghaan, Cabdixamiid Colhaye, Gaashaanle sare Xasan Daahir Aweys iyo xubno kale oo ka mid ah kooxda loo yaqaan muhaajiriinta, kuwaas oo qaarkood muujiyey welwelka ay ka qabaan noloshooda.
Waxa ay arrintu circa isku shareertay markii isbahaysiga Roobow uu xiriir la dibadda ah la sameeyey Dr Ayman Ad-dawaahiri, xiriirkaas ayaa si aad ah u gilgiley Axmed Godane iyo Kooxda ku hareereysan, waxa aad u sii cabsi geliyey hoggaan ka Al-Shabaab ka jawaabidda xaashidii uu baahiyey Amiirka Xarakadu Axmed Godane, taas oo dhiirigelin uu sameyneysay dhammaan dad ka doonaya in ay yimaadaan Soomaaliya si ay u caawiyaan Al-Shabaab, haddii ay rabaan ay ka heli karaan gabbaad; xaashidaas oo ku qornayd Afaf uu Sawaaxiligu kamid yahay ayaa ciwaankeedu ahaa “Kuwsoo dhowaada Soomaaliya; Dhibaato ma jirto” “KARIBU SOMALIA HAKUNA MATATA” waxa ka jawaabay Zubeyr Al-Muhaajir oo isna qoray farriin ciwaan keedu ahaa: “IKO MATATA” (Haa dhibaato ayaa jirta) waxa kale oo arinta sii murjiyey qoraal kii dheeraa ee ciwaan kiisu ahaa (إنني أنا الندير العريان) Qoraalkan oo ka koobnaa 15 bog, Ibraahim Xaaji Jaamac meecaad,(Afgaan) ayaa u diray Dr: Ayman Ad-dawaahiri; waxa uu si aad loo faahfaahiyey ugu sheegay in dhaqanka hoggaanka Xarakadu uu ka leexday jidkii saxda ahaa iyo sida uu sheegay jihaad kii xaqa ahaa, waxa uu sheegay in ay doonayaan faragelin degdeg ah, si aan Amiirku u qaadin tallaabooyin dhiig ku daato iyo si uusan u gummaadin kooxaha uu ugu ku magacaabay Muhaajiriin iyo Ansaar.
Markii uu arinku xarkaha goostay oo murankii faraha ka baxay, waxaa xigay gacan ka hadalkii koowaad ee Xarakada ka dhex dhaca, kaas oo Soomaalida oo dhammi ka dhego-qaadday, waa dil kii laba xubnood oo aad muhiim ugu ahaa Al -Shabaab oo kala ah Ibraahim Afghaan iyo Cabdixamiid Colhaye, magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ayaa tacsida labadaas nin lagu qabtay, iyada oo qaraabadoodu aanay arag meydkooda.
waxaa jiray dadka mid ah Alshabaab oo ka yimid dibadda oo kuna jiray xabsiyo qarsoodi ah, oo ay si gaar ah u maamulaan Kooxda Amniyaadka oo berigaas hoos tegi Amiirka Al-Shabaab Abuu Subayr, lagana yaabo in uu madax ka ahaa Sakariye Ismaaciil Xersi; oo muddo ka hor isu dhiibay dowladda Soomaaliya;
Waxaa xigay baxsadkii Xasan Daahir Aweys; uu ku tegey Cadaado oo ka tirsan Galgaduud, GS: Xasan Daahir Aweys waxa ay ku qaadatay in uu ka baxo Shabeelaha hoose howl adag, safar badda iyo Dhulka ah kadib waxa uu gaaray Galgaduud oo ay ka soo kaxeysay dowladda Soomaaliya, islamrkaana waxa ay dowladdu gelisay  xabsi guri
waxaa xigay Mukhtaar Roobow, Cumar Xammaami iyo 3 kale oo Shisheeye ah oo iyana u cararay dhan ka gobol ka Bay, markii danbana waxaa la dilay Cumar Xammaami iyo laba ka mid ah raggii la joogay, halka mid kala na isdhiibay.
Sheekh Mukhtaar Roobow Cali; waxa uu uu huray Alshabaab wax walba oo uu awooday; waxa uu hoggaamiyey dagaallo badan oo sababay geerida iyo dhaawaaca dhallinyaro iyo dadwaaweyn, balse si uu u nabad gaciidanka dowladda Soomaaliya.
Xigasho: Qoraalkan waxa laga xigtay qoraalada iyo Buugta kala ah (  تجربة المحاكم الإسلامية, إنني أنا الندير العريان, Karibu Somalia, Hakuna matata, Iko Matata, iyo Cod ay baahiyeen xubno kamid ah Xarakada Alshabaab)
 Xigasho: Mustaqbal Radio.