Wednesday, 24 May 2017

  • Waagii Dalka lagu soo noqday ayaan siyaaro ku maray jajabkii iyo raggii halgankii ku naafoobey iyagoo meel dooxa qarkiisa ah hangar weyn jiifjiifa wuxuu ahaa muqaal aad looga naxo iyagoon wax daryeela haysan tixdan ayaan ka idhi.
  1. belo usoo jooge
  2. .jaallihii markuu ina jaree
  3. dilayey jaandheerta
  4. .ninkii juuq yidhaahdaba markii
  5. jeelka lagu tuuray
  6. .jidhdilkiyo naftoo layska jaro
  7. jiidashada maydka
  8. .jumladaa xabaalaa markay
  9. cagaf ku jiidaysay
  10. .dhabar jabinta iyo ciidankii
  11. laga jalaadaayey
  12. .jananadi tadhahay wiilashii
  13. jiifka uga dhaartay
  14. .jarmaadaa aroortii raggii
  15. jeelasha u daatay
  16. .raggii jariyo buuraa jafee
  17. raadka daba joogey
  18. .raggii shalay jidiinkoo qalalan
  19. wada jibboonaayey
  20. .jiiftaanka daalkaleh raggii
  21. weerar kala jiidey
  22. .raggii aan dagaal laysku jaray
  23. dib uga soo jeesan
  24. .raggii calanka soo joojiyee
  25. faqash kasoo jiidey
  26. .jiritaanka Somaliland
  27. bay u jabayeene
  28. .jalka kama helaan nationkay
  29. dhamac u jiidheene
  30. .intii aan jihaadkii ku dhiman
  31. nolol wixii jooga
  32. .jajabkii ka hadhay baan arkoon
  33. cidi jalleecayne
  34. .Togga Herer badhbaa jooga oo
  35. dooxa jiifsada'e
  36. .waaxyaha kuwii laga jaraa
  37. jiitankii qaba'e
  38. .raggii jiibka lala beegsaduu
  39. jeexay bedenkooda
  40. .jeeraradii baa ku taal
  41. jiidhay berigiiye
  42. .jeenyaha raggii laga jaraan
  43. cidi u juuqaybe
  44. .araggaad kasii jeesataa
  45. jimidh yaraantoode
  46. .jabaqdiyo jugtii weli madfaca
  47. may xusuus jarine
  48. .jirrab haysta awgii ayey
  49. weli jibaadaane
  50. .yaa ka jeebi xabadii ragbay
  51. weli dhex jiifaane.