Monday, 7 August 2017

Sheekh Samaroon Ayaan Manaam Ku Arkay Waxa Uu Isoo Faray Fariintan Culus-Keeda Leh !!
Dhankiisa salaan ka dib; waanu yara wada lugeynay anaga oo hab degan iyo qunyar isku barbar socona !! wuxu yidhi ha iga nixin
Xilli   dambe  ayaan   seexday;  sidii  caadada  ii  aheyd   habeenka  aan   daal  dareemayo   marka  laga  yimaado  waxa   aan   tukaday   salaatul-leyl  kadib  waxa  aan   u  holladay   hurdo   dhankaa  iyo  sariirtii  aan  seexanayey.
Waa   dhawaadkii  ayaa  riyo  iila  ban  baxday  aniga   oo  jooga  meel  dhulka  ka  yara   sareysa  oo   taag  ah   hoostiisana   biyo  durdur  xoog  ah  ay  socdaan  aniga  oo  aad   indhaha  ugu  haya  biyaha  durdurka  iyo  halka   ay  kasoo  baxayaan  ayaa  qarka  kale  ee  durdurka  dhankaa  midig  iiga  muuqday  sheekh weyn  oo  ah  oday  da’a , laba  qeyd  oo  cad-cad  xidhan,  gadhka,  xiribaha  iyo  timaha  madaxa  iyo  gacmuhuba  cadaan  ay  yihiin  waayeelnimo  darteed .
Sheekadan  ayaa   na  dhex  martay?!
Dhankiisa   salaan
ka  dib; waanu  yara  wada  lugeynay  anaga  oo  hab  degan  iyo  qunyar  isku  barbar  socona !!  wuxu  yidhi   ha  iga  nixin;  awoowo  miyaad  imaleyn  kareysaa   qofkaan   ahay?  Waxaan  idhi :  maya  awoowe !!  waxa  uu  yidhi :  waxa  aan  ahey  sheekha  iyo  odayga   aad  ku  nasabad  tirsato  SHEEKH  SAMAROON  SICIID!!  salaan  iga  gaadhsii  ubadkaygii  iyo  barako  aan  rabi  uga  baryaayo;  waan  kaa  sii  tagayaa  awoowo  e’ !!  waxaaba  deg-deg  noogu  soo  muuqday  3 saddex  meelood   2 ama  labo   illays  cirka  ku  takhlan  iyo  qurux  baa   ka  muuqatay  meesha  saddexaadna  damis  iyo  hadh  baa  saarnaa  bidhiiqsada  kaliya  kaaha  illaysyada  labada  meelood  ee  kale!!  waxa  aan  ku  idhi  anigu  awoowe  maxay  yihiin  labadan  meelood  ee  quruxda  iyo  illayska  leh  iyo  meeshan  kaaha  bidhiiqsaneysa??!  sheekh  samaroon  wuxu  yidhi :  awoowo  waa  nuurkii  wallaalahay  sheekh  ciise  iyo  sheekh  isaxaaq !!  labada  meeloodna   waa  Djabouti  iyo  Hargaisa!!. meeshan  hadhku  saaranyahayna  uu  isoo  eegay  isagoon   wax  odhan !!  waanse  fahmay  in  ay  Borama  iyo  Awdal  tahay!!  waxa  uu  i weydiiyey ???  maxaa  helay  ubadkaygii??  miyaad  xaaqanteen??! maxaad  u  shidiweydeen  burhaanta  illayska  iyo  nuurkaygii  rabi  isiiyey   ood  u  hagrateen  iyadoo  illaahay  idin  hagranin???
