Tuesday, 22 August 2017

Mufakir siyasadeed Cawil Cabdilaahi Xayd (Af-sarkaalleh) oo Hargaysa kusoo foolleh.

Iftiinkacusub.com: Hal-abuurnimada siyaasadu inta badan maaha wax la barto isla markaana Buug iyo Qalin loo qaato,balse waa wax loo dhasho oo caloosha Hooyada lagala soo baxo,kadibna lagu
dabaqo hadba inta aad aqoon iyo waaya-aragnimo u leedahay arimaha ku horyaalla.
Dadka siyaasada u dhuundaloolaa  waxa ay yidhaahdaan ,"siyaasadu waa hadba inta aad xasuusan tahay  wixii kusoo maray,waxa hadda taagan ee ku horyaala iyo sida aad u saadaalinkarto waxa kugu soo socda ee Bari aad la kulmi doonta, intaasi waxaa dheer talawadaagta aad hadba la yeelato dadka aad aqoon iyo garasho ka filayso".Mudane Cawil Cabdilaahi Xaydna oo inta badan qaarada Yurub iyo dalka Filandba looga yaqaano Suldaanka, ayaa waxa uu ka mid yahay dadka inta badan ku fiican odoroska iyo ka faloodka arimaha siyaasada,waxaanan is odhan karaa waxa uu ku jiraa dhalinta fara-kutiriska ah ee wax badan ka fahmi kara arimaha dalka.



No comments:

Post a Comment