Tuesday, 1 August 2017

Maanso cusub oo la magac baxday  ALLE KA CABSI ,waxaa maansadan tiriye Abwaankii waynaa ee Yuusuf Rooble Xirsi(Sandoon)
Maansadan la magac maxday Alla ka cabsi,waxaa tiriyey Abwankeenii waynaa ee qaaliga ahaa Yuusuf Roobleh Xirsi (SandooN) Abwaanku waxa uu maansadan inagu tusayaa faa'iida darada ay Dunidu leedahay hadii iyadan uun la mashquulo,isla markaana la ilaabo ama la hilmaamo ujeedadii iyo hadafkii waynaa ee la inoo abuuray.
Waxa kaloo uu Abwaanku inagu bararujinayaa in aynaan noqon kuwo nolosha Aduunka oo kaliya isu dhiiba,balse aynu xasuusnaano nolosha danbe iyo Aakhro oo iyadu ah halka kaliya oo Aadanaha deegaanka iyo degalka u noqonaysa.
Waatan maansadii "Alle ka Cabsi.
.Caalamu shahaadiyo khalqigan kaa cajabinaaya
.Cilmi kuugu filan Eebbahay kuu calaamadiye
.Aayado  caddanaa horyaal caalamkoo idile
.Cawskuba marbuu doog ahaa midab cagaarweyne
.Cajeb-buu lahaa muuq indhuu ku cokanaadaane
.Isagaba caddaanbaa u xigey doorshey curubtiiye
.Cawlaanta iyo daadashadu cimilo weeyaane
.Cimri noole wuu madhanayaa waayahaa cuna'e
.Wakhti cararayaa nolosha sida oon la celinayne
.Caabiru-sabiil baynu nahay galab carraabaaye
.Inaan cidi ku waarayn Adduun laga carceeraayo
.Cisha noolba maydbaa qabriga lagu cabbeeyaaye
.Oo ciidda lagu boobayaa lagu cadaadshaaye
.Ruux kugu casiisaa turaab lagu cayuuqaaye
.Cidladaana kaga soo tagaa ciirsi kii xigaye
.Cibro qaadashiyo kuugu filan waano tii culuse
.Ninkii cuud lahaa iyo ninkii nolosha caarcaaray
.Caydh iyo ninkii maal-lahaa ceelalyo u simane
.Inuu ka cokanaadiyo inuu naar dab ka cantuugo
.Ninba ceelka uu sii qotuu ka cokanaadaaye
.Cindallaahi buu ugu tagaa camalladiisiiye
.Cusaatka iyo gaalada dhammaan caasi iyo daallin
.Ciddii madax adkayd ee xaquba uu cajebinwaayey
.Ciyaarta iyo dheeldheel kuwii cabaska jeesjeesay
.Cadaab daran ayuu caadilkay kaga cadgoostaaye
.Ciqaabtoodu waa naar cuntuu kaga cabaadshaaye
.Ciilkaambigoodiyo shallaay cidhib xumaantooda
.Allahayoow i celibuu yidhaa aan ku caabudo'e
.Maya baa codkuu yidhi jawaab looga celiyaaye
.Rabbigii qofkii caabudee kana cabsoonaayey
.cibaadada Ilaahay qofkii khayr u cararaayey
.Cisi sharafle maamuus ayaa lagu casuumaaye
.Jannaduu camiray ee Raxmaan gelin cibaadkiisa
.Laa caynun ra'at lagu cabbiray caynad lagu sheego
.Hhegna cidi ka maqal oon codiyo sawt cayimay sheegin
.Arrin aan caqligu keeni karin cidina suuraynin
.Iyo xuurun ciintii hablaa qurux la ciiraayaa
.Cuqba daar ayuu cidhib-samaan kula caweeyaaye
.Cadho malaha ciishood cidhiidh dhibiyo ciirciire
.Cillad iyo xanuun cudur ma jiro kaa cakirayaaye
.Calafkiisu waa kaa addoon Diinta caashaqaye
.Allaah ka cabso khayr waad cayimi laabta kuu cula'e.
Maansadan sida aan kor kusoo sheegnay, waxaa tiriyey Abwaan Yuusuf Rooble Xirsi (Sandoon)

No comments:

Post a Comment