Waan  u  jawaabi  kariwaayey!!  naxdin  iyo  yaabka  yaabkiis!! uu  iga  yara  dhaqaaqay  intii  kadibna  si  dhameystiran  ayuu  dhankayga  u  soo  eegay  isagoo  leh:  waxa  aan  ku  farayaa  adiga  iyo  dhamaan  ubadkaygiiba  si  xikmad  iyo  xilkasnimo  ku  jirto  in  aad  u  shidaan  oogta  nuurkaygii  iyo  quruxdiisa!!  idinka  oo  garabsanaya  ubadka  aan  adeerka  u  ahay  ee  reer  sheekh  isaxaaq , sheekh  ciise  iyo  cidii  kale  ee  aad  dan  bidaan !!  illaahay  ayaa  cizi  iyo  nuur-leh  quruxdana  uu  jecelyahay!! ducaan  idinku   ogahay   fulliya  fariintaydaas   waa  idinku  deyn!!!  uu  iga   qarsoomay  aniga  oo  sii  eegaaya  tallow  halka  uu  maray  dhanka  kalena  aad  iyo  aad  ula   yaaban  xaaladan  aan   manaamka  kula  kulmay  habeenkaasi  oo  dhamaadka  toddobaadkii  hore  aheyd  waxa  aan  ku  baraarugay  oohinta  wiilkayga  BAYLE  oo  ay  gaadhay  dhankiisa  xilligii  uu  caanaha  u  kici  jiray  si  ay  hooyadii  u  siiso; waxyar  kadibna  dananka  eedaanka  misaajidka  ii  dhaw  iyo  kuwa  kalee   durugsanba  ayaa  iswada-gaadhay;  arintan  ayaa  noqotay  mid  maskaxada  igaga  soo    ugu  noqo-noqotay   aamus  badana  igu  dhalisay
 Fasirka   Waxa   aan  u  fahmay  sida   tan:-
1. Nuurkii  sheekh  Ciise  isagoo  dawlad  ah  wakaa  ka  hilaacay  ee  ifiyey  wadanka  iyo  magaalada  Djabuuti  ubadkii  sheekh  ciise  inta  joogta  halka  burhaanta  sheekhu  ka  shidmayso  ee  jabuuti  ay  heleen  cizi  dhamaantii  oo  ay  ka  mid  tahay  ( mulki  madaxnimo  iyo  siyaasada,  dhaqaale  baaxad leh,  iyo  rar  furasho  heeryadii  duliga  ciise  dhigay  inta  aan  jabuuti  joogina  ku  ill  qabowsato  nuurkaasi.
2.  Fariska  xiga  waxa  uu  tibaaxayaa: Nuurkii  sheekh  isaxaaq  waa  kaa  magaalada  hargaisa   iyo  dhamaan  dalka  inta  ubadka   sheekh  isaxaaq  joogaba  gaadhay  nuurkii  iyo  quruxdiisu  oo  dawladnimada  maanta  somaliland  ah ( mulki  madaxnimo  iyo  siyaasada,  dhaqaalaha  baaxada  leh  iyo  quruxda   ka  muuqda  caasimada  iyo  deegaanada  kale  ee  reer  sheekh  isaxaaq).
3.  fasirka  saddexaad  waxa  uu  tibaaxayaa :  waa  sababta  kaliya  ee  uu  sheekh  samaroon  manaamka  iigu  yimi !!  si  uu  wax  ii  baro?!  oo  uu  ii  tuso  sida  ay  ubadkiisii  ambadka  u  yihiin !!  baahi  weyna  looqabo  in  ay   hurdada  iyo  dheel-halwoga   ka  baxaan;  oo  ay  laasim  xaq  ah  tahay  iyo  masuuliyad  saaran  in  ay  shidaan  nuurka  burhaanta  iyo  illayskii  sheekh  samaroon  ee  uu  farid  iyo  dardaaranka   culus  uu  iigu  soo  dhiibay.
Faalo : ( waxa  la  yidhi  sida   cadowga  u   xisaabtama  sida  wallaalahana  u  wada  noolaada  waxna  isku  siiya)
Weydiimo  maan-gal  ah:
1.  maxaa  ubadkii  sheekh   samaroonka   iyo  dhamaan   masuul  kasta  oo  reer  awdal  ah  xil uu  hayaba  ka  dhigay   xillal  inta  ugu  badan ay  cameys  iyo  cidkale  loo  quudhi  waa   wada yihiin  markalena  dhamaantood    amarka   iyo  go’aanka  masiirkooda   looga   gacan  sareeyo ?
2. maxaa   ubadkii  sheekh  samaroon  madiidin  ama  sidig  uga   dhigay   ubadka   sheekh   yada   kale  oo  markale   ka  dhigay  carmo  iyo  xayaabada  danab  tiraha  dhirta  u  ah   in  ay  dam-damis  iyo  danab  tire  uu  u  noqdaan  ubadka  reero  kale   toodiina  ay   wiiqanto??
