Saturday, 31 December 2016

CASUUMADII IYO MASHQUULKII MOBILKA.

Wakhtiyadan danbe waxaa Dunidan aynu ku nool nahay kusoo kordhay alada Intienetka,taasi oo dadka badan kiisii ka dhigtay kuwo had iyo goor mashquul ah isla markana aanay jirin wax ay haleelayaan.

Waxaa maalin maalmaha ka mida casuumad qado ii fidiyay laba nin oo dhalin yaro ah,waxa ay si kadisa ah ila soo hadleen aniga oo markaasi gurigayga jooga,waxanay ii shegeen in ay jeclaan lahayeen in ay maanta wada qadeeyaan.

Runtii markii ay fariintaasi oo talafon ahayd ay iga timi labadaasi nin ee akhyaarta ah,maan *laba-labayn,wanan ka aqbalay,waxanan u diyar garoobay sidii aan marti galintaasi uga qayb gali lahaa.

Waxa gurigii aan ku jiray iigu yimi oo ay iyagu isoo direen nin Taxsi-le ah,oo aanu isaga laftiisa intii aan gaadhiga saara aanu si fiican isu baranay,madama uu ahaa nin kasoo jeeda magaladii markaasi u dhashay ee Hargaysa.

Waxa an tagay goobtii ama gurigii ay jogeen labadii nin ee casuumada qadada ah ii fidiyay,salaan iyo boogadin ka bacdi waxa aan fadhiistay kursi aan sidaasiba iiga dheerayn,aniga oo markaasi ka fikiraaya in aanu maanta labadan nin wada sheekaysan doono.

Markii aan kursigii fadhiistay,ayaa waxa ay labadii nin mid ka mida uu si toos ah u gudagalay in uu casuumadii qadada uu markaasi aan imi uu karinteedii bilaabo,waana shay iska dabiici ah marka aad Yurub iwm aad joogto in ay dhici karta in cuntada markaasba dhariga ama dabka la saaro.

Halkii aan ka filaayay in aanu sheeko iyo is xaalwaraysi aanu kala bogan doono labadii nin ayaa ninkastaaba waxa uu gaar ahaan tiisa ugu mashqoolay talafoonkii gacanta ee uu markaasi haystay.

Taasi waxa ay sababtay in ilaa wakhtigii ay cuntadu noo bislanaysay ay adkayd in ninkaygii martida ahaa iyo dhalintii aan markaasi martida u ahaa in aanu wada sheekaysano madamaa aanu mudo aad u badan anaan is waraysan.

Anigu dhankayga waxba lamaan yaabin,waayo waxa aan dareesanahay alada Entirnedku halka ay maanta inala marayso,balse hadana maskaxdayda kamay bxin wixii aan filanayay oo ah in aanu waxooga sheeka ah aanu qadaa dhigno iskana waraysano wayaha iyo wadankii.

Markii la gaadhay xiligii ay cuntadu noo bislaatay,isla markana aanu u diyar garawnay in anu gacanta galino,daqiiqadii iyaga ahaa ayaa aanu helnay wax firaaqo ah,tasoo waliba ay dhacaysay in Mobeladii oo dacaladooda ayaala ay marba bala daymodaa.

Markii aanu ka faraxalanay cunto cunistii waxa saxibadaydii dhalinyarada ahaa halkii uga bilaabmay barnaamijkoodii fiirsashada iyo ku foognaanta mobiladooda,iyada oo ay mararka qaar dhacaysay waxooga hadal kooban oo ay igusoo turayeen si ay iyaga laftoodu ii dareen siyaan in anay mooganayn ee ay la socdaan xaalkayga.

Wakhtigu waxa uu markaan gadhay xiligii la tukanayay salada Maqrib,tukashadii salaada ka bacdi waxa isna fadhigii guriga nagusoo biiray ninkii sadaxaad ee saxibadan qadada ii kariyay guriga la galayay.

Qofnaba ceebtii maaha ee waa cadadii,salaan iyo isboogadin yar oo kooban saxiibkiina,waxa uu si dhakhsa ah u guda galay isu diyarinta barnaamijyada uu ka fiirsado Entirnetka ,kadibna waxa uu kaalintisii ka qaatay in uu sadaxeeyo labadii nin ee akhyarta ahaa ,ee iyagu markaasi ahaa kuwo si aad ah ula dhacsana waxan ay fiirsanayaan.

Akhristayaal ma ogtihiin markii ay arintu halkaasi marayso, aniga laftaydu kiiska iskamaan waalin ee waxa aan lasoo baxay Mobilkaygii kadibna waxa aan halkaasi ka bilawday dalacashada wixii barnaamij aan markaasi xiisaynayay,balse aniga waxa igu khasbay waxa ay ahayeen *khajilaad isgaga biis ee may ahayn mid aan dhaqan u leeyahay markan oo kale.

Hadal iyo dhamaantii,markii la gaadhay saacad aan is-odhan karo waa xiligii Cishaa-iga,ayaa waxa aan akhyaartii oo markan Sadax ah ka codsaday in ay ii balamiyaan uguna yeedhaan Taxsi-gii markii hore isoo qaaday,oo kolayba ii iman lahaa,balse xaalku waa in uu wakhtigii uu filayay in uu yimaado in uu kasoo hormaro.

Ninkii tagsiilaha ahaa oo magaciisa lagu magacaabo *ekuT,ayaa markii uu ii yimi waxa uu ii sheegay in uu filayay in aanu wakhti aad u badan aanu sheekaysan doono aniga iyo akhyaartan,balse waxa aan u sheegay in ay xaladu markiiba isu badashay jawi ah in lakala mashquulo.

Ujeedada aan sheekadan yar ee kooban u qoray maha in aan xumaan iyo ixtiraam la'aan aan ka tirsanayo saxibada casuumada ii fidiyay "xaaaaaaaash" balse waxa aniga iyo odayasha nakala irdheeyay waxa uu noqday Entirnet iyo saxiibada markasta diyaarka ku ah Mobilada iyo Computarada dhabta lagu haysto.