Friday, 19 May 2017

gabayaa

Maanso cajiib ah :BULSHOOY DHAQAN BEEL DHEH,waxa tiriyay Abwaan Yusuf Roobleh Xirsi (Sandoon)

Iftiinkacusub.com: Gabayaagu waxa uu wax badan tilmaamo ama uu hogo'tusaaleyaa bulshadiisa,isaga oo si taxadar-leh farta ugu fiiqaaya  hadba halka uu isleeyahay dhaliin iyo hagrasho ayaa ka jirta;waana mid lagu yaqaano Abwaanada iyagu sida toolmoon had iyo goor ula socda bulshadoodu halka ay hadba ka liidato.
Maansadan waxaa tiriyay Abwaan Yusuf Roobleh Xirsi (Sandoon) .Abwaanku waxa uu si kooban oo hal abuurnimo ku dheehan tahay  maansadan kula talinayaa Madaxda iyo hogamiyayaasha dalka,isaga oo hadba tilmaamaaya halka uu isleeyahay in wax la dhiso ayay ku haboon tahay,kana digaaya in ay madaxdu noqoto, kuwo iyagu dadka ka shaqaysta,balse aan u shaqaynin.
Waxaanu yidhi Abwaanku:


  • Adduunka dhibkiisa
  • Dhacdooyinka daadsan
  • Dharaaraha qaarba
  • Dersay dhigayaane
  • Dhulaan biyo oollin
  • Dhallaan ku harraaday
  • Ninbaa beri dhaami
  • Nin awr ugu dhiibey.
  • Markuu la dhaqaaqay
  • Dhabbaa kula daalay
  • Ayuu dhexda seexday
  • Awrkii dhacan oo lun
  • Dhurwaana cun mooyi.
  • Dhiggiisa waxaa ah
  • Dharaarta codaynta
  • Dhawaaqiyo sawt'ka
  • Ninkii lagu dhoobay
  • Nicmaa dhalanaysa
  • Masuulka ku dhaartay
  • Inuu dhimrinaayo
  • Dalkiisa dhisaayo
  • Dhaqaale sameeyo
  • Sinnaan ku dhaqmaayo
  • Dadkiisa dhammaanba
  • Wanaag dhaxalsiiyo
  • Markuu dharab kayn leh
  • Dhexdeeda ka toosay
  • Dhawaaqa baxaaya
  • Hayayda dhacaysa
  • Dhaliilaha muuqday
  • Dhibaatada taagan
  • Hadduu dhugan waayey
  • Dhegaa ka furaystay
  • Dadduu ka dhaqaaqay
  • Bulshooy dhaqan beeldheh.
  • Dhallinta habawday
  • Shisheeye dhulkiisa
  • Dhalaal uga muuqday
  • Intuu u dheg taagay
  • Tahriib u dhaqaaqay
  • Dhulkooda ka yaacay
  • Badaa ku dhammaaday
  • Masuul dhugan waayey
  • Ba'ayda dhacaysa
  • Dhegaa ka furaystay
  • Bulshooy dhaqan beeldheh.
  • Miskiin dhinac jiifa
  • Dhibkiisu u muuqdo
  • Intuu u dhawaado
  • Masuul dhuganwaayey
  • Jalkiina la dhaafay
  • Markuu dhimanaayo
  • Dhafoorrada taabtay
  • Bulshooy dhaqan beeldheh.
  • Dhirteenna magooshay
  • Dhillowyahan-keeda
  • Caleenta ku dheehan
  • Bur dhuub iyo doogleh
  • Dabkuu dhejinaayo
  • Nimaanay dhibayni
  • Masuul dhuganwaayey
  • Bulshooy dhaqan beeldheh.
  • Dhambaalka warkaygu
  • Dhabtuu ka hadlaaye
  • Xumaan ha u dheehan
  • Samaanta ka dheego
  • Dheel dheel talo seegga
  • Jidkuu Dhahar eeday
  • Dhabbii dib u raaca
  • Ku dheel ummad maaha.
  • Dhashaada cun maaha.
  • Badh jeelka dhig maaha.
  • Dhurwaa noqo maaha.
  • Lafaa dhilo maaha.
  • Bukaan dhakhtar jiifa
  • Jalkooda dhan maaha.
  • Dhammaan ummaddiina
  • Hantida ka dhaxaysa
  • Dhaqaalaha booba
  • Dhacoo gurta maaha.
  • Dadkoo dhaxan jiifa
  • Dhagxaanta ku seexda
  • Sardheer dhiso maaha.
  • Hurdada dhacadiidsi
  • Dhakool keli maaha.
  • Masuul dhaban daade
  • Tolkiisa dhawayste
  • Qabiilo ku dhuunte
  • Dhankiisa ka hooste
  • Lugtuu dhudhub haysto
  • Dhiraan-dhiriskeedu
  • Ku soo dhufo maaha.
  • Dhammaw calankeenna
  • Raggii dhicinaayey
  • Kanay u dhinteene
  • Ha dheeliyo maaha.
Waxaa tiriyay Abaanka wayn ee Somaliyeed .Yusuf Roobleh Xirsi (Sandoon)