3.  inta  hadhsi   kale  iyo  waab  kale  gogoshu   u  taalo  bal  maxaa  u  diiday  in  ay  noqdaan   geed  damal  ah   oo  la  hadhsado  in  ay  iyagu  noqdaan??  wey  noqon  karaan  e’ !!!.
4. maxaa  ubadkii   sheekh  samaroon  kuwo   xil  dawladeed  haya  kuwo   xilka  ka  degay ,   kuwo   madax-dhaqameed  ah   iyo  dhamaan  shacabkooda   ka  dhigay  kuwo  qaba  dareen  tabasho  oo  had  iyo  goor   dareemaya  deganaashiyo  la’aan  iyo  in la dulmiyey  ???
5.  tabashadan  ay  u  sheegayaan  jiilka  aan  ku  jiro  iyo  ku  naga  sii  yar-yarba  ma  illaahay  baa    ku  xulay  dulliga  iyo  ducfi  hooseynta   mise  waa   mid  faraj  iyo  makhraj  leh ??!!
Jawaab  aanad  iskuba   daalinin  mudane  akhriste:
Gabi  ahaan  ba  Tabashada  reer  awdal  waxa   dhamaaneysaa  marka   ay  u  bislaadaan , wadajir ku  go’aan  sadaan  in  ay  shidaan NUURKII  SH.Samaroon (Dawlad  goboleed  dhamaan  reer  awdal  haakah  kaga  haqab  beelaan  tabashada  ay  cidka  u  daba  fadhiyaan ) !! waayo  qoom  alle  ducufnimo  iyo  dullinimo  kama  badello  illaa  ay  iyagu  baddelaan  sida  ay  u  fikirayaan,  u  xisaabtamayaan , waxa  iyaga  dan  u  ah  fahmikaraan ; maalintaasi  ayaa  ugu   dambeysa  wisiisiga ,jaah  wareerka  oo  ka  baxaan  ,caloolyowga  oo  ka  hadha, jiritaan  kooda  hadhku  saaran  yahay  oo  sugma , Awdal  iyo  dadkeeda  oo  dhan   guul  iyo  barawaaqo  kunaalooda, (waayo  cududiisa  nimaan  cunin   ciil  kama  fogaado ) goormay   taasi   imaneysaa  ??  maalinta  ay  qeexaan   reer  awdal  dantoodu  waxa  ay   tahay!!! qofna   kuu  sheegi  maayo  waxa   adiga   dan   kuu   ah  ee   aad   garan   la’dahay !!! Nin-na   ninkale  uma   waabo  hadhsi  iyo  raaxo  aan  dani  ugu  jirin.
Maanta   wiilka  reer  awdal  kaaha  illeyska  hargaisa  iyo  Djabouti   ayuu   ku  seexdaa,  halka  wiilka  reer  sh.isaxaaq  iyo  sh.ciisaha  Djabouti   ay  ku  seexdaan  naruurada  nuurka  iyo  illeyska  dawladnimo  udgoonkiisa  iyo  sharafkiisa  sare;  balse  wiilka   reer  Awdal  uu  ka  dareen  duwanyahay   waayo  nuurka  sheekhiisii  ayaa  dansan  oo  dam   ah.
MAXAY    REER  AWDAL  RABAAN ?!
Dhamaan  beelaha  ku  abtirsada  reer  awdal  waxa  ay   diifta  tabashada  iyo  jaah  wareerka   kaga  bixi  karaan  oo  kaliya   yaqleelida  dawlad  goboleed    maamulkiisa  iyo  masiirkoodaba  ay  u  madax  banaanyihiin  80% ;  20% soo  hadhayna  ay  wada tashi  wallaalnimo  ka  wada  yeeshaan  dawlada  guud  ee  fadhigeedu  yahay  hargaisa.
SABABMA  AYEY  REER  AWDAL  DAWLAD  GOBOLEED  U  RABAAN??!!
1. Sh.Samaroon,  Sh. Isaxaaq  iyo  Sh.ciise   waxa  ay  ahaayeen  wallaalo  diimeed  ay  dhici  karto  in  ay  isir   wadaag  ahaayeen   sida  ay  dhaqan  wadaag   u  yihiin; hayeeshee  sh. Isaxaaq  iyo  sh.ciise  dadkoodii  waxa  ay   hadhgaleen  nuurka  dawladnimo  u  adeegta  danahooda  oo  ay  mudnaanta  koowaad  leeyihiin,  hadba  sida  ay  doonaana  ugu  tasarufaan; saxna  ay  ku  yihiin  waliba  halka  ubadkii  sh.samaroon   ay  wali  jaah  wareersanyahay,  masiirkoodana   cidkale   go’aan  ka  gaadho;  sababtaa  awgeedna  ay  xaqtaay  in  ubadka   sh.samaroon  Awdal  ka  yagleelaan  dawlad  goboleed  iyo  nuurkii  sheekha;  si  ay  u  illaaliyaan  jirtaankoodu  in  aanu  kumil  min  ubadka  sheekhyada  kale;  qof  ahaan  waxa  aan  kalsooni  buuxda  ku  qabaa  ( after  research )  in  awdal  dawladnimo  100 %  isku  bixin  karto!!!.
2.  Dawlada  ingiriis  ee  gumaysi  illaaleedka  u  aheyd   somaliland  waxa  ay  iyada  lafteedu  ka  kooban  tahay  ( 4 dawladood  oo  dhamaantood  isku  noqda  UK , united  kingdom  iyo  great  Britain; federal  government!!  dawlad  kaliya  guud  ahaan   isu  noqda )  sababta  ay  horey  ugu  kala  baxeena  ay  tahay  sad-bursi  iyo  tabashooyin  dhexdooda  ka  dhacay  ugu  danbeyntiina  4 dawlad  goboleed  oo  wada  jira  in  ay  noqdaan  ku  heshiiyey;  waayo  kala  tagid  kala   lulasho  ayaa  dhaanta!!!  ingiriis  oo  kaliya  maaha  waxa  hab  maamul  siyaasadeedkan  oo  kale  u  qaabeysan  dunida  wadamo  badan  oo  ay  tusaale  u  yihiin  wadamadan  somaliland  darisa  la’ah;  sidaa  darteed  reer  awdal  tiiha  ay  kujiraan  iyo  tabashada  ay  cidkale  u daba  fadhiisanayaan   masiirkooda  iyo  baahidooda  waxa  ay  haakah  ka  odhanayaan  oo  kaliya  reer  Awdal  oo  u  dareera  hab  xikmad  iyo  miyir  qab  ku  jiro   yagleelida  Dawlad  gobolood  ay  ku  illaaliyaan  ( their  identity ); qof  ahaan  waxa  aan  kalsooni  buuxda  ku  qabaa  ( after  research )  in  awdal  dawladnimo  100 %  isku  bixin  karto!!!.
3.  Dhaqan  ahaan   sabankii  soomaalidu  reer  guuraaga   aheyd  marka  ay  geedi  iyo  hayaanka   ay   ku  furaan  meel-san  reeraha;  ugu  horeyn  gaashaan  qaadka  iyo  odayada  reeruhu  waxa  ay  soo  wada  oodi  jireen  dudo  ama  xayndaab  lagu  soo  weegaarayo  dhamaan  reeraha  oo  u  taagan  xuduuda  guud  ee  ayaalaan;  reerahaasi  soo  degay  dabadeedna  reer  waliba   waxa   uu  masuul  ka  ahaa  qoqobihiisa  ama  inta  uu  gaar  ahaan  u  sii  degayo;  dhanka  uu  gurigiisa  u  jeedinayo,  halka  uu  ka  dhigayo   albaabka  xoolaha  iyo  dadkiisuba  marayaan,  halka  uu  qalwada  iyo  edega   waxaraha  iyo  nirgaha  ka  dhigaayo  waxaasi  oo  dhan  qoys  waliba  wey  u  madax  banaanaayeen  maamulkooda  iyo  tasarufkooda  gaar  ahaaneed;  waxa  kaliya  ay  wadaagi  jireen  waxyaabaha  guud  sida  ( difaaca  reeraha,  duulaanka  iyo gulf  kicinta, qaraamaadka, iyo  dhamaan  hawlaha  guud  oo  dhan)  markuu  dhaqan  keenii  suubanaa   kaa  yahay  inaga   oon  caqligeena  caayeyn  reer  awdal  waxa  ay  ka  mid  yihiin   reerahaa  badan  ee  ku  jira  xayndaabka  guud  ee  somaliland  balse  waxay  rabaan  in  ay  u  madax-banaanaadaan  masiirka  dadkooda  iyo  qoqobahooda  gaarka  ah;  qof  ahaan  waxa  aan  kalsooni  buuxda  ku  qabaa  ( after  research )  in  awdal  dawladnimo  100 %  isku  bixin  karto!!!.
4. dhamaan  carabta  bariga  dhexe  ee  aynu  dhaqanka  qabiil  ku  xisaabtanka  iyo  cimilada  wadaagno  iyo   qabiil  kasta   oo  soomaali  ah  meel  ay  joogaan  ba  maanta    qabiil  guud  oo  waliba   dawlad  ayuu  samaystay  u  adeegta  danahooda , difaacda  sharafkooda  iyo  jiritaankooda !!!  sababtaa  darteed  samaroon  ma  sumad  laawe  sidig  in  uu  cidkale  u  ahaado  loo  abuuray   baa??  maya !! maya !!  maya !!  reer  awdal  oo  dhan  wey  gayaan  gobonimo  iyo  sharafka   kamaqan  ee  dawladnimo  ay;  qof  ahaan  waxa  aan  kalsooni  buuxda  ku  qabaa  ( after  research )  in  awdal  dawladnimo  100 %  isku  bixin  karto!!!.
Gabagabo:
Isbedel   siyaasiya  oo  xaq  ah  oo  dalka  ka  dhacaayi  waxa  uu  u  baahan  yahay  dastuurka  oo   la  furo  kaabis  iyo  wax  ka  badelka  uu  u  naadinayo  looga  wada  jir  looga  hawl  galo;  iyadoo  lagu  saleynayo  xulashada   nidaam  siyaasadeed  dadka  reer  somaliland  wada  shaafinaya!! tani   waa  mid  la  karayo  hadaan  hagrasho  jirin.
Qormadani  waa   risaalad  bishaaro  iyo  barkhad  u  sida  dhamaan  ummada   reer  somaliland;  qormadani  waxa  ay  saamax  iyo  dambi  dhaaf  rabi  u  weydiinaysaa  qofka  dareemo   khaldan , aragtiyo  raqiis  ah   u  fahma  ridada  fog  iyo  baaxada  isbedelka   geediga  ay  yaboohineyso  in  ay  mar  uun  aragto  ummada  reer  somaliland  oo  farax  siman  wada  dareemaysa;  iyadoo  qolo  walba  muraadkada  ay  u  baahantahay  laga  waabineyn  balse  u  baahan  fahmo  sare  iyo  maskax  furan.
Qof  ahaan  haba  yaraato  haba  weynaatee  cid  aan  necbahay  majirto  reer  somaliland  dhamaantood  waa  tol  laxmi   dami  ah;  hayeeshee  danaha  hoose  ee  beelaha  dalka  mid  walba  u  gaar  ah  ka hadal  koodu   maaha  kuwo  la  isku  raaligalinaayo  waayo  horaa   loo  yidhi ( waxa  la  yidhi  sida   cadowga  u   xisaabtama  sida  wallaalahana  u  wada  noolaada  waxna  isku  siiya)!!
Waxa   aan  hambalyo  hawada  u  marinayaa  mayorka  cusub   ee  degmada  saylac  mudane   sacad  daahir   cige  waxa  aan  rabi  uga   rajeynayaa  in uu  ku  asturo  xilka  uu  gudoomey;  reer   awdalna  waxaan  leeyaay  yaayuulka  iyo  calool   isku  heynta  dhaafa  barbar  istaaga  hadba  masuulka  nasiibku  saacido.
Dr.khadar -Libaaxley
dr.khadar05@gmail.com
gargorey4@gmail.com
Regional political analysts

No comments:

Post a Comment